Home » Siyaasad »

Horta barro Dalkaada Soomaaliya|Najax

Horta barro Dalkaada Soomaaliya?

Maxaad ka taqaanaa isbadaladii Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Maamuladii soo maray intii udhaxeysay

1960 ilaa hada 2009!!!?

Soomaaliya waa Wadan ka mid ah Dalalka ku yaalo Bariga qaarada Africa, wuxuuna ka mid ahaa Wadamadii lagu qeybsaday Shirkii ka dhacay Caasimada Dalka Germany ee Barliin sanadii 1884.Waxaana loo kala jaray dhul weynihii Soomaaliyeed shan qeybood ayadona gacanta lo galiyay Gumeystayaal kala duwan.
Inkastoo ay jeclayeen Dadka Soomaaliyeed in mar un ay ka baxaan hadimada Gumeystayaasha hadan waxaa abuurmay Ururo faro badan oo udagaalamo Xuriiyada Somaaliya kuwaaso qaarkood ayba ahaayeen kuwa laga mamnuucay gudaha Wadanka Soomaaliya.

Waxaan kamid ahaaUruradaas, Ururkii gobonimo doonka ahaa ee SYL Somali youth league oo Magaalada Muqdhisho ay ku Aas aseen sadex iyo toban (13) Dhalin yaro Soomaaliyeed, kuwaaso yagleelay Ururkii gobonimo doonka ahaa ee SYL Sanadii 1943. Ujeedadooduna waxey aheyd in Dalka Soomaaliya ay gaarsiyaan xornimo buuxdo, taasna waxey timid 17, sano kadib.

SYL taalo istag ah

Xorrnimadii Soomaaliya, Maamuladii ugu horeyay. & midoobidii Gobolada Waqooyi & Konfurta Soomaaliya.
Wadanka Soomaaliye waxuu xornimadiisa qatay sanadii 1960 waxaana midoobay goboladii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya oo ay ku kala qaten Gumeystayaashii Taliyaaniga iyo Ingiriiska Shirkii Gumeystayaash Africa ee ka dhacay Magaalada Barlin sanadii 1884.

Xiligii Soomaaliya ay xornimadeeda qadaneysay waxey Dadka Soomaaliyed uhelanayeen in ay madaxbanaa’naadan ayagoona ahaa kuwo isjecel sida aan ka dareemi karno Erayadaan uu curiyay Abwaanka Soomaaliyeed ee xiligaas soo shaac baxay kuwaaso ah sidatan. “Goormaan midoownayee 60kii. lugo yadii nadeysayee, 26kii Juun.

26/juun/1960 waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay xornimadeeda qaadatay, xiligaas ka hor Soomaaliya waxaa soo maray Maamulo anan laheyn awood kuwaaso ay kamid aheyd, Dowladii daqiliga aheyd ee ugu horeysay taasoo laga dhisay Koonfurta Soomaaliya sanadii 1956. Maamulkaas Daaqiliga ahaa waxaa hogaaminayay Reysal wasaarana ka ahaa C/laahi Cise Maxamud oo lagu naaneysi jiray (Timo Cade).
Xiliyadaas kadib waxaa ladareymay saansaan gobanimo waxaana jirtay in maamulkii ugu horeyay ee laga dhiso koonfurta Soomaaliya kaaso lagu magacaabi jiray AFIS ‘Aministrasione Fiduciaria Italiana della Somalia’. Golihii ugu horeyay ee guutida soomaaliyed.

Sanadku markuu ahaa 1950 ayaa koonfurta Soomaaliya Qaramada Midoobay uwakilatay Dalka Taliyaanigu inuu wax baro Soomaalida Koonfured mudo kusima toban 10 sano. Heshiiskaas waxuu ka dhacay xarunta Qaramada Midobay ee New york sanadii 1949 kaasoo ay ku heshiiyen Qaramada Midobay iyo Xisbigii Gobonimo doonka aha ee SYL. Heshiiskaas dhanka Soomaaliya waxaa usixiixay C/laahi Cise Maxamud (timo cade).

Soomaaliya markii ay xorowday 1960 waxaa la dhisay Dowladii ugu horeysay ee Soomaaliyed ayadoona 22 bishii luuliyo 1960 Dowladii ka curatay Konfurta Soomaaliya ay ka koobneyd Madaxweyne Adan Cabdule cismaan (Adan Cade) oo ahaa Madaxweynihii uigu horeyay ee hogaamiyo labo qeybood oo kamid ah shan qeyb ee Shirkii Gumeystayaash Africa ay Soomaaliya ugu qeybiyeen. Dowladaas waxaa Reysal wasaare ka ahaa C/rashiid Cali Sharmaarka halka Raysal wasaare ku xigeena uu ahaa Cabdi xasan buuni. Sidoo kale Dowladaas waxa ay ka koobneyd shan iyo toban (15) wasiir oo kaliya.

Mudnaanta uu hantay Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya ayaa aheyd mid Taarikhda gashay kadib markii uu Madaxweyne Aadan Cade iskaga dagay jagada Madaxweynanimada, asagoona hayay xilkaas mudo Todobo (7) sano ah.

Balse doorasho la sameyay iscasilataankii Madaxweyne Adan Cade kadib ayaa Bishii Juun Sanadii 1967 waxaa Madaxweyne loo dortay Mudane C/rashiid Cali Sharmaarke oo Dowladi horana Reysal wasaare ka ahaa.
C/rashiid Cali Sharmaarke Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya wuxuu asagua Wadanku hogaaminayay mudo labo (2) sano ah balse gacan ku dhigle ka gardaran oo la shegay in uu kamid ahaa ilaaladiisa ayaa ku toogtay gudaha Xarunta Gobalka Sool ee Magaalada laascanood 15/10/1969.

Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali sharmaarke kadib Wadanku waxuu galay xalad cabsi ah, ayadoona Dadku ay ka anfariiren Dilka lo geystay Madaxseynaha, balse shan bari ka dib maxaa dhacay?.

Maamulkii Milatariga ee la macag baxay ‘Towradii 21 October’.

Habeenimo Talaado ah Taarikhduna ay ku begneyd tahay 21/10/1969 ayaa xukunkii Dalka oo banana waxaa la wareegay Ciidamadii Xooga Dalka, Saraakil ka kooban 25 oo uu hogaminayo General Maxamed Siyaad Bare, lana magac baxay Golihii saree kacaanka 21 October. ayaa afganbi Ciidan kula waregay Maamulkii banana ee Dalka.

Inkastoo Dadku ay ad ogu mahadiyen hadana Maamulkaas waxuu soo celiyay Amaankii iyo kala danbeyntii wuxuna ahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare Masuul jecel in uu hormar gaarsiyo Dalka iyo Dadka Soomaaliyed, taasna wey dhacday, Hormaradda la taaban karo ee maamulkaas lagu xasuusto. Barnaamijkii Aqoonta Dadka reer Miyiga kor loogu qaadayay ee BAR AMA BARO iyo Ololihii Hormarinta Reer Miyiga oo lagu hormarinayay Aqoonta Dadka iyo Baaxada Gobolada Dalka Soomaaliya intii udhaxeysay sanadihi 1973 ilaa 1974.

Dhinaca Amaanka iyo Bilicdii Soomaaliya Xiliyadii Dowladii Kacaanka

. Soomaaliya waxey kamid aheyd Wadamada ugu bilicda iyo Amaanka roob ee ku yaalo qaaradaan Africa, taasna waxaa marqaati ka ah marka aan ka hadleyno dhinaca amaanka in xaalada amaan ee Soomaaliye ay aheyd mid uu kusoo dhiraan karo qof walba sidi dhacday (18 ilaa 20 October ee sanadii 1971). xiligaaso Magaalada Muqdhisho lagu qabtay Shirkii Midowga Africa iyo tilaabooyin kaloo la xiriira dhinaca nabada kuwaso soomaaliya ay ku kasbatay hormar waxana lataaban karaa in Soomaaliya ay ku birtay Jaamacada Carabta 16/02/1974.

Hormarkas buuran Soomaaliya waxaa garsiyay marka laga soo tago Maamulka wanaagsan ee majaraha uhayay Dalka Hooyo, hadan Shacabku waxey ahaayeen kuwa taabo galiyay in wadankoodu uu ku tilaabsado hormaro kala duwan, waxaana sanadihii ay Soomaaliya aheyd Qaranka tagan ay Shacabkuna aheyn kuwa ku dhisay Dalkooda Barnaamij loo bixiyay iskaa wax uqabso kaaso lagu dhisay goobo faro badan oo Taarikhi ah.

Soomaaliya xiligaas waxey inta badan udoodi jirtay Nabada Africa ayadoona maslaxo dhex dhigtay Wadamo ay dagaalo ka dhaxeyeen balse waxey Soomaaliya xurguf cadowtinimo oo ka bilaabatay Dhul Soomaaliya ay ledahay oo Ingiriisku uu ku warejiyay Dowlada Ethiopia sanadii 1954 ay kala dhaxeysay Wadanka ay jaarka yihiin ee Ethiopia, waxeyna colaadiisa ay sababtay in ay dagaalo kala duwan galaan labada Wadan, Dagaaladaaso kii hora uu dhacay sanadii 1964. iyo dagaalkii labaadee baaxada weynaa ee asna dhacay sanadii 1977.

Sikastaba ha ahaatee Dowlada itoobiya markasta waxey isku dayeysay sidii ay Soomaaliya ku curiyaamin laheyd. Ayadoona ukaashaneysay kooxo kasoo horjedo Maamulkii Dalka ka arimin jiray.

Taasi ayadoo ay jirto ayaa hadna Jamhado anan laheyn aragti dheer, siyaasado kale oo daahsana ay ku lifaaqan yihiin waxey karkaarka weydaariyeen Xukumadii Dalka Soomaaliya ka talineysay mudada 21 sano aheyd.

Xiliyaddii burburka Soomaaliya, sanadihii 1990 ilaa 1991.

Intaas kadib Wadanku wuxu galay xaalada fowdo, waxaana xog isku adegsaday Beelo awood isbiday waxaa isku daro noqday qofki weynaa iyo kii yaraa, fursad weyni waxey halkaas oga soo baxday Dowlada Itoobiya oo ayana markaas uu udilaacay waa cusub Taladii Dalkaasna uu lawaregay Maamul cusub oo ah kan hada hayo.

Waxey talada Soomaaliya ay wareegtaba Dagaalo Micnahooda anan la garaneynin waxey dhacaanba, lama helin xal dhaafsan in la isku maquuniyo Qori Caaradiis.

Dadkii waxey aad unaceen Dagaalada aanan dhamaadka laheyn ee Ka curtay inta badan Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana lagu soo horiyay hadalkii Calina Gar Leh, Ceydiina Gar leh. taaso udhiganto in Dadku aynan la dhacsaneyn wixii ku dhexmarayay Caasimadii Soomaali weyn labadii Masuul ee kala ahaa Cali Mahdi Maxamed iyo General Maxamed Faarax Ceydiid oo xiligaas isku hayay Talada Qeybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya.

Sanadii 2000 ayaa la iskugu yimid Shirweynihii Jabuuti ayadoona shanta (5) sano ee soo socoto loo caleemo saaray C/qaasim Salad Xasan in uu noqdo Maxadweyne Soomaaliya Balse waxaa jilib udhigtay Dowlada Itoobiya oo dhaarintii Madaxweynaha uu jogay Reysal wasaare Mila Zanaawi.

Kadibna waxey iskugu yertay Dowalada Itoobiya Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya kuwaaso ay ogu dhistay Ururkii lamagac baxay SRCC Magaaloyinka Harar iyo Hawaasa ee ku yaalo Gudaha Ethiopia. Ururkaas oo ay ku mideysnaayeen Hogaamiye kooxedyo aanan aqoonin Siyaasad ka badan dantooda ayaa udiiday Dowladii Carta in ay ku shaqeyso Magaalado Madaxda Soomaaliya ee Muqdhisho Ayagoona marti uga dhigay Dowladii lasoo doortay Caasimadii Soomaaliya Ee Muqdhisho.

Xaalada oo maalinba waji cusub lasoo baxeysay ayey Qabiilo dagan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay bilaabeen in ay dhistaan Maxaakiim Islaami ah, kuwaaso markii hore kaliya lagu shegay in Qabiil walba uu ku qabto kiisa qaldan Taasna waxaa kalifay sida ay shegeen qaar ayaga ka mid ah markii ay udul qaadan wayeen waxa kadhacaayo Magaalada Muqdhisho, laakin arintu waxey noqotay kadar oo dihi dhal.

Xiliyadii kululaa ee Soomaaliya

. Waxaa soo ifbaxday in la isku garbiyo Qofkii hanan lahaa Maamulka ugu sareeyo ee Wadanka Soomaaliya waxaana muuqatay wax qabad la’aan la so daristay Dowlodii lagu soo doortay Carta.

Mar kale ayaa la iskugu yeray dhaman Hogaamiyadii Siyaasada Soomaaliya hor boodayay Shir dib u heshiisiin oo lagu qabtay Dalka Kenya waxana14/10/2004 lagu doortay Madax Weyne C/laahi Yuusuf Axmad in uu noqdo Madaexweynaha Dowlad ku meel gaar ah oo ku cusub Soomaaliya taasoo lagu saleeyay sida ey Aqoon yahano sheegen hab in ka badan konton (50) sano kahor lagu Maamuli jiray Wadanka Ingiriiska, kaasoo ah Federal duqooway, niyad xumi weyn ayeyna ka muujiyeen Dadka Soomaliyeed Nidamka ah Four piont Five (4.5).

Dowladaas xanbarsan Magac Soomaaliyed ee Kenya lagu dhisay ayaa waxa ay weysay meel ay Soomaaliya uga shaqeyso. ayadoona marti galin ka heshay. Hogamiye Maxamad Cumar Xabeeb (maxamed dheere) oo Gobolka Shabella dhaxe ka talinayay Xiligaas.

Dowladii Madaxweyne Yusuf waqti badan ayey ku qaadatay in ay ku tagto Xaruntii Soomaali weyn ayadoo u kala jirsatay masafooyin kala ah 245 ilaa 90 km.

Intaas ey Dowladu ku waregeysay Magaloyinka Jowhar iyo Beydhabo waxa jiray xubno ka tagay Maamulkaas oo dagay Magalada Muqdisho. waxaana wax yar kadib lagu heshiisiyay labadii gole ee ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ee saldhigyada ka kala dhigtay Magaalooyinka Muqdhisho iyo Beydhabo Caasimada Wadanka Yaman. waxaana xiligaas ka dilaacay Magaalada Mugdisho Kooxo wado Magac Diin kuwaasoo Dagaal adag oga sifeyay Gobolada Konfureed Hogaamiyo Kooxedyo ku midoway Magaca Ururka Lo bixiyay “La dagaalanka Argagixisada iyo so celinta Nabada”. Dadkuna ay u bixiyeen Ashahaado la dirir.

Xiliyadii hore Dadku aad bey ugu riyaaqeen wax qabadka Maamulki Midoowgii Maxakiimta kuwaasoo nabad buuxdo gaar siiyay inta badan Gobolada koonfureed iyo Bartamaha Soomaaliya. balse Awood dheerad ah oo is bideen iyo Siyaaasad xumi ayaa waxa ey tustay in Dowladii awooda darneed laakiin Beesha Caalamku ay Taageerada Umuujisay ay awood ku harereyen xaruntedii ku meel gaarka aheyd ee Magaalada Baydhabo iyo in ay uhanqal taageen Wadamada dariska ah oy qaarkood Soomaaliya xurguf Cadowtinimo kala dhaxeyso, taasna waxey kentay in Ethiopia Ciidamadeda oo amar ka helay Dowladii KMG aheyd, ay Tamashlo ku tageen Xaruntii Soomaali weyn ee Magalada Muqdisho waligood markii ugu horeysay sanadii 2006. waxeyna aheyd sida ay sheegeen Taarikhyahano Soomaaliyeed abid marki ugu horeysay oo Askari kulabisan Tuutaha Ciidanka Itoobiya hubkiisana wato uu dhex istaago Xarunta looga arimiyo Soomaaliya ee Villa Somalia, Airport ka iyo Dakada Muqdhisho.

Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada oo is garab sanaayo ayaa waxaa ey la galeen Dagaalo culus oo socday mudo dher kuwaasoo ugu danbeyntina ka awood batay kooxihii ay Dadku mahdiyen mudadii lixda (6) bilood aheyd, oo ay ka talinayeen Gobalad Koonfureed ee Soomaaliya, waxana dhacay Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ba’an oo soo garay Dad anan waxba galabsan oo Shacab ah.

Waxaa bilowday falal ku cusub Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed oo Isqarxin iyo Goowracba uu ku jiro, Ciidamadii Ethopian ka ahaa ee Soomaaliya soo galay fadhi waa loo diiday, Dadku waxey taageero Niyad ah siiyen kooxihii dagaalka kula jiray Ciidamadii Ethopia, waxeyna sidoo kale Dadku naceyb u qaadeen Dowlada FKG ah ee Soomaaliya oonan laheyn awood buuran.

Dagaalo culus oo xataa ay ku jirtay Dowlada Mareykan ka Diyaaradaha qumaatiga u kacana ay qeyb ka qaaten ayaa ku ka liftay Madaxdii Maxakiimta in ay noqdaan kuwa kala firdhay waxeyna si uun ku tageen qaarkood iyo kuwa kale oo kamid ah Barlamaankii iyo Gudomiyihii shir gudoominaayay Kulankii lagu ogolaaday in Ciidamada Dowlada Itoobiya ay so galaan Dalka Soomaaliya.

Waxaana soo shaac baxay qilaaf hor leh oo ayagii u dhaxeeyo kaaso sababay in laba Wadan oo daris ah ay kala dagaan, Wadamadas oo kala ah Jabuti iyo Eriteriya, Xiligaasoo si toos ah ay usoo shaac baxday in hadna loo bahan yahay mar kale in la dhiso Dowlad ay ku mideysan yihiin, dhaman kooxaha is diidan taasoo badasho Dowlada ay Shacabku naceybka u qaadeen ee lagu eedeyay in ay ayadu horseeday imaatinka Ciidamada Shiisheye ee kala ah kuwa Dowlada Ethiopia iyo kuwa kuyimid Magaca Howgalka Miwga afrika ee AMISON, waxana bilowday wada hadalo u dhaxeyo Dowlada KMG ah iyo garabkii Isbaheysiga ee Jabuuti Shiiq Shariif Sheekh Axmedna uu hogaaminayay ayadoona lagu Heshiiyay in Ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya oga baxaan mudo ku siman boqol iyo labaatan bari (120).

Shacabka dhib ku u halakeeyay ee ku dhaqan Goobaha ay Dagaaladu ka dhaceen ee ku yaalo gudaha Magaalada Muqdhisho iyo agagaaradeeda iyo dhamaan Dadka uu damiirkoodu fiican yahay ayaa aad usoo dhaweyay Arinka bixitanka ah ee ay soo hindiseen Madaxdii ku kulantay Magaalada Jabuuti ee Xaranta Dalka Jabuuti.

Ciidamada Ethiopia ayaa bilaabay in ay ka baxan gobo mucayin ah waxeyna si toos ah Ciidamadaas Xasuuqa weyn ugeystay u geystay shacabka anan waxba galabsaned ee kor koodu ay ka dhaceen Dagaaladii ba’naa ee udhaxeyay kooxaha iskugu jiray kuwii Maamulkii Maxaakiimta iyo kuwa Wadaniyiih ah, oo Damiirkoodu uu ka xumaaday Ciidamaadaan ka yimid Wadanka ay xurguftu kala dhaxeyso ee sida qaldan kusoo galay Wadankooda Soomaaliya. waxaana saan saanta bixitaanka Ciidamada Itoobiya ay soo af jarantay 15/01/2009. xiligaas oo ay toos oga baxeen xarumihii ay ka daganaayeen Caasiimada Soomaaliya ee Muqdhisho.

Jabuuti oo marnaba anan ka quusanin xalada Soomaaliya ayaa iskugu yertay dhinacyadii is diidanaa ee ku kala booday Siyaasada.waxaana ugu horeyntii diidmo ka muujiyay Kooxdii Isbaheysiga ee Fadhigoodu uu ahaa Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritariya.kulamo badan oo dhacay iyo wadatashiyo kadib 30/01/2009 ayaa Jabuuti lagu doortay Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Axmad in uu noqdo Madaxweynaha Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya mudo laba sano ah balse Dadka Soomaaliyeed oo markasta quus ka taagan Rabshadaha anan dhamaadka laheyn ee Soomaaliya ka sii socdo ayaa layaab ku soo dhaweyay Xukuumadaan oo aad oga tiro badan xaga Golaheeda Baarlamaanka Maamuladii ka horeyay.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo filaayay in Soomaaliya ku tagi doono si wanagsan madama uu Madax ka ahaa Midowgii Maxakiimta kuwaasoo Ciidamadoodana ay Soomaaliya konfurteda Maamulaayeen ayaa ku hingobay Rajadiisi, kadib markii ay Gaashaanka u daruureen Kooxihii ladagaalamay Ciidamadii Itoobiya iyo Kuwii Dowladii ka horeysay tan Sheekh Shariif.

Koox Diimeedka Al Shabaab ayaa kamid aheyd kuwa si cad oga soo horjestay in ay taageero siyaan Dowladaan Cusub ee Soomaaliya udhalatay taasoo ay Dadku ku taageeren Siyaabo kala duwan oo ay kamid tahay in uu markaan Soomaaliya ay majaraha uqabteen Rag anan raad dheer ku laheyn Danbiyada Bini Aadanimo ee ku wajihan Siyaasada Soomaaliya, ahna Masuuliyiintii ugu da’da yareed ee waligood qabtay Jagooyinka ugu sareeyo ee Dalka Soomaaliya waan Madaxweyne Shariif iyo Reysal Wasaar Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dowladaan Cusub waxaa isla markiiba taageero Af ah siiyay Wadamo faro badan oo ka tirsan kuwa ugu waa weyn ee Reer Galbeedka sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ayana shaacisay in ay Taageersan Tahay Dowladaan Midnimada Qaran ee Sheekh Shariif uu Madaxda ka yahay.

Dhinaca kala waxaa soo shaac baxayay markaas ka dib in ay bilaabmeen Ururo Cusub kuwaaso boos ka raadsanayay Xalada anan fadhinin ee Soomaaliya, waxana ka mid ahaa ururka Xisbul Islaam oo ka yimid Ururo isku tagay, waxuuna shaac bixintiisi horaba ku wajahay Ciidamadii Dowlada oo markaas iskugu jiro Qaar kamid ah kuwii Maxaakiimta oo loo yaqaanay Muqaawamo, kuwii Dowladii hore iyo Ciidamada Howlgalka midoowga Afrika ee Amison.

Ururka Xisbul Islaam ayaa waxa ay isku soo dhawaadeen Ururka kale ee horay loogu yaqiinay Al shabab Balse hada shaaciyay in anan ladhihi karin Al Shabaab oo kaliya ee ay Qasab tahay in lagu laro Erayga Mujaahiinta, Taasoo noqoneyso Ururka Mujaahidiinta Al Shabaab.

inkastoo Ururkaan Mujaahidiinta Alshabab uu ahaa mid wax badan jiray, hadana waxuu noqday mid ay Dadku oga kala hadleen siyaabo kala duwan waxaana kamid ah Edaha loo soo jeday in uu yahay Urur go’aankiisu uu ka horeyo xukunkiisa, ayagoona ay ku eedeyen Xukumadaha Reer Galbedku in ay ku xiran yihiin Urur weynaha Al Qacida. balse waxyaabaha aynan ladhicin Bulshadu waxaa kamid Dilal lagu sheego in ay geestaan xubno katirsan Ururkaan iyo Hanjabaadyo kala duwan. oo shabacka loo geysto.

Sidoo kala Edeymaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah in xiligii ay Al Shababku ay ku jireen Maslaxa Siyaasada ay Konfurta somaliya noqotay meel xabad u joogta ah, waxana hada inta badan haben kasto ka socdo dagaal anan la ogen ujeedadiisa, qasaaro badana keeno, waxba intaas ka sii daran in Dadkii Bulshada u adeegaayay ey noqdeen kuwa ku dhax dhinto kooxa ha is dagaalaayo Taaso la micno ah (meeshii laba maroodi ey ku dagaalanto cooskaa ku baa baba’o).

Waa la yaab, Aqristoow Geedigaan xagee lagu furi doonaa. Akhiro miyaa la ilaaway, waxaan inta badan ku jirto qalbigeygaga oo anan hilmaamin miro aad umacaan oo kamid ah hees ay ku luqeysay Fanaanada Da’da yar ee Canab taasoo lagu magacaabo aaway Soomaalinimo. “Islaamnimadeeni meyday, Insaanimadeeni meyday, Away Soomaalinimo”.

Soomaaliya Saakay iyo saban hore, waa kaaf iyo kala dheeri, horta yaa qaldan?. ma Dadka, Dowlada mise kooxaha kasoo horjeedo. Layaabku wuxuu yahay Taariikhdu wa ma guurto, taarikhdaan mugdiga ah miyey isbadaleysaa.???!

Ninka maanta Soomaaliya udiiday in ay Dowlada noqoto Ee u adeegay Dad Iyo Dano Shisheeye. ma waxuu helayaa wanaag misa waxuu noqonayaa Doqon Taarikh laawe ah!.

Layaabku waxuu yahay in dhawaanahaan aanba aragnay in Dadkii u shaqeynayay Shacabka looga ceeriyo goobahoodi Shaqada Ariimo anan la fileynin taaso ay kamid tahay, hirgali dano gaar ah sida ka dhacday dhawaan Wadanka Soomaaliya taaso aan la wada socono in uu galaaftay isbadalka ku yimid Magac kooxda Al Shabaab ee ah in lagu daroo Mujaahidinta in uu keenay arino ka miisaan culus Magaca. waxaana hubaal ah in Ururka ALshabab uu dhawaan shaciyay in anan la dhihi karin kaliya Al Shabab, taasi waxey galaafatay in Dad u shaqeynayay Bulshada ay Shaqadoodii ku hakato Eraygaas, sida ku dhacday Wariyaashii Idaacada Bbc oo Mugdisho loga boos badalay Magalada Hargeysa.

Dadkii xogta ka heli jiray wariyayaash markasta waxa ay sugayaan in ay u shaqeyaan, laakiin hadii aynan sameyn sharci ah laakin aynan ladhicin kuwa ay sheekadaas quseyso ma maleyn kartaa waxa ay noqoneyso go’aanka lagu fulinaayo Muwadinkaas Soomaaliyeed.

waxaa ayagana ah wax aynan Taarikhdu ilaabeeynin falalki lagula kacay Warfidiyeenadii u adeegayay Shacabkooda ay diloodeen dagaaladu aanan afjarka laheyn ee ka huraayo Dhulkeeni Hooyo.
Soomaaliya Alla umaqan!

Sheekadu ma taada daa! teeydana yeel baa?

Somaliya Allaa u maqan, is badalka Siyaasadda Soomaaliya sidaan ma si ka daran bey sugi doontaa.

Taarikhda Soomaaliya hada waxa ay taagan tahay Meel Eber la mid ah.

Allow sahal amuuraha.

C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com
Nairobi, Kenya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Horta barro Dalkaada Soomaaliya|Najax "

  1. Qoraaga maqalkan wu ku mahad san yahay sida u haqabtiray maqalkan thanks

  2. Siciid says:

    Waa maqaal fiican laakiin yaad ugu tala gashay inuu ka faa’iideysto?, ma carruurta ku dhalatay qurbaha mise dadka aan Soomaalida ahayn ee ku hadla ama qora afka Soomaaliga?, waayo dadka intiisa kale waa ku wakhti lumis, qof kastaana waa sheegi karaa waxa ku xiga haddii aad sabuuradda ku qortid B, T, J, X, aniguba ma akhrin maqaalkan ee si degdeg ah baan u dul maray, markii aad ku bilowday Soomaaliya waa dal ku yaal Afrikada bari baan ogaadey waxa ku xiga oo dhan, Taariikhda Soomaaliyaba bogga Somalitalk waa laga heli karaa haddii loo baahdo, take care!.