Home » Maqaallo »

Soomaalidu waa Dad is leh, Hogaamiyana waa Daneyste!!!. | Najax

Soomaalidu waa Dad is leh, Hogaamiyana waa Daneyste!!!.
Puntland ma Suuqa Somali Galbeed lagu gadaa?.

W/D: Najah Mohamed Ali.
Dalka Soomaaliya oo ku yaalo Geeska Africa waa Dal ay Dagan yihiin Dad isku Af, isku Diin iyo isku Dhaqan ah, waxeyna yihiin dadka Soomaaliyeed kuwa anan meelna ku kala harin oo Walaalo ah waana Dad 100% ah Muslim Sunniyiin ah.

Sidoo kale waxey wadaagaan dhamaan Dadka Soomaaliyeed wax kasto oo Illahay ku maneystay Dhulkooda hodanka ah, hadii ay ahaan laheyd Qeyraadka Dhulka kan Bada, Ganacsiga iyo Xoolaha nool.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ahaan jiray kuwo is walaalsado, garabna is siiyo marka ay jirto xaalada adag hadii ay ahaan laheyd, mararka ay dhacaan Abaaraha ama Colaadaha iyo sidoo kala xili Dagaaleedka waa marka dad Soomaaliyeed ay la galaan Dagaal dad anan Soomaali aheyn, waxey ahaayeen kuwo isku naxariista, maslaxana dhex dhigo una gurmado hadii ay isqoomaan Walaalo Soomaaliyeed oo kale, taasina waxey aheyd astaanta lagu garto is jaceylka ka dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.

Hadaba ayadoo ay intaaso dhan ay jirto ayaa hadana waxaa kala fogeyay dadkii walalaha ahaa ee isku calool fiicnaa Gumeystayaal Shisheeye oo ku soo duulay Dhulkii Soomaaliya, Gumeysina galiyay dadkii walaalaha ahaa ayadoona loo kala jaray dhulkii Soomaaliyeed shan (5) qeybood oo ay kala qaateen Dowladihii loo bixiyay Gumeystayaasha Africa.

Waxeyna Gumeystayaashu u kala qeybiyeen Dhul weynihii Soomaaliya sida tan.

(1) Xebaha Bada Case (jabuuti) oo la siiyay Dowlada Faransa laguna magacaabay (france Somaliland).
(2) Gobolada Waqooyi oo loo dhib Dowlada Ingiriiska lona bixiyay (British Somaliland)
(3) Gobolada Konfured oo gacanta loo galiyay Gumeystayaashi Taliyaaniga loona bixiyay (Italian Somaliland) halka
(4) N F D ayadana lagu wareejiyay Dowlada Kenya aydoo
(5) Gobolada Soomaali Galbeed (Ogadeniya) gacanta loo galiyay Dowlada Ethiopia.

Intaas kadib waxaa kala fogaaday dadkii Soomaaliyeed ee Walaalaha ahaa ee anan laheyd Sohdin kala qeybiso ayadoo Gumestayaashii ay sameyeen sohdimo iyo xaduudo kala baro dhulka Soomaaliya gudihiisa sida soohdinta ay isku haystaan Somaliland iyo Puntland oo kale.

Waxaana xornimadoodi qaatay 1960 Gobalada Waqooyi ee Ingiriisku Gumeysan jiray iyo Gobolada Koonfureed ee Taliyaanigu uu gumastay.

Waxaan ku haray Gacanta Gumestayaasha Sadexdii kale ee Dhulka Soomaaliyeed hadii ay ahan lahaayeen Xeebaha Bada-Cas Jabuuti, N F D iyo Dhulka howd ama Ogadenia.

Waxaana daremay xornimadoodi Gobolada Koonfured iyo kuwa Waqooyi oo midobay kadibna wadaagay Dowladnimaddii Somaaliya, waxaana dhacay burbur balaaran oo so wajahay qeybihii xorta noqday ee Soomaaliya, ayadoo sanadii 1990 ay Koonfurta Soomaaliya noqotay meel maran oo aynan ka jirin wax Maamul iyo kala danbeyn ah.

Balse qeybihi Gumeysiga ku haray waxey noqden kuwo kala wanaagsan ayadoo Soomaalida Jabuuti ay noqden dad wax la qeysado Dalalka horumay halka kuwa N F D-na haba ka hooseeyaanee ay wax un la wadagaan inta kale dadka reer Kenya, laakin waxaa wali ku sii jiro Gudcurkii Gumeysiga Dhulka iyo Dadka Soomaali Galbed Ogaadeeniya kuwaso Dagaalo xor ah kula jiro Gumestayaasha Itobiya ee xooga ku haysto Sadex meelood meel, dhul weynihii Soomaaliya.

Ethiopia waxa ay ka dhigtay Dhulkaas ay guumeysato meel aanan waxba kala soconin Aduunka intiisa kale ayadoo u diiday Waxbarashada, Ganacsiga, Goobo Caafimaad iyo xiriirka Isgaarsiinta caalamiga ah sidoo kale waxeynan usameynin Dowlada Itoobiya Gobalkaas kaabayaasha Dhaqaalaha ayadoona ka hor istaagtay in ay sameystaan dadka Gobolkaas ku nool Ganacsi xor ah.

Mar kasta waxey maciin ka doonayaan Walaalahaas Soomaaliyeed ee wali guumeysiga ku hoos jiro, Walaalahooda kale ee Soomaali weyn oo ay isku diin iyo isku dad-ba yihiin in ay ugurmadaan una fidiyaan Gacan Walaaltinimo madaama ay Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo Aduunka intiisa kale aay iska indho tireen Cabashada kasoo yeereyso Dadka Reer Ogaadeeniya oo uu Gumeysigu la dagay. Waxeyna markasta maanka ku hayeen dad baad la dhalateen oo wax idin qaban doono laakin taasi waxaa mugdi galiyay Masuuliyiin Calooshood ushaqeysatayaal ah oo dano Shisheeye jecel in ay fuliyaan ayagoo dhaqaalo anan buurneyn ku gato dad ay walaalo isku dhaw yihiin.

Dadka Shacabka ah ee Soomaaliyeed markasta waxey ka xumaayeen Gumeysiga ay wali ku jiraan walaalahoda Ogaadeeniya. Illahayna waxey oga baryaan inuu ka kor qaado Cadowgaas xooga ku haysto, wax kastoo Awoododu ay tahayna diyaar bey ula yihiin in ay usameyaan Walaalahooda dhiban.

Dhanka kale Ciidamada Dowlada Ethiopia waxa ay ka geysteen Dhulka Ogaadeeniya tacadiyo iskugu jiro Xasuuq, Dil, Kufsi, Xarig iyo Jirdil loo geysto dadka Maatada ah kuwaasoo lagu eedeynaayo in ay ka tirsan yihiin ama ay Garab siiyaan Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia ee loo yaqaano. Ogaden National Liberation Front ONLF.

Dhibaatadaas daba dheeraatay ee baaxada leh waxaa udul qadan wayeen inta badan dadka reer Ogaadeeniyo ee ku hoos noolaa Cadowga Ethiopia, qaarkood ayaa bilaabay in ay si’un oga baxsadaan dhibaatada Gumeysiga, kuwaasoo miciin biday meelo kala duwan oy kamid tahay Dhulkii kale Soomaaliya, taasi ayadoo ay jirto ayuu Gumeysigii Itoobiya uu bilaabay inuu sii baacsado Dadka Soomaaliyeed ee damacsan in ay ka baxsadaan hadimada Gumeysiga, waxuuna Qandaraasyo hor leh la galay Madaxd Hogaamiyed Soomaaliyeed oo majaraha u hayo qeybo kamid ah Gobalada Soomaaliya ee ay Dadkaasi miciin sadeen.

Qeylo dhaan ayaa ka yeertay Gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya (Somaliland) oo Dad kasoo jeedo Gobolka Ogadeniya ugacan galisay Dowlada Ethiopia taaso sabsabtay Dagaalo qasaaro Hantiyeed dhaliyay oo dhex maray Walaalo Soomaaliyeed oo deegaan ahaan isku xigo.

Mana jirto ilaa iyo hada wax Heeshiis rasmi ah oo laga gaaray arintaas waxaana markii hore isku diray Gumeysiga oo isku adeegsaday ayagii Walaalaha ahaa, taasina waxey la mid tahay,”kugu dhimay oo kaa dhimay kii dhintaba waa Aniga”,Erayo ka mid ah Heeestii Dhagar Qabe oo ay ku luuqeysay Fanaanadii weyneydee Qadro Daahir Cige,,Qofkii dhagar qaboow maqal kani waa Dhulkii waa kaad ku dhalateen.

Balse waxaa kasii daray oo arinta sii murgiyay Madaxda Hada hor boodeyso Gobolada Bari ama Maamul Goboledka Puntland oo dhawaanahaan Saylad cusub ka fartay ka Ganacsiga Dadka Walaalahood ah ee Soomaali Galbeed oo qaarkood ay ugacan galiyeen Dowlada Cadowga ah ee Itoobiyo ayadoona ay hadda qaar kale wali ku xiran yihiin Xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalo Gudaha Puntland.

Waxaana kamid ah Masuuliyiinta ku dhintay Xabsiyada Maamul Goboledka Puntland C/laahi Xassan Cali oo in mudo ah ku jiray Gacanta Puntland ilaa iyo hadana waxanan la ogeyn meesha ay ku danbeyeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ugacan galiyeen Dowlada itoobiyo Dad Masuuliyada sheeganaayo oo ayaguna Soomaali ah, lamana ogeyn sida ay tahay xaalada qaar ayaguna ku xiran xabsiyada Maamul Goboledka Puntland oo ay dhibaato ku haysato sida ay xaqiijiyeen Madaxda ka tirsan Puntland madama C/laahi Xassan Cali uu ugeeriyooday Cudurka la dhaho TB sida uu sheegay Masuul ka tirsan Maamul Goboldka Puntland.

Balse Falalkaan ay ku kaceen Madaxda Maamulka Puntland ayaa noqday mid soo lab-laabto waxaana Canbaareyay dhawaanahaan qaar kamid ah Dadka samaanta jecel ee Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha Soomaaliyed ee ku dhaqan dibadaha sida Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan Wadanka Kenya, ayadoo Maamulka Puntland dhulka uu ka arimiyo ay dhawanahaan ka muuqato xaalad foodo madama bilihii lasoo dhafay lagu dilay Rag Madax ah, waxaana 11 bishaan November lagu dilay gudaha Puntland Alle ha u naxariistee labo masuul oo uu kamid yahay Gudomiyihii Maxkamda Sare ee Puntland Maxamed Cabdi Awaare.

Sidoo kale waxaa Cambaareyay falalkaas lagula kacay dadka kasoo jedo Somali Galbed dhamaan Culumo-Awdiinka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan.ayadoo Golaha Islaamiga Soomaaliyed, Islamic Council of Somalia, uu Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Sheekh Burhaan Xassan uu ka sheegay Gudaha Wadanka Soomaaliya in ay iclaamin doonaa Jihaad toos ah oo lala galo Maamulka Puntland hadii ay joojin wayaan ugacan galinta dadka Ogadeniya ay ugacan galinayaan Cadow. waxuuna intaas ku daray Sheekhu in ay Ayagu og yihiin Xabsiyo qarsoodi ah oo Maamulka Puntland uu ku xir xiro dadka kasoo jeedo Gobolka Ogaadeeniyo ka hor inta aynan ku warejinin Cadowga xooga ku haysto Dhulka Soomaaliya ee Ethiopia.

22/04/2008 ayey aheyd markii Madax katirsan Maamuul Goboledka Puntland ay udhiibeen Ciidamada Dowlada itoobiyo labo Masuul oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya. Kuwaasoo lagu kala magacaabi jiray Cabdinuur Maxamed Sooyaan iyo Dhiire Caafi Cilmi waxaana laga qabtay Masuuliyintaas Hotelka Goloobal ee ku yaalo badhtamaha Magaalada Garoowe, halkaas waxaa kasoo qabtay Qaar ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida Puntland kuwaaso su’aalo weydiiyay kahor inta aynan ku wareejinin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowlada Ethioopia oo ku sugnaa Xududa uu Gobolka Wardheer la leyahay Maamul Goboledka Puntland gaar ahaan Magaalada Bookh. Waxeyna ku sheegeen 24/04/2008 Warsaxaafadeed ay ku sixiixneyd Jamhada ONLF in ay arintaas jirto ayagoona ku eeday Masuulyiin ka tirsan Maamulka Puntland in ay arintaas ka danbeyeen.

Hadaba Dadka Soomaaliyeed ayaa waxey dhahaaan “Seeftii Walaalkaa dishay, cidna seegi meyso” iyo Oraah kale oo ah “Dagar qabe dhulkaa la dhaq dhaqaaqo”, waxaana imaan doonto maalin xag Illahay la iska xisaabin doono oo aynan waxba qarsoomeynin, Dadka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan raali ka noqonayaan in Massuul anan dhowreynin jiritaanka iyo Walaaltinimada ka dhaxeyso Dadka Soomaaliyeed uu miirto Dhiiga dhibanayaash Soomaaliyeed ee Naf la cararka ah, Sidoo kale waxey ka digayaan in ay dhacaan Dagaalo ama Colaad dhex marto dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxeyna leyihiin markasta waa in uu Caqligu shaqeyaa ayna fahmaan Walaalaha Soomaaliyeed inuu Cadow iyo Cadoow ushaqeeye ay damacsan yihiin in ay isku diraan, kalana fogeyaan Dadka Soomaaliyeed ayagoo ka xun jiritaanka Soomaalinimo.

Anigu shaqsi ahaanteeyda kama soo horjedo jiritaanka Maamulada Puntland iyo Somaliland laakin waxaan ka xumahay dhibatada ay kula kacayaan Garabkoodii Midig, waxaan markasta xasuusanayaa Erayo Macaan oo kamid ah Heestii Midnimo ee uu ku luuqeyay Fanaanka Caanka ah” Bashiir Cali Xuseen”, si gaar ah inkastoo aan ujeclahay hadana waxaa kamid ah Erayadaan.

Soomaali waa mid, waa Ul iyo Meyrax.
Mataano weyo meel bey ka wada yimaadeen.
Bixidey Midig ma ka maarantaa.
Madaxoow Mijaha maka maarantaa, Maskax iyo Aqoon maka maarantaa.
Ismakaansado Midigta is qabsada kala maarmi meysaan,Soomaaliyey Midigta is qabsada,,,,,,,,,,,,,,,
Soomaali waa mid, dhaqankeedu waa mudan.
Asalka Midabkiyo Mad-habtey ka siman tahay.
Masuuloow Shacabiga ma ka maarantaa.
Martiyey Daryeel maka maarantaa, Muranoow garsoor maka maarantaa.

Balse Su’aasha uu isweydiinaayo Qof kastoo Caqli leh waxa ay tahay Dadka Soomaaliyeed ma ayaga ayaa diyaar u ah in la kala dilo, misa Soomaalidu ma ahan Soomaalidii horee is jecleyd!!.Si kastaba ha ahaatee waxaa badan dadka inta samaanta jecel laakin waxaa jirto in la dhaho “Bada hal Malaay ayaa qurmiyo”, Taasi ayadoo ay jirto ayaa Hoogaamiyaal kooban oo daneystayaal ah ay luminayaan jiritaanka iyo Walaaltinimada dhex taalo Soomaali weyn. Qof kasta oo Soomaali ahna waxaa la gudboon inuu ka shaqeyo isku soo dhaweynta Dadka kala firdhay ee Walaalaha Soomaaliyeed ah.
Soomaaliyana ma lahan xaduud kala xirta Dadka Soomaaliyeed, Soomaalidu waa dad isku Isir, isku Dan iyo isku Diin ah, mana kala maarmaan. Mana dhaceyso in la isku diro.

Qofkii Masuul ahoow ka shaqee Danaha dadka ku doortay, Dantaadana ha ka hormarin tan shacabkaada. Illahow Soomaali oo mid ah aayan kaa barinay. Illahayoow dadkeena Calooshooda isku fur, Cadowga iyo Cadow kal kaalkana ka qabo. Erayadaas iyo kuwo kale oo badan ayeey Afka markasta ku hayaan Dadka Soomaaliyeed marka ay arkaan wax aynan Awoodin in ay wax ka qabtaan.

SOOMAALIYA SOOMAALIBAA LEH….SOOMAALIYA HA NOOLAATO!!!!.

Abdisalan Mohamed Ali (najah)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi-Kenya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Soomaalidu waa Dad is leh, Hogaamiyana waa Daneyste!!!. | Najax "

  1. rashiid says:

    Saaxiib najax
    waxaad moodaa inaad waxna sheegayso waxna sheelayso,nimanka aad sheegayso ,saxaafada
    ayaan ka maqlay ,runa alaa naga og ,
    waxaanse ku leeyahay maahan markii u horaysay ,een maqlo waxbaa la yeelay
    nimankaas dhaha ogaadeen baan xoraynanaa .
    xamar bay ka dhacday,hargaysa ayay ka dhacday garoowe ayay ka dhacday, maxaad
    garoowe kaliya maqaalkaaga ugu iftiimisay
    mise qorideeda ayaa ka sahlan kuwa kale.
    waxaanse kuu sheegayaa gobaladaan puntland een anigu aad uga war qabo, ee beesha absame aad u daganyiin ganacsi
    xoog lehna ay ku leeyihiin iyagoon wax dhibaataanaan kala kulmin dadkii hore u
    dagi jiray gobalka aana aaminsanaha inaan laga xigin ,iyadoo ay saas tahay ,ayaan
    waxaan kuu sheegayaa inay iygu dhexdooda
    isku laayaan gobalkaan ,axmaaradana isku jaajuusaan ,nimankaan askarta puntland
    haday qof soomaaliya danbi ku helaan waxaa waajikoodu yahay inay iyagu ku qaadaan xadkiisa,mana qabo in amxaar
    loo dhiibo, nin sooomaaliya.
    Mida kale saaxiib waxaan joognaa waqti adag oo hadal aadan dhibaal u wadin
    qof kale si ula muuqdo,anigoo maqaalkaaga wada akhriyey inta badana kugu raacsan
    waxaan rajeynayaa qormooyinkaaga danbe inaad ka fogayso wax kastoo akhristaha
    su,aal ku dhalinkarta,
    allaah ha ina waafajiyo dhamaanteen

  2. Dadka soomaaliyeed haloo duceyo in uu ilahay isku soo celiyo oo ay midoobaan noqdaana soomaali weyn markaan arko Qariirada soomaaliya aad ayaan utabaa iney ka maqan yihiin qaar badan oo kala ah soomaali weyn

  3. shukri Uk says:

    waxaan salaamayaa dhamaan walaalaha soomaaliyeed meel kasto ooy joogaan marka laabaad waxaan salaamayaa walaalkeyga qoraalkaan qoray ee ah C/salaan Max’ed Cali (Najax)waxaana aan oga mahad celinayaa qoraalkaan dhaxal galka ah ee uu noo soo qoray.

    teeda kale waxaan ka xumahay sida ay soomaalidu udhaqmeyso qaarkood sida hogaamiyaasha oo ah kuwa aanan udhimrineynin dadkooda.

    waxaana amaan mudan shacabka iyo ciidanka reer ogadeniya oo cadowga marka kasta iska dhiciyo ilahayna guul iyo xornimo ha siiyo walaalaheena soomaalida ogaadeeniya.

  4. ahmed aadan says:

    Cabdisalaan A/w/w. waad kumahadsantahay maqaalkan qiimaha badan ee xanbaarsan taariikhda dhabta ah iyo dhacdooyinka dhacay oo xaqiiqo ah, waxaan kaa codsanayaa saaxiibadaa warfiyeenada in aad ku boorisid in ay mar walbo xaqiiqda kahadlaan oo aysan ka been sheegin sida uu xaal yahay.mida kale hadii aan maanta iskudaawano cadowga ama isku dhiibno waa xaqiiq in barito asagana meel cidla ah waraabaha kucunaayo. dadkan cadowga uhiilinaayo waxay isilaawsiinayaan sheekadii 3da dabi iyo libaaxii dhaxmartay. alloo soomalida niyaddooda wanaaji, alloow qalbigooda saafi kadhig, alloow inta dibta ka qabo, alloow soomaali xoreey, alloow Ogadeniya u gar-gaar oo gacanta cadowga kabixi.waxaan jeclahay in aan halkan ogamahadceliyo walaalaha Soomaalida Ogadeniya ee muujiyay dhabar-adeeg kana dhiidhiyay dhibaatada gumaysiga, “ninkii dadaalaa wuu gaaraa”
    mahadsanidiin
    Ahmed

  5. Waxan ad oga xumahay in Puntland ay sidas xun ula dhaqanto walahed kale ee Somalida Ogadeniya. Waxana an Illahay ka baryaya inu Ogadeniya Cadowga ka xoreyo. Najax adigana aad ayan ku salamay Maqalkaduna wa mid ad uwanagsan oo Taarikha kala duwan xambarsan waxana an ka codsanaya Warfidiyenada kale in ay qoraaladoda ay ku saleyaan xaqiqada iyo Taarikho la hubo. Najax yare mar kale Walaal Mahadsanid