Home » Warar »

Ururka midowga Africa oo ansixiyey in ciidamo dheeraad ah loo diro dalka Somaliya .

Ka dib shir ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan wadamada midowga Africa oo ka dhacay dalka Ethioia magaalada Adis ababa ayaa go.aanadii laga soo saarey waxaa ka mid ah in dhaman la ansixiyey qodoabadii u shirgudoonku soo hordhigay oo ay ku jirto in ciidamo faraban loo soo diro gudaha dalka somaliya waxaana ugu cadcad wdamada ansixinta heshiikaan ugu horeeya dala Djibouti .

Ciidamdaan oo loogu talagaya in ay gacansiiyaan dowlada fadaraalka KMG somaliya guud ahaa xaga badda ,dhulka iyo cirkaba waxaana qalinka ku wada duugay madax u badan wasiiro oo africaan ah oo dhamantood ku bahoobay ururka midowga Africa oo fadhigiisu yahay Magaalada Adis Ababa ee xarunta u ah dalka Ethiopia .

Wadamadii ka qeybgalay shirkii 29kii bishaan ka dhacay dalka Ethiopia ayaa waxaa ay isku raaceen in ay ka qeybqaataan in ay tababarada xaga cirka iyo badda siiyaan ciidadma dowlada fadaraalka MKG somaliya .
Wadamadaan ayaa intii aysan cidamada soo dirin ka hor walaac xoogan ka muujiyey dhibaatooyinka ku soo baddanaya biyaha dalka somaliya oo ay dhex ceegaagaan maraakiib fara badan oo madaxfurasho loo heysto waxaana maalin kasta ha lama laba lag qabsadaa Gacanka cadmed ,Badweynta hindiya ilaa jasirada siishalis iyo goobo ka baxsan biyaha somaliya .

Madaxa amaanka iyo nabad galyada ee ururka midowga Africa ayaa waxaa uu fadhiga kaga warbixyey dhibaartooyinka ay burcad badeedu ku heyso maraakiibta isaga gooshta calamka isaga oo xooga dowlada ka soo horjeedana ku tilmamay in ay horumarka dowlada caqabad ku yihiin oo aanay waxba qaban Karin hadii aynay helin ciidamada ka yimaada wadamada Africa .

Madaxa amaanka iyo nabad galyada ee ururka midowga Africa ayaa intaa ku daray in ay jiraan wadamo Africaan ah oo doonaya in ay ku soo biiraan kuwa haatan ku sugan gudaha dalka Somaliya oo dadka qaarkii ay ku tilmaamaan nabad ilaaliyayaal aan wax nabad ah heysanin ,waxaa kale oo uu shaca ka qaaday in dalka Djibouti uu haatan diyaar la yahay ciidamo dheeri ah oo howlgali doono gudaha dalka somaliya si buu yiri dib loogu soo celiyo manaka iyo kala danbeynta .Mr lambaara ayaa madasha shirka ka sheegay in uu ku faraxsan yahay in ciidamada AMISOM ay heystaan ciidamo ku filan kuwaas oo ay u soo dirayaan dalka Somaliya .

mau
Madaxa amaanka iyo nabad galyada ee ururka midowga Africa ayaa dhanka kale shegay in ay u sameynayaa tababaro kala duwan cidiamada faraha badan oo ay leedahay dowlada KMG Somaliya isaga oo soo hadal qaaday taageerada buuxda ee uu u haayo ururka midowga Africa dowlada faradaalka KMG Somaliya iyo sida uu ugu hanweyn yahay in uu siido tababar xaga milatriga ah .

Ururka midowga Africa ayaa si wada jir ah isugu racay in dhinacyada difca cirka laga dhigo talaabada ugu horeysa ee ay ururkoodu qaadayo .

Dhanka qarashka ayey sheegeen in lacago badan oo ka mid ahaa lacagihii ay dunidu ugu yaboohday ay gaareysay 204 milyan oo doolar waxaan uu qirey in 80 milyan oo dooalr uu soo garey ururka midowga Africa waxaana inta ka dhiman laga sugayaa dalalka deeqaha bixiya wuxuuna ugu danbeyntii ururku beesha calamka ka codsaday in lacagaahaas sida ugu dhaqsiyahay badan oo loo gaarsiiyo si ay ugu fushadaan waajibaakooda nabad ku soo dabaalida dalka Somaliya ah .

ciidamada AMISOM ayaa taahan shaqoyinka ay qabtaan tahay ilalainta garoonka iyodakada iyo in ay madaxda dowlada ugu sareyso ilaaliyaan gawaarida gaashamana ay ku qaadaaan goorta ay dhoofayaan ama so dagayaaan .

Arintaa ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xili ciidamada AMISOM oo aan 8 bilood waxmushaara ah la siin iminka laga qaaday cuna qabatayntii xaga mushaaradka aheyd sidaa darted ay wadamo badan oo qaarkood loo arko in ay yihiin dhaqaale doon ay hada isku soo dareen liiska wadamada ciidamada ku yaboohayo howlaha nabad ilalineyd ee ka socdo gudaha dalka somaliya waxaana ka mid ah wadamada malaawi .tanzaniya iyo Djibouti

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka midowga Africa oo ansixiyey in ciidamo dheeraad ah loo diro dalka Somaliya . "

  1. Ahmed Abdi Osmaan says:

    I am congratulating for your good work with Somali people who are savering all over the world.
    where this site is located and who was foundered?