Home » Warar »

Tobanka Jaamacadood ee ugu horeeya Jaamacadaha Soomaaliyeed

Qiyaas ay sameeyeen websiteyo caalami ah ayaa sheegay tobanka Jaamacadood ee ugu horeeya Jaamacadaha Soomaaliyeed. 

Warbixintaas oo cinwaankeedu ahaa “Top Colleges and Universities in Somalia” waxaa lagu faafiyey shabakadda 4ICU “International Colleges and Universities” taas oo, sida websitekooda ku cad,  waxay diiwaan geliyeen in ka badan 9000 Colleges iyo Universities oo lagu qiimeeyo nidaamka loo yaqaan xulashada sida websiteyada jaamacadaha loo booqdo, habka loo yaqaan (web popularity), jaamacadahaas oo ka kala tirsan 200 dal.

Qiyaaso kale oo la sameeyay ayaa tibaaxay in dhulka Soomaaliyeed ay xilligan ka jiraan qiyaastii in ka badan 30 isugu jira colleges iyo Jaamacado.

Hoos waxaa ku qoran 10-ka ugu caansan Jaamacadaha iyo  kolleejooyinka Soomaaliyeed iyo sida ay u kala horeeyaan liiska (2009 Web Popularity Ranking)  iyo Jaamacad kasta markii la asaasay iyo meesha ay ku taal.

1. Mogadishu University – MU (Founded in 1997) – Mogadishu
http://www.mogadishuuniversity.com/

2. Amoud University (Founded in 1998) – Borama
http://www.amouduniversity.net/

3. University of Hargeisa – UOH (Founded in 2000) Hargeysa
http://www.hargeisauniversity.net/

4. University of Burao (Founded in 2004) – Burco
http://www.buraouniversity.com/

5. Puntland State University – PSU (Founded in 2004) – Garowe
http://www.puntlandstateuniversity.com/

6. East Africa University of Bossaso – EAU (Founded in 1999) – Bosaso
http://www.eastafricauniversity.net/

7. Nugaal University – NU (Founded in 1999) – Laascaanood
http://www.nugaaluniversity.com/

8. Kismayo University – KU () – Kismaayo
http://www.kismayouniversity.com/

9. Benadir University – BU (Founded in 2002 ) – Mogadishu
http://www.benadiruniversity.net/

10. Plasma College of Health Science – PCHS (Founded in 2005) – Km4, Hodan,  Mogadishu
http://www.plasmacollege.com/

Liiska Jaamacadaha iyo Koleejooyinka Soomaaliyeed ka eeg http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_universities_in_Somalia

ISHA: http://www.4icu.org/so/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Tobanka Jaamacadood ee ugu horeeya Jaamacadaha Soomaaliyeed "

  1. Somalidu meel walba ay joogtoba waxa ku habsaday dagaal iyo dhibaato.
    Sida kalena waa laynaga caqli badiyey oo inagaa laysku keen jeediyey.
    waxbarashadu waa sida kaliya ee aan dhibaatada tiraanyada leh aan uga bixi lahayn .
    mar aan sii fogeyn ayaan waxaan dhegeystay Cumar Carte Qaalib oo ka hadlaya sidii ay umada somaliyeed ku ogaatay markii ingriisku siyey itoobiyo howd iyo reserve area.wuxuu yidhi anagoo secondary sheekh dhiganay ayaan waxaan mamulkii gumeysiga ingriiska ka codsanay in aan ku tago visit howd iyo reserve area.arinta waa nalaga aqbalay oo waxaa nala siyey gawaadhi markii anu dhulka tagnayna waxaan aragnay askar itoobiyana oo joogta.taasi way naga yaabisay.marka xigtana waxaanu soo ogaanay in aan wax schoola ahi dhulka ka jirin.markan ku soo noqonay hargeysa oo maagaalo madax u ahayd dhulkii ingiisku uu gumeysanayay waxaan warqad u qoray ninkii u gumeysiga u fidhiyey hargeysa.
    waxaan weydiinay in uu laba arin naga qanciyo.
    1-waxa ay askarta ethopianka ahi ee ku sugna dhulkaan tagnay ay ka qabanayey dhulka somalidu leedahay.
    2_makra xigta sida ay ku dhacday in aan wax schoolahi ka jirin dhulkaasi.
    wuxuu yiri ninkii gumeysiga ingriiska u fadhiyey mudo lix bilood ah ayuu nagu soo war celiyey oo uu yidhi waxaa jiry heeshiis ethopia iyo ingriisku gadheen 1942 kaasi oo ethopia lagu gudoon siyey dhulka somalida.

    wuxuu yiri ayaamo ayay dadku kaceen oo mudaharadeen laakiin waad garan karta dad ay aqoon badan lahayn reer miyi u badan inta ay kacdoonkooda ay arinta ku didan yihiin ay wadi karaan.

    gogol dhaca hadalkaygu waxa weye tabinadii uu gumeysigu dhigay 100 sano ka hor ayaan manta dhibtiisi malayna aan ka tax daro goaanada iyo ficilaada sababi kara in wadaka inta hadhayna laynaga wareejiyo indhaheeno shan ah.

    Aqoonta, waxbarashada iyo xikmadoo la isticmaalo waa sida keliya ee aan jiritaankeena ku suura gelin karo
    asalamu alaykum

  2. abdi yare says:

    Waaaw!!! I didn’t know there is a university in Kismayo. Because always kismayo is a war zone. anyway, thanks to the people who gethered this information. I real learned something from it. Good job guys keep it. One day I will go back to somalia (Insha Allah) and see these beautiful aniversities or I can be a teacher over there. thanks

    sincerely abdi yare.

  3. nuux says:

    uma maleenaayo waxaas ee 4ICU qortay waayo hada jaamacadaha dalka misa markii hore hadii aa ka hadlo markii hore moqdishuuniveristy iyo amouruniversity haa waa 1aad iyo 2 aad laakiin waqtigaan kuwa badan ayaa dadaal sameeyay waxaa isi dhihi lahaa hargeiza university iyo benadiruniversoity ayaa kowaad iyo laabaad ah

  4. maxamed says:

    waad mahadsantihiin akhyaarta jawaabaha is dhaafsaday. Haddii aan Caasha u saxo sida ay somalitalk u qoreen warka waa sida liisku u kala sareeyo ee bal akhri meesha kuma aysan dhehin waa kala fiican yihiin, marka caasha markaan markale akhriyey qoraalka kor ku qoran waxa ku xusan kelemeda web populariy sidaas waxaa qoray I4UC markaan ka eegay linkiga websitka, mase caasho waxaad diidan tahay tartanka in lagu galo waxbarashada. Kaba dhig in la yiraahdo waa kala horeeyaan maxaad taas ku diidey in Jaamacada Muqdisho loogu hor mariyo? .. Haddiisae aan dood kuu furo sidee adigu u kala hor marin lahayd haddii lagu yiraahdo hadda qiimay jaamacadaha Soomaaliya ka jira?

  5. Caasha says:

    Suleyman,

    Website wuxuu soo gudbiyay collegeyada iyo Jaamacadaha ugu caansan ee waddamada adduunka ka jira. Laakiin webka 4ICU “International Colleges and Universities” muusan oran sidaas ayay u kala sareeyaan ama u kala tayo badan yihiin. Waxay soo qoreen uun liiska Jaaamacadaha hadda la aqoonsan yahay ee Soomaaliyeed iyo waddamo kaleba. Somalitalk uun ba u leh sheekada sidaas bay u kala sareeyaan. Taa ka dib, waxaa mahad leh allihii suurtogaliyay in intaas oo Jaamacadood ay hadda waddanka ka shaqeeyaan Waqooyi ilaa Koofur. Aqoon La’aani waa iftiin la’aane…..!

  6. mohamed says:

    Asalaamu Caleykum wa Raxmatulaah.
    Aqoontu waa wax fiican. Qiimayntuna waa fiicantahay oo mid walbi meesha uu liiska kaga jiro ayoo arki, laakiinse duruufaha Soomaalia ka jira uma saamxayaan in ay jaamacahadeenu la baratamaan kuwa aduunka kale. diyaariyuhu sikastaba haku salayyee wuu dadaalay oo waa qof dhulkiisa wax lajecel, laakiinse waxaa maqan wax barashada ugu muhiimsan oo ah xalaqadaha masaajidda. Masaajdda hargeysa, boorame, lascaanood, xamar boosaaso, garoowe, galkacayo, baydhabo iyo kismaayo soo qiimayya mase iyagu reer soo qiimaysta malaha, wadaninimada soomaalitalk ha ku xidhnaato alla cabsi .
    Mohamed

  7. Isaac says:

    Asc.

    Waan idiin mahadcelinayaa Alle kadib shaqaalaha webka iyo inta suura galisay, intaa kadib waxaan dhaleeceyn u tabinayaa Suleymaan oo ka dhawaajiyay Cudur Soomaalida asiibay, “hadii ay qoreen Soomali waan doodi hadii ay qoreen qubaro aan somali aheyna waan aamusi” taasi badelkeeda waxaa kuu wacnaa in aad kala rogto oraahdaada ama aad qadariso Soomalida.
    waxaan kusoo koobi “Markaad dadkaada qadariso ayaa adigana lagu qadarin”.

    Mahadsanidiin.

    MVH: Mohamed Isaac.

  8. suleymaan says:

    bismillah.
    Assalamu calaykum.
    mar ka hore waa mahad Alle hadii intaas oo jaamacadood wadanka ka hirgashey. mida kale aan ku darsan lahaa ayaa waxey tahay tartiibka ama sida ay u kala sareeyaan ayaan dood ka qabaa ,waa hadii qof somali sameeyey xulashada ,hadii aqoonyahano aan somali u dhalan ay diyaariyeen waan iskaga qanceynaa!!!.