Home » Ramadan »

Ramadaan waa Fursad Nafta lagu Badali karo|A.Albanna

Ilaahay sarreeya waxa uu siiyaa dadka fursad wanaagsan sanad walba waana fursad uu ugu talogalay inay naftooda seeteeyaan oo ay baraan samirka, dulqaadka, iyo cibaadada, waana fursad uu qofku naftiisa ku layliyi karo si uu u sameeyo is badal, qofkuna hadii uu maalintiisa habaysan kari waayo ma habaysan karo bil iyo sanad toona haba sheegsheegto inuu wax habaysan karo, ama ha ku qorto waraaqo waawayn. Maqaalkaygan kaga hadli mayo axkaamta uu soonku leeyahay , waxaynuse ka eegi dhanka isbadalka.((Ilaahay ma badalo wax dad ku sugan yihiin Ilaa ay badalaan waxa naftoodu ku sugantahay))( Al-Ra,ad :11)

Waxaynu in badan raadinaa seminaaro iyo shirar la qabto oo aan kaga faa, iidaysanno sidii loo maamuli lahaa wakhtiga, sidii loo kobcin lahaa nafta, qorshe bileed, ama sanadeed sidii loo samayn lahaa, sidii nafta loo tarbiyadayn lahaa, iyo waxyaabo kale, inagoo mararka qaarna lacag ku bixinna, laakiinse dadku ma oga in ay bisha ramadaan tahay fursad qaaliya oo mucjisaadkeeda aan la soo koobi Karin, Qalina aanu suurayn Karin, waa bil Ilaahay soo dajiyay hagaha iyo tusaha cad (Quraanka), waa bishii uu Ilaahay siiyay muuminiinta libta iyo guusha wayn, waa bishii ugu furashada badnayd taariikhda islaamka, waa bil Ilaahay albaabada jannada furayo, Kuwa naartana xidhayo, shayaadiintana la katiinadaynayo. Waa bil ay ku jirto habeen barako badan (Habeenka Qadriga). Habeenkaasoo u dhigmo 1000 bilood,waa bil qofka Ilaahay dartii u sooma isagoo rajaynaya abaal marintiisa laga dhaafayo danbigiisii uu galay.

Qofka wanaagsani waxa uu hadiyo jeer isku daya inuu naftiisa isbadal ku sameeyo hadiyo jeer, laakiin waxaa la isku dhaafay oo lagu kala tagay habka iyo dariiqa loo marayo isbadalka. Dadku waxay hadiyo jeer doonaan inay isku badalaan si dhakhso ah kuwaasi waa kuwaan gaadhi Karin isbadal, kuwa isbedalka dhabta ah la yimaadaa waa kuwa u samra “Samraa sadkii hela”

Hadii aad doonayso inaad isbedel samayso su,aalahan si niyadsami ah uga jawaab

Yaad tahay? Maxaad doonaysaa? Habkeed u maraysaa waxaad doonayso? Maxaad u nooshahay? Wadada saxda ah mahaysataa? Waa maxay dawrkaagu? Maxaad doonaysaa inaad gudbiso? Ma leedahay qorshe haba ahaado mid saacad leh ah? Maxaad doonaysaa inaad bishan Ramadaan xaqiijiso? Ma jiraa Qorshe aad ka leedahay bisha Ramadaan?

Walaal markaad su,aalahaa si run ah uga jawaabto waxaad garan doontaa dariiqa sax ah ee la isku badalo. Isbadalkuna waxa uu ka yimaada waa gudaheena, sidaan u fikirno ayay noloshanu inoo ahaanaysaa.

Waxa jira hadaba dadyaw farabadan oo bisha ramadaan is yidhaah is badal la kaalay mise waaba iyagoo ay naftu jiidanayso, shaydaankuna jahawareeriyay, Noloshuna ay jeel ku xidhay.

Waxaa ka mid ah:

1.
Mid ay salaada tukashadeedu ay ku noqotay culays
2.
Mid danbiyada iska dhex muquuranaya
3.
Qof caadaystay cayda iyo aflagaada uu dadka u gaysanayo
4.
Qof aan asturayn naftiisii
5.
Qof ay balwadi daandaamisay
6.
Qof aan waxba bixin oo gacan adag
7.
Laba ay colaad iyo cadaawadi ka dhaxayso

Sifooyinkaasi iyo kuwo kaloo badanba waxay ku dhacaan nafaha bini’aadamka, laakiinse ilaahay waxa uu siiyay fursad dahabi ah waana bisha ramadaan. Fursadaasi waxaad ku xafidi kartaa shanta salaadood, danbiyada ayaa iska ilaalin adigoo Ilaahayna hadiyo jeer danbi dhaaf waydiisanaya, afkaaga ayaad edbin adigoo akhrinaya xuska Ilaahay,naftaadaad asturi adiguu dareensan macnaha (“Adaan ku caabudaynaa”), balwadaada ka adkaw waayo waad soontay, habeenkiina intaad karto iska ilaali waayo aroor oo dhan soomanoow adoo waliba hurda habeenkii balwadii ku afur waa caafimaad daro iyo doqoniimo,Masaakiinta maalintii 500 Sl sh ha ahaatee sii si aad nafta u bartid bixinta, iska cafi dadkii aad iska hortimaadeen ee aad arrin yar oo haddii la baadho fududayd noqonaysa aad iskugu cadhooteen waxayna yidhaahdaa dadka u takhasusay cilmiga naftu “ Haddii aad caado badashid oo aad bil ku socotid waxaad arkaysaa adigoo si caadiyan ah u samaynaya”

Bisha ramadaan waa seminar la Bixiyo ka ugu qiimaha badan, ugana faa,iido badan, waa bil ku siinaysa caafimaad iyo Alle ka cabsi, Anshax wanaagsan iyo Asluub wacan, waa bil aad ku baranayso sida loo Ilaaliyo wakhtiga, waa bil muujinaysa Ilaahay raxmadiisa iyo naxariistiisa, waxaase hoogay oo qayrkii ka hadhay qofkay usoo gashay ee ay si dhibyar ku dhaaftay isagoon ka faa,iidaysan fursaddaa qaaliga ah.

Isbadalka aan u baahanahay walaal bisha ramadaan waa

1.
Inaynu Ilaahay barino habeen iyo maalin goor iyo ayaan inagoo waydiisanayna inuu inagu sugo wadada toosan ee islaamka
2.
Inaynu isku dayno in aan shanta salaadood masaajidka ku xafidno
3.
Inaynu Quraanka akhriskiisa, dhugashadiisa iyo dhagaysigiisaba badsano si uu inoo anfaco oo aan u dareeno macnihiisa
4.
Inaynu saaxiibo cusub oo masaajidka ku xidhan aan samaysano, haddiise ay marka hore saaxiibada ahaayeen kuwo fiican oo masjidka ku xidhay aan sii xoojinno xidhiidhkooda.
5.
Inaan maalintii wax sadaqaysano haba yaraatee, xitaa hadal wanaagsan uun aan masaakiinta kula hadalno
6.
Inaynu taraawiixda jamaacada kula soo tukano
7.
Inaynu iska ilaalino xanta iyo xasarada
8.
Inaan barano siiraddii Rasuulka( Nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) iyo sooyaalkii saxaabada(Ilaahay raali ha ka ahaadee)
9.
Inaad miisaankaaga hoos u dhigto (haddaad ka caban jirtay buurni)oo aanad cuntooyin fara badan cunin balse aad barato sida caafimaadka ah ee cuntada loo qaato
10.
Inaan nafta ku xidhno xaga sare oo ay Ilaahay si buuxda iskugu dhiibto
11.
Inaynu dhadhamino macaanka cibaadada
12.
Inaynu dadka sooman quudino si aan ajar la mid ah aan u helno
13.
Inaynu badino tasbiixda(Ilaahay Xumaani kaa dheer ) tahliisha(Ilaahay mooye Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa ma jiro) takbiirta(Ilaahay baa wayn) iyo mahadnaqa, Danbi dhaaf waydiisashada.

Intaas iyo inkabadanba waxa la samayn karaa marka la qaato go,aan adag oo caqli gal ah maaha inaad go,aan ku qaadato inaad samayn doonto waxaanay naftaadu awoodin samaynteeda, balse waxaa ka fiican inaad xadidato inta aad karto, oo aad waliba joogtayso Nebiguana(Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi: ((Camal waxa ugu khayr badan ka la joogteeyo haba yaraadee))

Walaalayaal Ramadaan waa fursad la helo ta ugu qaalisan, ka faa,iidaysta intaad haleelka iyo caafimaadka haysataan, waanan idiin tilmaamay faa,idadeeda, Ilaahayna waa uu inoo fududeeyay wanaaga iyo khayraadka bisha Ramadaan,waxa uu kuu furay albaabadii jannada waxaanu kaa xidhay albaabadii naarta markaasuu waliba katiinadeeyay shayaadiintii, maxaa walaal hadhay ee aad sugaysaa?! Isku day inaad jadwal samaysato,oo aad naftaada ku badasho bisha ramadaan ((Waxaa Liibaanay Qofkii Naftiisa Daahiriya(9) Waxaanay khasaaray Qofkii Naftiisa Xumaan dhex galiya)) (Ash-shams)

Abdilqani Albanna

abdilqani@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ramadaan waa Fursad Nafta lagu Badali karo|A.Albanna "

  1. asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu…
    walaalka soo qoray maqaalkan aadka faa iidada uleh,waxaan hawada usoo marinayaa salaan iyo bogaadin khaas ah..
    waxaan leeyahay ilaahay hakaa abaal mariyo.waxaad soo qortay talo aad umuhiimsan oo kii qaata uu kuliibaani karo,,,dadka badankiisuse garan maayaan,alle hana waafajiyo xaqa,hana naga yeelo,kuwa bisha ramadaan darteed loogu danbi dhaafo,allo xaqa nawaafaji,xumaantana naga reeb.. aduun iyo aakhirana kuwii liibaana allow naga yeel.. aamiin!!!!!! aamiin!!!!!