SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Sawirka Dhabta Ah Ee Dawladda Sheikh Shariif

"Cabdulaahi Haduu Ethiobiyaan Keenay, Sheikh Shariif Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Somaliyeed"

FAALLADA WARGAYSKA: ILAYS NEWSPAPER

Cadadkii 21aad - Axad 12 April 2009

Waxay dadka iyo dalka Somaliya u ahayd Habeen Madow. Kolkuu qalinkaku duugay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Heshiis uu la galay Wadanka Kenya. Waxaa uu gacantiisa kusaxiixay qoraal aan laga fiirsan. Isaga oo garabka ku haya Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula..

Dembi ugu weyn oo la galo ayaa ah in qayb wadan ka mid ah la siiyosi sharci daro dal kale. Hadii Islaamiyiintu ku xaman jireen Cabdulaahi Yuusuf inuu Somaliya soogeliyey qawada shisheeyey oo ethopia horsed ka tahay. Maanta kuwiiqoriga u qaatay siday shegaa in Cadawo Soomaaliya laga xoraynayo ayaa gacmahooda ku saxiixay indhul Soomaaliyed la bixiyo.

Maxay la hortagayaan dadkaSoomaliyeed. Maxaa uu u soo dagalamay Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ah Wasiirka Arrimaha Gudahaninka marka sharciyan la eegoka masuul ka ah Dhulka Soomaaliyed. Maxa uu Sheikh Shariif isagadhigi jiray Wadani Islaanimadu ku fogtahay.

Heshiiska Labada dawladood kalasaxiixdeen waxa marag ahan u joogay Amb. Longve Hans Wilhelm, lataliyaha khaaska ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Norway, iyo weliba Ms.Rina Kristmoen oo ka socotey Safaaradda Norway ee Nairobi. Macnaha sow ma ahan in wax la kala iibsanayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur maqarin in Sheikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid la og yihiin Saxiix heshiiskan oo dan weyni ugu jirto dawladda Kenya. Website-ka Somalitalk.com ayaa mudo hore waxaa uu soo bandhigay Khatarta ku soo fool leh Xuduudka Badda ee u dhexeeye Soomaliya iyo Kenya. Qoraalkaase laguma baraarugin. Maalmo dhoweyd ayuu ku celiyey qaylo dhaantii hore oo kale , waxaana ku xigay in Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ahi Saxiixay waxay Kenyaka weyday Soomaaliya.

Halka la isku haysto ayaa ah Jasiiradaha Lama Shaaqa oo Soomaaliya weligeed lahayd. Markaas ayaad is weydiin karataa maxay Kenya u doonaysaa Jasiiradahaas? Waa fududahay Jasiiradaha ayaa hodon ku ah Shidaalka waxayna Kenya doonaysaa inay Soomaaliya kala wareegto 38,000km2 oo dhul badeed ah. Wasiir Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu si bareer ah u sheegay innaan la xadayn xuduudka Badda ee u dhexeeya Somaliya iyo Kenya. Taas oo macna ahaan ka dhigaysa dhul la isku haysto Jasiiradaha Lama Shaaqa.

Waxaa jira dhiidhi aad u weyn oo Somalida oo dhami ka dhiidhiday hadalada aan qiimaha badan lahayn ee ay Kooxda Sheikh Shariif ku difaacayaan khaladka Taariikhiga ah ee ay ka galeen Ummadda Somaliyeed kuwasoo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibin daabyada ah ee ay la galeen Kenya.

Dawladda Kenya waxay doonaysay inay saxiixan marag fur uga dhigato qasdigeeda ah la wareegida Jasiiradaha Lama Shaaqa. iyadoo Qaramada Midoobay 13 May 2009-ka kuwargelisay wadamada aduunka inay ku soo gudbiyaan Xuduudahooda Baddaha.

Maanta waxaa si qumaati ah loo arkayaa sawirka dhabta ah ee Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif Shiekh Axmed iyadoo kooxaha iminka dawladda hoggaamiyaa ku dhaliili jireen Cabdulaahi Yuusuf iyo dawladiisii inay ahaayeen daba dhilif Soomaliya u soo horseeda in ethiopia qabsato. Maanta Cabdulaahi Yuusuf ma ahan Madaxweyne. Itoobiya wadanka Somaliya Ciidamadedii waa kala baxday. Arrintuse waa ka dar oo dibidhala. Kut ka guur oo qanjo u guur.Waxaa Sheikh Shariif  Xalaaleey in Canshuurtii Soomaliya lagu qado wadan kale iyo in dhulkii Soomaaliyeed ee Muqadaska ahaa qayb kamid ah loo saxiixo Kenya.

Waa ay muuqata inaan dawladda Kenya si fudud u qaadan dooni dhulka. Haday Ethiopia joogi weyday gudaha Somaliya . Kenya ma joogi karaysaa qayb ka mid ah Badaha Somaliya oo weliba Shidaal ku jiro.

ISHA: Wargayska ILAYS NEWSPAPER.

###


Raisul Wasaare Sharma’arke Ma Qarin Karaa Dhulka Somaliyeed ee La Bixiyey

Isha: Wargayska Ilays, April 12, 2009

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho, kaga hadlay arrinta muranka weyn dhalisay Xuduud badeedka Soomaaliyaiyo Kenya u dhexeysa iyo aragtiyokala duwan oo laga bixiyay heshiisdhex maray Xukuumadaha Somaliyaiyo Kenya.

Waxa uu sheegay Dr. Cumar C/rashiidinaan uusan ahayn sida loo fasirtay heshiiskaasi, Waxaana uu yiri “Ma jirto taako dhul ah oo aan uga tageyno Dowladda Kenya, guddi ayaana u saarnay xadeynta dhulbadeedka labada dal”

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu ka dhawajiyey inuu jiro muran u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya. Murankaas oo ku saabsan xuduud badeedka labada dal u dhexeya, isagoo carabka ku adkeeyey in arrintaas loo bandhigi doono Guddi ka socda Qaramadda oo xal u raadisayis haysigaas.

Arrimahan ayaa muujinayaa inuu jiro jaah wareer siyaasadeed iyo mid shariciyeed oo ka taagan xuduud badeda u dhexeysa Kenya Iyo Soomaaliya

ISHA: Wargayska  ILAYS

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: