Home » Warar »

Munaasabad lagu daahfurayay gole wadatashi oo ka kooban muhaajiriin iyo saraakiil dowladeed oo ka dhacday Johannesburg

Munaasabad lagu daahfurayay gole wadatashi oo ka kooban muhaajiriin iyo saraakiil dowladeed oo ka dhacday Johannesburg

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah…

Munaasabad balaaran oo lagu daahfurayay gole wadatashi oo ka kooban xubnaha jaaliyadaha qaxootiga dalkani iyo saraakiil dowladeed ayaa lagu qabtey magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika, munaasabada oo ay kasoo qeybgaleen madax sarsare oo ka tirsan dowlada dalkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda jaaliyada Soomaaliya

Golahan wadatashiga oo ah markii ugu horeysey ee dalkani laga sameeyo ayaa dowlada kala talinaya qaabka ku haboon ee dowladu u waajihi karto amuuraha qaxootiga waxna uga qaban karto dhibaatada heeysatada dadka muhaajiriinta ah ee soo magangalay dalkani.

Golaha wuxuu ka koobnaanayaa xubno ka tirsan jaaliyada qaxootiga oo ay ka mid tahay jaaliyada Soomaalida K/Afrika ee SASA oo wafti balaaran uga qeybgashay munaasabada iyo saraakiil dowlada ka tirsan.

Golaha waamid ka howlgalaya magaalada Johannesburg waana fikir laga soo qaatay magaalada London oo dhaqangal ah sida uu ku doodey Amos Masondo oo ah duqa magaalada Johannesburg oo shir gudoon ka ahaa munaasabada.

Waftigii jaaliyada Soomaalida ee ka qeybgalaya waxay isugu jireen mas’uuliyiinta ugu saraysa iyo wafti ka socdey laamaha jaaliyada ee gobolada Eastern Cape iyo Kwazulu-Natal, Gudoomiyaha Jaaliyada Ugaas Maxamed Cabdi Diiriye iyo Ku simaha agaasimaha Dr. Cabdullaahi Carte ayaa duqa magaalada iyo madax ka socotey wasaarada arrimaha gudaha gudoonsiiyey qoraalo jaaliyada ay ka diyaarisey dhibaatada Soomaalida heysata, iyo waxyaalaha ay dowlada uga baahanyihiin

Waxaa xusid mudan in magaca jaaliyada (SASA) uu ahaa kan kaliya ee ku xusnaa ajandaha shirka ee taxa magacyada wasaaradaha iyo hey’adaha kasoo qeybgalay, sidoo kale hey’ada qaxootiga ee UNHCR ayaa kasoo qeybgashay.

Mudane Muxuyidiin Nuur Jilley, Agaasimaha Guud ee laanta SASA ee Eastern Cape oo ii waramay ayaa sheegey in talaabadani ay tahay mid muhiimad weyn u leh bulshada muhaajiriinta ah guud ahaan gaar ahaan Soomaalida “waxaa muuqata in dowlada dalka ay markani indhaheeda kusoo duweysa wax ka qabashada dhibaatada qaxootiga, waana arrin na farax galineysa” ayuu yiri mudane Muxuyudiin oo howlo shaqo ku joogeyJohannesburg, sidoo kale Mudane Ismaaciil Cabdi Aadan oo ah gudoomiyaha laanta SASA ee gobolka Kwazulu-Natal oo shirka joogey ayaa ii sheegey in uu rajaynayo in qorshahani uu noqdo mid dhaqangal ah “waxaan aragnaa waxyaabo badan oo dowladu soo jeedisey, hase yeeshee waxaan u baahanahay waxqabad dhab ah” ayuu yiri Ismaaciil.

Sidoo kale waxaa munaasabada kasoo qeybgalay labbo mas’uul oo kale oo ka socda ururka kale ee jaaliyada Soomaalida ee lagu magacaabo Somali Community Board (SCOB) oo ay ka socdeen Mudane Cabdixakiin Sh. Maxamed Haadi iyo Ismaaciil Soomane oo kala ah gudoomiye iyo ku xigeenkiisa, waxay indhahaygu qabanayeen iyagoo gacanyaraha duqa magaalada ku wareejinaya qoraalo aan filayo in ay ahaayeen kuwa ka turjumaya dhibaatada Soomaalida dalkani, iima aysan suurogalin in aan waraysi la yeesho mas’uuliyiinta jawiga saxmada ah ee meesha ka jirrey dartiis iyo iyagoo yimid xilli uu shir dhex marayo.

Mudane Qaasim Boosh Cali oo ah mas’uul sare oo ka tirsan jaaliyada (SASA) ayaa isaguna muujiyey niyad wanaag qaabka ay dowladu u wajahayso amuuraha muhaajiriinta, waxaa fikirkaasi la wadaaga madaxdii kale ee matalaysay bulshada muhaajiriinta ee meesha joogtey oo qaarkood ii waramay.

sasaan

Munaasabada oo socotey mudo 4 saacadood ah waxaa sidoo kale ka qeybgalayaasha ay ka qeyb qaateen aqoon isweeydaarsi hal saac socdey iyadoo labbo kooxood loo kala saaray dadka, kadib kulanka si guud la’isugu yimid lana soo bandhigey qaraaradii la gaaray oo ahaa kuwa wax ku ool ah

Duqa magaalada Johannesburg ayaa kullanka kusoo xirrey khudbad qiiro leh oo ka hadlaysa taariikhda muhaajiriinta aduunka, isagoo sheegey in Johannesburg ay dhiseen dad soo haajirey.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Munaasabad lagu daahfurayay gole wadatashi oo ka kooban muhaajiriin iyo saraakiil dowladeed oo ka dhacday Johannesburg "

  1. runta sheeg says:

    xikmad keenimeyso in la iskuag sawiro duqa magaalada ma ku xigeenkiisa !!!.
    daacadana lagama tago oo goobta waxaa fadhiyey marti ama madax badan oo mataleysey.
    yaan kaliya sawir laga bixin inaad y=tihiin jaaliyada ma tasha somalida south africa.