Home » Warar »

Kaalintii ay Soomaalidu ku lahayd madashii Sacuudiga iyo Bariga Afrika

(Addis Ababa ) Kulan ay soo qabanqaabisay Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ay iskaashi dhaqaale iyo ganacsi kula yeelaneyso dalalka Bariga Afrika ee kala ah Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Ruwanda, Soomaaliya, Yugandha iyo Tanzaaniya, oo soconayay 14kii illaa 17kii November 2009 ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa. Waxaa shirkaasi ka soo qeybgalay madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya, Raysal-wasaarayaasha Itoobiya iyo Ruwanda, Raysal-wasaare-ku-xigeenka Kenya iyo wufuud mataleysay dalalka Yuganda iyo Tanzaaniya. Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeybgalay 4 wasiir oo ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga, kuwaasoo kala ah: wasiirrada maaliyadda, beeraha, ganacsiga, iyo gaadiidka.

La-taliyaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Muxyadiin Bulxan (Abuu-Cammaar) ayaa kulan la yeeshay wasiirka Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha Sucuudiga Dr. Bin Qunaym. La-taliyuhu wuxuu wasiirka kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa tirada xoolaha ee Soomaaliya laga dhoofiyo ee la geeyo Sucuudiga, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay kootada xaqdarrada ah ee ganacsatada Sucuudiga loogu xirayo xoolaha Soomaaliya. Wasiirku wuxuu sheegay in xoolaha Soomaaliya ee loo furay suuqa Sucuudiga ay tusaale u tahay sida Sucuudigu u daneynayo xoolaha Soomaaliya. “Haddii maxjarro iyo kawaannada xoolaha laga dhiso Soomaaliya oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, codsina ay noo soo qortaan, waxaan u soo direynaa guddi soo eega, kadib markii aan ku qanacnana waan aqoonsaneynaa” ayuu yiri wasiirka Beeraha Sucuudiga oo ka hadlayay in dowladdiisu aqoonsaneyso haddii ganacsatada Soomaalidu maxjarro kale ka sameystaan Soomaaliya.

La-taliyuhu wuxuu sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka, Dr. Axmed Maxamed Cali, wuxuuna kala hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgelin weyn. Guddoomiyuhu Bankiga Islaamigu wuxuu ka hadlay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhexeeyay Sucuudiga iyo Dalalka Bariga Afrika: “Waa meeshii ugu horreysay ee lagu soo dhoweeyay Islaamka, waxaana Sucuudiga iyo gobolka Bariga Afrika ka dhexeyn jiray xiriir taariikhi ah oo ganacsi.” ayuu yiri Dr. Maxamed oo intaasi ku daray in Bankiga Horumarinta Islaamka diyaar u yahay inuu maalgeliyo wixii mashaariic ah ee loo arko inay wax-gal yihiin kaddib marka nabadgelyo la helo.

La-taliyuhu wuxuu sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadaha Sucuudiga ee ka soo qeybgalay Madasha, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in sida ugu wanaagsan ee ay Soomaaliya ku caawin karaan ay tahay inay maalgashtaan beeraha iyo xoolaha Soomaaliya. “Soomaaliya waa dalka kaliya ee ku yaalla Bariga Afrika ee xoolaha ugu badan u dhoofiya Sucuudiga. Sidoo kale dalku wuxuu leeyahay dhul-beereed aad u ballaaran, isla markaana ah mid aan laga faa’ideysan” ayuu yiri La-taliye Abuu Cammaar.

dh1

La-taliyuhu wuxuu ku celceliyay mas’uuliyiinta uu la kulmay in ganacsatada Sucuudigu maalgashtaan goobaha nabdoon ee Soomaaliya ka tirsan sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya markii uu khudbadda ka jeedinayay kulankaas.

Dhanka Soomaaliya waxaa shirkaasi ka soo qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, wasiirrada maaliyadda, arrimaha dibedda, ganacsiga, iyo horumarinta reer miyiga. Waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay wufuud ka kala socotay Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga Puntland iyo ganacsato kale.
Waxaa soo tabiyey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.