Home » Warar »

Ciidamada Faransiis-ka oo Burcad badeeda ku wareejiyey Maamulka Puntland

Ciidamada Faransiis-ka oo Burcad badeeda ku wareejiyey Maamulka Puntland

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (Hub, qalab)

Ciidamada Faransiiska ee jooga Xeebaha Somaliya ku dhaw dhw ayaa waxa ay Gacanta ku soo dhigeen 12 Burcad badeed oo ay ku soo Warejiyeen Cidamaada Ilaalada Xeebaha Puntland, waxayna sidoo kale Ciidamada Faransiska ee Markaakiibta dagaal ee jooga Xeebaha Somaliya 12 burcad baddeed la qabteen iyagoo Wata Hub Garabaha laga Tuura iyo Qalab kale oo ay wateen.

Ciidamada Faransiiska ayaa waxa ay soo istaageen Meel u dhaw Xeebta Dagada Wayn ee Magaalatan Bosaaso iyagoo Markaasi la Kulmay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ay u Shegeen in ay Burcad Badeeda ay Qabteen Todobaad Hore iyagoo Isku Dayey in ay Werar ku Qadaan Maraakiibta Ganacsi ee Gooshaya Xeebaha Somaliya.
Waxayna sidoo kale Ciidamada Faransiiska ay soo Bandhigeen Qalabkii ay ka qabteen Kooxaha Burcad Badeeda Somalida oo ay ku soo Wareejiyeen Cidamada Ilaalada Xeebaha Puntland Qalabkaasi ayaa ahaa 4 Qori oo AK-47 iyo 2 Garneelada Gacanta laga Tuuro ee ROG’S-ka , Shadaal aad u fara badan iyo Doonyo Dheereeya oo ay wateen Kooxahaasi Burcad badeeda.

ha4

Kooxaha Burcad badeeda Somalida ee lagu soo wareejiyey Maamulka Puntalnd ayaa mid ka mid ah waxa uu Warfidiyeenada u sheegay Halka ay mar hore ka Ruqaan Sadeen isagoo sheegay in ay ka baxeen Dakada Ceel Macaan ee Koonfurta Somaliya , isagoo sidoo kale sheegay inta ay Badda Dushiisa ay Sarnayeen ay la Kulmeen robob aad u fara badan oo Gilayey Cabsi Xoog leh.

Waxuuna sidoo kale sheegay ninkaasi burcad badeeda in ay jihadii ay ka dhuntay kadib na ay Gacanta u galeen Markab ay leyihiin Ciidamada Faransiiska oo ku sugan Badda Gacanka Cadmeed.

Dhica kale Taliye ku Xigeenka Ciidama Boliska Puntalnd Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa ka hadlay sida ay ugu soo Warejiyeen Ciidamada Faransiis-ka Koxahani Burcad badeeda Somalida oo gaaraya 12 Burcad badeed.

Isagoo sidoo kale waxa uu sheegay Taliye ku Xigeenka Ciidamada Puntland in Kooxaha Burcada lagu wareejin doono Garsoorayaasha isla Markaasina si loo Maxkamdeeyo .
Isku soo wada duub Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Puntland Maxamed Saciid jaqanaf ayaa sheegay in Ciidmada Faransiis uu ka Dhaxeeyo Xiriir aad u wanaagsan, Xiriirkaasi oo ah in ay ku soo wareejiyaan Kooxaha Shufta Badeeda ay Gacanta ku soo dhigaan Maamulka Puntland.

C/qaadir Saciid Cali (Gaanni)
Gaani18@hotmail.com
Bosaaso-somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ciidamada Faransiis-ka oo Burcad badeeda ku wareejiyey Maamulka Puntland "

  1. Xassan Yare says:

    Madaxweyne Faroole ayaa laga tusaale qaadankaraa sida uu u dhaqmay oo ah gooni u istaag,iyo xoolo xoog ku raadin; marka ma filayo dadkaas burcad badeedka ah in aay ciqaabayaan, u badi in aayba xiiriir
    leeyihiin oo mar kale doonyihii dheereeyay iyo hubkiiba aay dib u siiyaan oo aay dhahaan ordoo shaqo taga, markii kaloo la-idin soo qabto koleyba annagaa naloo kiin keeniyee.
    Waxaan qabaa in burcad badeedka la qabto in Keenya lagui maxkamadeeyo si aay beeraha ugu fashaan hubka iyo doonyaha dheereysana laga gubo. Walle sidaas haddi la joogteeyo in aan burcad badeed dambe la arkeyn.
    Reer Puntland sida ha isku dhaameen dad badan oo Somalinimo ku jirto waa jiraane kuwaan ha iska qabteen si midnimo Soomaaliyeey loo gaaro.
    Anigu kalsooni kuma qabo waayo aragnimada Shariifka iyo Reysalwasaaraha saxiixa fudud, laakiin wax dhaama uma jeedo oo illaa iyo hadda la ictiraafikaro.

    Shariifka iyo Faroole waxaysan dareensaneen in Ummad Soomaaliyeed oo aaysasn u jeedin in aay ilaalsanayaan Dalkan iyo dadkaan.
    Anigu ma lihi anaa ka mid ah, laakiin waa u jeedaa dad badan oo aan la oqoonin oo intaas u ordaya Somalinimo ayagoo aan wax jago ah haynin isla markaasna aan dooneynin.

  2. cabdiraxmaan says:

    1,wiilasha la xasuuqayo xeeba hooday difaacayaan
    2,ciidamada jooga waa ciidamo horay soomaliya isku dayay inay gumaystaan mantay u suur toowday
    ,3,dadka raacsan ciidamadaa
    waxaan soo taagaynaa maxkamad
    4,