Xuduudda Badda iyo Soomaaliya
W/Q Cumar M. Maxamed
- Heshiisyada noocan ah markii la galayo waxa dowlad waliba tahay in ay
ku qorato waraaqdeeda dowliga ah oo dusha ku leh astaanta Dowllada, Dowllada
Somaliyeed waa in ay soo bandhigto nuqulkeeda, haddii kale dadku waxa ay u
qaadanayaan in heshiiska ay soo qoratay Dowladda Kiinya, Somaliyana laga
saxiixday.
Xeerka Badaha Adduunka:
Sharciga "The Law of the Sea Treaty" oo markii hore loo yiqiin “The Third
United Nations Convention on the Law of the Sea” markii la soo gaabiyana la
yiraahdo UNCLOS III, wuxuu hirgalay 1982kii. Ujeeddada xeerku waxa ay aheyd in
marka hore ay beddesho kii koowaad UNCLOS I ee 1958 iyo kii Labaad UNCLOS II ee
1960, kuwaasoo la aaminsanaa in aysan dhameystirneyn.
Xeerka oo laga wada hadlay 1970kii, ujeedada kale ee laga lahaa waxa ay aheyd
in lala jaanqaado isbeddelka dhaqaale ee dunida qaarkeed ku soo kordhay. Waxa
kale oo loo baahday in la fududeeyo ganacsiga iyo marinka badaha. Taasi darted
waxa uu heshiisku farayey dalaka ku heeran badaha in ay soo gudbiyaan xadka ay
sheeganayaan oo ay ku jirto ilaa 12 mile oo gudaha badda ah iyo shishe 200 mile
oo dhaqaale ahaan ay uga macaashi karaan.
(a) Mareykanka:
Heshiiska markii la soo hordhigay Qaramada midoobay 1982kii, Mareykanka oo uu
madaxweyne xilligaas ka ahaa Ronald Reagan waa diiday in uu saxiixo. Reagan oo
ahaa xisbiga conservative ka, wuxuu aaminsanaa in aan la xadeyn oo aan la soo
koobin ganacsiga. Ilaa iyo haddana Amerika heshiiskaas wali ma saxiixin in
kastoo guddiga arimaha dibadda ee aqalka congress-ka ay soo gudbiyeen.
(b) Soomaaliya:
Dalka Somaliya wuxuu xad badeed la leeyahay dalka Jabuuti-Gacanka Carbeed oo
ka xiga woqooyi Galbeed iyo dalka Kiinya-Badweynta Hindiya oo ka xiga koonfur.
Sida la wada ogsoon yahay, Somaliya ma aqoonsana xadka ay la wadaagto labada
dale e aan kor ku sheegnnay. Waxa u baahan in la xusuusto in Somaliya aysan
saxiixin xeshiiskii OAU-da ee lagu heshiiyey in loo daayo xuduudaha Afrika sidii
gumeysigu uga tagay! Sidaas darted Somaliya suurto gal uma ahan ama uma fududa
in ay qeexdo xad badeed ay la jeexato Jabuuti iyo Kiinya baddaha ay la wadaagto,
kadibna ay soo oodato 200 mile xeebta Somaliya ka fog. Laakiinse waa in ay
yeelato oo ay soo gudbiso xeerka badda inta ay sheegato.
Somaliya waxa ay 10kii September 1972kii soo bandhigtay Xeerka Lambarkiisu
yahay 37 ee Badda iyo Dekedaha oo ka kooban 20 qodob. Qodobkiisa koowaad waxa uu
ka leex-leexday in uu xaddadu meesha u dhaxeysa Dalka Somaliya iyo dalalka
deriska la ah xagga badaha. Waxa uu caddeeyey oo kaliya in ay Somaliya leedahay
200 oo mile biyaha u jira xeebta Somaliya cidii ama dalka ku soo xadgudbana
sharciga lala tiigsan doono. Xudduud kor dhanka Hindiya ka soo xiran, laakiinse
ka furan labada garab ee xiga Kiinya iyo Jabuuti. Sidaas bey Xeerkaas ku diiwaan
galisay Qaramada Midoobay kuna saxiixday Sharciga badaha 10kii December 1982kii.
Somaliya waxa ay markale cusboneysiisay sharcigaas 24kii July 1989kii. Waxaa
xusuus mudan Somaliya marnaba wax map ah ama khariidad calaamadeysan ah kuma
aysan lifaaqin heshiiskaas.
(c) Kiinya:
Dalka Kiinya waxa uu xad badeed la wadaagaa Somaliya-Badda Hindiya (Woqooyi) iyo
Tanzania-Badda-Hindiya (Koonfur). Kiinya iyaduna waxa ay saxiixday heshiiskaas
10kii December 1982kii. Hase yeeshee waxa ay ku lifaaqday map iyo xeer ay ula
baxday “Territorial Waters Act of May 16, 1972”. Waxa kale oo ay ku lifaaqday
heshiis loo bixiyey “Exchange of Notes constituting an agreement on the
territorial sea boundry”oo ay wada galeen iyada iyo dalka ay deriska yihiin ee
Tanzania 17kii December 1975kii oo ay isla ogolaadeen barta xadkooda. Dhanka
Somaliya wax heshiis ah lama galin ee waxa ay xeerka May 16, 1972 kaligeed ku
qeexatay barta ay ka bilaabeyso xariiqda ay badda ku jeexatay kaas oo ah xadka u
dhaxeeya iyaga iyo Somaliya. Waxa ay mar labaad cusbooneysiisay hashiiskaas 2dii
Maarso 1989kii iyada oo ku lifaaqday xeer kale oo ay ula baxday: “The Maritime
Zones Act”. Waxa ay mar seddexaad cusbooneysiisay 29kii July 1994kii. Haddana
mar seddexaad 13kii July 2004tii. Uga dambeystii 25kii April 2006 waxa ay
Dowladda Kiinya Qaramada midoobay u gudbisay sharciga Lambarkiisu yahay 82 ee
soo baxay 22 July 2005. Kaasoo ay ku cusbooneysiineyso heshiska. Waxa ay ku
lifaaqday map casriyeysan hase yeeshii aanan waxba ka beddelin xadka ay la
wadaagto Somaliya iyo Tanzania. Waxa xusuus mudan Kenya in aysan marnaba ku soo
sikanin dhanka Somaliya.
(d) Jabuuti:
Dalka Jabuuti waxa uu xudduud xagga badda ah la wadaagaa Eriteriya-Red Sea
(West), Somaliya-Gacanka Carbeed (East) iyo Yaman (North). Jabuuti iyadu waxa ay
xubin ka noqotay Qaramada midoobay 1dii February 1978kii. Waxa ay ka mid aheyd
iyaduna dalalkii ugu horreyntiiba saxiixay heshiiska 10kii December 1982kii.
Noqulkii ugu horreeyey waxa ay ku lifaaqday sharci badeed ay ula baxday “Law No.
52 concerning the territorial sea, the contiguous zone, the exclusive economic
zone, the maritime frontiers and fishing”ee 9kii January 1979. Kaas oo ka kooban
20 qodob. Inkasta oo ay qeexday halka oo noqonayo xadka u dhaxeeya iyada iyo
Somaliya, haddana qodobka 15aad ee xeerku waxa ku cad in ay dooneyso in ay
heshiis la gasho dalalka ay xudduudka xagga badda ah la wadaagto. Xeerku waxa
kale oo ku cad in inta heshiiskaas laga gaarayo ay Jabuuti dhowri doonto oo
aysan ku xad gudbi doonin xadka dhex-dhexaadka ah. Jabuuti waxa ay mar kale
cusboneysiisay heshiiskaas 8dii Oktobar 1991dii, iyada oo ku lifaaqday wareegto
Wasiirka Kowaad xafiiskiisa ka soo baxday oo ka kooban seddex qodob. Wareegtada
waxa ay ku soo lifaaqday map Faransiisku sameeyey markii uu sharciyeysanayey
dalka Jabuuti kuna sheegayey halka uu ku eg yahay xuddudaha ay Jabuuti la
leedahay Eriteriya iyo Somaliya.
(e) Maxaa ka soo cusboonaaday Xeerka Badda?
Waxa dalaka qaar soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo 200
oo mile. Taas oo macnaheedu dadka qaar u fasirteen in ay tahay in Mareykanka
lagu soo jiito si uu uga qeyb galo heshiiskan. Waxa ay Guddiga Xeerku ku
wargaliyeen dalalka saxiixay heshiiskan in ay soo kordhistaan oo soo sheegtaan
xadka dhaafsiisan 200 oo mile inta ka horreysa 13 bisha May 2009. Kiinya waxa ay
rabtaa in ay kordhisato oo ay 200 mile ka badsato dhirirka baddeeda marka loo
kaco badweynta xagga Hindiya. Dadka waxa loo baahan yahay in ay fahmaan in
Kiinya aysan waxba ka beddeli Karin ballaarka xeebta dhanka Somaliya iyo dhanka
Tanzaniya. Kiinya iyo Tanzaniya wax dhib ah kama jiraan xagga xadka oo si barbar
socod ah ayey u wada kororsan doonaan. Somaliya iyo Kiinya wey kala dheeraan
doonaan haddii Somaliya aysan kororsan iyaduna.
(f) Heshiiska Kiinya iyo Somaliiya:
Heshiiska lagu kala saxiixday dhowaan Nayroobi waxa uu abuuray sawaxan faro
badan iyo warar qof waliba iska qeexay iyadoo aanan la fahmin. Heshiiska waxaa
ku cad:
- In xadka badda ee Somaliya iyo Kiinya aanan la calaamadeynin oo uu ka
jiro is-afgarad waa.
- In is-afgarad waagaas uu saameyn ku yeeshay xadka badda labada dal.
- In is-afgaradwaagaas uu ka jiro baaxad is-dulsaaran oo ay labada dalba
is-la seeganayaan.
- In labada waddan ay isla og yihiin ku darsashada in ka badan 200 oo mile
xagga dhererka ah aysan waxba ka beddeli doonin mowqifkii dal waliba ka
taagnaa xadka labad dal.
- In kasta oo ay labada waddan dano kala duwan ka leeyihiin xadduudda la
isku hayso, haddana waxa ay dan isku mid ah ka leeyihiin in uu dal waliba
200 mile ka badan kordhisto (xagga badweynta).
- In inta ka horreysa 13 bisha May 2009 ay Dowladda Somaliyeed dooneyso in
ay u gudbiso Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay sheegashadeeda ku aaddan ka
badsashada 200 oo mile.
- Sheegashadaas waa ku jiri kartaa baaxadda ay isku haystaan labada dal.
- Ujeedada kaliya oo laga leeyahay waa in loo hoggaansamo waqtiga dhacaya
sida ku cad qodobka 4aad lifaaqa II ee Xeerka Badda.
- Waxba ka baddeli meyso mowqifka labada dal ay ka taagnaayeen
is-afgarawaagii u dhaxeeyey.
- Labad dal waxa ay isku afgarteen in dal waliba gooni u diiwaan galiyo
sheegashadiisa gaarka ah iyo sida dal waliba u arko xadka labada dal u
dhaxeeya.
- Labada dal waxa ay ogalaansho siinayaan guddiga badaha in ay sidaas
labada 200 oo mile uga sii kordhiyaan iyagoon fiirin is-afgaranwaaga
xudduuda labada dal.
Heshiisyada noocan ah markii la galayo waxa dowlad waliba tahay in ay ku
qorato waraaqdeeda dowliga ah oo dusha ku leh astaanta Dowllada. Midda aan wada
aragnnay waxa iska leh Dowlladda Kiinya. Nuqulkii Dowllada Somaliyeed lama arag
wali. Dowllada Somaliyeed waa in ay soo bandhigto nuqulkeeda, haddii kale dadku
waxa ay u qaadanayaan in heshiiska ay soo qoratay Dowladda Kiinya, Somaliyana
laga saxiixday.
Cumar M. Maxamed
Email: omoha@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009 |