Home » Warar »

Qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka DFKMG oo ka soo horjeedsaday in Xilligaan lacago laga soo sameeyo dalka dibadiisa

Maalmihii la soo dhafay ayaa waxaa jirey loolan lacag sameyn ah oo uu ka waday dalka Suudaan wasiirka maaliyada dowlada FDKG Somalia Shariif Xasan Sheekh Adan oo la sheegay inuu heshis lacag sameyn ah la galay dowlada Suudaan .

Inta aanan u galin xildhibaanada warkooda oo cad ayaa hadana waxaa jira arin kale oo dhabar jab weyn ku noqoneysa wasiirka doonistiisa in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu si cad uga hor yimid qorshaha Dowladda KMG ku dooneyso in ay lacago cusub oo shilin Soomaali ku soo daabato, kaasoo qaban qaabadeeda ka socoto dalka Sudan.

“Ma ahan in xilligan la isku mashquuliyo sameynta lacago cusub, run ahaantii lacag cusub in dalka lagu baahiyo, waxay u baahan tahay in laga fikiro, maxaa yeelay dowladdu haatan gacanta kuma heyso dalka oo dhan” ayuu yiri Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali.

“Marki dowladii dhexe bur burtay waxaa dadka Soomaaliya kaalin weyn u galay shirkadaha lacagaha kala gudbiya, waxaa kaloo ay ku sharfan yihiin howlaha ay u haayan hay’daha samafalka, qaab ay dadka Somaaliyeed ugu gudbiyaan lacagahu waxay waafaqsan yihiin sharciyada lacageed ay bangiyada aduunku u gudbiyaan hantida”ayuu yiri Bashir Ciise Cali.

Waxaa uu sheegay in Shirkadaha Xawaaladaha ay u aqoonsan yihiin kaalinta ay ugu jiraan shirkadaha lacagaha kala gudbiya ee loo yaqaan (Money Transfer), isagoo ku amaanay wax qabadkooda, waxaana uu soo qaatay in xataa Dowladda ay adeegsato sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay hayaan wax qabad aanay jirin dowlad Soomaali oo qaban karta, xataa anagu dowlad ahaan waan adeegsanaa, waxa ay ka soo qaadaan lacag oday, gabar ama will eheladiisa u diraya masruuf, ijaar, lacag daawo iyo wax kaloo badan ee nolosha shacab dagaal ku qasbay in ay ku dhex noolaadan muddo ka badan 20 sano oo dalka nidaam la’aan ku jiray”ayuu yiri Bashiir Ciise Cali

Xildhibaan cabdi cabdulle saciid ( jiniboqor ) ayaa isna gudoomiyaha bangiga dhexe la qaba fikir ah in aan xiligaan ku habooneyn in lacago la soo sameysto wuxuuna ku tilmaamaya in arintaasi ay thaay mid sharci daro ah oo aan la aqabali Karin wuxuuna intaa ku darey jinni boqor hadiiba ay dowladu lacago soo sameysaneyso in la soo marsiiyo labada gole golaha barlamanka iyo golaha wasiirada oo cod loo qaado . Waxaa laga wada doodi lahaa nashaqada loo sameynayo lacagtaa ,waxyaabaha ay ka kooban tahay ,si loo sharciyeeyo dhanka kalana wuxuu tilmaamay xildhibaanku in ay tahay lacagta uu soo sameysanayo wasiirka maliyada Sharif Xasan Sheekh Adan ee dowlada FDKMG mid isaga u gar ah lana doonayo in sacir barar loga sameeyo suuqyada dalka somaliya oo markii hore dhaqaale xumo la licayey .

“wasiirka maaliyada oo kaliye hadaan ka soo qaado lacag la yiri waxaa lagu sameynayaa 17 milyan oo doolar oo dalka Suudaan laga qaaday oo kaligii ku tala baxay oo aan lala ogeyn lacagtu nooca ay tahay boqol boqolmiyaa ,kun kun miya ,waxaa la leeyahay konton konton kun ayuu ku soo darey ,shan shan buu ku soo darey ,tobon tobon (kun) buu ku soo daray ,waana kaligii isaga ayaa sii socdo marna soo socdo ,lacagta nooceeda midabk ay leedahay ,ma cagaarbaa ,ma blugbaa,lacagta gudaheeda maxaa lagu shubay ,maxaa ku sawiran ,ma xoolaa ku sawiran ,ma gabdhaa ku sawiran , ma wabiyaa ku sawiran ,maxay tahay lacagtu waxaas oo dhan yaa la qorsheeyey oo la og…“

Intaa oo arimood waxaa la rebey in labada gole la horgeeyo oo ama ka diido ama la sharciyeeyo ayuu sii racaiyey xildhibaan cabdi cabdulle Saciid Jini boqor oo ka mid ah xildhibaanada barlamanka dowlada FDKM somaliya .

Xildhibaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyey soo sameysashada lacago gaar ah iyo dhibaatada ay keeni karto hadii diyaarado lagu soo daabulo ee suuqa bakaaraha wixii shilimad ah ee yaal lagaga badasho oo uu doolarku samadaa maro in taa ka dib ku macneyey in kiishki burka ama bariiska ahaa uu sadax u jiraarmo oo koob biyo ah uu noqdo 10 kun shilin Somali ah .

Xildhibaanka ayaa sheegay in arintaan ay ka danbeyso ka dib markii xildhibaanada barlamanka ay intooda badan xilkoodii gudan waayeen wuxuuna sheegay in ay dalka dibadiisa ku maqan yihiin isaga oo sheegay in arintaan oo kale hadii ay timaado in ay la xisaabtamaan shaqsigii sameeyey .

“barlamaanku hada shaqo badan ma qabto waxaana meesha ka baxday kontroolkiisa shaqdiisiina waxay aheyd in uu ogaado arimaha dalka ka dhacay si joogto ahna ula socdo arintaana waxaa sababay xamar nabada ka jirta sid ay tahay xildhibaaanduna waa dad tiro badan, qoloda mucaaradka ah xildhibaanada murtidiin ayey ku xukmiyeen xildhibaanaduna sidaa ayey ka carareen intooda badan waxana Muqdisho lagu dilay qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada marka meesha markii lagu daalay ayey dalka dibadiisa nasasho u tageen halka qaarnoodna ay reerahoodii la joogaan qoloba si ayey ku timid “

Hadalka ka yeeray mudanaha barlamanka dowlada FKMG Soomaaliya ayaa imanaya ka dib markii wasiirka maaliyada Shariif Xasan Sh. Adan uu heshiis lacago loogu sameynayo dowlada FKMG la galay dalka Suudaan taas oo sida lasheegay in aan la horgeyn lagana ansixin laba gole ee DFKMG (Wasiiro & baarlamaan) iyo madaxweyne Sheekh Shariif.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Sawirka lacagta: 10-ka cent: http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_shilling

Watch live streaming video from somalitalk at livestream.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamanka DFKMG oo ka soo horjeedsaday in Xilligaan lacago laga soo sameeyo dalka dibadiisa "

  1. Xassan Yare says:

    Arrintani uu sameystay wasiirka maaliyadda Shariif Xassan Shekh Aadan wa mid aad halis u ah. Waxaa fiican in loo dhaba galo sababta ku kaliftay in kaligiis uu arrintan sameysto.
    Horay waxaan u ognahay tii uu ku kacay raisul wasaarihii hore Geedi oo jeebka ku shubtay lacagtii caawimaada ee qaranka…..

    Hadda Shariif Xassan ma markiisuu rabaa in uu lacag uu soo daabacday asagoo jeebka ku wata in uu suuqa uga badasho xoogaagii xawaaladaha aay soo gudbinayeen illeen dhaqaale kale ma jiree ..
    Waxaa su-aal ah sideebuu damacsanyahay in uu lacagtaas uga dhaadhiciyo in laga isticmaalo gobolada:-SOMALI -LAND,
    PUNT-LAND, GEDO-LAND, GALMUDUG-LAND, SHABAAB-LAND IYO inta soo socota oo sii kala furfurmaya?
    Jilaafooyinka Qarankaan Soomaaliyeed ku dhacaya waa fara badanyihiin , tanina kuwaas ayeey la socotaa ee halla yaabina.