Home » Warar »

Xasan Daahir Dagaalka waa siwadaynaa|Xisbul Islaam oo Tacziir fuliyey|Nin Xamar lagu afduubay

Sh,Xasan Daahir Aweys Oo Sheegay Inay Sii Wadi Doonaan Bisha Ramadaan Dagaalada Ay Kula Jiraan Dowlada

Hogaamiyaha Ururuka Xisbul Islaam Sh, Xasan Daahir Aways ayaa shaaca ka qaaday inay sii socon doonaan dagaalada ay kula jiraan dowlada FKMG ah iyo weliba ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha wadanka gaar ahaan caasimada muqdisho

Sh,aweys oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa tilmaamay inay dani ugu jirto sii socoshada dagaalada bisha ramadaan ay kula jiraan dowlada KMG ah iyo weliba ciidamada AMISOM taasoo uu ku macneeyey kuwo xasanaad ah islamrkaana lagaga dayanayo suihii nebigeena (SCW) .

Sidoo kale Sh, Xasan Daahir Aweys ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar maal mihii ugu dameeyey laysla dhex marayey kuwaasoo tilmaamayey inay jiraan wada hadalo laga dhex wado dowlada FKMG ah Iyo ururka uu madaxda ka yahay ee xisbul islaam .

sh,xasan aweys

Hogamiye sh,aweys ayaa waxa kaloo warfidiyeenada u sheegay inay nabadu ku jirto in wadanka ay ka baxaan ciidamada shisheeye iyo weliba ayuu yiri daba dhilifkooda oo ula jeeday dowlada KMG ah waa siduu hadalka u dhigaye taasoo uusii raaciyey inay intaas ka damayn doonto wada hadal ay yeeshaan dadka waxgaradka iyo aqoon yahanada kala duwan ee leh cilimiga maadiga iyo kan diinigaba sidaasina waxay sahli kartaa ayuu sii raaciyey nabad la gaaro .

Dhinaca kale Sh, Xasan Daahir aweys ayaa soo hadal qaaday inay dadaalo ugu jiraan sidii loo midayn lahaa ururka xisbul islaam ee uu hogaamiyo iyo xarakada mujaahidiinta alshabaab oo ka bar bar dagaalama islamrkaana ay ka midaysan yihiin dhinaca afkaarta lagaga soo horjeedo dowlada KMG ah iyo weliba ciidamada AMISOM

Madaxwaynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab inuu diyaar u yahay inuu lahadlo iyo inay dagaalka joojiyaan bisha Ramadaan si loo yareesho khasaaraha shacabka.

Ururka Xisbul Islaam Oo Xukun Maxkamadeed Ka Fuliyey Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho

Ururka Xisbul ayaa maanta tacsiir ku fuliyey nin lagu soo eedeeyey kufsi haweenay uur todobo Bilood leh ,kadib markii uu kufsi u gaystay haweenaydaas deegaanka ceel macaan ee degmada kaaraan .

Ninkan tacsiirta lagu fuliyey oo lagu magacaabo c/rashiid cali maxmuud afrax oo 22-jir ahaa ayaa lagu tacsiiray 100-karbaash oo ay sheegeen masuuliyiintii xisbi islaam inay shareecada islaamku qabto in boqol karbaash  laga jaro hadii uu galo qofku sino isagoon soo marin wax meher ah sida ay usoo qaateen ayaada labaad ee suuratul nuur.

tacsiir2

Sidoo kale goobta tacsiirtu ka dhacaysay ayaa waxaa saxaafada kula hadlay gudoomiyaha gobolka banaadir ee maamulka xisbul islaam macalin xaashi Maxamuud faarax oo sheegay inay soo qabteen ninkan isagoo falka ku jira ciidamada ururka xisbul islaam islamrkaana ay ahaayeen sida uu sheegay labo nin oo mid kamid ah ay gacanta ku dhigeen halka ay sheegeen in kii kalena uu fakaday oo ay ku raad joogaan .

Tacsiirtan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne usoo daawasho tegey ,masuuliyiin ka tirsan ururka xisbul islaam iyo ciidamada ururkaasi iyadoo tacsiirtaasina ay ku fuliyeen ciidamada ururkaasi oo ku sugnaa goobtaasi .

macalin xaashi

Waa markii ugu horaysay ee ay ururka xisbul islaam goob fagaare ah ay ku fuliyaan xukun maxkamadeed oo noocan oo kale ah.

Ganacsade Kasoo jeeda Maamul Goboleedka Puntland Oo Lagu Afduubtay Magaalada Muqdisho

Ganacsade lagu magacaabo Nuur Geele Yuusuf ayaa mudo asbuuc ah la, layahay kadib markii ay dabley ku hubaysan Bastoolado oo wejiyada soo qarsaday ay ka afduubteen gudaha suuqa bakaaraha gaar ahaan agagaarka shirkadaha.

Ganacsade nuur geele yuusuf oo mudo 10-bilood ah joogay magaalada muqdisho ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa afduubkiisa taasoo aan la ogayn halka ay gaysteen dableyda hubaysan ee afduubka u gaysatay iyo meesha ay kazoo jeedaan .

Sidoo kale ganacsadahan oo ay qaar ka tirsan eheladiisa oo ku sugan caasimada muqdisho ay isku dayeen inay soo xaqiijiyaan goobta uu ku sugan yahay iyo xaaladiisa taasoo aysan ku guulaysan halka uu raq iyo ruux dhigay

Maaha markii ugu horaysay oo sidan oo kale afduub loogu gaysto ganacsato soomaaliyeed magaalada muqdisho

yassiin maxamed cali ( faytin )

Muqdisho Somalia

yasiin2006@hotmail.com

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasan Daahir Dagaalka waa siwadaynaa|Xisbul Islaam oo Tacziir fuliyey|Nin Xamar lagu afduubay "

  1. axmed says:

    marka hore dhaman musliminta waxaan leyahay ramadan karim intaa kadib waxaan rabaa in aan wax yar ka taabto hadalka madaxweynaha shariif runtii madaxweyna markii la way dinayey su aasha waa uu ka leex lexanayey lakin waxaan leyahay hadii aad ku qanaqasantahay in bada somalia la gado ama aad sidaa sumcad ku raadinayso alle ayaa kula xisaabtamaya aduunkana waa maalmo sidaa ogw yeysan kula tagin madaxda aad tahay manta iyo najiska aad haysato