Home » Warar »

Video: Xasuuqii Boorame ee 1984

Sanadguuradii 26 aad ee Duqayntii Diyaaradaha Xabashida ee magaalada Borama…

Janaayo 30, 1984 weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka….

Video ay xilligaas duubtay wakaaladdii wararka ee SONA, iyo codka Axmed Siciid Cige Ka daawo Halkan… GUJI….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Video: Xasuuqii Boorame ee 1984 "

  1. Ali Hawar says:

    Asalaamu Calaykum

    Waa arin aan marnaba la ilaawi karin, Xasuuqii loo gaystey shacabkii ku dhaqnaa magalaada Borame,1984,Waxaase iyana ayaan daro ah maanta in in aan Soomaaliya ayna ahayn wadan jira, oo cadawgii dhacdadan fuliyey weli gumaad ka wado, ayna ka taliyaan wadanka intiisii badneyd si indirect ah.

    Eebe Soomali ha midayo, Cadowgoodana Eeba ha jebiyo.

    Salaams
    Ali

  2. cabdul says:

    salamu caleykum hadaanan qiimeyn dadkeena cid qiimeyneysa ma leh waa taariikh foolxun xsauuqii borama 26 sano ka hor ka dhacay mana iloobi krno iloobinq meeyno iinsha allah koleey waaa saiiro ahlu jano ah aloow meesha ay maanta joogaan oo janadaadii ah noo dambeysii iskuna kaaya tus amiin qoysaskii ay ka dhasheena samir buuxa allaha ka iiyo aamiin

  3. Abdrisak says:

    marka hore waan idin salaamayaa marka xiga aad iyo aad baan uga xumahay dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday Boorame 1984, waana u tacsiyadaynayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadii halkaas xasuuqu ku helay waxaana leeyahay ilaahay janadii ha ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin

  4. Somali4Ever says:

    Allaah ha naxariistu dadkii xaqadarada lagu dilay, kuwii dilayna Allaah ayaa la xisaabtami doonaa, marba haddii duni-joogtadii maanta awood la’aan iyo qaxooti wada yihiin. Dhacdadani xannuunka badan, waxay tusaale u tahay sababta reer Boorama gooni-goosadka u diideen, horseed u ah Soomaalinimo iyo midnimo, markii laga reebo inta fara-ku-tiriska ah.

  5. run ahanti anigoo ku hadlaya magaca dhalinyara, aad ayaan uga xunnahay waxa halkaas ka dhacay, oo ahayd arrin foolxun, teda kale, waxan tacsi u dirayaa ehelada ay cidi wax kaga gaartay halkaas,
    mahadsanidin