Home » Warar »

Culumadii lagu lagu laayey Gaalkacayo oo la aasay

Culumadii lagu laayey Gaalkacayo oo la aasay

Waxaa abaare afartii galabnimo bacdal casar laga qaadey maydadka culumadii la xasuuqay isbitaalka dhaga cade ee magaalada Gaalkacyo loona sii galbiyey qabuuraha cirjiife ee bariga magaalada.

Waxaa aaska ka qaybgalay kumanayaal dadwaynaha reergaalkacyood ah oo isugu jira culumo, waxgarad, ganacsato,dhalinyaro iyo waliba qaybo kamida maamulka . dadwaynahaas oo aad u qiiraysnaa aadna ay wajiyadooda uga muuqatay murugo iyo tiraanyo ay ka xun yihiin dhacdadii foosha xumayd ee culumada lagu xasuuqay.

Tirada dadka oo xad dhaaf ahayd baabuurtu waxay isqabsatey isbitaalka ilaa laamiga dheer ilaa qabuuraha qaybo badana wayba lugaynayeen.

Waxaa amaanka iyo tartiibaatka wadadaba nidaaminayey booliska oo isxilqaan badani ka muuqday.

Salaadii janaasada iyo aaskii kadib waxaa ka hadlay halkaas culumada gobolka kuwooda ugu caansan waxaana hadalka furfuray sheekh c/casiis sheekh cali wuxuuna aad ugu dheeraadey dhacdadaas iyo sida ay u fool xumayd iyo saamaynteeda aduun iyo aakhiroba ayadooda dadka la laayey ay ahaayeen musaafiriin, ducaad, culumo, aan wax dhibaata ah ooy gaysteen jirin halka meesha lagu laayeyna ahayd dhulka ilaahay meesha uu ugu jecel yahay (masjid), Intaa kadib waxaa hadalkii qaatey sheekh cumar dheere oo baraarujiyey maamulku inuu masuul kayahay umada loogana fadhiyo inay munkarkaas gacanta ku suuliyaan ayadoo dhibaatada Gaalkacyo ka jirtaa ay noocyo badan tahay xataa toban bari ka hor dad loo dhiibay Itoobiya oo loo gacan galiyey.

Waxaa kadib hadalkii qaatey sheekh mursal shire oo ka hadlay in dadku aysan maamul kaliya wax ka sugine ay ayagu wax qabsadaan halka sheekh c/risaaq sheekh Axbaab ay ku dheeraadeen dhiigii culumadu inuusan hadur noqon ee loo baahan yahay in dacwada loo istaago oo qoladii culumada u laysay inuu nuurka allaah uu bakhtiyo ay hungoobaan dhamaan culumadaasna dadku waxay hadaladooda u dhagaysanayeeen si qiiro ku jirto oo takbiirtu isla daryaantay.

Ugu danbayna waxaa hadalkii soo gunaanaday wasiiru dawlaha madaxtooyada iyo maamul wanaaga mudane Gaashaan oo ku hadlayey magacag dawlada puntland kana tacsiyeey geeridii culumada cabirayna sida maamulku uga xun yahay dhacdadaan foosha xun.

Axmed max,ed faarax Gaalkacyo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Culumadii lagu lagu laayey Gaalkacayo oo la aasay "

  1. jibril says:

    anigu waxaan ku noolahay wada ka mareykanka ee marka aan maqlo arimaha kadhaco somaliya waan naxa waana nacebeysteen

  2. jibril says:

    fadlan ha oorani laba ilah baa jirto waa dabi walaal asalamu caleykum

  3. jibril says:

    walaayal anigu waan ka xumahay inaan ladilo dad wax gaysan

  4. TOGANE says:

    HADII SOOMAALIDU TAHAY MUSLIMIIN OO AY CAABUDAAN ILLAAHA WEYN SUBXAANAHU WATACAALAA, MAANTA AYAA LA OGAANAYAA..

    SIDEE LAGU OGAANAYAA?

    WAXAA LAGU OGAANAYAA IN LA KEENO DADKII DILAY CULIMADAAS MASAAKIINTA AH.

    HADDII LA KEENI WAAYO WAXAA IISII RUMOOWEYSA ARINKII AAN HOREY U AAMINSANAA OO AHAA IN SOOMALIDU LABA ILLAAH LEEDAHAY (OOKALA AH ILLAAHA WEYN IYO ILLAAH YARE OO AH QABIILKA UU KA DHASHAY)

    MAR HADDII AY SIDAAS TAHAY HUUHAADA NAGA DAAYA OO NIN WALBOW ILLAAH YARAHAADA U DHAWAAW, QARAARKIISANA AAQIRO KU DHADHAMI..

    CULIMADA MASAKINTA AH EE PAKISTAAN, CASHAR WAY QABAAN IYO NIN KASTOO MUSLIM AH OO SOOMALIYA USOO SOCDAYNA BANAANKA HANAGA MARO!

    DAD LABA ILLAAH LEH OO AYAGIINA ISCUNA AYAAN NAHAY , QOF KALENA DEEYNEYN..

    YAA WEYLAKUM!

  5. maxamed says:

    It shame on us and shocking. The questionis how long we pretend that every thing is under control? . We have to change the course and bring back security regardless of mooriyan mudug and we must do it now!!!!.

  6. bushra says:

    Inaa lillaahi wa innaa ilahi raajicuun. ilahay ha siiyo naxariistiisa ballaaran shuhadadaas. culumo masjid lagla baxo oo la laayo waa wax aad u xun. shacabka reer puntland gaar ahaan reer g/kacyo waa inay si muuqata uga dhiidhiyaan cuqubada ka dhacaysa dagaankooda. hadaan taasi dhicin oo dulmiga lasuulina fitna caama ayaa dhacaysa. ilahay SW wuxuu yiri KA BAQA FITNO AAN SI GOONIYA U ASIIBAYN KII DAALIMKA AHAA EE CAAM IDIIN ASIIBAYSA. dhiiga culumada yaan la dhaliilsan ee ka kaca oo iska qabta daalimiint idinku dhex jirta ee la qooqsanayo.

  7. Somali Careysan says:

    Ilaah na uumay ayaa mahad iyo nabagiisa suuban Maxamad SCW, ka bacdi. Soomaalilay dhageysta, adduunka waqtiga la joogi waa yartay. Qofkasta, aadmiga in ka badan 99.999% xisaabta aakhriyo waxay u imaanay isagoon jirsan 90 jir. 80% waxay u imaan isagoon 78%, sidoo kale 70% waxay u imaan isagoo jirsan 68jir, 60% isagoon gaarin 58 jir! …..ogow waxaa xogtaas laga sugay dhalashada adduunka maanta 50% ka badan ayaa yaraan ku naf waayo, haddii taasi aad qariibsanayso. Adiga iyo anigaba yeyna sugi waayin!! Xalka Soomaali aan u noqdo:- Waxaynu ku jirnaa Dambi weyn kuwii falanay baaqi ku ahaan maayaan Dulmi aduunkiisa Baraare, xisaabta Aakhirona ay u dheertahay. Marka ayaa dilay Wadaada Martida u ahaa Walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed. Waxaa dilay oo la mid yihiin kuwii:-
    1. Maalin cad Muqdisho iyo goobo badan ka soo saaray ayagoo adeegsanayo Qabiil Shacbiga Soomaaliyeed guriyahoodi, dhacay hantidooda…aan maanta waxba la iska weydiinayn Dambiyadaas daalamiinta ay geleyn.
    2. Kuwii maalin cad ku soo hogaamiyey Cawga Soomaaliyeed, kaaso soo abuulay naceebkii taariikhiga ahaa ee kala qaybinta Dhulka Isirka Soomaaliyeed ee la xalaalaystey. Maanta la holinayo in lagu darsado labadii gabal ee laga aloosay dagaalka Sokeeye.
    3. Arrinta Dilka Wadaada waxay lugta ku haysaa bah dilkii Soomaali lagu hayo. Mar loo mari Qabiil, warlord, camiil dabadhilif, Diin aan waxba ka jirin, Danayste, shisheeye cadaw ee la adeegsado, iwm

    Haddii ay runta jirto waa in la helaa labo arrimood:-
    Hoyga cadawga Soomaaliya EE Galmudug waa inay keenaan Qolooyinka DAMBIGA SOOMAALI KA GALAY? MAANTANA AYSAN QARIN KUWA WEERAR KA SOO QAADAY BAHALO GALEYNTA? OGAADA xisaabta ma fogee..,..dhinaca kale Soomaalida kale ee lah PUNTLAND, MUQDISHOW, KOONFURTA KALE IYO SOOMAALIDA KALOW xaqa ayaan laga gaban sheegistiisa haddii aadan hayn tabar kale.

  8. rihaam says:

    asc allaha u naxariisto walaalaha muslimiinta ee dhinteen mida kale soomaali ayaa liisku diraya wana run warkiisa danyarkalkaal wa amar meel fog laga keney
    balse illah qabrigooda qabow haka siiyo illhna hano naxaristo anaga iyo muslimiinta dhamaan walalheen dhinteen waaye

  9. Maxamed sh. Abdisamed says:

    Salaamu Allhi Caleekum

    Waxaan dadka muslimka ah ee dagan magalada Gaalkacyo ka codsanayaa in arrintan sida ugu dhoqsaha badan loogu dhaqaaqaa sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyay oo aan loo eegin qabiil.

  10. Ismail A Barkhadle says:

    Umaleyn maayo qof Soomaali ah oo dhiig iyo Dheecaan muslin ku jiro inuu fuliyay dhacdadan foosha xun ee lagu xasuuqay culimada tabliiqa ee kumanaan mayl uga soo dhoofay inay diinta ilaah fidiyaan kuwii falkan fuliyayna iyo kuwa wax ka ogba ilaah ciqaab xun dunada iyo aakhiraba ha ku tuso aaamiiin!!!

  11. DANYARKALKAAL says:

    AMARKA LAGU DILAY MEEL FOG BAA LAGA SOO BAXSHAY. SABABTA LOO DILAYNA WAA IN LA JOOJIYO ISDHEXGALKA MUSLIMKA,

    FAROOLE WAA IN UU IS CASILAA . NAGU FILAN INTAAN .

    WAXAA LAGU QARINAYAA DILAKII WASIIRKA IYO TALIYIHII POLISKA.

    SUAASHU SE WAA MAXAA KU XIGA.

    WAXA UU KU FAANAYO EE KA JIRA PUNTLAND MAAHA WAX DOWLAD AMA MAAMUL SAMEEYEY EE WAA WAX KA YIMID SHACABKA PUNTLANAD EE NABADA JECEL.