Home » Announcements »

Festifaalka Soomaalida London | Goorma: November 13

Festifaalka Soomaalida London

Warbaahin Saxaafadeed – London

Goorma: November 13, 2009

Guddiga Qabanqaabada Festifaalka London ee Soomaalida wuxuu soo tebinayaa in dhacdada lagu shaacinayo barnaamijkaasi ay noqon doonto maalinta Jimcaha 13 Noofambar 2009, saacaddu 5ta ilaa 10ka fiidnimo, Goobta:

Hampstead Town Hall Centre, 213 Haverstock Hill, London NW3 40P.

Dad tiradoodu kor u dhaafayso 250 oo ka socda heyado kala duwan ayaa ka soo qaybgelaya. Dadkaasi waxay kala yihiin madaxda jaaliyadaha, ururrada jaaliyadaha, fannaaniinta, dhallinyarada, ururrada isboortiga, ururada qorayaasha, ganacsatada, iyo heyadaha warfaafinta iyo kuwo kale oo dhammaantood imanaya xafladda lagu shaacinayo Festifaal Dhaqameedka Soomaaliyeed ee London 2010.

Sida magaca laga dhadhansan karo, Xafladdaas waxaa lagula kulmayaa fannaaniin caan ah oo soo bandhigaya miyuusig, heeso, cayaaro, majaajillo, xiisa badan. Waxaa iyana ereyo kasoo jeedinaya guddiga qabanqaabada Festfaalka iyo heyadaha gacanta weyn ka geystey, iyo shakhsiyado bulshada ku caan ah. Xafladdaas waxaa dadka lagu soo dhoweynayaa cunto Soomaali.

Festifaal dhaqameedkani waa kii ugu horreeyey ee baaxaddaas leh ee Soomaalida dibed-joogga ahi ay qabato. Danaha iyo ujeeddooyinka looga gol leeyahay, waxaa ugu waaweyn:

1. in la muujiyo tilmaan ka marag kacaysa sida dalkan Britain ay dhaqammada, diinaha, isirada kala duwani ay misna qaab nabadeed, is-xurmayn iyo is-tixgelin ku wada nool yihiin.

2. kor u qaadidda iyo dhiirigelinta kaalinta ay leeyihiin waxbarashada, fanka, sugaanta, cilmi baarista, xoriyadda saxaafadda iyo daabacaadda qoraallada

3. Sidoo kale waa baaq weyn oo lagu simayo dalka Soomaaliyeed laftiisa qiimaha iyo qaayaha ay nabaddu leedahay gaar ahaan xilligan qallafsan ee lagu jiro.

War ku baahay dunida oo dalkan Ingiriisku ka mid yahay iyo sawir fool xun oo wax ka jiraan oo laga qabo dadka Soomaaliyeed, sida burbur-dawladeed, dagaallo sokeeye, burcad-badeed, carruur da’yari ku hagaastay, dembigal iyo Ismaqiiq waalan iwm.

Festifaalkani wuxuu culayska saarayaa inuu si cad usoo bandhigo weji fiyow oo kaas foosha xun ka duwan inay ummdda Soomaaliyeed leedahay.

Festifaal dhaqameedkaas (2010) qaybihiisa ugu door rooni waxay kala yihiin:

– festifaallo lagu qabto London iyo magaalooyin kale ee Soomaalidu ka deggan tahay Britain.

– shirar iyo doodo lagu eegayo arrimo mudan

– dhacdooyin festifaal isboorti oo ballaaran

– ka faa’ideysi qalabka warfaafinta

– martiqaad loo fidinayo shakhsiyado ku caan ah fanka iyo suugaanta soomaaliyeed ee dalkan UK iyo dibedaba.

Ururada Abaabulaya Festifaalka:

Ururada gacanta weyn ka geystay qabanqaabada iyo kor u qaadka Bandhig Dhaqameedka Soomaaliyeed ee London waxaa ka mid ah: Kasmo Newspaper, Universal TV, leading Somali artists, Soohan Somali Arts, London Somali Youth Forum, Samaddoon Somali Support Development Organisation, Dadihiye Somali Development Organisation, Somali Sport Communities, Hogmaal Radio, Somali Community organisations, Somali Community Development Trust, Somali Education & Development Agency Camden, Help Somalia Foundation, Somali Welfare Centre.

festif

Ururada kale iyo ganacsatada taageerada wax ku oolka ah u geysatey Festifaalka waxaa ka mid ah: Somali PEN Centre, Council of Ethnic Minority Voluntary Sector Organisation, Dahabshiil Money Transfer Ltd, Hirda, Aminarts.com iyo kuwo kaloo badan…

Guddiga Qaban-qaabada Festifaalka

6b Chevening Road, London NW6 6DD

Tel 020 8962 0675 – 0795 797 4885.
Email: info@kasmonewspaper.com

Waxaa soo tebiyey
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.