Home » Warar »

Sidee Soomaalida Shiinaha Joogta U Ciidey iyo Munaasabadi Ciidda ee Toronto(Daawo)

Munaasabadi Ciidda ee Toronto

Daawo Maqal iyo Muqaal xafladdii maalinta Ciida barakeysan ee Cidu Adhha ee lagu tukaday Markazka weyn ee Dar Ul Hijra ee ku yaal magaalada Toronto – Canada

VIDEO: Qaybta 1aad | Qaybta 2aad

Sidee Soomaalida Shiinaha Joogta U Ciidey ???.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Inkasta oo aysan joogin wadanka shiinaha Tira aad u badan oo dad soomaaliyeed ah marka loo eego sida ay u joogaan wadamada kale ee caalamka ayaa hadana ay si wanaagsan u ciideen inta joogta wadanka shiinaha.

Soomaalida Joogta wadanka Shiinaha waxaa u badan ardey wax ka barata Jaamacadaha wadankaan, Ardeyda oo intabadan ay dhawaan yimaadeen. Iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo jooga Gobolada Ganacsiga ee wadanka shiinaha.

Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei waa goobta uga badan ee soomalidu ay ku nooshashay, waana meesha ay joogaan Ardey tiradoodu gaareyso ilaa 300 oo ardey soomaaliyeed.

Habeenimadii Axada ayaa waxaa Munaasabad loogu dabaal degayay Ciidul Adxaa ay ka dhacday Hotelka Crawn, oo ka mid ah Hotelada u waaweyn Gobolkani, Munaasabada Ciida ee ka dhacday Hotel Crawn waxaa soo qaban qaabiyey Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Afarta Jaamacadood ee Huazhong University of Science and technology, Wuhan Medical University, Tongi Medical University, China University, Ganacsatada Soomaaliyeed oo u soo dirsatay Wakiil uga qayb galay Xaflada Weynaynta Ciidul Adxaa, iyo Dr. Xuseen Abshir Xasan oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo in badan ku noolaa wadankaan waxna ka bartey, waana Mas’uulka keeney inta badan Ardeyda Soomaaliyeed ee wadankan wax kabarata.

Dr. Xuseen Abshir Axmed oo Xaflada ka hadlay ayaa guud ahaan ugu hanbalyeeyey Munaasabada Ciida Muslimiinta Caalamka iyo Ardeyda Waxkabarata Wadankan shiinaha.

Waxuuna Dr Xuseen ku nuuxnuuxsaday Midnimada Ardeyda Soomaaliyeed iyo sida ay u wanaagsantahay isku duubnaanta ay muujiyeen, waxuuna sheegey in ardeyda kaleeto ee wadankaan, ganacsatada iyo dhamaan Soomaalidu wadankaan ay wadaan qorshe ay ku midoobayaan.

Dr. Xuseen, waxuu wax ku bartey wadankaan waxuuna baratay Caafimaadka isagoo heerar kale duwan ka soo bartey, waxuuna si aad ah ugu soo dhaweeyey wadankaan ardeyda maanta wax ka baranaysa sidoo kaleetona waxuu aad ugu soo dhaweeyey wax weyne kala qabtey dad soomaaliyeed oo Isbitaalo u yimid wadankaani, haatana waxaa marti u ah dadka ka tirsan dadka caawa xaflada joogey oo Qaliin gali doono waqti dhow iyadoo ay ardeyda halkaasi ugu duceysay dadka xanuusan oo isbitaalada magaaladan yaala oo soomaalida ah.

Qaarkatirsan Waalidiinta soomaaliyeed oo munaasabadaan kala qayb qaatay ardeyda Ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan dhalinta waxbaraneysa, iyagoo sheegey in wadankoodii uu aad ugu baahan yahay mustaqbalka Aqoonyahano kasamata Bixiya dhibaatada ay u geysteen wax ma garatada uu ka dagi la’yahay ku dhawaad laabtanka sano.

Ganacsade Cali Axmed Cabdala oo ahaa wakiilka gacantasatada oo munaasabadaan uga qeyb galey gacansatada soomaaliyeed ee wadankaan, ayaa sheegey farxada caawa inay tahay mid uu xasuusan doono “ waa arin wanaagsan caawa waxa aan arkaayo oo ah inaan la ciido tiro intaan le’eg oo ardey soomaaliyeed oo hadana Barata caafimaadka iyo Engineerinka mustaqbalka dhowna noqon doona kuwa u soo qalin jabiya wadankoodii hooyo”

“ Anagu hadaanu nahay Ganacsatada Soomaaliyeed ee wadankaan idin la joogto, hada waxii ka danbeeya anaga ayaa si toos ah ula wareegi doono qabashada Munaasabadahan oo kale dhanka maaliyada, anaga ayaa balan qaadeyna “

Cali waxuu ku dhiiri galiyey ardeyda soomaaliyeed inay dadaalkooda waxbarasho aysan marna ka gaabin si ay ugu guuleystaan howsha ay ku jiraaan una noqdaan Mustaqbalka dhow kuwa leh Xirfad ay dadkooda iyo naftooda iyo diintooda wax ugu qabtaan.

d23

Gudoomiyayaasha Afarta Jaamacadood ee Huazhong University of Science and technology, China University, Wuhan Medical University and Tongi Medical University
Ayaa ardeyda ugu hanbalyeey munaasabada Ciida waxayna ka soo jeediyey madasha xaflada Ereyadoodii, waano iyo talo, iyo in dhamaan ardeydu ay wadajiraan.

Gudoomiye ku xigeenka Ardeyda Soomaaliyeed ee Jaamacada Huazhong University of Science and Technology Bashiir Mohamed Saleebaan oo Xaflada ka soo jeediyey ereyo qiiro leh oo si aad u soo jiitey ardeyda kuwaas oo uu uga digeyey inay waxbarashadooda ka weecan, isla markaana ay iska ilaawin waxyaalaha soomaaliya ka dhacaya “ Markii aad Garoonka Diyaaradaha kazoo degtaan, walaalayaal Qabiilka uga soo taga, hala imaanina wadankaan iyo ardeyda dhexdoodi arimo qabiil, qabiil waa midka maanta soomaaliya halkaas dhigey, hadii aad rabto inaad wareysato qof dalkii ka yimid weydii roob ma ka da’ay intaa wax u hadhaafsiin, haduu kaaga sheekeeyo dagaalada ka jira ha u dhagtaagin isaga tag waayo waa ku saameyneysaa”

Bashiir waxuu ardeyda u soo qaatey Gabayo ay hore u tiriyeen Abwaano Soomaaliyeed sida abwaan timacade “ Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso Mooyaane”.

Munaasabada Loogu dabaal degayay Ciidul Adxaa ayaa ahayd mid aad u hadal hayeen dhamaanba Soomaalida Gobolkaan, waxayna ahayd farxad ay si aad ah habeenkaas ula soo kulmeen, mana jirto kulan intaas tiro ah oo dad ah ay isugu yimaadaan, marka laga reebo munaasabadahan oo kale maahane.

Gudoomiyihii Gudiga Qaban Qaabada Faysal Axmed Salaad oo ka tirsan Ardeyda Jaamacada Tongi ee caafimaadka laga barto oo iyagu si weyn u soo qaban qaabiyey Munsaabadan ayaa isna Ka hadlay Munaasabada.
Markii uu feysal soo korey masraxa dadka laga hadlo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey sacab ardeyda iyagoo ku faraxsanaa howsha ay qabteen isaga iyo saaxiibadiis reer Tongi. Waxuuna ardeyda uga sheekeeyey Xafladaan iyo sida ay ugu guuleeysteen, isagoo ardeyda kula dardaarmey Isku xirnaansho iyo wada shaqeyn.

Munaasabada Ciida ayaa waxaa lagu soo bandhigey Barnaamijkadis ah oo afarta Jaamacadood loo qabtey, oo ay jaamacada Wuhan Medical ku guuleystay iyo Riwaayad dadka si aad ah uga Qosol siisey oo uu soo diyaarey Cali Baaba iyo Saaxiibadiis.

Markii ay soo gabagabowday Xafladu ayaa dhamaanba ardeyda waxaa ka muuqatay sida ay ugu faraxsanaayeen Howshan iyo waliba is imaanshahooda maadaama aysan is arkin iyagoo dhan waqtiyada kale oo ay daruusi ka socoto jaamacadahooda.

Maxamed khadar.
Wuhan Hubei China.
somhust@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sidee Soomaalida Shiinaha Joogta U Ciidey iyo Munaasabadi Ciidda ee Toronto(Daawo) "

  1. maslax says:

    asc wr wb.

    Diintu waa waxa ugu muhiimsam eed haysataan ee si fiican u qabsada diinta idinka dayacantana waa khasaare kii ugu waynaa,waa erayo gabay carabiya oo diiniya ku jirey walaalayaal intaas ka dib wadajirkiinnu waa muqadas ama lama huraan annagoo idinka maqan ayaan wadajirkiina ku farxaynaaye idinkuna ilaashada midnimadiinna kansarka dadkeena dilayna iska ilaaliya hadduu faa’ido leeyahayna waddankeennaa laga arki lahaaye ogaada.
    waan ku farxay warkiinna ee islaamka wax u barta hammigiinuna ha sarreeyo insha allah,ilaahayna ha garabkiina ha ahaado,wsc wr wb.

  2. maxammed cadoosh says:

    wallaalyaal waad fiicantihiin ee halkaa kasii wada waana idin sallaamayaa