Home » Maqaallo »

Warqad Furan oo ku socota Sheikh Shariif Sh Axmed | Dr Maxamud Yusuf

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA SOMALIA MUDANE SHARIIF SHEEKH AXMED

KU: Madaxweynaha Dowlada Kumeelgaadhka ah.
Mudane: Shariif Sheekh Axmed

KA: Xubnaha Ururka Aqoonyahanada Qurbojoogta Somaliyeed (SIDG)
Somali Intellectual Diaspora Group (SIDG)
United Kingdom, London
 

Mudane Madaxweyne waxad marka hore naga gudoontaa Salaan qaali ah oo kaaga timid, dhamaan xubnaha ururka aqoonyahanada qurbojoogta Somaliyeed, ee ku dhaqan dhamaan dunida daafaheeda oo xaruntiiso tahay magaalada London UK.

 Salaan ka dib, sida aad la socotoba dalku wuxu soo maray marxalado iyo xaalado kala duwan. Waxaa la qabtay amaba dhacay shirar aad ufarabadan oo lagu raadinayo sidii loo heshiisiin lahaa ummada Somaliyeed, loona gaadhi lahaa xal kama danbeys ah oo lagu soo celiyo qarankii burburay , kuwaaso gabi ahaanba lagu qabtay wadamada dariska ah, sida Masar, Djabuti, Kenya iyo Ethopia.

Waxaa shirarkaa lagusoo dhisay Dowlad (ama Dowlado) kala duwan sida, Dowladii Cali Mahdi Madaxweynaha ka aha, Dowladii C/qaasin Madaxweynaha ka ahaa, Dowladii C/lahi Yusuf Madaxweynaha ka ahaa, iyo Dowalada aad adigu iminka madaxweynaha ka tahay.

Mudane Madaxweyne taariikhdu way si qortaa, 6 bilood eed maxaakimta ay ka midka ahaayeen, raga hada kasoo horjeeda Dowlada aad adigu iminka Madaxweynaha utahay, waxay ahayd tusaale baal dahaba ka galay taariikhda Soomaaliyeed, islamar ahaantaana dib usoo celiyey nabadii iyo kala danbeyntii caasimada Somalia Mogadisho, kana sifeeyey xoogagii ku dhisnaa kooxeysiga iyo burburinta dalka. Taasi waxay keentay amaba dhalisay isbarasho iyo kalsooni aad ka heshaan shacbi weynaha Somaliyeed adiga iyo raggii kula shaqeynayeyba. 

Si kastaba ha ahaate, maamulkii Maxaakimta eed odayga u ahayd, waxaa marag ma doonto ah, in cagta la mariyey iyadoo la adeegsanayo awood milatari taasoo keentay in dowlada aan deriska nahay ee Ethopia markii u horeysay gabi ahaanba qabsatay koofurta Somalia. Waxaa xigtay dadaalkii dheeraa eed ugasheen sidii dowladii idinka horeysay meesha looga saari lahaa, ciidamada ajanabiga ahina uga bixi lahaayeen gabi ahaanba dalka. Idinkoo markaa ku eedeynayey inay yihiin (a client Government of Ethiopia) rag u adeegaya danaha Ethiopia, laguna soo dhoodhoobay dalka dibadiisa. 

Waxaad ku guuleysateen inaad xilkii kala wareegtaan, Dowladii ay soo xuleen dowaldaha dariska ah (TNG. The Transitional Federal Government who was mainly handpicked by Ethiopia). Waxaad dusha u ridateen mas,uuliyed aan fududeyn, waxaad qaadeen xil qaran. 

Si hadaba loo gaaro nabad waarta, dowladnimo iyo kala danbeyn, waxaan kuusoo jeedineynaa talooyinka hoos ku qoran, taasoo aan aaminsannahay in badi shacabka somaliyeed meel kasta ay joogaan ay nala qabaan; 

1- Si loo gaaro xal kama danbeysa ah, inaad si niyadsan ummada ugu baaqdo shir dib u heshiisiineed oo dalka gudihiisa ka dhaca.

2- Inaad ku baaqdo inaad diyaar utahay inaad xilka madaxweynenimo ka tanaasusho, taasoo cadeyd u noqoneysa in danta shakhsiga ah ay ka horeyso tan qaranka.

3- Maadaama aanay jirin nabad la ilaalinayo, inaad ku baaqdo inay ka baxaan ciidamada shisheeye ee hada ku magacaaban “nabad ilaalinta” AMISOM.

4- Adigoo adeegsanaya caqliga fiyow, kana faa,iideysanaya magaca iyo kursiga aad fadhido, inaadan isku dayin inaad dagaal iyo colaad aad ku raadiso xal. Saa daraadeed waxan kuso jeedineynaa inaad u naxdo shacabka ood ku baaqdo xabad joojin dhab ah.

5- Inaad joojiso adeegsiga magic bixinta ah eed igu yeereyso kuwii shalay kaa garab dagaalamayey, oo manta aad figrad isku diideen, sida Argagixiso, alqaacida, khawaarij iyo wixi la mid ah.

6- Inaadan mar labaad u gacan haadin Ethoipia iyo dowladaha deriska ah inay dib usoo galaan dalka, si aad uga adkaato xoogaga kasoo horjeeda. 

Mudane Madaxweyne, maadama ay dowladaadu tahay dowlad dib uheshiisiineed, waxaan kaa codsaneynaa inaad xabada ka hormariso habka wada hadalka iyo dib uheshiisiinta, dariiqa aad u mareysaana ahaado kii laguu doortay adiga. Waxaan aaminsanahay hadaad qodobada aan kor kuso sheegnay aad tixgaliso oo ku dhaqanto, in la heli karo xal kama danbeys ah iyo nabad waarta. 

Wabilaahi towfiiq.

Dr. Maxamud Yusuf Xassan
Xoghayaha Guud ee Ururka SIDG
Maxamudhassan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Warqad Furan oo ku socota Sheikh Shariif Sh Axmed | Dr Maxamud Yusuf "

  1. waxaa marka hore sallaamaya dhamaan soomalida uurka feyoow oo fikradahooda wannagsan soo bandhigay iyo ururka (sidg)oo runtii isha ka riday waxyaabah aan badi dhamaanteen khabno inta jecel inuu dhulkii hooyo hagaago(somalia)marka macquul ma tahay 500 ee baarlamaanka ku jirta uuna hormuudka ka yahay mudane sheekh shariif in ay garan waayenn intaas ay soomaali weeyn sheekh iyo shariif ba isku raaceen?jawaabtu waa weey garan karaan laakiin waxaa jira dana gaar ah oo ay u fuliyaan dalal shisheeye oo aan marnaba rabin in ay soomaaliya hagaagto iyo hay ado fara badan oo lacago badan ku cuna magac somalia,suaashu waa yaan aaminaa oo ah hogaamiye wadani ah wadana danta shacabka iyo wadanka haduu mid walba dhakhankaan yeesho?

  2. ahmed dayib says:

    aniga sida ay ilatahay ninka warqada soo qoray waxyaabo badan ayaa ka qarsoon.
    tusaale ahaan imisa ayuu shariifku lahaa nimanka xabadda haysta aan wada hadalo oo ay diidayeen imisa ayaa gacanta loo haatiyay.
    mise yihiin niman shariifka ka aaminsan muslim .
    shariifku waxan filayaa wax badan nabadda wuu ka hadlay lakin hada xitaa waxan aaminsanahay in wax badan la adeegsado .
    waayo nimanka qoriga haysta targetkoodu ma ahan xitaa kali ah dowlada shariifka .

    markaa sida cancerka waa in lajaraa ayaan aaminsanahay.
    dalka taladiisana waxaa iska leh somnali malahan nin kayimid afganistan ama pakistan ama meel kale.

  3. Talo waayeel haddii la yeeli lahaa
    Waraabe wax ma cunen. Talada Aqoon yahannadda haddii uu Shariif yeelo dhibaato way hartay, laakiin haddii
    meel kale looga taliyo, wuxuu sugaa
    waa inta laga heelaayo mid kale oo
    dhabadhilf. Amison iyadu kuuma imaan
    Reer galbeed ayaa lacagta siiyey, waana
    kuma ka shaqeeyey jabka Soomaaliya,
    waxna ku noqon meysid, waxaad wax ku
    noqoneysa Al-Shabaab, iyo Xisbul-Islam
    oo aad si Islaanimo ah u wada shaqaysaan.

  4. rubaanison says:

    waasax in qofka fikrad loosoo jeediyo blse waa arin baraa rujin ah waayo shiriifku usagaaba sheegay iney dawladiisu tahay mid dib u heshiisiineed waana wadaa insha alaahu ilaahay halaqabtee waana uducayneynaa in ilaahay kadhigo kii bad baadinlahaa diinta,shacabka,iyo dalka soo maaliyeed.

  5. Raage Yassir says:

    Ugu horayntii waxaan salaan aad u qaali ah ku salaamayaa shabakada Somalitalk, bacda salaan waxaan madaxweyne shariif odhanlahaa talada laguu soo jeediyey ee wanaagsan qaado oo ku dhaqankeeda hirgeli adiga oon wax shuruud ah ku xidhaynin. Xalka umada soomaaliyeed wuxuu ku jiraa adiga oo xabad joojin deg-deg ah ku dhawaaqa, lana xaajooda nimanka mucaaradka xukumadaada ku ah. sababtoo ah iyaga ayaa hiil iyo hooba kula garabtaagnaa markii aad adiguba aad kamidka ahayd ee ka garab dagaalameysay. ciidamada Africanka ahna u sheegtaa inay ku noqdaan wadamadoodi ay ka yimaadeen, waliba waxaan shaksiyan ku odhanlahaa waxaad ugu dartaa inaad ogeysiiso inaan looga baahneyn inay ku nagaadaan wadankayaga soomaaliya gudihiisa. Sababtoo ah afrikaanka muqdisho maganta ugu tahay arxan iyo naxariistoona kuuma hayaan waana gaalo madow oo gaalo cad ku shaqaysanayso.

  6. wadanka says:

    ninka aad la hadlayso heerkaas aad sheegeyso magaarsiisna marka warqada waa mid wanaagsan laakin dhago wax maqla meesha majoogaan

  7. asc wr wb.

    waxaan salan diiran oo kal gacalnimo hawada usoo marinayaa bahda somalitalk iyo majliska aqoonyahanada somaliyeed ee qurbajoogta ah (SIDG).

    Xaqiiqdii waxaan rumeysnahay in talooyin dhaxal gal ah ay aqoonyahanadu usoo jeediyeen madaxweynaha dalka shariif sheikh axmed.

    mskaxda fiyoow ayuu ku jirtaa garashada fiican aqoonyahanadu waa qaybta ugu muhiimsan ee bulshada waana in la qaato talooyinka iyo naseexooyinka ay usoo jeedinayaan madaxwaynaha dalka waana astaamaha xaqiiqiga ah ee lagu garto hogaaminta fiican.
    (The realistic traits of leadership.iney amisom dalka ha ka baxdo wadahadal aan shuruud lahayna in loogu baaqo mucaaradka alshabaab, xizbul islaam, mucaskarka kaambooni waa qodobada ugu waaweyn ee in la fulyo mudan.

    ethiopia, midawga africa iyo wadamada la daba ordayo waxaa ka muhiimsan in la helo kasbashada shacbiga somliyeed oo ay kooxaha islamiyiintuna qayb ka yihiin.

    waxaa igu soo dhacay beydadkii qamaan bulxan uu ku tiriyey mid kamida gabayadii silsiladii guba ee ahayd:

    BAADIDA NINBAA KULA DAYDAYA DAALNA KAA BADANE.
    AAN DOONAHAYN INAAD HESHAA DAAIN ABADKAAYE.

    DADKUNA MOODI DUUL WADA DHASHOON WAX U DAAHSOONAYNE.

    DAWO MALAHASE AAKHIRO HADII LOO KITAAB DAYAYE.