Home » Warar »

Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo ugu baaqey dadka Soomaaliyeed iney midoobaan

Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo ugu baaqey dadka Soomaaliyeed iney midoobaan

Cod: Halkan ka dhegeyso Warka

Sawiro: Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah…

Safiirka u fadhiya Mareykanka dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed ee kusugan guddaha iyo dibadda iney garab istaagaan dowlada Soomaaliya.

Safiirka oo ka hadlayey xaflad shaley loogu dabaal dagayey maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in xalka uu ku jiro iney midoobaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaasi ku darey in dowladiisu ay taageero walba siineyso dowlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka gaashaan dhiga dowlada kumeel gaarka ee Soomaaliya Cabdalla Boss oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ka hadashey xafladaasi ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed iney aqoon sadaan muhiimada uu leeyahay calanka Soomaaliyeed.

Cabdalla Boss ayaa ku nuux nuux sadey in calanka dad badan ay naftooda usoo hureen xiligii loo soo halgamayey, waliba intaasi wuxuu ku darey iney tahay wax laga xumaado calankii dhibkaas loo soo marey maanta inuu meel cidla ah yaalo.

Soomaaliya ayaan laheyn dowlada dhexe oo awood badan kadib dhicitaankii dowladii Maxamed Siyaad Barre 1991-dii, waxaana dalka ka dhacey dhibaatooyin aad u qara weyn, walina ma muuqato in dhibaatooyinkaas xalkooda la helay.

kadd2

Saciid Xasan Anteno
Nairobi, Kenya
E-mail: – saidanteno@hotmail.com

Roobabka Deyrta oo ka curtey gobolada waqooyi bari Kenya.

Roobabka xiliga Deyrta ayaa ka curtey qeybo katirsan magaalada Mandheeraa ee gobolka waqooyi bari Kenya si fiicana ay ugu
diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan bariga, bartamaha iyo galbeedka magaalada. Magaalada Mandheera ayaa roobku wuxuu ka da’ayey laga soo bilaabo xaley gelinkii danbe ilaa iyo maanta.

Sidoo kale deegaanada ay roobabka ka da’een isla markaana sida weyn loogu diirsadey ayaa waxaa kamid ah magaalooyinka Mandheera, Raamo, Ceel waaq, baanisa, saar gaabo iyo deegaano kale oo hoos yimaado.

Roobka xoogan ee xaley gelinkii danbe ka bilawdey magaalada ayaa saameyn weyn ku yeeshay baybabkii iyo dhuumihi biyaha gaarsiin jirey xaafadaha kala gadisan ee magaalada, kadib markii biyo xoog badan ay keeneen togagga biyaha meelaha fog ka keena ee magaalada, taasi oo sababtay beebabkii iney buux dhaafaan gaarsiina kari waayaan biyaha meelihii loogu tala galey.

Madaxa biyaha ee magaalada Mandheera Qaasim Xaaji Keeroow ayaa sheegay in xilagani ay jiraan caqabado lasoo darsay hawl wadeenadooda iyo waliba xaafadihii biyaha ay gaarsiin jireen, taasi oo uu ugu baaqey in xiliga ay roobabka soconayaan ay dadku isticmaalaan majaroorada ama masharaafooyinka.
Sidoo kale roobabka Deyrta ayaa ka curtay dalka Soomaaliya iyo Ethiopia ee xuduuda la wadaaga dalka Kenya.

Si kasta oo ay ahaataba dadka saaka aan la xiriirey ayaa waxaa laga dareemi karey farxad iyo reyn reyn iyo waliba soo dhaweyn xoogan oo ay u qabaan roobabkan bilawdey ee ay sida weyn u sugayeen, waxaana arrintani kusoo beegmaysaa xili kuleylo iyo abaaro xoogan ay ka jireen guud ahaan gobolka gaar ahaan waqooyi bari Kenya.

Saciid XasanAnteno
Nairobi, Kenya
E-mail: – saidanteno@hotmail.com

Safaarada Maraykanka Iyo Somaalida ku nool dalka Kenya oo si wadajir ah u xusay Maalinta Calanka Somalia.

Halkan ka daawo Sawirro Dheeraad ah

Munaasabad ay iska kaashadeen safaaradda Mareekanka ee dalka Kenya iyo Somalida ku nool Kenya ayaa lagu xusay maalinta Calanka Somalia, iyadoo Munaasabadas ay ka soo qeeb galeen qeebaha kalla duwan ee bulshada.

Xafladan ayaa lagu qabtay Guriga uu magaaladda Nairobi ka daganyahay qunsulka Safaarada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Robert E. Patterson, iyadoo dhanka kale ay ka soo qeeb galeen masuuliyiin ka kala socotay Dowladda Maraykanka, Dowladda KMG Soomaaliya, Qaramada Midoobay, wakiilo ka kala socday safaaradaha daneeya arimaha Soomaaliya, Midowga Africa iyo Jaalliyada Soomaalida ee Kenya.

Dr Axmed Cumar Azhari oo ah aqoonyahan Somaliyeed ahna qoraa iyo taariikhyahan ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee xafladda ka hadlay isagoo sheegay in ay maalintan oo kale tahay maalin ku weyn ummada Somaliyeed balse la iska hilmaamay.

Dr Axmed Cumar Azhari ayaa shacabkii meesha isugu yimid xasuusiyay in wax laga xishoodo ay tahay in Safaaraddii Somalida ee dalka Kenya ay iska hilmaamtay in Munaasabadan ay xusto halka dowladda Mareekanka ay calnkeena na soo xasuusisay iyadoo safaaradii Somalida-na ku marti qaaday. Hadalkaas oo inta badan dadkii xafladda isugu yimid qiiro galiyay.

“sanadka soo socda waxaan filayaa in Safaaradda Somalida ee magaaladda Nairobi ay munaabad sida oo kalla ah ay inoo qaban doonto waliba ay ku casunto dowladda Mareekanka” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr Axmed Cumar Azhari

Qunsulka Safaarada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Robert E. Patterson ayaa lagu soo labistay dharka Hidaha iyo dhaqanka Somalida isagoo Robert E. Patterson mahad balaaran u jeediyay dadkii meesha isugu yimid iyo sida qurxoon oo ay u jecelyihiin calankooda

Safiirka dowladda Mareekanka dalka Kenya u fadhiya Micheal Rennerberger oo xafladda ka soo qeebgalay ayaa sheegay in maalinta calanka Somalia ay astaan u tahay Qaranimada dalka Somalia

“Somalia si fiican ayaan u garanayaa, sanadkii 1994 iyo inta aysan dowladdii dhaxe ee Somalia bur-burin waxaan tagay magaalooyinka Mogadishu iyo Baydhaho” ayuu yiri Micheal Rennerberger

“Ummada Somaliyeed meel walba oo ay joogaan Kenya, Dubia, Mareekanka iyo Yuruba waxaan ka codsanayaa in ay taageeran dowladda Somalia waana fursadii ugu fiicneed ee Somali soo marta, lacag kasta iyo daadaalkasta oo aan bixino waxba ma tarayaan haddii aysan somalidu taageerin nabada iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo amaan badan u soo jeediyay Ganacsatada Somaliyeed” ayuu ku daray hadalkiisa Mudane Micheal Rennerberger

Dhanka kalle wakiilka Qaramada Midoobay Mudane Ahmedou Ould-Abdallah ayaa goob jog ka ahaa xafladda inkastoo uusan wax hadal ah ka jeedin Munaasabada, balse Dr Axmed Cumar Azhari ayaa markii uu hadlayay xasuusiyay UN-ka in laga rabo in aysan Somalida wax aysan rabin iyo dad dibadaha laga keenay aysan dalka madax ooga dhigin balse ay waydiiyaan shacabka Somaliyeed waxa ay iyagu rabaan.

Ra’isul-wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo xafladaasi qadka taleefoonka uga qayb galay ayaa u mahadceliyey Danjiraha Safaarada Maraykanka ee soo qaban qaabiyey Munaasabaan.

Wasiirka difaaca Dowladda Soomaaliya Cabdalla Boos oo afka Dowladda Somalia ku hadlayay ayaa sheegay in ay ka xunyihiin in Munaabada Calanka Somalia aysan sanadkan qaban balse sanadka danbe ay jecelyihiin in Caasimada Somalia ee Mogadishu in lagu qaban doono. Isagoo mahadceliyay Safaaradda Dowladda USA ee Nairobi

Xafldan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ciyaaro dhaqameed, waxaana la qaadayay heesta Calanka iyadoo fanaanka Qaranka Qadiijo Foodey ay halkaasi heeso calanka Somalia qiimihiisa ka hadlayay ay ka soo jeedisay.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

sayfudiin@gmail.com
ibraahim@journalist.com
Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo ugu baaqey dadka Soomaaliyeed iney midoobaan "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Safiirka maraykanka beenta ha iska daayo Soomaali inay mid noqoto maraykanka ayaa diiday taa waa xaqiiq u ah 2006 markii maxkamadaha islaamka ay nabad ka dhigeen koofurta Soomaaliya waa la ogaa maraykana in uu yiri maxkamadaha waa al qaacida weerar aan loo meeldayin ayuu ku soo qaaday oo dhul iyo cir ah asagoo adeegsanaya gumaysiga ethiopia. waxaa is waydiin mudan hadii mar kale Soomaali mid noqoto maxuu maraykanka samayn doonaa ma xabashi buu adeegsanayaa mise maraykanka ayaa dagaalka toos u soo galaya cir iyo dhulba.