Home » Warar »

Saaka iyo Muqdisho oo laga dareemayo barkac, meyd duugis , ispitaal geyn dadkii shalay ku dhawacmay madaafiicda iyo arimo kale

Guri ku yaal saldhiga bolice-ka ee dagmada yaaqshiid ayaa la soo sheegayaa in madfac ku dhacay uu ku dilay 4 qof daqiiqado ka dibna lagu soo celiyey kaas oo isna dilay 9 ka mid ah ahaa dadkii u soo gurmaday reerka uu madfacu ku habsaday oo isugu jiray rag iyo haween waxaa kale oo uu geystay dhawaca ku dhawaad 20 oo kale

Duqeymahaan ayaa ka imanayesay fadhiisimada ay dagan yihiin Ciidamada AMISOM iyo cidamda Dowlada fadaraalka KMG somaliya kuwaas oo difaacayey ama jawaab ka bixinayey markab hub iyo saanad milatari u sida dowlada iyo ciidamda AMISOM oo dekada caalamiga ah ee Muqdisho ku xiran waxaana la filayaa in duqeymahaan sidooda u socon doonaan inta markabaasi uu dakada ka furan doono .


Jimce 8, 2010: Iyada oo  habeenadii la soo dhaafay Muqdisho ay ku dhacayeen duqeymo ,gantaalo iyo madaafiic kuwaas oo ciidamadii ridayey aan la oron ka daaya ayaa xaalada saaka u muuqataa mid dagan mana jiraan wax dhawaaq risaas ah ama madfac iyo hoobiye ah.

Madaficdii shalay ayaa ku hoobanaysay xaafadaha tookiyo ,arjantiin,sanca,suuq bacaad , juungal, cabdicasis , boondheer, wardhiigley,iyo shibis

Malaagalada Muqdisho waxaa hareeyey dadka ay soo gaareyso waxyeeladu maalin kasta kuwas oo aan laheyn cid ay u dacwoodaan alle mooyee iyada oo sababo badan loo tirinayo

Muqdisho saaka waxaa laga dareemayaa xoogaa dagnaansho aan caga adag ku taagneyn ka dib dagaalo iyo duqemo culus oo shalay ku dhacay xaafadaha qaarkood sida yaaqshiid ,cabdicasiis,kaaraan ,wardhiigley iyo boondheere oo ahaa xaafado qadiimi ah waxaana ay duqeymahaasi geysteen dhimashada ilaa in ka badan 20 qof oo dadka degaanka ah iyo dhawaca 70 qof garaya .

Xaafadihii shalay damaafiicdu boorka ay ka kicisay ayaa bilaabay dadkii fara ku tiriska ahaa ee guryahooda in jiingada laga fiiqdo ka ilaashanayey in ay ka barakacaan si ay naftooda u badbaadsadaan waxaana ay sheegeen in ay ka anfariireen dhawaca iyo waxyeelada madaafiicdii shalay lagu asqeysiisay oo weli ay sheegen in ay dhagahooda ka siiyeereyso waxayna sheegeen markiiba ay soo dhacaysay tiro madaafiic ah oo ka koobnaa BM ,hoobiye ,kaare,B10 iyo kuwo kale oo dhawaqoodu ku cusbaa dhagaha dadka reer Muqdisho .

Dadka deegaanka ayaa saaka bilaabay in ay isaga hayaamaan guryahooda waxayna kuu shegayaan in aysan garaneyn meel ay u socdaan oo loogu soo hagaago waxaana jira dadka kale oo ku mashquulsan aasida meydadka faraha badan ee shalay madaaficdu guryahooda ku leysay iyada oo ay jiraan dhawacyo la geeyey ispitalada qaarkood iyo kuwa kale oo manta la filayo in la geeyo

Guri ku yaal saldhiga bolice-ka ee dagmad ayaaqshiid ayaa la soo sheegayaa in madfac ku dhacay uu ku dilay 4 qof daqiiqado ka dibna lagu soo celiyey kaas oo isna dilay 9 ka mid ah ahaa dadkii u soo gurmaday reerka uu madfacu ku habsaday oo isugu jiray rag iyo haween waxaa kale oo uu geystay dhawaca ku dhawaad 20 oo kale

Xaafadaan ayaa horey dadkii u daganaa isaga hayaameen marka laga reebo dad yar oo aan awoodin in ay gurguuraan iyo kuwo kale oo ilaalinayey guryaha laga barakacay .

Duqeymahaan ayaa ka imanayesay fadhiisimada ay dagan yihiin Ciidamad aAMISOM iyo cidamda Dowlada fadaraalka KMG somaliya kuwaas oo difaacayey ama jawaab ka bixinayey markab hub iyo saanad milatari u sida dowlada iyo ciidamda AMISOM oo dekada caalamiga ah ee Muqdisho ku xiran waxaana la filayaa in duqeymahaan sidooda u socon doonaan inta markabaasi uu dakada ka furan doono .

Dhamaan goobihii duqeymaha ka dhacayeen waxaa si gurmad u fidinayey gawaariga gargarka deg deg ah ee ay leedahay shirkad aisgaarsiinta ee Nationlink waxeyna sheegeen in ay xaafadaas ka daabuleen in ka badan 70 qof oo qabto dhawacyo kala duwan

Muqdisho waxaa caado ka noqotay in la duqeeyo subaxda hore ama galinka danbe maalin kasta dadna ay ku dhintaan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan mana jirto cid ka dhiididay arintaan ama isu tagtay in ay xal ka galayso sababta keenta arintaan.

Duqeymo aan loo meel dayin oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo gilgilay qeybo ka tirsan Muqdisho

Isdhaafsiga madaafiicda iyo hooobiyayaasha  oo weli ka socda Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka danbeyey bixitaankii Ciidamada Ethiopia iyo iscasiladii madaxweyne cabdulahi Yuusuf Axmed oo loo malaynayey hadii ay dhacaan in dhibku ka joogsan doono Guud ahaan dalka Somaliya Gaar ahaana magaalada Muqdisho ayaa duqeymihii ugu danbeeyey maanta (Jan 7, 2010) waxay socdeen ilaa 4 saacadood oo xiriir ah .

Wararka ka soo baxayo duqeymahaan oo ahaa kuwo dhawaaqoodu uu si rasmi ah ugu dhacayey dhamaan dhagaha dadka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafdaha waqooyi oo ahaa bartilmaameedka galinkii danbe ee Khamiistii uu shiishku sarnaa ayaa ahaa mid sababatay  dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo madaafiicdu ugu tagtay guryahooda .

Duqeymaha ayaa si toos ah waxaa ay ugu hoobanayeen xaafadaha yaaqshiid ,kaaraan iyo huriwaa waxayna salfadeen nolosha in ka badan 15 qof inta la ogyahay waxaana dhawaca la shegayaa in uu ka badan yahay ilaa 30  qof oo dadka deegaanka ku harey ah kuwaas oo guryahoda ilaashanayey .

Madaafiicdaan ayaa ka soo dhacaysay fadhiisimada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada faradaalka KMG somaliya ku leeyihiin qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ,lama ogo sababta dhabta ah ee ka danbeysay in ay ciidamadaan ay duqeymaha u la eegteen xaafadaha ay dagan yihiin dadka rayidka ah .

Dad goojoogayaal ah ayaa tilmaamay ilaa in ka badan 50 madfac in ay ku so dhaceen dagmoyinka Waqooyiga Muqdisho .

Madaafiicdaan ayaa la sheegay in ay eheyd tii ugu badneyd abid oo mar kale lagu rusheeyo dagmo ka mid ah kuwa Muqdisho ,guri ku yaal agagaarka saldhiga bolice ka ee dagmada yaaqshid oo uu ku dhacay hoobiye ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof isla markaana waxaa dhawac ka soo garay 8 kale iyada oo ay jiraan goobo kale oo ay dad ku dhinteen waxaana madafiicdu aheyd kuwa garayey goobo fogfog lamina wada oga qasaraha ay geysteen gantaalaha ay ridayaan ciidadam Dowlada iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya waxaana bartilmaamedka uu ahaa dagaanka sii sii iyo ilaa xaafda tookiyo .arjantiin iyo yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho Gobolka banadir

Sawir hore (Muqdisho) – Isha: Wikimidea

Duqeymahaan ayaa iskood u joogsaday gabaldhicii waxaana ay dib u bilaaban karaan waqti kasta mana jiraan wax waanwaan ah oo ka dhaxsocoto dhinacyada isku  haaya talada Magaalada Muqisho iyo guud ahaa dalka somaliya .
    

meydadka dhalinyarada lagu arko wadoyinka oo muqdisho ku soo badananaya

Arintaan ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u tahay dhibatooyinka is daba jooga ah ee soo gara dhalinyadda manta waxaana soo badanaya waxyeelada ay dadka intiisa kale u geysanayaa iyo tan iyaga loo geysanayo hadaba saaka ayaa waxaa lagu soo xoomay wiil dhalinyaro ah oo ay jirkiisa ka muuqdaan rasaas badan oo lagu dilay .

Meydka qofkaan oo aan la aqoonsan ayaa saaka lagu arkay dagmada wadajiree gobolka banadir waxaana loo maleynayaa in xalay la soo dhigay halka uu yaal oo ah agagaarka saldhiga booliska oo aan aheyn goobtii lagu dilay sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo saxaafadu la hadashay saaka .

Meydka ninkaan oo aan weli la aqoonsan ayaa hada aan la oegyn cida dishay iyo weliba sababata dilkiisa ka danbeysay ayaa waxaa qaarkiisa sare lagu arkayey rasaas shaandho looga dhigay taas oo goobo badan raadad ku reebtay .

Dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyey dilalka lagula kacayo dhalinyaada soo koreyso waxaana arintaa eedeeda dusha looga tuuray maqnanshaha sharciga iyo kala danbeynta iyo iyada oo aan laheyn meel lagukala baxo cidii wax uun isku qabata goobaha ay dowladu gacanta ku heyso oo ka dilal badan halka ay mucaaradku gacanta ku hayan .

Si kastaba arintu ha ahaatee meydka ayaa maro lagu daday dadkuna wax ay shegaan ma garanayaan asbuucaan gudhiisa ayey eheyd markii qarax bambaano lala eegtay dhaliyaro cayaartoy u bedneyd gob ay ku kulansanaayeen taas oo sababtay dhimashada laba ruux halka dhawacuna uu garayey ilaa 3 kale .

Qeybaha kale ee magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqata mid dagan mana jiraan wax iska horimaadyo ah marka laga reebo duqeymo iyo iska horimaad mudo kooban ku dhaxmaray ciidamda dowlad iyo xoogaga ka soo horjedo Excontrolka afgooye qaraxyada iyo madaafiicda la isku weydaarsanayey halkaa ayaa si toos ah looga maqlayey goobaha dadkii muqisho intooda badan ay ka soo kala haan ee ceelsha biyahay taas oo rajo beel ka dhigaysa dadkii doonayey in guryahooda ay dib ugu soo laabtaan waqtiyada soo socdo .

Iska horimaadka xalay ayaan la ogeyn qasaraha uu geysta inta uu la egyahay dhinacyadii ku dagaalmayey ayaa weli wax war ah ka soo saarin mana jiraan wararkale oo madaxbanaan oo ka soo baxaya dagaalkii xalay .

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Saaka iyo Muqdisho oo laga dareemayo barkac, meyd duugis , ispitaal geyn dadkii shalay ku dhawacmay madaafiicda iyo arimo kale "

  1. jama yare says:

    Ilaahey dhibaatada somali ha ka qaado meelkasta ay joogto Aamin, waa run xamar caro ilaahay baa ku dhacday dad birmagayda aha ayaa lagu gumaaday hantidoodiina 20 sano kadib wali xaqdaro lagu haystaa qolyaha meesha sheegtayna aysan ka toobad keenin..qofkii raba inuu wax yar ka arko dhibtii loo gaystay dad somaliyeed ha daawado cajilada la magac baxday MASHRUUCA MUGAAMBI youtubeka ayaa ka heli kartaa.

  2. Mohamed says:

    Waa nasiib darro, in qolo kastaa ay shacabka ku shidato dabkeda. mar ahddi ay garaaceen, maxy ugu ceiliyeen> amxayse markii hore u garaaceen? meel dad aan hubeysneyn oo shacab ah degnayahay!!

    Amisom haidi ay dhab ka tahay waxtarka toos ha u abaarto qolooyinka hubeysan. kuwa kalena hadia y waxtar leeyihiin heshiis iyo wada hadal diyaar ha u noqdeen.

    FG.reerkeyga aa degan nawaaviga dhibka ka dhacay. ilaahay ha u anxariisto dariskii iyo dadkii ku nafwaayay. waxaa ka mid ahaa nin macalin ahaa o ahlu diin ahaa da’na ah. waxay ila tahay in uusan ku fikirin wlaigiis in gurigiisa madfac ugu imaanaayo, bals enin xamar joogo waxaa aragtay kuu laaban!!!

  3. abdulahi says:

    siixiibayaal muqdisho cuqubo ay gashay baa laga jarayaa iyo in dadka masaakiintaa lagu laayo.mida kale dadka reer muqdisho waa iyagii dhihi jiray abdullahi yuusuf baan nalaynaya oo aar goosi doon ah hada yaa aargoosi doon ah.aaway nabadii nuur cade sheegijiray.aaway nuur cade maxaa uu uga aamunsanyahay mashaqadaan.