Home » ogaden »

Barnaamijkii Radio Xoriyo 07 August 2009

Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo saldhigyo ka smaaystay Duleedka Herar.

Shirweynihii Jaaliyadaha Ogadenya oo manta ka furmay London-Uk

Bashiir Axmed Makhtal oo lagu xukumay xabsi daaim

Labo muwaadin oo ogadenya u dhalatay oo loo gacan galiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya

15 arday oo Maraykan ah oo laga soo qabtay Herar kadibna lasoo masaafuriyey.

Waraysi labo qaybood ah oo aan idiinka hayno ardaydii kasoo baxsatay xabsiga Degmada ee magaalada Jigjiga (Q2aad)
======================

Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo saldhigyo ka smaaystay Duleedka Herar.

Weerarada ay ciidamada xoreynta Ogadenya ku hayaan saldhigyada ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa baryahan aad ugu sii siqay aaga ga fog fog ee ogadenya ,deegaanka Busayti oo ka tirsan Erar iyo Mayu oo ku taalada duleedka Herar ayay CWXO usbuucii lasoo dhaafay weeraro ku qaadeen ciidamada gumaysiga itoobiya ee ka howl gala aagaas,dagaaladaas ayaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagu gadhsiiyey khasaarooyin waaweyn ,sidoo kale CWXO ayaa usbuucii la soo dhaafay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada gumaysigu ku lahayaeen Tuulada Baadi Cade oo ku taala duleedka magaalada Herar waxayna cagta mariyeen saldhigaas iyo ciidamadii gumaysiga ee halkaas sugnaa .

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya ayaa 26-07-09 ku gubay deegaanka Sanka Faarax Kooshin oo ka tirsan Degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay hal baabuur oo Uuraal ah oo ay wateen ciidamada gumaysiga Itoobiya,Uuraal kaas oo ay saaraayeen askar badan ayaan waxba ka bixin.

28/07/09 Danood, waxaa lagaga dilay ciidanka Woyaanaha 9 askari, 11 waa laga dhaawacay.

28-07-09 Degmada Dannood ee gobolka Jarar dagaal ku dhex maray ciidanka xoreynta ogadenya iyo ciidamada cadowga ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 9 askari halka 11 kalana lagaga dhaawacay.

29-07-09 Tuulada Xaaxi oo ka tirsan degmada Garbo ee gobolka Nogob dagaaæ ka dhacay waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 4 askari waxaana lagaga dhaawacay 7 kale.

N/hurayaasha qalabka sida ee xoreynta ogadenya ayaa weerar mir ah la beegsaday 30-07-09 saldhiga ciidamada wayanaaha ee degmada Fiiq,weerarkaas oo saldhiga dhowr jiho laga soo weraray ayaa ciidamada gumaysiga loogu gaystay khasaare ba,an oo aanaan weli faahfaahin rasmi ah ka helin balse mar aan magaalada la xidhiidhnay ayaa naloo sheegay in baaxada khasaaraha laga dareemay magaalada iyo tacadiga ay ciidamada wayaanuhu kula kaceen dadka shacabka ah aroornimadii weerarkaas i uu dhacay.

Isla 30-07-09 Dagaal ka dhacay Karin Dharkaynle oo ka tirsan degmada Garbo ee gobolka Nogob ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 5 askari ,7 kalana lagaga dhaawacay.

Tuulada Diyaar ee gobolka Jarar ciidamada xoreynta Ogadenya ayaa madfac la beegsaday 30-07-09 Baabuur Uuraal ah oo ay aad uga buuxeen ciidanka gumaysiga Itoobiya,baabuurkaas iyo askartii saarayd oo dhan ayaan hal ka bixin oo basbeelay.

01-08-09 Dhuurka oo ka tirsan gobolka Qoraxay dagaal ka dhacay ayaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

Bashiir Axmed Makhtal oo lagu xukumay xabsi daaim.

Maxkamad ku taala magalada Addis –Ababa ayaa xabsi daain ku riday Bashiir Axmed makhtal oo ah muwaadin u dhashay Ogadenya 03-08-09.

Bashiir oo dowlada Kenya ka qabatay xadka somaliya iyo Kenya kadibna usoo gacan galisay gumaysatada Itoobiya horraantii sanadkii 2007 ayaa intaas ku jiray xabsiyada gumaysiga Itoobiya isagoon wax maxkamad ah la saarin,mudadaas dheer ayaa Bashiir loo la,aa wax dambi ah oo lagu maxkamadeeyo waxayna xukuumada gumaysiga itoobiya go,aansatay inay Bsshiir ku eedayso dambiyo aan cadayn loo yaynin

Garsooraha maxkamada sare ee gumaysatada Itoobiya Adem Ibrahim ayaa ku dhawaaqay xukunka xabsi daaimka ah ,kadibna difaacihii Bashiir ayaa sheegay inuu rafcaan ka qaadanayo go,aanka maxkamada.

Labo muwaadin oo ogadenya u dhalatay oo loo gacan galiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya

Labo muwaadin oo u dhalatay Ogadenya ayaa 04-08-09 laga qabtay meesha la yidhaahdop Tuulo Buryoqab oo u dhaxaysa Burtinle iyo Gaalkacyo ee ismaamul goboleedka Puntland, Labadaas muwaadin oo ka xamaalanayay deegaankaa muddana joogay ayaa hada loo gacan galiyey ciidamada gumaysiga itoobiya oo halkaasi ku sugnaa kadibna loo dhaadhiciyey xabsiyada magaalada Jigjiga.

Ma aha markii ugu horeysay ee muwaadiniin u dhalatay ogadenya laga qabto Puntland ama gobolada waqooyi galbeed ee soomaaliya ,balse waxay kamid tahay dhacdooyinka naxdinta leh ee loogu adeeyagayo gumaysiga itoobiya.

15 arday oo Maraykan ah oo laga soo qabtay Herar kadibna lasoo masaafuriyey.

15 arday oo maraykan ah iskoodna u tagay Ogadenya oo ay dagaalo kululi ku dhex marayaan cwxo iyo cgi ayay xukuumada gumaysiga Itoobiya kasoo celisay magaalada Harar kadibna kasoo saartay ardaydaas wadanka Itoobiya

Wariyaha VOA Mr. David Arnold ayaa sheegay in socdaalka ardaydaa ay qaban-qaabisay Learning Enterprises International in Stanford, California barnaamijkaana uu socday hadda muddo 3ex sano ah.
Wuxuu wariyaha VOA intaasi raaciyey in waqti subaxnima ah ay booliska ku weerareen gurayahooda ardaydan oo daganaa haraMaya, Awwadaay, Gobbo iyo Dadar kadibna halkaas ay kala bexeen iyagoo qalabkii ay haysteen oo dhana ka qaatey islamarkaana mudo laba Cisho dhan ku haysteen xabsi iyagoo u diiday in ay la xidhiidhaan safaarada Maraykanka iyo ehelkooda toona. Wuxuu sheegay wariyaha in markii ay dadkii meelahaa daganaa weydiiyeen booliska sababta loo qabqabtay ardayda ay ugu jawaabeen inay qabaan cudurka Hargabka Duufaarka ee Virus H1N1. Qaar kamid ah ardaydaas ayaa dhawr maalmood dib loo sii haystay

Nin u hadlay safaaradda Mareykanka ayaa sheegay inay ka xunyihiin siyaabaha loola dhaqmay ardaydan gaar ahaan inay nabad-sugidda Itobiya u diidaan ardaydan Maraykanka ah inay la xidhiidhaan safaaradooda. Wuaxuu sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanka arintan sida ay u dhacday.

Siyaasiyiin ku xeel dheer arimaha Africa iyo Dhaka milatarigaba ayaa ku tilmaamay arintan in xukuudama itoobiya ay diidan tahay in wax laga ogaado dhaqdhaqaaqa ciidamada onlf oo baryahan kaabiga ku haya Magaalada Harar.

Shirweynihii Jaaliyadaha Ogadenya oo maanta ka furmay London-Uk

Shirweynihii jaaliyadaha Ogadenya ayaa saaka si rasmi ah uga furmay caasimada wadanka Ingiriiska magaalada London.

Shirkan oo ay jaaliyadaha Ogadenya ee dacalada aduunku labadii sanaba mar isugu yimaadaan ayaa waxaa marti galiyey sanadkan jaaliyada boqortooyada ingiriiska

Wufuud aad u farabadan ayaa saaka lagu arkayay iyagoo kusoo qulqulaya hoolka shirku ka dhacayo waxayna wufuudu ka kala yimaadeen wadamada kala ah: UK,Canada,America(MN,CA) Sweden Germany Australia,Newzealand,Denmark,Norway,Finland,Switzerland

Gudiga qabanqaabada shirka oo lasoo xidhhdhay RX ayaa ayaa ku nuuxnuuxsatay in wufuuda kusoo qulqulaysa hoolka shirku ay aad uga bateen intii la filayay howluhuna ay usocdaan sidii loo qorsheeyey

Shirka noocan ah ayaa lagu lafa guraa waxqabadka jaaliyadaha,sare uqaadida wada shaqaynta,isgarab istaaga howlaha halganka .

Madaxda ururka ee ka soo qaybgasha shirarka noocan oo kale ah ayaa ka warbixiya xaaladah haglagnka kuna dhiiri galiya jaaliyadaha inay sii laban laabaan waxqabadkooda .

Radio Xoriyo
07 August 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.