Home » Badda, Warar »

Xildhibaan Nageeye: Barlamaanku waa Wakiilka, Af-hayeenka Rasmiga ah ee Shacabka.

Xildhibaan Nageeye: Go’aankii Baarlamaanka kadib Heshiiskii Is-afgarad wax sharciyad oo uu leeyahay majirto, waa waxba kama jiraan

Baarlamaan waa shacabkoo lasoo yareeyay, Mudane walba tiro dad ah ayaa codkooda si xor ah ugu soo wakiishay inuu danahooda difaaco, codkooda gaarsiiyo una soo qaado madasha Golaha go,aan ay wax ku leeyihiin,ayagoo ku qanacsanna u hoggaansamaan.

Aniga golaha aan xubinta ka ahay waa la soo xulay (la ma soo dooran) waxaan sidig wakiil ugu ahay koox dadweynaha kamid ah (qaab-beeleed loogu niyooday inay igusoo wakiisheen balse aan afti laga qaadin).Waxaan ku matalaa inta aan isku raacsannahay oo danta guud ee wadaniyaddu sal-dhig u tahay sida dhawrista Qarannimada Somaliya, madaxbannaanida jiritaanka iyo midnimada ummadda somaliyeed ah. 

Dowladda Federaalka Kmg ah waxay xilka si ku meel gaar ah u haynaysaa xilliga kala-guurka,waa inta dalku ku sugan yahay xaaladda adagee kaladambayn laantu jirto.

Dowladda kmg ah, asaaska dhismaheeda iyo jiritaankeedaba waxaa udub dhexaad u ah Axdi-qarameedka Kmg ah. Sharciyaddeeda waxaa saldhigga iyo marjac u ah Axdi-qarameedka kmg ah, sida uu qorayo Qodabadiisa wixii laga waayana Axdigaasna waxaa loola noqonayaa Dustuurkii 60-kii. 

Barlamanku waa hayadda ugu sarreysa, sal-dhig iyo hooyadaba u ah jiritaanka dhammaan hayadaha Dustuuriga ah/kuwa aan Dustuuriga ahayn ee Dowladda Federaalka Kmg ah, asaga ayayna kasoo wada farcameen. sidaas darteedna leh awoodda ugu sarreysa iyo goaanka kama-dambaysta ah ee dowladda kmg ah.Wuxuuna awood sharci u leeyahay Xil-ka-qaadista Madaxweynaha,Wasiirka koowaad iyo dhammaan xubnaha golaha fulinta.Madaxweynaha waxaa soo doortay Barlamanka,asagii soo doortaana xilkana ka qaadi kara,Axdi-Qarameedka kmg ah qodobbadiisa qeexaya xilka-qaadista Madaxweynaha/Wasiirka koowaad iwm ahba ayaa sal-dhigna u ah sharciyadda xilka qaadistooda,waxaana loo raacayaa hab-raaciisa. 

Barlamanka Federaalka Kmg ah waa mid xubnihiisa lasoo xulay,mar haddaanuu shacabku codkiisa toos ugusoo dooran xubnaha Golaha waxaa iska cad in wakiil-nimadiisu(Barlamanka) tahay mid dhimman ama ah qabyo kuna koobnaan doonta arrimaha ku cad Axdiga kmg ah,sidaas dartedna saamaynta Sharciyaddiisa iyo heerka Awooddiisuba way xadidnaanayaan ,maadaama aaney gaarsiisneyn ama aanuu la heer aheyn Barlaman lasoo doortay(awood iyo sharciyad)waxay saamaynta goaanadiisu iyo ku-dhaqmaadkooduba ku eg-tahay inta lagu  jiro(muddada)xilliga kala-guurka ah. 

N.B (Waxaa kalifay in lasoo xulo xubnaha Barlamanka baahida loo qabo in dalku yeesho Dowlad hanata ama si kmg ah u socodsiisa maamulka adeegyadii bulsho iyo xaaladda dalku ku sugan yahay ee amni-darro, ee aan la-suura-galin Karin ama aan la qaban Karin lana hirgalin karin afti iyo doorasho shacabi oo xor ah). 

Awoodda iyo sharciyaddaas qabyada ah ee xadidan waxaa la wadaaga kalana mid ah dhammaan hayadaha Dowladda Federaalka Kmg ah. Arrinkaas waxaan si cad u qeexaya heerkeeda Axdi-qarameedka Federaalka Kmg ah. AXDIGA Federaalka Kmg ah, wuxuu waajibaadka Dowladda Federaalka Kmg ah, kusoo koobayaa arrimaha soo socda ::

  1. Soo celinta nidaamka, kala dambaynta iyo ku-dhaqanka sharciga
  2. Diyaarinta dustuur dalku yeelanayo, hirgalinta tirakoobka iyo diiwaan galinta dadweynaha.
  3. Diyaarinta shuruucda diiwaan galinta,tirade iyo noocyada xisbiyada dalku yeelanayo iyo hab-raaca lagu maamulayo qaabka cod-dhiibashada.
  4. Abuurista iyo hirgalinta jawi saamaxaya is nabadgalyo xor ah ay shacabku cod ugu soo doortaan madaxda dalka.
  5. Soo noolaynta ilihii dhaqaalaha dalka, soo celinta adeegyadii bulshada iyo, saxidda, toosinta iyo tayaynta habka maamulka dowladda.

Waxaan ugu horreyn rabaa inaan usheego, cod dheerna ugu macneeyo kuna fahamsiiyo cidkasta oo danaynaysa oo doonaysa ama doonaysa in la baro waxa uu yahay nuxurka muran-badeedka ay dowladda Kenya ku andacoonayso inuu Somalia kala dhexeeyo,waana arrinka la xiriira IS-FAHAM ka dhex-maray labada xukuumadood ee labada dal: 

IS-FAHAM waa nooc ka mid ah hashiisyada;waa qoraal hordhac ah oo aan rasmi ahayn,wuxuu kaloo noqon karaa qodobbo ay isku af-garteen,wadana qaateen shaqaalaha shirkadi leedahay kuna hagaajinayaan howl-qabadkooda iyo hab-raaca maamulkooda.

Wuxuu noqonnayaa marka ay laba dowladood wada gaaraan kalana saxiixdaan wadajirna looga diiwaan-galiyo xafiiska QM heshiis rasmi ah, qabanaya labadaas dal, wuxuuna yeelanayaa awood sharci qaanuuni heer caalami ah kaga dhigaysa fulintiisa iyo dhaqan-galintiisa khasab labadaas dal ee wada saxiiyay.

Wuxuu saamayn sharci ah ku leeyahay si wadajir ah labada dowladood oo ayagoo isku raacsan wadajir u waydiistay in loo diiwaan-galiyaan arrinkaas ay heshiiska ku yahiin sida midkaan ay Kenya ku doonayso inay been abuur ku boobto dhul Somaliyeed,hoos-galisna uga faaiidaysanaysa waaya-aragnima laanta siyaasiyiinta Somalida (xukuumadda federaalka kmg ah) IS-FAHAMKA waxaa lagu abuurayaa wax loogu yeeray MURAN-BADEEDKA u dhexeeya labada dal,ayna wajir u qirayaan jiritaankiisa,ayagoo isla oggolna kala saxiixdeen ayna u gudbiyeen QM ayna ku weydiisanayaan in loo diiwaan-galiyo MURAN-BADEED been abuur aan sal iyo raad toonna laheyn.

Sooh-dinta xadka badda u dhexaysa labada dal Somalia iyo Kenya waxaa wadajir u calaameeyay 1924-tii kuna heshiiyay dowladihii INGIRIIS iyo TALYAANI gumayteyaashii labada dal ee xilligaas. 

IS-FAHAM-kaas ka hor lama maqal mana jirin wax sheegasha ah kuna saabsan MURAN-BADEED u dhexeeya labada dal oo midkood horayna ugu gudbiyay QM oo taariikhdu xustay.

Kenya,marna lagama sugaynin xilligaan ay xaaladda Somalia murugsan tahay inay si hoosgalis ah uga saxiixdo madax Somaliyeed oon xog ogaal ahayn qoraalkan ay kula qirayaan,lana-oggolaanayaan,loona gudbiyay Guddiga Xadaynta soohdinta Badda ee QM ayadoo si wadajir ah loogu waydiistay Guddiga in la diiwaan-galiyo MURAN-BADEED been abuur ah,kaasoo loogu sameynayo Kenya saldhig sharciyadeed rasmi uga dhigaya dhul-boobkeeda una xalaaleynaya damaceeda xaaraanta ah.

Waa run IS-FAHAM uma baahna in xukuumaddu oggolaasho Barlamanka uga hesho,sidiisuuna ku yahay sharci caalami ah oo saamayn qaanuuni ah leh,bale waxaa lagu horjoogsan karaa sharciyaddiisan lagu baabi karaa uuna noqonnayaa wax-kama-jiraan marka ay Md-yaasha Barlamanku mooshin ay ku diidayaan golaha keenaan,cod aqlabiyad ahna ku diidaan kuna baabiiyaan sharciyaddiisa sidii Barlamanku yeelay markuu cod aqlabiyad ah ku go’aamiyay diidmo, wax kama jiraana ka dhigay waxa lagu sheegay IS-FAHAM ay xukuumadaha labada dal Somalia iyo Kenya wada gaareen oo kale. 

Barlamanka Dowladda Federaalka Kmg ah wuxuu ugu xilsaaran yahay dejinta iyo ilaalinta Shuruucda dalka xilliga kala-guurka inta lagu jiro.Xilka masuuliyaddiisu iyo sharciyadduba(ku dhaqmaadka xeerarka uu jideeyo iyo goaannadiisuba) waxay awood qaanuuni ah leeyihiin inta lagu jiro xilliga kala-guurka ama Kmg ka oo kaliya.mana yeelanayaan saamayn sharci ah xilligiisa kadib ah. 

Hab-raaca lagu maamulo howlqabadka Dowladda Federaalka Kmg ah, sida ku cad Axdi-qarameedka wuxuu u dhisan yahay sida soo socota:

Madaxweynaha (xubinta ugu sarreysa Dowladda) iyo Wasiirka Koowaad (xubinta ugu sarreysa fulinta),goaannada kasoo baxa xafiisyadooda,kuna aaddan shuruucda dalka waxay hor gaynayaan Golaha Barlamanka,sida heshiisyada Caalamiga ah ay soo saxiixaan (waxaa la mid ah qorshe howleedka,ku-tala-galka miisaaniyad sannadeedka ee loo qoondeynayo howlaha ay fulinayso sannadka) iyo sidoo kale hindise sharciyeedyada ay soo saaraan si looga dhigo meelmar leh sharciyad qaanuuni ayagoo soo jeedi ah,kusoo lifaaqaya qoraal faah-faahsan, Md-yaashana golaha uga jeedinaya fasiraad dheeraad ah oo la xiriirta heshiiskaas ama hindise sharciyeedkaas,isla markaasna.ka codsanayaan/weydiisanayaan in Barlamanku ansixo si loo dhaqan-galiyo.

Barlamanka ayaa dood iyo falanqayn kadib ugu dambaynta cob hal-dheeri ah ama seddex meelood labo tirade xubnaha Barlamanka(hadba codka loo baahan yahay sharciyan)ku guddoonsada goaan rasmi ah, (balse qabyo ah) oggolaashada/diidada heshiiskaas/hindise sharciyeedkaas una gudbinaya Madaxweynaha marka uu oggol yahay goaanka Barlamanka wuxuu kusoo saxiixayaa muddo aan ka badnayn 21-casho uguna gudbinayaa Garyaqaanka guud ee dowladda oo kusoo saaraya FAAFINTA RASMIGA AD ee dowladda.Shuruucda dowladda kmg ah oo dhaqangalaysaa kadib marka lagu soo daabacofaafinta rasmiga ah ee dowladda.

Waxaa xusid mudan,sidii loo dhisay dowladda kmg ah,ilaa manta ma jiro hal xeerna Allaha ka dhigee sharci lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda oo dhaqan-gal ah.Waxaaba intaas sii dheer qofku ku magacaaban xilka garyaqaanka guud ee dowladda dalkaba kuma sugna,gefkaas eeddiisu waxay dusha u saaran tahay Madaxweynaha.. 

Madaxweynuha,marka uu saluugsan yahay goaanka Barlamanku soo gaarsiiyay wuxuu muddo aan ka badnayn 14- cisho dib ugu soo celinayaa Barlamanka,kuna soo gaarsiinaya guddoonka Barlamanka.Madaxweynuhu wuxuu soo raacinaya faah-faahinta sababaha iyo qodobbada uu u cuskanayo soo celintiisa,kuna dhaliilayo goaanka Barlamanka,

Barlamankuna haddii uu ku adkaysanayo goaankiisii hore wuxuu ku meelmarinayaa kuna hirgalayaa codka  65% ee tirada xubnaha Barlamanka.

Dowladda Federaalka Kmg ah malaha sharciyad qaanuuni ah oo uu wax kaga beddeli karo arrimaha Dustuuriga ah,kuna dhaqan-galay afti Dadweyne sida soohdimaha, xuduudaha dalka iwm ah. 

Dhanka kale marka loo rogo,laysna yiraahdo ha loo qiil dayo goaanka xukuumaddu ku talo xumaysatay ee wax-baaska IS-FAHAMKA loogu yeeray,Dustuurkii 60-kii(oo ah marjaca-sharci ee loogu noqdo wixii laga waayo Axdiga kmg ah)ayaa si toos ah uga hor yimid,si cad oo aan mugdi ku jirin u qeexqy tirade lagu neel-marinkaro wax-ka-beddelka xuduudaha Jamhuuriyadda (is-fahamkuna u baahan yahay in lagu meel-mariyo) ay tahay codka 4/5 ee tirada xubnaha Barlamanka.Nasiib wanaag Barlamanka Kmg ah wuxuu ku diiday IS-FAHAMKAAS 4/5 xubnaha golaha, (tiradii loo baahnaa inay oggolaato ayaaba lagu diiday). 

FIIRI Dustuurkii 60-kii (AFTIDI DADWEYNAHA SOMALIDA KU DHAQAN GALAY) Qodkiisa  4-aad , faqraddiisa seddexaad oo u qoran sida soo socota:

3-Wax ka beddelka soohdimaha dalka waxaa lagu ansixinayaa codka 4/5  ee tirada xubnaha Barlamanka.

3. Any modification of the national territory must be authorized by a law approved by a four-fifth majority of the members of the National Assembly. 

Madaxweynuhe Sh Shariif ma soo saxiixin waxa loogu yeeray IS-FAHAMKA.Waxaa wada galay xukuumadaha labada dowladood SOMALIA iyo KENYA,kuna kala saxiixday caasimadda dalka Kenya ee Nairobi taariikhdu markay ahayd April 7, 2009.

Xukuumadda Dowladda Federaalka Kmg ah waxaa magaca Somalia ugu saxiixay Wasiirka qorshaynta & iskaashiga caalamiga ah Md Abdulrahman Abdulshakur Mohamed halka Xukuumadda Dowladda Kenya uu magaca Kenya ugu saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Moses Watangulauka.

Madaxweynaha ka hadalka IS-FAHAMKA,boos ugama bannaanayn inta ay socoto doodaddiisa u dhaxaysa Barlamanka iyo Xukuumadda ka hor inta goaanka Barlamanku kasoo gaarayo xafiiskiisa,xaq sharcina uma laha inuu kasoo saaro war hor-dhac ah,taasina waxay u ekaanaysaa fara-galin u mana habboonayn.Faragalintiisaas waxaaba loo qaadan karaa farmuuq ama tuhun weecin la xiriira dan gaar ah inuu ka ieeyahay arrinkaas.taasina uma habboona.Waxaan sideedaba meesha ku jirin in Madaxweynuhu uu warbaahinta ka naqdiyo goaan Barlamanku gaaray,kana gows-qabsado.Taasi sidoo kale waxay horseedi kartaa ama ka abuurmi kara mad-madow iyo khilaaf soo dhexgala Barlamanka iyo Madaxweynaha maadaama erayaas ay warbaahintu kasoo tabisay ee aan laaiq u aheyn ugu muuqdan karaan Md-yaasha meel-ka-dhac dhaawaya sharafka karaamada iyo sumcadda Barlamankii codkiisa kusoo doortay,goaankiisana loogu  dhaariyay/dhiibay xilka uu hayo ee Madaxweyne. 

Waa hubaal goaan Barlaman cidina kama hor imaan karto, shacab ama dowlad ciddaasi kay doonto ha ka tirsanaatee.Waxaa kaloo xusid mudan sababaha Madaxweynuhu xilka ku waayi karo Qod-ka ugu muhiimsani oo lagu soo gole joojin ama hor taagi karo yahay:

      Ku-xad-gudub bareer ah iyo tagri-fal uu ku sameeyo sharci kamid ah shuruucda dalka. 

Madaxweyne Sh Sharif xaq iyo gar toonna uma laha inuu ka hor yimaado goaanka Barlamanka,mana ku diidi karo sax iyo maan.waxay diidmadiisu mugdi galinaysaa jiritaanka dowladda uu Madaxweynaha u yahay;haddii xubintii ugu sarraysayba u hoggaansami wayday goaanka Barlamankeeda,waxaana wax laykas weydiinayao cidda ku khasban asaga gadaashii ama laga filan karo iney dhagaysato/u hoggaansanto shuruucda iyo goaannada kazoo baxa Barlamanka kmg ah amaba ayadoo ku khasban ay tahay ammarradiisu inay ku fulaan.

Waxaan shacabka loo sheegi Karin,aan lagu qancin kari doonin,loogana rajayn qabayn inuu maqlo una hoggaansamo goaannada dowladda kmg ah ee waliba taagta daran iyo  ammaradeeda mar haddii annagii madaxda ka ahaynba aan xushmayn wayno una hurmuud noqon wayno u hoggaansanka ammarradeeda.

Marka at dowlad awood lehi dalka ka jirto xooggeeda khasba ka dhiga in ammarradeeda loo hoggaansamo balse markaan waa goorkii looga baahnaa hoggaanka sare ee dowladdu inuu tusaaale u noqdo loogana daydo dhaqan-wanaagga iyo ujoogsiga awaamiirta shuruucda dalka si loogu daydo iyna fududaato howsha lagu soo celinayo nidaamka iyo kala-dambaynta.  

Marka loosoo laabto xaqiiqada iyo dhabta jirta,ereyada haftada ah laga tago,Madaxweynaha waa ka dhammaatay fursaddii 14- ka casho ahayd ee uu xaqa u lahaa inuu dib ugu soo celiyo guddoonka Barlamanka goaankii ku aaddanaa IS-FAHAMKA ee la gaarsiiyay,sidaas darteedna markaan waxa kaliya ee laga sugaa waa asaga oo saxiixa,sharcigana u hoggaansama kuna raaca Barlamanka goaankii uu ka gaaray kuna diiday IS-FAHAMKAAS,tasina waxa fursad u wanaagsan wada shaqaynta hayadaha dowladda kmg ah,gaar ahaan Madaxweynaha iyo Barlamanka. 

Waxaa kaloo jira una baahan in la ifiyo arrin shaki wayn dhalisay,lana xiriirta hab-dhaqanka ergayga gaarka ah ee Xog guud ee QM arrimaha Somalia Amb Ahmed Oulad Abdalla,khilaafsanna xilka masuuliyaddiisa(waxay ku kooban tahay gacan-siin oo kaliya).Ergaygu,asagoo maroorsanaya xilkii madaxda Somalia ayuu magaca Somalia ugu gudbiyay Guddiga Xadaynta soohdinta badda QM warbixin qoraal ah oo ka kooban 20-bog,isla markaasna ku xareeyay magaca Somalia.Arrinkaan waxaa kasoo sunyacaya,lagan dheehanayaa oo laga fahmayaa QM in aanayba aqoonsanayn Qarannimaada iyo madaxbannaanidii Somalia,waxayna dhaqankeedaas u muuqanaysaa inay kala wareegtay,kana xayuubsatay Shacabka Somalida xaqoodii ay kaligood u leeyihiin siyaadada Somalia,kuna matalaan madaxdiisa uu usoo wakiisho

Waxaa taas nuxrinaya hadal horay ugu soo yeeray amaba uu yiri March 1993-sii Xog hore QM ee xillligaas Dr Butrous-Butrous Khali asagoo shir Golaha Ammaanka QM ka hor yiri,kadibna saxaafadda laga baahiyay,

Dr Khali wuxuu yiri kuna tilmaamay Somalia MEEL AAN CIDI LAHAYN,AYNA FURAN TAHAY IN LA FARA_GALIYO,ISLA MARKAASNA AANAY JIRIN CID AY U AQOONSAN TAHAY AMA XAQ U LEH IN LAGALA XAAJOODO FARA-GALIN NOOC-KASTA H EE LOO BAAHDO LAGU SAMEEYO DALKA SOMALIYA(NO-MANS LAND).

Waxaa masuuliyadda arrinkaas lagu canaanan karaa,dambigeeduna uu dusha u saaran yahay hoggaamiyeyaasha kooxaha Somalida ay dirirtu u dhexayso,una loollan-dagaalaya hoggaanka sare ee dalka. Waa dirirtaas aan dhammaanayn qodobka u fududeeyay ayna u cuskadeen faragalina qaawan,ayna kula wareegayaan ama kulaba wareegeen hoggaankii,taladii iyo majarihii maamulka dalka.sida jirtana aan hadda ku jirin gacanta Somalida.

QM mashruuc ay hormuud u tahay ayaa goor hore lagula wareegay,kuwaasoo sida MAXMIYAD dalka Somalia ugu maamula goaanno kusoo baxa magacyadooda(sida QM,IGAD,ARAB LEAGUE)waxaana soosaara goaanadaaas xafiiska Xog-hayntooda(waxaan og-nahay Urur sida QM ah dal ma aqoonsado,mana laha goaan siyaasi ah balse waxaa wax aqoonsada dowladaha xubnaha ka ah,ayagaa na leh goaan siyaasadeed gaaristiisa)Sidaasna waxaa QM iyo Urur goboleedka IGAD u min-guuray siyaadadii dalka Somalia. 

Arrinkaan sare ku xusanna waa mid aanay wali fahmin ama garan dhammaan dadka Somalida,hadday ahaan lahaayeen madaxda dowladda,mucaaradka la diriraya iyo dhammaan wax-garadka aqoonyahanka iyo siyaasiyiin.Waxaanay wali fahmin waxaa xalaalaynaya mar walba dirirta u dhexaysa kooxaha Somalida ee u dagaalamaya hadaf aaney waligood gaarayn,waa majaraha hoggaanka dalka.Waxaa ku sugan dalka ciidan AJ-nabi ah oo aan dowladda Somalida ka tala-qaadan,mana jiro Talis Wadaag ah,Somalidu xubno ku leedahay oo laga hoggaamiyo howl-gallada AMISOM.(toos waxay uga ammar qaataan xafiiska siyaasadda ee QM,Ahmed Oulad Abdalla madaxa ka yahay,ama dowladaha dalalkii ay ka yimaadeen).

AMISOM ciidankeedu wuxuu horjoogaa,si fiicanna ugu filan yihiin inay mucaaradka ka  difaacaan la wareegidda majarah dalka,mar haddaanay u suura-galayn ujeedadoodu,dagaalka ay wadaan wuxuu u danaynayaa QM iyo IGAD,kharashka khasaarihiisuna (dhimasho,burbur, barakac iyo min-guurinta majaraha talada dalka)wuxuu ku kooban yahay shacabka Somaliyeed oo kaliya.

Somalida inaan gacan wax ugu jirin,lagalana wareegay taladii goor hore,waxaa ka marag-furaya,sida dhacdadaani muujinayasa,una dhaqmay URURKA IGAD,kaasoo ay Somalia xubin ka tahay,kaasoo soo saaray(kusoo saaray resolusion)goaankii xilka looga xayuubiyay Madaxweynihii hore Md Abdullahi Yusouf Ahmed,Wasiirkiisii Kowaad(dhammaan xubnaha xukuumadda)Md Nur Hassan Hussein iyo in lagu kordhiyo tirada xubnaha Barlamaka Kmg ah lana gaarsiiyo 550 Md.Waxaa ku jiray goaankaas in Af-hayeenka Barlamanka dib loosoo doorto,Sh Aden Madobe,maadaama uu fududeeyay howshii hirgalisay goaankaas,waa loo daayay Xilka Af-hayeenka Barlamanka,waana lagu abaalmariyay.

Tani waa ku filan tahay ciddi wax ku qaadanaysa. 

Si kasta xaalku ha ahaado,waa xaqiiqo aan marna la inkiri Karin,Somalia Somali baa leh,sidaas aad u fududna kuma milki-guurayso,dad difaaceeda u taaganna marna lama waayayo,halhgankuna waa soconayaa inta qof Somali ah ku nool yahay dunida guudkeeda. 

Munaasabaddaan waxaan ku wargalinayaa anigoo ku hadlaya magacayga,magaca Md-yaasha golaha iyo codka Wakiilnimanada shacabka ugu sheegayaa,gaarsiinayaana cid kasta oo uu khuseeyo ama dhinac ka ah IS-FAHAMKAAS inay ka soo qaaddo,uuna yahay IS-FAHAMKA labada xukuumadood ay wada gaareen kadib goaankii Barlamanka ee taariikhdiisu ahayd 09 Aug 2009 EBER IYO WAX KAMA JIRAAN AAN SOMALIA KU LAHEYN/KUNA YEELAN DOONIN WAX SAAMAYN QAANUUNI AH. 

Waa mahadsantihiim

Mohamed Sheikh Jama Nageeye

                 Muq..___________                    

###

Daawo Video: Diidmadii Baarlamaanka ee Is-fahamka



Agoosto 1, 2009:
Guddoomiyaha baarlamaanka Dawladda FKMG, Sheikh Aaden Maxamed Nuur (Sh. Aden Madoobe): Tirada xildhibaanada soo xaadirtay, oo doodda u fadhiday waxay ahaayeen 347 xildhibaan. 9 Xildhibaan waxay soo jeediyeen in guddi ha loo saaro. 4 xildhibaan waxay yiraahdeen dib haloo dhigo. 334 xildhibaana waa diideen heshiiska is-afgaradka. Sidaas daraadeed Is-afgaradkii xukuumadda Kenya iyo Soomaaliya ay soo galeen, baarlamaanka Soomaaliya waa diiday.
 
QODOBKA 36 ee Dastuurka DFKMG oo ku saabsan SHARCI DEJIN1. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo.

2. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo sida ku qeexan qaybta (1), waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogaaladay ama diiday sharcigaas.

3. Haddii Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14) maalmood gudahood, wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

4. Golaha Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyadoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :

a) Ogolaanayaa soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka beddelay ama aan wax ka beddelin, kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado, ama

b) Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada Golaha Shacabka taasoo Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.

5. Faafinta sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan geli karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowaladda.

Tixraac: Dastuurka DFKMG: 2002: www.somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf – 38 bog.

Soomaaliya: Dastuurkii 1979 : (somalitalk.com/dastuur/dastuurkii_1979.pdf) – 36 bog.



Heshiiskii Puntland iyo DFKMG ee Agoosto 2009

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Xildhibaan Nageeye: Barlamaanku waa Wakiilka, Af-hayeenka Rasmiga ah ee Shacabka. "

  1. maxamed says:

    waxay soomaali dhowrto waa un-ta oo bada u saxiixda kenya. Waxay soo dadijin lahayd burburka tfg da xaaraanta ah iyo 1 malyan oo alshab kubiirto iyo ismiidaamin ka bilaabata nairobi. waa dulaalayda ibi iyo wixi lahal maala

  2. duraan shirwac says:

    waa illaah mahadii
    hadii maanta dilaal
    dalkeenii dhacayoo
    duunyo aanan badnayn
    doolar siiso lahaa
    dibada soo dhigtay maantoo
    somalitalk ku dadaashoo
    dabagal ay ku samaysay
    oo dad aqoon u lahoo
    daciif aanan ahayn
    dariiq loo mara oo
    lagu diido yaqaan
    maqaalka daadihiyaan
    iyo somalitalk oo iskuduuban
    damiir laawe saxiixay
    dagaal ay la galeen
    ilaa dood ka timaadoo
    baarlamaankii danqadoo
    si cad uuba u diido-

    somalitalktii ka danbeysaay
    dayacaada intuu
    dalkeenii yahay maanta
    dowlad la,aantu nahayso
    dugaagaan halistaahoo
    daldalanaaya dhulkeena
    warkooda diirka qaadoo
    somalitalkgeey daljirkii
    difaaci laa u ahoow oo
    duco qaboow haka daalin

    maashaa allaah hambalyo-hambalyo
    warsidaha internetka ee
    smali-somali, tallk-talk

  3. sheikh cabdulqaadir jeylaani says:

    salamu caleykum waxaa sharaf idiin ah bahda somalitalk sida aad umada somalida ugu bayaamiseen dhaqan xumada dowlada kenya ay ku dooneyso bada somalida iyadoo ka faa’iideysaneysa aqoon xumada damiir la’aanta wadni xumida diin la’aanta madaxda somalida waa noo geeri iyo mag li’i in gaal xun oo uraya oo kenyan ah oo john la yiraah inuu anoo muslima oo somaliya oo muxamed la yiraah dhulkeyga soo hunguriyeeyo waxaan uga digayaan shacabka soomaliyeed ma lihidin madax muwaadaniin ah ee u istaaga difaaca diintiina dalkiina iyo karaamadiina waxaan uga digeyaa kuwa soo hunguriyeynaya dalkeena muqadaska ah oo raba ineey liqaan dalkeena war hooy aan talo idin siiyee somalidu waa dhagax oo kale dhagaxna dhuunta ma maro oo lama liqqi karo ee waxa kaliya aad liqi kartaan waa candhuuftiinee candhuuftiina dib u laqa hadii united nationku u saxiixaan bada somalida walahi wixii ka dhaca ineey noqon doonto ab laga wari taariikh laga sheekeeyo masuulkeedana waxaa qaadan doona intii ka wada shaqeysay.allahu akbar

  4. qaasim macalim cabdalee says:

    Asalaamu calaykum warmatulaah
    salaan kadib si aad ah baanu idiinku hambalyaynaa sida waafiga ah oo aad markastaa aad ugu taagantihiin akhbaarta muhiimka ah ee aad markasta u soo gudbisaan soomalida oo dhan gaar ahaan dhulaka iyo badda la iibsanaayo iyo cidda iibasatayba angoo rag badan oo jooga SWEDEN waxaa mar kale indin leenahay waad mahadsatihiin