Home » Warar »

Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka Dhoofey Dalka Jabuuti

Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wafdigii uu hogaaminayey ee soo gaarey 09/09/2009-ka dalka Jabuuti ayaa dib ugu laabtey dalka Soomaaliya, kadib markii socdaal qaatey laba maalmood uu ku joogey caasimada dalka Jabuuti.

Booqashada Madaxweynaha DFKMG oo lagu sheegey martiqaad uu ka heley, dhigiisa Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele ayaa intii uu joogey waxaa uu kulan gaar ah oo saacado qaatey uu kula yeeshey dhigiisa dalka Jabuuti, Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti, in kastoo uusan ka hadlin Sheekh Shariif waxa uu u yimid dalka Jabuuti iyo waxa ka soo baxay kulanka uu la qaatey Md, Ismaaciil Cumar Geele.

Labadii maalmood ee uu ku sugnaa Madaxweyne Sheekh Shariif dalka Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshey qaar ka mid ah Wakiilada Dublamaasiyiinta Caalamka ee jooga dalka jabuuti sida Mareykanka, Faransiiska, Sucuudiga, Falastiin iyo xubno kale, waxaa kale  oo uu la kulmey Madaxweyne Sheekh Shariif qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada XDS oo hawlo shaqo u joogey  iyo kuwa dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah Wasiiraddiisa Maaliya, Kaluunmeysiga, Cilmibaarista iyo dalxiiska ayaa  Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka badda Prof,  Cabdiraxmaan Ibbi oo aan wax ka weydiiyey ujeedadda booqashada madaxweynaha iyo xubnaha la socda ayaa wuxuu yiri ““booqashada aan ku nimid halkan waxay ahayd, martiqaad rasmi oo uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ka heley Madaxweyne Sheekh Shariif, runtii barnaamij aad u balaaran oo looga hadlayey xaga arrimaha Amniga, nabadgelyada iyo horumarinta arimaha Bulshada ayuu ahaa, waxaa keloo  Kulankii labada madaxweyne ka soo baxay oo ay abuurtey in Xarunta tababarka ka hortaga burcad badeedda laga sameeyo  dalka Jabuuti”.

Laakiin safarka Madaxweynaha DFKMG uu ku yimid dalka Jabuuti ayaa marka si guud loo eego waxaa uu u muuqdey mid muujinaya wajiyo kala duwan, islamarkaana uu la yeelanayey dhigiisa dalka Jabuuti, taasoo ay ka mid tahay u diyaar garowga kulan weynaha guud ee Qaramada Midoobey ee dhicidoona bisha aynu ku jirno  oo ah kii ugu horeeyey oo uu ka qaybgalo  Madaxweynaha iyo arrimaha dibu-heshiisiinta dalka Soomaaliya oo xaaladoodu ay mareyso meelo khatar ah, maadaama uu ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Maskaxdii iyo Budd dhigihii dibu-heshiisiinta dowladii lagu dhisey Gobolka Carta ee bedeshey TFG-dii lagu soo dhisey Nayroobi oo is-bedlkii lagu sameeyey ee lagu doortey Madaxweyne Sheekh Shariif gogosheeda dhigey,  inkastoo xubnaha la socdey Madaxweyne Sheekh Shariif, dadka wax yara dhaliila oo aan la kulmey ay ku sheegayeen in ay ahaayeen xubnihii ay ka wada tirsanaann jireen ARS, balse waxaa xaqiiqo ah in Madaxweynuhu ay hor taal hawl adag oo in mudo ah la dhabqinayey, taasoo ay adag tahay in si sahal ah wax walba looga gudbo, islamarkaana uu dareemey isagu arintaas.


 
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.