Home » Warar »

Dhallinyaro reer Kenya ah oo loo qoray Dagaalada Soomaaliya oo waraysi siiyey Telefishanka Citizen TV

300 oo Dhallinyaro reer Kenya oo loo qoray in ay ka dagaalamaan Soomaaliya, labo kamid ah oo waramay Telefishan…

“Dhallinyarada la bartilmaameedsanayo waa dhallinyaro ka saaqiday iskoolada oo aan shaqo haysan” sidaas waxaa sheegay Xildhibaan reer Kenya ah…

dhallin1Telefishanka Citizen-TV (Kenya) ayaa sheegay in dhalliyaro reer Gaarisa ah loo diiwaan gelinayo in ay ku biiraan ciidamo aan la aqoon ayadoo saraakiisha qoraysa loo malaynayo in ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed, dhallinyaradaas oo loo sheegay in la siinayo lacag.

Waxaana warku sheegay in ilaa 300 oo dhallinyaro ah oo ah Soomaalida haysata dhallashada Kenya in loo qoray dagaalada Soomaaliya, oo lasheegay in la doonayo in ay ka garab dagaalamaan ciidamada DFKMG.

Telefishnka Citizen-TV waxa uu la kulmay labo ka mid ah dhallinyaradaas, kuwaas oo sheegay in aan weli loo sheegin halka ay tegayaan, laakiin aysan kala jeclayn sababtoo ah waxay sheegeen in lacag la siiyay.


Yuusuf C/raxmaan Cabdi | waxaa loo qortay in uu ka dagaalamo Somalia

Mid kamid ah dhallinyaradaas oo magaciisa ku sheegay Yuusuf Cabdiraxmaan Cabdi ayaa yiri waxa keliya ee ay na weydiiyeen magacayaga iyo in aan Soomaali nahay. Ninka labaad ee dhallinyarada ah oo uu la kulmay Telefishanka ayaa sheegay in ay lacag u gaajaysan yihiin. Telefishanku waxa uu sheegay in labadaas dhalinyarada ah in ay baxayeen xalay (October 8, 2009)


Waxaa loo qoray in uu ka dagaalamo Soomaaliya


Dr. Alfred Mutua

Telefishanku waxa uu sheegay in Afhayeenka dawladda Kenya, Dr. Alfred Mutua, uu beeniyey warbixinta sheegeysa in dhallinyaro Soomaalida Kenya ah loo diiwaan gelinayo in ay ka dagaalamaan gudaha Soomaaliya. Waxana Afhayeenku sheegay in Kenya waxa keliya oo ay tababartaa ay yihiin booliska Kenya. Afhayeenku waxa uu yiri wararka sheegaya in dad reer Kenya ah loo qorayo in ay ka garab dagaalamaan dawladda Soomaaliya waa warar aan sal lahayn.


Adan Keynan, Afhayeenka xukuumadda Kenya

Xildhibaan Aadan Keynan oo madax u ah guddiga difaaca ee baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in uu maqlay warbixintaas, isla markaana aan eedaymahaas weli la xaqiijin, isagoo qiray in eedaymahaasi ay yihiin kuwo aan la dhayalsana karin oo ay baaritaan ku samaynayaan, waxana uu sheegay in Kenya dawlad ahaan aan wax dan ahi ugu jirin in ay wax ka samayso meel ka baxsan xuduudaheeda.


Ismaaciil Maxamed, ku xigeenka duqa magaalada Gaarisa

Ismaaciil Maxamed, ku xigeenka duqa magaalada Gaarisa, waxa uu telefishanka u sheegay in dhallinyada loo kaxaysanayo in ay u dagaalamaan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya. Kuxigeenka duqa magaalada Gaarisa waxa uu walaac ka muujiyey in kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya ay maqlaan warkaas.


Mohammed Robbow, duqa magaalada Gaarisa

Duqa magaalada Gaarisa, Maxamed Roobow waxa uu rumaysan yahay in dawladda Kenya ay arrintan lug ku leedahay, waxana uu yiri “Waxaan dareemeynaa in dawladda Kenya ay arrintan qayb ka tahay, isla dawladaas oo arrinta beeninaysa, nala tashanmeyso, oo na qadarinmayso, anagoo ah haggaankii degaanka maxalliga ee halkan.”


Adan Duale, MP, Dujis

Adan Ducaale oo ah xildhibaan laga soo doorto aagga la sheegay in dhallinyarada laga qoranayo, ayaa walaac ka muujiyey in dagaalka Soomaaliya uu u soo tallaabo. Waxa uu yiri “Madoonayo in dagaalku kusoo fido Waqooyi-Bari iyo Gaarisa, waayo marka aad bilowdid inaad dhallinyaro ka qoratid Gaarisa, waxaad dagaalka keenysaa Gaarisa.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dhallinyarada la bartilmaameedsanayo ay u badan yihiin kuwa Iskuulka ka tegey ama ka saaqidey iyo kuwa aan wax shaqo ah haysanin.


Gaarisa

Waxaa Telefishanku sheegay in dadweynaha degaanku ay walwal weyn ka muujiyeen dhallinyarada laga waayey aaggaas, kuwaas oo ay sheegeen haddii aan dawladda FKMG ee Soomaaliya aysan qoran xaggee kale oo ay aadeen. Waalidiinta ayaa sidoo kale ka walaacsan dhallinyarada la bar tilmaameedsanayo si ay uga qayb galaan dagaalka Soomaaliya.


Eric Kiraithe

Eric Kiraithe, Afhayeenka Booliska Kenya, waxa uu sheegay eedaymahaasi ay yihiin kuwa aan la dhayalsan karin. Isagoo intaas ku daray in Booliska Kenya aysan ka warhayn arrin noocaas ah oo halkaas ka socota.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP (Oct 11, 2009), kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ayaa u hanjabay Kenya in ay weerari doonaan, kaddib markii ay soo baxeen warbixinada sheegaya in dhallinyaro reer Kenya ay loo qoranayo in ay ka dhinac dagaalamaan DFKMG. Sheik Daa’ud Maxamed Garane ee Gobolka Gedo ayaa hanjabaada bixiyey isagoo ku hadlayey magaca Al-shabaab, ayey tiri AP.

Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka saxaafada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle waxa uu beeniyey in militariga Kenya ay aagga xadka laba dal ka qorayaan dhallinyaro ka dagaalanta Soomaaliya.

Daawo Video-ga hoose:

Sidoo kale daawo

  • DFKMG waxay bishii April 2009 heshiis is-faham oo ku saabsan xagga xuduudda badda la gashay Kenya, heshiiskaas oo shacabka Soomaaliyeed ka hor yimaadeen… Akhri qoraaladda laga qoray.

Sheikh Shariif sidee ugu jawaabey Ardaydii kula kulantay Ohio

Itoobiyaanka soo tallaabay Xadka Soomaaliya

Dhanka kale, wakaalada wararka ee AFP waxay sheegtay in ciidamo Itoobiyaan ay ay Sabtidii (Oct 10, 2009) soo galeen tuulooyin ka tirsan degmada Bedledweyne, halkaas oo ay dad ku xirxireen.

“Waxaan arkay dersin gawaarida militariga Itoobiya oo ay la socdaan malaysiyo Soomaaliyeed oo soo galay tuulada Wagada, halkaas oo ay dad ku xirxireen ka hor intii aysan ka bixin tuulada”, sidaas waxaa AFP telefoon ugu sheegay Husein Farah Gomey oo ah caaqil joogey meel Beledweyne u dhaw.

Dhalinyaro Soomaali ah oo kusugan Kenya oo loo tababarayo ciidanimo si ay uga dagaalamaan Soomaaliya.

Golaha imaamyada iyo ducaada Kenya ayaa walaac ka muujiyey dhalin yaro Kenyan ah oo asal ahaan Soomaali ah in loo qorey iney ka garab dagaalamaan dowlada FKMG Soomaaliya.

Golaha imaamyada iyo ducaada ayaa ka dalbadey dowlada Kenya iney sharaxaad ka bixiso wararka sheegaya in dhalin yaro asalkooda Soomali yahay ay shaqo milatary u qoraneyso, si ay ugu biiraan milatary-ga dowlada FKMG Soomaaliya.

300 dhalinyaro gaareysa oo dadooda ay u dhaxeyso 18 ilaa iyo 30 sano ayaa lagu tababarayaa Manyani field school magaalada Voi oo ka tirsan gobolka xeebta inta aan loo qaadin Soomaaliya.

Wararkan sheegaya in dhalinyaro Kenyan ah loo qarayo ciidamo loo diro Soomaaliya ayaa waxey abuureen dhibaato, waxaana dalbaneynaa dowlada in arrintan ay war cad kasoo saarto, sidaas waxaa yiri xoghayaha guud ee golaha imaamyada iyo ducaada Sh. Maxamed Dhoor.

Xoghayaha isagoo ka hadlayey Mombasa ayaa wuxuu ka dalbadey wasaarada gaashaandhiga dalka Kenya iyo wasaarada amniga guddaha iney arrintani cadeeyaan oo ay daaha ka qaadaan.

Dhanka kale waxa uu ka codsadey dhalin yarada Muslimiinta Kenyanka ah in aan lagu marin habaabin iney shaqo u doontaan wadanka Soomaaliya, iyadoo uu ka dalbadey xoghayaha in la adkeeyo xuduudaha dalka, si aysan dagaal yahanka Soomaalida dalka ugu soo talaabin.

Boqolaal dhalinyara ah oo kasoo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya ayaa dowlada lagu eedeeynayaa iney shaqaaley siisay, si ay uga barbar dagaalamaan dowlada FKMG Soomaaliya.

Hoggaamiyayaal oo uu hor kacayo duqa magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya Muxammed Gaaboow ayaa sheegay in waalidiin fara badan ay cabasho usoo gudbiyeen, kadib markii caruurta si qasab ah shaqo milatary loogu qorey.

Wabilaahi Towfiiq
Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.

Dowladda Kenya oo si Qarsoodi ah u qoraysa Ciidamo ay doonayso inay u dirto dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Kenya ayaa la sheegayaa inay bilowday inay si hoose u qorto ciidamo ay doonayso inay u dirto gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo la doonayo inay qayb ka noqdaan ciidamada AMISOM  iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Ciidamadaan la qorayo ayaa la sheegay inay dhamaantood yihiin Soomaali, loona diiday inay ka mid noqdaan dadka aan Soomaalida ahayn ee ku nool dalka Kenya, waxaana la sheegay in loo furayo dhalinyaradaas la askareynayo tababar socon doona Muddo lix bilood ah.

Maxamuud Gaboobe Guddoomiyaha degmada Gaarisa ee Gobolka waqooyi bari ee Kenya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wiilasha la qorayo uu la kulmay ayna qaarkood u sheegeen in loo qoray askar.

“Waxay ii sheegeen wiilashii aan la kulmay in loo ballanqaaday in mushaar ahaan loo siin doono 600-Dollar bil walba, ayna galeen askarta iyagoo ka faa’iidsanaya fursaddaasi” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Gaarisa.
Dhanka kale magaalooyinka ku yaala dhulka Somalida-Kenya ayaa la sheegay inay ka taagan tahay shaqo la’aan haysata dhallinyarada waxbartay iyo kuwa aan waxbaran, taasna ay keentay in looga faa’iideysto in loo qoro ciidamo la geynayo Somalia.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qaxootiyada Kenya oo Askar laqoroyo

Waxaa jira in maalmahan laga qoranaayo xeryaha qaxootiga ee Kenya dhalinyaro soomaaliyeed oo la doonayo in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya. Dhalinyaradaas waxaa duhurka cad laga qortaa xerayaha qaxootiga waxaana lagu daabulaa baabuur sidii arigii la dhoofin jiray kadibna waxaa lagu uruuriyaa xeryo ku meel gaar ah oo looga sameeyey xadka soomaaliya iyo Kenya. Dhalin yaradaas oo ah keydka kaliya ee ka soo fakaday nabaad guurka ku dhacay dhallintii soomaaliyeed waxaa looga daba yimid xeryaha qaxootiga arrintaasna waxaa wada dowlada Kenya iyo Dowlada soomaaliyeed oo leh ujeedooyin siyaasadeed , waxaana u jeedadeedu tahay in laga hor geeyo kooxaha hubeysan ee ka jira koonfurta soomaaliya.

Waxaa jira dhallin yaro badan oo dhigata dugsiyada sare ee xeryaha qaxootiga oo inta la raafay baabuur lagu gurtay oo lagu daadiyey xerayahaas. Dhalinyarada qaar waxaa loo sheegayaa in kiiba bishii la siin doono $200 doollar oo been ah sidaas ayaan lagu qaldayaa oo lagu kaxeysanaa.

Dowlada Kenya iyo dadka arrimahaas wataa waxay ogaadeen in meesha kaliya ee dhalin yaradii soomaaliyeed ku hartay ay tahay xeryaha qaxootiga markii intii kale dhamaadeen oo la waayey meel kale ciidan laga qorto ayaa maanta laga daba yimid FIIGGII yaraa ee qoysaskoodu la soo carareen si dabka loogu shito.

Arrintaasi waa nabaad guurintii u dembeysay sidaas darteed, waxaan u soo jeedinayaa in cid kasta oo wax qortaa ay qeylo dhaan dheer ka bixiso sidii looga hortagi lahaa jarriimadaas ay wadaan dad aan ka naxeyn ubadka iyo ummadda soomaaliyeed midna. Sidaas darteed, bahda warbaahinta Somali talk waxaan u soo jeedianayaa inaad noqotaan kuwo u horeeya ee tooshka u qaada fashilinta arrintaas. Waxaan kaloo muhiim ah in isha lagu hayo xaalada habda ay ku suganyihiin dadka ku dhaqan xeryahaas, waayo xeryaha qaxootiga waxa ku nool dad maato ah oo soomaalaiyeed oo aan hadli karin isna difaaci karin.

Naaleeye nuur
naaleeye111@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dhallinyaro reer Kenya ah oo loo qoray Dagaalada Soomaaliya oo waraysi siiyey Telefishanka Citizen TV "

  1. Abdalla A H says:

    Waxay ila tahay hadii arintaa ay soo socoto waxaaba laga yabaa in itoobiyo ay hub siiso al shabaab sababtoo ah waxa halkaan lagu bixinaayo oo dhaqaale ah waa kii itoobiya la siin jiray marka taa ayaaba dhaceyso itoobiya oo ka xun in dhaqaalihii lagu siin jiray islaamiyiinta in lagu soo wareejiyo kenya marka taa ayaaba ka daran wax kasta markey itoobiya iyo alshabaab is kaalmeystaan

  2. AdenAli says:

    Waxay u eg tahay in la doonayo in dagaalka Soomaaliya lagu fidiyo waddanka Kenya si loo xakameeyo horumarka dhaqan dhaqaale ee shacabka Soomaalida Keenya ay ku tallaabsadeen. Waxaa la doonayo in dhallinyaradan lagu dagaal geliyo Soomaaliya kadibna loogu mmarmarsiyoodo sidii loo weerari lahaa magaalooyinka Soomalida Keenya iyagoo la oranayo dagaalyahannadii Soomaaliya ay ku soo fiday NFD oo aan ka nadiifineynaa. Dhagar badanaa. Shacabweynaha Soomaalida Keenya iyo Itoobiya waxaa u roon inay ka fogaadaan dhoobada iyo walaahowga Soomaaliya si aan cadawga Soomaaliya burburinaya ugu soo gabbanin…inta kale idinka iyo caqligiin ku dhamaystirta.