Home » Maqaallo »

Xaalada Dhabta ah ee kajirta magaalada Galkacyo iyo Cidda xalkeeda leh:-

Xaalada Dhabta ah ee kajirta magaalada Galkacyo iyo Cidda xalkeeda leh:-

 

Galkacyo waa magaalo weyn oo soomaliyeed hadana kutaal bartamaha Somaliya halkaas oo kulmisa dhamaan umada Soomaliyeed ahna xarunta ganacsiga guud ee somaliya lagula kala wareego Ganacsiga, hadaba sida aan maqaaladeydii hore aan kaga hadlay waxaa magaalada galkacyo kadhacay dagaal beeleed 1991-1993 khasaaro badana geystey, waxaa ilaah mahadiis ah in xiligaas dagaalku uu dhacay ay u istaageen xalintiisa Beelaha walaalahaa ee ku dagaalamay xiligaas gaareyna heshiish taariikhi ah marka ay saxiixeen labadii hugaamiye ee ugu tunka weynaa xiligaas ee ah Col, Abdilahi Yusuf Axmed, iyo General Mohamed Farax Caydiid, Heshiiskaas oo dhacay 1993

hadii aan kasoo qaato labadii qodob ee ugu weynaa uguna muhiimsanaa waxay kala ahaayeen:’

1- In magaalada lawada dago cid gaar u lehna aysan jirin magaalada beelihii kudagaalamayna ay yihiin walaalo aan marna kala maarmi karin.

2- In aysan magaalada dib danbe uga dhicin dagaalo iyo rabshado kicinkara dagaal dhiig badan ku daato ayna qolo walba meesheeda maamulato daris wanaag iyo walaalnimada ilaalinteeduna ay tahay Muqadas.

Hadaba Xiligaas waxaa magaalada qaybteeda waqooyi loo dhisay maamul wanaagsan oo u dhexeeya beelaha markaas magaalada daga iyaga oo xiligaas Duqa loo doortey Ilaahey Jano iyo Raxmo hasiiyee Col, Coon Ali Bixii isaga oo isku waday dhamana umada soomaliyeed ee wada dagta magaalada udub dhexaadka u ah umada reer mudug.

Hadaba waxaa aas aasmey Maamulka Puntland Taariikhdu markey aheyd Aug-1998, Xiligaas oo magaalada loo doortey ilaahey jano hasiiyee Duqii hore ee magaalada galkayo Col, Xuseen Jamac Yabaq iyadoo Gudoomiyahana laga dhigay Mudane Shaaciye iyada oo uu uga danbeeyey Ruug cadaagii Abdirashiid Ali Xaashi dhuubane

Hadaba inta ay maamulkaas lawareegeen Talada magaalada waxay magaaladu gaartey Hormar weyn Xaga amniga, Xaga dhaqaalaha, Xaga Bulshada iyo Caafimaadka iyadoo magaalada lagu wada daganaa si nabad ah wax dhib ahna aysan dhici jirin.

 

Waxqabadkii mamuladii hore:

Magalada galkacyo waxay caan ku tahay maamulkasta oo loo magacaabo inuu badeello waa wayn qaato oo dadka tuso inuu wax uqabanayo.balse waxan halkan ku xusaya waxqabadyadii maamuladii hore.

1- Markii magalada loo magacaabay mamulkii degmada. wadooyinka magalada oo dhan waa ay xirnaayen, nasiib wanag mamulkas waxa uu ku guulaystay inuu si nabadgalyo ah ku baneeyo wadooyinkii magalada oo dhan.

2- Bur burintii guryahii sharci darada ahaa oo gaarayey 96 guri iyo sandaqadihii,cariishyadii ku teedsanaa laamiga.

3- Wadada dheer oo laga falay xaafada garsoor ilaa ceelka Biyaha.

4- Banayntii guryihii iyo bosaskii u dhawa ceelka magaladu biyaha ka hesho. ilaa 3KM oo sqauare ah.

5- Dhisidii suuqa wayn ee bacadlaha ee ku yaala xaafada darxumo oo hooyooyin badan ku ganacsadan.

 

Nadafada.

Waqtiyada xili roobadka magaladu way xirmi jirtay oo meelaha lagu ganacsado waxaa fadhiisan jiray biyo wasakhaysan taas oo dhalin jirtay caafimad daro.waxana sababi jirey biyo booliyada oo xirnaa.

1- Hadaba maamulku waxa uu furay 120 biyo booli oo ku kala yaala dacalada magalada iyo samaynta tuubooyin waa wayn oo la gashay masjidka Huda ilaa biyo booliga wayn ee Cirjiife

2- Samaynta iskorogoyin ka qaada makhayadaha xalka ay ku daadin jireen laamiga.

3- Habaynta iyo hagaajinta suuqa ku yaala Bank-ga iydoo la dhigay Haan(MCH) wayn oo qashinka lagu aruuriyo.

Amniga

Maamuladii hore waxay xooga saari jireen Amniga magaalada iyo Nabadada wada noolaanshaha Bulshooyinka magaalada kudhaqan iyaga oo wada hadal kudhameyn jiray wax kastoo khilaaf ama dagaal keeni kara iyada oo hada meelaha la isku fara saarey ay maamuladii hore si toosa iyo dadbanba uga shaqeyn jireen oo shacbiga guud ee magaaladu raali kayahay.

 

Waxbadka Duqa cusub ee magaalada Galkacyo.

Duqa cusub ee magaalada Galkacyo Abdiraxmaan Mohamud Xaaji xasan waxa uu maamulkiisu jirey mudo dhan Afar bilood wuxuu si habsami leh oo daacadnimo kujirto uga shaqeeyey Bilicda Qurxinta Magaalada Galkacyo isaga oo dar dar galiyey hawlihii dawlada hoose wuxuuna kuguuleystey waxyaabo badan oo ay shacbiga Gobolku uriyaaqeen.

Habada wuxuu ku fashilmay Amnigii magaalada iyo wadadaganaan shihii beelaha kala duwan ee walaalaha ah oo ay aadka u ilaalin jireen Alaha Unaxariisto Col Xuseen Jamac Yabaq iyo Gudoomiye Abdirashiid Dhuubane, waaxaana intii yareyd ee uu maamulka hayey kadhacay magaalada sadex dagaal oo kala duwan oo wax qorshaa ama jiho iyo mabda midna ku saleysneyn oo lagu laayey shacbi kor udhaafaya (60)Lixdan qof halka dhaawucuna uu gaarayo boqolaal qof oo radiyid ah labada dhinacba, iyada oo uu masuuuliyada dagaaladaas uu qayb wayn uu kulahaa Duqa Cusub islamarkaasna uu shacbiga reer Galkacyo galiyey dagaal aan loo diyaarsaneyn.

Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in magdhaw buuxa lasiiyo dhamaan dadkii kudhintey kudhaawacmay kuna hanti beelay dagaaladaas aan waxa ujeeda ah laheyn aysana udhameyn dadka gobolka udhashey iyaga oo aan marnaba raali ka aheyn in lagu dul dagaalamo shacabiga maatada ah ee gobolka daganaa iyo kuwii kusoo qaxayba.

Saameynta uu dagaalkaan ku yeeshay maamulka guud ee dawlada Puntland.

Waxaa qof walba oo reer puntland uu ogyahay in maamulkii puntland ee soo jirey 12-ka sano uu difaaci kari waayey shacbiga intaas le’eg dhimashadiisa isaga oo ku dulfiirsaday iyada oo shacbiga magaalada madaafiicda goobta iyo Hoobiyayaal lagu garaacayo, waxaa intaas dheer oo qof walba oo puntland ah dibad iyo gudoba hajooogee uu markhaati cad kayahay in aan maamulka puntland wax tilaabo sharci ah ka qaadin oo aysan xukuumadu kafariisan, baarlamaanku uusan ka hadlin, madaxweynuhu uusan cadeyn Mawqifkiisa saxda ah ee ku wajahan xaalada Gobolka Mudug.

Hadabhindia qodobkaas aan kor kusoo xusay ee khuseeya maamulka puntland hadii uusan tilaabo cad qaadan waxaa sax ah oo geesinimo ah oo lagama maarmaan ah in Waxgaradka Aqoonyahanka Culumaa’udiinka Ururada bulshada ee kala duwan ee Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo ay qaataan tilaabo sharci ah oo ay ku muujinayaan Go’aanka kama danbeysta ah iyo xalka magaalada Galkacyo.

 

Mohamed Wali Macallin Yasin Sh Xirsi
Bachelor of Business Administration and Political Analyst
Hyderabad India
Email m_waliyasin@hotmail.com
Cell phone 919618304595

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.