Home » Siyaasad »

Maqaal Kahadlaya Mamulka Madaxweyne Shariif|dhoodi

Waxqabadkii 6-bilood Ee Maamulka Madaxaweynaha lasoo Gamey

Bismilahi raxmaani raxiim

Asalmu c ww

Sidaan lawada socono waxaa kasoo wareegtay mudo 6-bilood ah markii ladoortay madaxweynaha lasoo gamey Sh.Shariif Sh. Axmed waxaan jeclaystay inaan waxyar ka eego waxyaalihii uu kusoo kordhiyey umada Soomaaliyeed oo u hamuun uqabtay nabad aadna usoo dhaweyey xiligii ladooratay iyagoo rajo badan ka qabay inuu xaalka dalku marayo waxbadan uu kaqaban doono, khaasatan dadka kunool magaalada Muqdisho oo ay lasoo daristay dhibatooyin kala duwan labadii sano ee u danbeeyey,Sidoo kale dad badan oo Soomaalieed oo xalka dalka lasocday ayaa markasta saadalinayey inuusan waxba soo kordhinaynin madaama aysan meesha ka muuqan isbadal oo xaalku ku ekaa “kana saar kana siib”.

Waa xaqiiq inuu kala kulmay dhibatoyin iyo mucaaradnimo kooxa dowladii hore ku kacsanaa waa xaqiiq inuu isku dayey inuu nabad wax ku xaliyo, waa xaqiiq inuu damcay inuu simaqaar saar ah wax uun diinta isalaamka loogu dhaqmo si loo raali galiyo shacabka iyo mucaaradka, waa xaqiiq inuu kulamo badan laqaatay qaybaha bulshada kuna baaqay in nabad wax lagu xaliyo, lakiin waxaa arinkaas oo dhan aan dheg jalaq usiin kooxaha mucaaradka oo iyagu aaminsan in mesha Cabdulahi Yuusuf uun kabxay walina howshoodii aysii wadayana.

Waxaa lagu dhaliilayey mamulkii isaga ka horeey inuu isticmaalay awood xad dhaaf ah isagoo u kaashaday cid kasta oo is oran karo meesha mudo waa kugu sii hayn kartaa. Waxaa maamulkaas ku akeeyey ciidamo nooc kasta isugu ijira, sida kuwo bada cirka oo Maraykan ah kuwo dhulka oo Ethiopian iyo Somali ah, waxaa laba bilood kadib dib isu soo aruursaday kooxahaas iyagoo dowladii Cabdulahi Yuusuf iyo ciidankii usoo gurmadayba ku ooday saldhigyo cayiman iyo wadada Maka Al-mukara ee garoonka diyaaradaha gasha. Waxaa dowladaas haystay ciidamo Ethiopian ah oo dhulka uga dagaalama taas oo suurta galisay inay laba sano si saxariir ah ay ku joogto magaalada muqdisho iyadoo waliba waqooyiga muqdisho gacanta ku haysay,

“Qoolay Qoorqabad Biyo Kuma Cabto” Ciidan ajanabi ah dowlad kaama dhigi karaan waxaa dowlad ku noqon kartaa shacab kalsoonidiis, Madaxweyne lasoo gamay wuxuu door biday inuu Hoobiyo lagu toosiyo laguna seexiyo waxaa uu doorbiday in gaari qafilan ay kuqaadan ciidmadama AMISOM marka uu Ayraboorka aadayo majirto meel kale oo Muqdisho katago, waxaa wadooyinka xiri ciidamada AMISOM marka uu duulayo iyo markuu soo dagayo iyadoo wadooyinkaas xirnaadaan mudo ku dhow 12 saac taasna ay sababto in dad badan oo xoogsata ay ku xanimaan guryahooda lagana yaabo inay maalintaas waxay cunaanba waayaan madama nolol maalmeedkooda laga hor istaagay.

waxaa intaa kasii daran waqooyiga muqdisho oo mudo 20 sano ah aan qofna meel uga qaxin in maanta aysan jirin wax dad ah oo ku nool, waxaa been noqotay hadalkii shakiga badan dadku kaqabeen oo aahaa diinta islaamka wax lagu xukumo iyado wax sharci fulin ah oo kadhaqan galay meelaha yar oo ay dowladu mamusho ilaa iyo xiligii lagu dhawaaqay kudhaqanka shareecada Islaamka.

Waxaan kula talin lahaa Madaxweynaha lasoo gamay inuu umada ka hor wareego riyadaan uu iminka kujiro waxaa kuhungoobay rag isaga kahoreeyey, Riyaadaas waxaa weeye “Baqal Fardo Lamiratay Faras Ayeey Ismoodaa”, shirarka lagu casuumo waxay lakulmaan Madaxweynayaal, Boqoro, Raysal Wasaaryal Dalkooda iyo dadkoodaba u dhisan yihiin, waxaase ugu daran kulanka uu hada lakulmayo Helery Clinton taas oo runtii umuuqata kulan larabo in lagusii khaldo maskaxdiisa loona tuso inuu yahay nin caalamku jecelyahay howsha uu hayana aad raali uga yihiin reer Galbeedka. Looguna cusboonaysiiyo qandaraaskii uu kula dagaalamyey Islaamiyiinta Soomaaliya kajira, lakiin ha ogaado in markii uu maxkamadaha xukumay 2006 magaalada muqdishana uu nabad kadhigay diinta islaamkana laysku xukumayye wadamadii raali ka ahaan waayey oo isaga iyo saxiibadiisaba ku qaxiyey wadooyinka kismaayo xaga koonfureed uga baxa oo layiraahdo Hoosungow iyo Habaarwaalid kabidbna kaymahaas xadka Kenya udhow cir iyo dhulba kula dagaalamay miyaa hada ogol diin islaam mise Maraykan Iyo Ethiopia diinta islaamka soo jeclaaday.

Wabilaahi towfiiq

Ahmed Hassan Farah

Dhoodi22@yahoo.com

New Zealand

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.