Home » Warar »

Warar Goos-Goos ah: Mandeera iyo Maxkamada Qaadiga, Tiiceey iyo kormeerka Ximan & Xeeb, Dugsiga Gambool ee Garoowe iyo warar kale

  • – Guddoomiye kuxigeenka Mandheera oo gaashaanka ku dhuftey is badal lagu sameeyo maxkamadda qaadiga ee Muslimiinta Kenya
  • – Kormeerka Guddoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Aadan Cabdullaahi “Tiiceey”
  • – Wasiirka waxbarasadda DPL oo kulan la qaatay guddiga waalidiinta ee iskuulka Gambool Secondary school ee Garoowe.
  • -Guddoomiyaha GOS oo dalka dib ugusoo laabtay – Muqdisho
  • – Shirkada isgaadhsiinta Golis Telecom oo Bosaso ku soo bandhigtay adeeg cusub

Guddoomiye kuxigeenka Mandheera oo gaashaanka ku dhuftey is badal lagu sameeyo maxkamadda qaadiga ee Muslimiinta Kenya

Guddoomiye kuxigeenka dowlada hoose ee Mandheera Xaaji Muuse ayaa codkiisa ku biiriyey arrinta maxkamadda qaadiga Muslimiinta oo ay muran badan ka keeneen masiixiyiinta dalka Kenya.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa ka dalbadey labadda mas’uul ee dowlada Kenya ugu sareysa iyo quburada dastuurka sameynaya in la joojiyo iis badal lagu sameeyo makamadda qaadiga ee ay leeyihiin dadka Muslimiinta ee dalkani Kenya.

Iyadoo waayihii ugu danbeeyey ay wadeen kaniisadaha dalka Kenya isku dayo ay ku doonayaan in meesha looga saaro maxkamadda qaadiga ayaa waxaa sii kordhaya tirada dadka Muslimiinta ee ku dhaqan gobolka waqooyi bari ee sida weyn uga soo horjeedo badalitaanka maxkamadda qaadiga ee shareecada Islaamka.

Guddoomiye kuxigeenka Xaaji Muuse ayaa markii ugu horeysay ka hadley aragtidiisa ku aadan badalitaanka maxkamadda qaadiga iyo waliba in meesha looga saaro, wuxuuna sheegay intaasi ay tahay mid aysan ku qanci karin haddii ay yihiin dadka Muslimiinta ee dalani Kenya, isagoo tilmaamey in iyagu ay diintooda cid kale marti uga noqon doonin.

Guddoomiye kuxigeenka ayaa ka codsadey guddiga sharciga badalaya in umuur taasi ay ka fiirsadaan, isla markaana ayan habooneyn in dadka Muslimiinta sharcigooda la badalo.

Qaar kamid ah dadka sharci yaqaanka ayaa sheegaya iney wanaagsan tahay in cid walba ay isku xukunto diinta ay aaminsan tahay, taasoo ay ku tilmaameen iney tahay qaabka ugu wanaagsan ee ay dadka ku wada noolaan karaan.

Wabilaahi Towfiiq
Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
Mobile Phone: – 00254-711 919 -302

Guddoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Aadan Cabdullaahi “Tiiceey” ayaa kormeer ku soo kala bixiyay, tuulooyin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb.

Guddoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeen Mudane Maxamed Aadan Cabdullaahi “Tiiceey” oo ay wehliyeen xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa soo kormeeray tuulooyinka Iidoole, Docoleey, Bacaroor, Riigga, Laasbuur, Baxdo, Amaaddi iyo Wanakii.

Kormeerka guddoomiyah ayaa ku wajagnaa u guurgalidda xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan tuulooyinkaas, iyo sidii xal loogu heli lahaa dagaal beeleedyo ka dhacay qaar ka mida tuulooyinkaas.

Guddoomiyah iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen deegaanadaasi waxay la kulmeen waxgaradka deegaanadaas oo ay ka wareysteen xaaladda dadka iyo duunyaduba ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha ayaa ka codsaday waxgaradka deegaanadaas inay ka digtoonaadaan dagaal dambe oo dhaca, wuxuuna xasuusiyay waxgaradka in faa’iidada keliya ee dagaal laga dhaxlaa ay tahay dhimasho, burbur iyo colaad, sidaas darteed loo baahan yahay inuu caqliga shaqeeyo.

“Walaalaheen nala deriska ah waxaan la samaynay xiriir, waxaana rajaynaynaa inaan nabadda ka wada shaqayno” ayuu yiri Mudane Tiiceey oo sheegay in waxgaradka Galmudug ay u socdaan xiriir wada shaqayn ah sidii loo xallin lahaa isku dhacyadii beelaha walaalaha ah ku dhexmaray qaar ka mida deegaanada ay wada degaan.

Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay oo dhowaan ku soo laabtay degmada Cadaado, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cadaado ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsn maamulka iyo saraakiisha ciidaamada maamulka.

Mudane Tiiceey wuxuu sheegay in intii ay joogeen magaalada Nairobi, ay halkaas kula kulmeen qaar ka mida waxgaradka Galmudug oo ay ka wada hadleen sidii labada maamul u wada shaqayn lahaayeen, isla markaana loo joojin lahaa gebi ahaanba dagaalada macno darrada ah ee mar walba soo noqnoda.

Wuxuu intaa ku daray inuu jiro xiriir u socda masuuliyiinta Galmugud ee gudaha ku sugan, kuwaas oo uu sheegay inuu rajaynayo in dhowaan ay u bilowdaan wadahallo lagu hagaajinayo wada shaqaynta labada maamul, xalna loogu radinayo dagaallada reer baadiyaha dhex mara.

ibraahim da’ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com

Wasiirka waxbarasadda DPL Cabdi Faarax Juxa oo maanta kulan la qaatay guddiga waalidiinta ee iskuulka Gamboolka Secondary school ee magaalada Garoowe.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay kulan xasaasi ah ku yeelanayeen wasiirka waxbarashada Dowladda Puntland iyo Guddiga waalidiinta iskuulka Gambool Secondary school iyo maamulka iskuulka oo maanta ka dhacay caasumada puntland ee garoowe.

Xafladani oo lagaga hadlayey habsami u socodka hawlaha iskuulka Gamboolka Secondary school ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiir Waxbarasada Dowlada Puntland iyo Wasiir Maamulka Wanaaga Dowladda Puntland Agaasimayaal hay’ado iyo NGO Muxaliga ah waxaa kaloo xafladani ka soo qeybgalay Guddiga Waalidiinta Iskuulka iyo marti sharaf kala duwan.

Ugu horeyn waxaa xaflada lagu furay ayaadaa quraamka kariimka ah ee qoolka eebbe waxaa kaloo isna makaroofanka lagu soo dhoweeyey arday ku hadlayey magacyada ardayda dugsiga Gamboolka Secondary scool kaasi oo magaciisa la yiraahdo Aadan isagoona ugu horeyn dadka ka soo qeybgalay xafladaasi uga hambalyey sida wanaagsan oo ay uga soo qeybgaleen xafladani isagoona sheegay in iskuulka sanadka uu aad u fiican yahay hadey noqon lahayd maamulka iyo xaga daruusta intaba isagoona ku booyey madaxda dowlada iyo madaxda iskuulka in ay gacan qabtaan ardayda.

Waxaa kaloo isana halkaasi ka Hadley macalin ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta iskuulka Gamboolka Secondary school ee magaalada Garoowe Macalin Mustafe C\qaadir ayaa waxa uu si weyn uga Hadley kaalinta ay macalimiinta ku leeyihiin iskuulka isagoona sheegay in macalimiinta ay waxbadan ka qabtaan dhinaca tacliintooda.

Waxaa iyana halkaasi ka hadasey Hooyo ka mid ah Guddiga Waalidiinta oo magaceeda la yiraado Faadumo Khaliif iyadoona si weyn uga hadashey dhibaatooyinka haysata ardayda iyadoona sheegtay In ardaydu dhibaato weyn kala kulmaan dhinaca gaadiidka marka ay u soo socdaan iskuulka iyadoona si weyn ugu boorisay in ay waalidiinta iyo ganacsatada iskaashadaan oo ardayda loo iibiyo gawaari ay ku yimaadaan iskuulka.

Sidoo kale waxaa halkaasi si weyn uga Hadley Maamulaha Iskuulka Gambool Secondary school ee magaalada Garoowe Siciid Faarax Maxamed oo isaga faah faahin dheeraad ka bixiyey waxqabadka iskuulka mudadii uu Maamulaha ka ahaa isagoona sheegay in iskuulku ay wax ka badaleen dhinac weliba ama dhinaca maamulka ama dhinaca daruusta iskuulka isagoona ugu horeyn sheegay in ay ku guulaysteen in ay macalimiinta iskuulka ay macalin weliba siiyaan bishii $300 Dollar oo mushaarkiisha isagoona sheegay maamulaha in ardayda ay kantaroolaan waxbarashadooda iyo ardayga maqan iyo ardayga aan maqnaynba.

Mr Siciid Maxamed Faarax Maamulaha Iskuulka Gamboolka secondary school waxaa kaloo uu nadasha shirkaasi ku sheeay waxyaabaha iskuulka u baahan yahay isagoona ku tilmaamay arinta ugu muhiisan iskuulka oo aan lahayn wax Computery isagoona xusey in markii hore uu iskuulku lahaa 2 computer iyaduna ay xumaadeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo uu maamulaha si qotodheer leh uga Hadley marxalaha uu iskuulka soo maray isagoona sheegay in iskuulku uu hada si wanaagsan u fiican yahay qaabka ay u socdaan hawlihiisa waxbarasho maamulaha oo hadalka si aad ah ugu dheeraaday ayaa waxaa uu ka Hadley dhibaatooyinka haysata iskuulka iyo wax ay u baahan yiiin isagoona sheegay in iskuulka arinta u weyn ay tahay musqulaha oo aan dayactirnayn iyaguna u baahan in la dayactiro isagoona ka codsadey madaxda dowladda iyo ganacsada iyo cid weliba oo gacan ka geysan karta in ay gacan lixaad leh ka geystaan iskuulka waxyaabaha uu u baahan yahay.

Ugu danbeytii gabogabadii xafladaasi waxaa halkaasi ka Hadley Wasiirka Waxbarashadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa isagoona u mahad celiyey cidii soo qaban qaabisay kulan oo ay isugu yimaadeen guddiga waalidiinta iskuulka iyo maamulka iyo wasaaradda waxbarashadda isagoona kula dardaarmay maamulka iskuulka in ay sii laba laabaan hawlaha iskuulka iyo habsami u socodka waxbarashada isagoona xusey in ay wasaaradda waxbarashadda had iyo jeer u heelan tahay in ay garab siiso maamulka iskuulka Gambool ee magaalada Garoowe.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
Email.Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Guddoomiyaha GOS oo dalka dib ugusoo laabtay – Muqdisho

Halkan ka daawo sawiro soo dhaweynta

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Mudane Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo dhawaanahan isaga iyo wafdi isboorti oo uu hogaaminayo ay safarro shaqo oo dalka dibadiisa ah ku maqnayeen ayaa maanta dalka dib ugu soolaabtay.

bsom5

Wafdiga guddoomiye wiish ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade si weyn ugusoo dhaweeyay masuuliyiin ka kala socotay xiriirada iyo ururada isboorti ee dalka ka dhisan oo uu horkaayay guddoomiye kuxigeenka GOS Mudane Xasan Axmed Cabdi (Elman), madaxda naadiyada, cayaartoy iyo dadweyne kale oo farabadan oo luxayay caleemo qoyan, islamarkaana watay calanka Soomaaliyeed iyo kan guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Tan iyo saaka waabarigii ayaa wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo hoyga guddoomiyaha waxaa si safa dhaadheer ah u tubnaa taageerayaal isboorti oo farabadan si ay guddoomiyaha iyo wafdigiisa usoo salaamaan marka uu wadada soo marayo.

Guyddoomiyaha ayaa markii uu soo gaaray magaalda Mqudishowaxaa uu si toos ah u abaaray qabriga marxuum macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ahaa wadaad diimeed si weyn looga qadariyo dalka Soomaaliya oo tobaadkii hore dalka Kenya ku geeriyooday.

Wafdiga isboorti ee guddoomiye wiish uu hogaaminayay ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ay socdaalo ku marayeen dalal dhowr ah oo ku yaala qaarda Yurub halkaas oo ay kulamo kala duwan kulasoo qaateen jaaliyadaha isboortiga Soomaaliyeed ee dalalkaa ku sugan oo ay ka wada hadleen arrimo horumarinta isboortiga dalka la xariira.

Safarkan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa fulinta qodobadii kazoo baxay shirweynihii doorashada Olombikada Soomaaliyeed ee bishii maarso ka dhacay dalka Jabuuti kuwaas oo sheegayay in wafdi uu guddoomiyuhu hogaaminayo ay soo booqdaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee yurub ku nool oo wax badan gacan ka geystay horumarinta isboortiga dalka Soomaaliya tan iyo 1991-kii oo dalka Soomaaliya uu dowlad la’aan ahaa.

Sida aanu kasoo xiganay xafiiska warfaafinta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed maalmaha inasoo aadan ayaa lagu wadaa in guddoomiyuhu uu saxaafada kaga warbixiyo waxyaabihii uga qabsoomay safarkiisii dheeraa ee uu yurub iyo Afrika dalal ah uu kusoo maray.

Inakstoo Isboortiga Soomaaliya uu kusoo dhex shaqeeyay marxalad adag tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii hore ee Soomaaliya ayaa hadaa waxaa la oran karaa maanta waxaa uu isboortiga Soomaaliyeed marayaa xaaladii ugu adkeyd ee abid soo wajahda marka loo eego dhibaatooyinka dalka ka jira.

Source: Somali NOC Media Department
Website: www.nocsom.org
+25250 969815 Cell
+2521 217034 Office
somalisportspress1@hotmail.com

Shirkada isgaadhsiinta Geyiga ee Golis Telecom ayaa Caawa Xaflad Balaadhan oo ay ku qabatay Bosaso ku soo bandhigtay Adeeg Caalami ah oo la yiraahdo Sahal Service.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah oo shirkadda

Shirkada isgaadhsiinta Telefoonada ee Geyiga Somaliya oo Safka Hore kaga Jirta dhinaca Harumarka Tegnolagyada Casriga ah ayaa caawa ku qabatay Magaalada Bosaso Gaar ahaan Hoteelka Baana Rooma Xaflad Balaadhan oo ay ku soo bandhigayso Adeega Caalamiga ah SAHAL SERVICE Adeegaasi oo ah Mid ka Mida adeegyada caalamiga ah ee Tegnoljiyada Casriga ah ayaa waxa uu yahay Acount ama Baal Xisabeed aad ka Furaynayso Talefoonkaaga Gacanta ee Mobeelka Gudihiisa kaas oo meesha ka saaraya ama sahlaya Lacagihii aad qaadanjirtey oo aad telkaaga ku soo shubanaysey adigoo si Xor ah u maamulaya Acounka aad ku leedahay Telkaaga ,Waxaa sidoo kale Isticmaalikara Adeegan Sahal Service Guud ahaan Shirkadaha Waawayn ee Ganacsiga Somaliya.

bsom6

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay shirkadaha Magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga dowlada Pl badankooda sida shirkada Towfiiq,Barwaaqo,Furqaan,Muraak,Laasqoray Tonafish ,Shaafici, Shirkada Ama Banka Caalamiga ah ee Dayaxiyo Shirkado kale oo aad u tirabadan.

Dhinaca Maamulka Masuuliyiin aad u tirabadan oo ka mida dowlada Federalka ah xildhibaano ka soo jeeda iyo Maamulka PL sida Gudoomiyaha Rugta ganacsiga DGPL Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Isimo ,Culimaa udiin,Hablo,iyo Sarkiisha Amaanka Waxaana halkaasi ka Hadlay oo Faafihin dheer ka bixiyey adeegan SAHAL Qaabka loo isticmaalayo Madaxa Suuqgeynta Shirkada Goeyigeena ee Golis Mudane Cumar Faruuq isagoo sheegay in adeegan uu yahay mid ka mida adeegyada Dunida laga isticmaalo isla markaasina aad kaga Maarmaysid wax badan oo lacagahaaga aad qaadasho ama lacag soo shubasho ugu adeegsan jirtey iyadoo aad Telkaaga Gudihiisa Acounka aad ku leedahay aad maamulankartid si markaasi aad Cid ugu didho adigana luguu soo diro.

Faarax Xaaji Mir oo ka mida Madaxda Shirkada ayaa isna sheegay inuu adeegani yahay mid iminka si rasmi ah u dhaqan gelaya iyadoo ay Shirkadani noqotay midii ugu Cadcadayd dhanka Harumarka taabagalka ah ee Xiriirka dhanka isgaadhsiinta Umada somaliyeed iyo Guud ahaan dadka kale ee ku dhaqan qaaradaha kala Fog.
Madaxa ugu saraya ee Maraayaha Guud ayaa isna Halkaasi si wayn ugaga Hadlay Adeegan Casriga ah ee La magacbaxay SAHAL SERVICE Iyadoo Maalinta Berito ahna Shirkadu Carwo wayn oo Ku taal Magaalada Bosaso ay ku soo bandhidoonta Qaabka bulshadu u isticmaalayso adeegan casriga ah ee iminka ay soo kordhisay.

Duqa Bosaso C/risaaq Xareed ismaciil iyo Masuuliyiinta Dowlada ayaa siwayn u Amaanay shirkada Golis kana Markhraantikacay sida wax u qabatay shirkadu inay tahay mid aan Iminka Amaanteeda la soo koobikarin,iyadoo shacabkuna si wayn ay ugu qanceen waxqabadka dhanka Hurumarka ah ee ay isku howshay iyo waxqabadka dhanka Bulshada ee Samaynta Wadooyinka Gadiidka oo ay si wayn isugu Howshay una saheshey Shirkada isgaadhsiinta ee Golis telecom.

Maxamed Axmed Ciise
Bosaso-Puntland
geedi7@gmail.com

Siminaar muddo 4 maalmood ka socday xarunta wasaarada caafimaadka DPL oo maanta la soo gabogabeeyey

Halkan ka daawo sawirada siminaarka

Siminaarkani oo muddo 4 maalmood ah uga socday xarunta wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa waxaa lagu tabobarayey dad kala duwan oo kala yimid gobolka sanaag iyo Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal iyadoona lagu barayey maareynta duumada iyo cudarada kale iyadoona la tabarayey dadka MCHlayda ah ee ku sugan deegaanada puntland.

Siminaarkani oo ay ka soo qeybgaleen dadka furo badan ayaa waxaa tababarka bixinayey macalimiin aqoon iyo waayo aragnimo buuxda u leh ka hortaga cudurka duumada iyo sidii loo maareyn lahaa iyadoona tababarkaasi la siinayey dad ka kala yimid deegaanada puntland kuwaasi oo tiradoodu gaarayso 700 qof.

Gabogabadii siminaarkaasi ayaa waxaa halkaasi ka Hadley Dr C\risaaq Xasan Ciise oo ah Agaasimaa Waaxda Daryeelka Caafimaadka Wasaadda Caafimaadka kana mid ahaa macalimiinta bixinayey siminaarkaasi.

Dr C\risaaq Xasan Ciise ayaa waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha uu siminkaarkani ku saabsanaa iyo wax looga gol lahaa isagoona sheegay in ay tababarkani meelo faro badan ku soo qabteen sida gobolka Bari isagoona sheegay in ay ka soo qeybgaleen 18 MCH oo a kuwa ku yaala Gobolka Bari oo iyaguna lagu baryey maareynta duumada iyo cudarada kale.

Dr C\risaaq Xasan Ciise waxaa kaloo uu xusey in ay tababar mid kan oo kale ah ku soo qabteen gobolka Karkaar oo ay ku tababaro bareen dadka tiradoodu gaaraysa 20 qof oo ka kala socday MCH gobolka Karkaar.

Waxaa kaloo uu sheegay Dr C\risaaq Xasan Ciise in ay gobolka Mudug ay ku qaban doonaan siminaarkani cayn kan oo kale ah kaasi oo isana ku saabsan isla ka hortaga duumaada iyo sidii loo maareyn lahaa.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
Email.Xuseen339@hotmail.com
Garoowe Puntland Somalia

Xarakada AL Shaabaab oo ka bilaabay dagmada Jamaame howlgalo lagu burburinayo qabuuraha

Howlihii burburinta qabuuraha oo dib uga soo cusboonaaday goobo ka tirsan Jubbooyinka Xarakada ayaa buruburintii ugu danbeysay waxay manta ka dhacaday dagmada Jamaame oo ka tirsan G/bolka Jubbda Hoose.

Maamulka islaamiga ah ee gacanta ku haaya dagmada Jamaame ayaa u saaray Gudi lagu magacaabo Gudiga ka hortaga Shirkiga iyo qeybinta towxiidka ee xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab saxaafada iyo dadweynaha uga warbixiyay howlgalo maalmihaan ay ka wadeen gobolka J/hoose wasxayna sid ay sheegeen ay ku beegsanayeen goobo lagu caabudo Wax ka sakooye Alle S/W.

Gudiga oo warbixintiisa sii wata ayaa shegay in ay bur buriyeen goobo laga barakeysan jiray isla markaana siyaaro loo aadi jiray iyo Qabriyo kale oo ku yaala degmada Jamaame kadib markii halkaasi ay howlgalo ka sameeyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Afhayeen ku hadlayey Magaca Xarakatul Muhaajihidiin Alshabaab oo lagu magacaabo Sheekh Saacid Karataay ahna madaxa gudiga la dagaalanka Shirkiyaadka ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo shir jaraid ku qabtay gudaha magaalada Jamaame ayaa saxaafada u sheegay in degmada Jamaame ay ku soo bur buriyeen sanab weyn oo halkaasi ku yiilay kaasoo uu sheegay in ay Caabadu jireen Gaaladii horay dalka u joogtay sida uu hadalka u dhigay.

Sheekha oo hadalkiisa sii wata aya shegay in ay bur buriyeen qabuuro kala oo kala duwan kuwaas oo ku yiil deegaano hoostaga degmada Jamaame isaga oo intaa raaciyey in goobaha ay burbureiyeen lagu sameyn jirey waxyaabo aysan ogoleyn shareecada silaamka isla markaana aysan ogoleyn diinta islaamku .

ismaaandhafkaan ayaa lagu tirayaa in ay ka danbeysay ka dib markii shaki weyn laga keenay in la siyarto qabri ama wax lo bixiyo si aan ku habooneyn diinta islaamka

Ma aha markii ugu horeysay ee ay xarakada Mujaahidiinta alshabaab goobaha ay ka taliyaan sidaan oo kale qabuuro ugu burburiyaan arintaan ayaa ka noqoneysa goobo badan wax iska caadi ah waxaana jirta in G/gobolada Jubbooyinka loo sameeyey gudi soo qiimeya xaalada iyo wax laga aamin san yahay qabuuraha wasxaana ka mid ah gudiyadaas midkaan ka dhisan dagmada Jamaame oo lagu magacaabo gudiga la dagaalanka Shirkiyaadka ee Xarakada Mujaahdiinta AL Shabaab ayaa maalmihii

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warar Goos-Goos ah: Mandeera iyo Maxkamada Qaadiga, Tiiceey iyo kormeerka Ximan & Xeeb, Dugsiga Gambool ee Garoowe iyo warar kale "

  1. cali says:

    waan ka helaa wararka somalitalk gooleesta muslim dhab ah