SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

C/Laahi Yuusuf oo Is Casiley

Madaxweynihii DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa is casiley saakay Isniin December 29, 2008 (oo ku beegaan 1da bisha Koowaad ee Muxarram ee sannadka cusub ee Hijrada 1430). Waxana uu sidaas ku dhawaaqay kaddib markii uu hor tegey xildhibaanadda baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo, waxana uu warqaddii is casilaadda u dhiibey Aadan madoobe, Guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG. Isagoo muujiyey in is casilaadiisa ay sabab u ahayd cadaadis kaga yimid beesha caalamka.

"Waxaan maanta dib idinkugu soo celiyay xilkii aad ii doorateen Octobar 10, 2004, waxaan (warqadii is casilaada) gacanta u gelinayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka (DFKMG) maadama uu yahay Madaxweynaha FKMG ah sida uu qabo Dastuurka (DFKMG)." Waxana uu ugu baaqay in ay midaysnaadaan baarlamaanka (DFKMG).

C/laahi Yuusuf markii uu la hadlay baarlamaanka DFKMG waxa uu durbadiiba u diyaarad ka raacay Baydhabo waxana uu isla maanta (Dec 29) gaarey magaalada Garoowe. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse, waxayna u gudbeen xarunta madaxtooyada u ah DGPL ee Garoowe.

Nuur Cadde oo ka hadlay is casilaadda Yuusuf

Nuur Cadde oo khilaaf xoogani ka dhexeeyey isaga iyo Yuusuf ayaa is casilaaddii madaxweynaha DFKMG kaddib waxa uu shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdishu sheegay in is casilaadda C/laahi Yuusuf ay tahay tallaabo loo qaaday xagga nabbadda iyo dimoqraadiyadda. Waxana u intaas ku daray in madaxweyne uu sii ahaanayo Aadan madoobe, taas oo muddo 30 cisho gudaheed ah baarlamaanka DFKMG uu madaxweyne kusoo dooran doono, madaxweynaha cusubna uu soo dooran doono ra'iisulwasaare cusub.

Nuur Cadde waxa uu sheegay in muddaddas inta ka horeysa ay sii shaqayn doonto xukuummdda uu ra'iisul wasaarah aka yahay. Waxaa jira fikrado taas ka hor imanayo oo sheegaya in ra'iisul wasaaraha DFKMG uu raacayo is casilaadda madaxweynaha DFKMG.

4 sano ayaa ka soo wareegtey markii C/laahi Yuusuf loo doortay madaxweynaha DFKMG. Xukuumadda Federaalka ee lagu soo dhisay Eldoret/Nairobi ayaa ku guul daraysatay in ay nabad gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed, waxayna muddada afarta sano ah ka dhammaan weydey is qabqabsi madaxda sare oo sababay in uu is casilo ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG Geeddi iyo madaxweynahii DFKMG.

Intii xukuumadda Federaalka jirey waxaa Soomaaliya soo galay ciidamada Itoobiya, kuwaas oo laba sano kaddib weli ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warbixin dheeraad ah is casilaadda Yuusuf:

C/llaahi Yuusuf “markii hore waan sheegey in haddi aan wax qaban waayo aan xilka iska dhiibayo”
iyo Maamulka Somaliland oo walwal ka muujiyey ciidamada C/llaahi Yuusuf ee ku soo wajahan Puntland iyo Hambalyo sanadka cusub ee Hijriyadda 1430.  Akhri...


27 Xildhibaan oo Diyaarad Ka Qaaday  Baydhabo oo Gaarey Gaalkacyo, iyo Diyaaraddii oo Diyaar ku ah Gaalkacyo...

  • Baydhabo: "C/laahi Yuusuf waxa uu is casilayaa Isniinta" C/rashiid Seed
  • Muqdisho: Ilaalladii Madaxtooyada Muqdisho oo ka dhoofay Xamar...
  • Garoowe: Heshiiskii Musharaxiinta iyo DGPL oo Burburay...

Dec 28, 2008: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf waxa uu is casilayaa Isniinta (Dec 29, 2008) sidaas waxaa Axad Dec 28, 2008 werisey hay'adda wararka ee AP oo soo xiganeysey C/rashiid Seed oo ay aad isugu dhowyihiin C/laahi Yuusuf.

Hay'adda AP oo arrinta is casilaadda ka hadleysey waxay hadalka u dhigtay sidan: "Madaxweyne C/laahi Yuusuf waxa uu la hadli doonaa kulan gaar ah oo baarlamaanka dalka waxana uu ku dhawaaqi doonaa in uu hawl-gab ka noqonayo siyaasadda, sidaas waxaa yiri Cabdirashiid Seed oo aay isku dhawyihiin Yusuf oo ah sarkaaalka ugu sareeya ee ilaa hadda ka hadlay qorshaha madaxweynaha," ayey qortay Associated Press.

Madaxweynaha DFKMG "Waxa uu go'aansaday in uu is casilo si aan loogu arag in uu caqabad ku yahay nabadda," ayaa C/rashiid Seed u sheegay AP, isagoo intaas ku daray "Waxa uu (C/laahi Yuusuf) doonayaa in uu fursad siiyo jiilka da'da yar.." [Tixraac: Key Somali official says president to quit Monday]

Xildhibaano Gaarey Gaalkacyo...

Dhank akale, magaalada Baydhabo waxaa Axad Dec 28 ka dhoofaay 27 xildhibaan oo ka tirsan DFKMG, waxayna islamaanta ka degeen magaalada Gaalkacyo. Xildhibaanadu weli ma cadayn sababta ay uga dhoofeen Baydhabo.

Diyaaradii xildhibaanada Qaaday ayaa caawa (oo Isniin soo geleyso) waxay ku negaatey Gaalkacyo, waxaana la filayaa Isniinta Subaxnimadeeda in ay ku laabato Baydhabo si ay uga soo qaado xubno ka tirsan DFKMG oo la sheegay in ay ku jiraan masuuliyiin aan la cayimin, sida laga helay ilo ku dhow xafiiska madaxtooyada ee Baydhabo.

Ilaalladii Madaxtooyada oo laga dhoofiyey Muqdisho...

Dhanka Muqdisho Ciidamo gaaraya ilaa 120 askari oo isugu jira saraakiil ,saraakiil xigeen iyo askar oo ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlada KMG ah c/laahi yuusuf axmed ayaa mAxad Dec 28 kasoo ambabaxay garoonka magaalada muqdisho -- Warkaas iyo dagaallo ka dhacay Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ka akhri halkan...

Heshiiskii Musharaxiinta iyo DGPL oo Burburay...

Kulan ay Axad Dec 28 magaalada Garoowe ku yeesheen musharaxiinta u sharaxan madaxtinimada Puntland ayey kaga dhawaaqeen in uu burburay heshiiskii Musharaxiinta iyo Madaxda DGPL.

Aaden Maxamed Ciise "Gaadaale" oo u hadlay musharaxiinta ayaa xukuumadda DGPL ku eedeeyey in ay jabisey heshiiskii December 20, 2008. Waxana uu si gaar ah u tilmaamay in maamulka Puntland ay faraha la galeen guddiga xallinta khilaafaadka oo ka madax bannaan labada dhinac... [Akhri Heshiiskii maamulka Puntland iyo musharaxiinta]

Aadan Madoobo oo Xubnaha Baarlamaanka DFKMG ka dalbaday in ay Kulmaan Axadda (Dec 28, 2008)

Guddoomiyahah Baarlamaanka DFKMG, Aadan Maxamed Nuur "Aaden Madoobe", ayaa Sabti Dec 27, 2008 farriimo u diray xubnaha baarlamaanka DFKMG si ay u kulmaan maalinta Axadda (December 28, 2008). Wararka ka imanaya Baydhabo ayaa tibaaxay in kulankaas baarlamaanka uu dalbaday madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, si uu ula hadlo xildhibaanadda DFKMG.

Kulankaas waxaa lagu wadaa in uu hadallo ka jeediyaan C/laahi Yuusuf iyo Aadan Madoobe.

December 28 waxay ku beegan tahay markii ciidamada Itoobiya ay galeen magaalada caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho - xilligaas oo ay ka soo wareegtey laba sano.

Xildhibaan C/rashiid Cirro oo Xaqiijiyey in Madaxweynaha DFKMG is casilayo

Dec 25, 2008: Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Cirro oo ahxubin ay si weyn isugu dhow yihiin Madaxweynaha DFKMG ayaa idaacadda Codka Maraykanka oo waraysi la yeelatay isagoo joog Baydhabo u xaqiijiyey in madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu go'aansaday in uu xilka isaga dego, ugu horayn Sabtida ama markii kale ee baarlamaanka DFKMG uu arrintaas ka ballamo...

C/Laahi Yuusuf oo Tegaya Garoowe kaddib is casilaaddiisa..

Warar laga helay ilo ku dhaw xafiiska madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in uu tegayo Puntland kaddib marka uu iska casilo jagada madaxweynaha DFKMG. Waxaana uu gaar ahaan tegi doonaa magaalada Garoowe oo ay ka socoto ololaha doorashada madaxweynaha DGPL (doorashadaas oo dhic doonta Jan 8, 2009).

Waxaa sidoo kaleh warkaas ah in C/laahi Yuusuf tegi doono Puntland carrabka ku dhuftay Xildhibaan Cirro (waraysiga sare).

C/Laahi Yuusuf oo Is Casilaya Sabtida (Dec 27, 2008)...

QODOBKA 45: BANNAYNTA XAFIISKA MADAXWEYNAHA
1. Haddii xafiiska madaxeynuhu banaanaado sababo la xiriira; is-casilid, geeri ama xil
gudasho la'aan joogto ah darteed, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si dhaqso ah
ula wareegayaa waajibaadka Madaxweynaha, Golaha Shacabkuna wuxuu ku
kulmayaa soddon (30) maalmood gudahood si ay u soo doortaan Madaxweyne
cusub. Sida uu qabo Axdiga DFKMG ee lagu qoray Kenya (2002/2003)..

  • Itoobiya: Go'aankii Ka bixitaanka ciidanka (Itoobiya) ee Soomaaliya waa lagama noqdaan, sidaas waxaa Arbaca(Dec 24, 2008) sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya... (Hoos ka akhri faahfaahinta)

Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa is casilaya maalinta Sabtida Dec 27, sidaas waxaa weriyey shabakada Telefishanka Aljazeera oo soo xiganeysey Xuseen Maxamed Maxamuud oo ah afhayeenka madaxweynaha DFKMG.

Xuseen Maxamed Maxamuud waxa uu yiri "Madaxweynuhu waxa uu qoray warqaddii is casilaada waxana uu is casilaadda ku dhawaaqayaa Sabtida soo socota (December 27, 2008)." Laakiin wax faahfaahin dheeraad ah kama uu bixin sababta waxana uu hadalka ku soo koobay "Aniga iima wanaagsana in aan mala awaalo ama sharaxaad ka bixiyo sababta (is casilaadda.)"

C/laahi Yuusuf waxa uu hadda ku sugaan yahay Baydhabo oo uu ku soo laabtay shalay (Dec 23, 2008).

Is casilaadda C/laahi Yuusuf ayaa timid kaddib markii uu maanta (December 24, 2008) uu is casiley ra'iisul wasaarihii uu magacaabay Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere).

Gacma Dheere waxaa uu shir jaraa'id ku qabtay Baydhabo isaga oo sheegay sababta uu isu casiley in ay tahay tanaasul "Waxaan isu casilay in arimaha Soomaaliya aanan ku noqon caqabad" ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in uu la tashaday madaxweynaha DFKMG iyo xildhibaanno. Waxana uu sheegay in uu qiimaynayo arrimaha la xiriira dibu heshiisiinta oo sidaas darteed uu is casiley. "Markii aan qiimeeyey xaaladda Soomaaliya, ayaan is casiley." Kaddib Gacma Dheere waxa uu ka dhoofay baydhabo isaga oo diyaarad u raacay Muqdisho.

Madaxweynaah DFKMG ayaa Gacma Dheere waxa uu ra'iisul wasaare u magacaabay Deceember 16, 2008, kaddib markii uu xilka ka qaaday Nuur Cadde (December 14, 2008). Arrintaas oo Nuur Cadde ku gacaan sayray, isagoo sheegay in madaxweynuhu uusan lahayn awood uu xilka kaga qaado ra'iisul wasaraha (Hoos ka eeg awoodda madaxweynaha).

nur adde
Nuur Cadde


Gacma Dheere

Madaxweynaha DFKMG waxa uu Nuur Cadde u magacaabay ra'iisul wasaare November 22, 2007,  arrintaas oo ka dambeysey kaddib marki uu xilka iska casiley Cali Maxamed Geeddi, kaddib markii lagu soo waramay in khilaaf xooggani soo kala dhex galay Geeddi iyo Yuusuf.

C/laahi Yuusuf waxaa loo doortay madaxweynaha DFKMG, October 10, 2004, kaddib markii shir muddo dheer socdey lagu qabtay Nairobi (Eldoret), Kenya.

Qoraal ay maanta(Dec 24, 2008) qortay Jariidadda New York Times oo ay cinwaan uga dhigtay "Madaxweynaha Soomaaliya oo is casilaya, sida ay sheegeen saraakiil" ayaa jariidada qoraalkeedii waxaa ka mid ahaa: Halka ay qaar hoggaamiyaasha Soomaaliya ay aqbaleen in ay awoodda la qaybsadaan muqaawamada Islaamiyiinta ee aan mayalka adkayn, mr Yuusuf taas waa diidey, isagoo ugu yeeraya Islaamiyiinta Argagaxisada. Waxa uu isku deyey in uu is hortaago qaabka Islaamiyiinta aan mayalka adkayn loogu soo darayo dawladda, isla markaasna xubnaha baarlamaanka oo ah 275 laga dhigayo 550. Itoobiya oo cidaamadeedu kujiraan Soomaaliya waxay dhowaanta ka waji dedatey mr. Yusuf, waxayna Itoobiya sheegtay in ay ciidamadeda kala baxaayso Soomaaliya dhawrka toddobaad ee soosocda gudahood, ayey qortay jariidaddu.

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.

Dhanka madaxweynaha DFKMG, jariidadu waxay tiri qof gacanyare u ah madaxweynuha ayaa sheegay in madaxweynuhu muddo ka fekerayey is casilaada laakiin uu hadda go'aansaday waqtigan oo fursad ah, ayey tiri jariidada oo soo xiganeysey gacanyaraha oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin.

Arrimahaas isku xiriirsan ka sokow, sharaxaad dheeraad ah lagama bixin sababta uu C/laahi Yuusuf isu casilayo - waxaana jira warar tibaaxaya in uu Sabtida hor tegi doono Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo.

December 27 oo ah maalinta uu C/laahi Yuusuf ku dhawaaqi doono is casilaadiisa (sida laga soo xigtey afhayeenkiisa) - waxay Soomaalida taariikhdaasi u leedahay macne gaar ah. December 27, 2006 ayey ahayd markii ciidamada Itoobiya ay kaabiga u gaareen magaalada Muqdisho, maalintii xigteyna ay toos u qabsadeen Muqdisho oo ay (laba sano kaddib) weli ku jiraan oo aan la ogeyn xilliga ay ka baxayaan.

Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta (Dec 24, 2008) gaarey Muqdisho. Itoobiyaanku waxay Dec 28, 2006 Muqdisho ka cayriyeen maxkamadihii Islaamiga oo uu hoggaaminayey Sh. Shariif.

Yaa Madaxweyne u Noqonaya DFKMG Haddii Yuusuf is casilo?

Sida uu qabo Axdiga DFKMG, qodobka 45aad (draft), haddii madaxweynuhu is casilo waxaa xilka sii qabanaya guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, oo xilligan ah Sh. Aaden Maxamed Nuur "Aaden Madoobe". Waxaana baarlamaanka DFKMG laga rabaa in muddo soddon (30) maalmood gudahood ah ay ku soo doortaan madaxweyne cusub ee DFKMG.

Su'aasha meesha taal ayaa ah madaxweynaha cusub ee la soo doorto ma waxa uu xilka sii haynayaa muddada xilka ug adhinayd madaxweynaha DFKMG ee la soo doortay 2004, mase waxa uu xilka sii hayn doonaa muddo kale oo aan la aqoon. Su'aasha kale ayaa ah madaxweynaha cusub ma waxaa lagu salayn doonaa nidaamka fadhiidka ah ee 4.5 mase waxaa loo eegayaa aqoontiisa.

Lama oga mustaqbalka DFKMG haddii C/laahi Yuusuf oo 74-jir ah uu iska casilo.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku sugnaa Nairobi markii uu soo baxay warka is casilaadda Gacma Dheere iyo Yuusuf ayaa Khamiis (Dec 25, 2008) waxa uu ku laabtay Muqdisho.


Dec 16, 2008- Baydhabo- oo ahayd markii C/laahi Yuusuf u ra'iisul wasaare DFKMG u magacaabay Gacmadheere. Sawirka AP


Dec 24, 2008, Muqdisho: Sheikh Shariif Sheikh Axmed (Dhexda), Cabdirahman Janaqow (Midig) iyo  Maxamed Cusman Cali Dhagahtuur, duqa magaalada Mogadishu (bidix). Sheikh Shariif waxa uu sheegay in sababta uu Muqdisho ugu soo laabeen ay tahay sidii ay u xoojin lahaayeen isku dayga nabadda. Sawirka: AP.


Sawirka: AFP- Dad ku barakacay gudaha Soomaaliya oo saf ugu jira cunto, goobto waa Ceelasha biyaha oo la ollog ah Muqdisho. Jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa cad in laga dhumiyey mustaqabka inta ay madaxda Soomaaliyeed isku haystaan xukunka.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyey Soomaaliya oo kooban:

  • June 2006- ayaa Maxkamaduha Islaamigu waxay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Muqdisho.
  • December 28, 2006 - ayaa maxkamaduhu ka baxeen Muqdisho, maarkaas oo Itoobiya gashay caasimada Soomaaliya markii ugu horeysey taariikhda Soomaalida oo muddo dheer colaadi ka dhaxaysey.
  • January 8, 2007- ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu markii ugu horeysey Muqdisho ka degey ilaa marki la doortay October 2004.
  • August 30, 2007 - ayaa Muqdisho waxaa lagu qabtay kulkan ballaaran oo ay ka soo qayb galeen beelo badan Soomaaliyeed, kulaankaas oo loogu yeeray dib u heshiisiin beeleed ayaan dhalin maxsuul.
  • March 26, 2008 - ayaa markale dagaalyahano ka tirsanaa Maxkamaduhu ay qabsadeen Jawhar oo la ollog ah Muqdisho.
  • August 18, 2008 - ayaa Jabuuti waxaa heshiis ku dhex maray qaar ka tirsan maxkamadihii iyo DFKMG, in kasta oo qaar kale ku gacan sayreen heshiiskaas..
  • August 22, 2008 - ayaa Koox ka tirsanaa Maxkamadihii ama/iyo Al-Shabaab ay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Kismaayo, kaddib markii uu halkaas ka dhacay dagaal dad badani ku dhinteen.
  • November 12, 2008 - ayaa magaalada Marka waxay ka baxday gacanta DFKMG..
  • November 14, 2008- ayaa Al-Shabaab waxay la wareegeen Siinka-Dheer iyo Ceelasha oo Muqdisho u jira 15 Km. Markaasna C/laahi Yuusuf waxa uu qiray in kooxaha ka soo horjeeda ay gacanta ku hayaan badanaa Soomaaliya, isagoo muujiyey in ay dsuurtagal tahay in xukuumaada DFKMG ay afka ciida la geli karto.
  • November 28, 2008 - ayaa Itoobiya sheegtay in ay la baxayso Ciidamadeeda ku jira Soomaaliya.
  • December 10, 2008 - ayaa markii ugu horeyey (ilaa markii laga cayriyey) waxaa Muqdisho ku laabtay Sh. Shariif Sh. Axmed oo warbaahintu ugu yeraan Islaamiyiinta aan mayalka adkayn. (Waxaana la sheegay in wixii ka dambeeyey cayrintii Maxkamadaha ee Muqdisho ay Soomaaliya ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso ilaa 16,210 qof, sida ay werisey Reuters.)
  • December 14, 2008- ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu xilka ka qaaday ra'iisul wasaaraha DFKMG, Nuur Cadde, isaga oo u cuskaday in xukuumaddiisu ku guul daraysatay wax ka qabashada ammaanka dalka. Maalintii xigtey ayaa waxaa la sheegay in barlamaanka DFKMG ee Baydhabo ay xilka ku celiyeen Nuur Cadde, in kasta oo filim laga duubay muujinayey buuq iyo sawaxan in uu kulankaasi ku dhammaaday (daawo....)
  • December 16, 2008 - ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu ra'iisul wasaare u magacaabay Gacma Dheere.
  • December 24, 2008 - ayaa Gacma Dheere waxa uu shir jaraa'id (Baydhabo) ka shegay in uu iska casiley xilkii ra'iisul wasaare. Isla markaas waxaa soo baxay in C/laahi Yusuf afhayeenkiisu uu sheegay in madaxweynaha DFKMG uu is casilayo December 27, 2008.
  • Akhri Taariikhda Soomaaliya

Itoobiya waa ka baxaysaa Soomaaliya?

Afhayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Wahide Belay, ayaa manta Arbaca (Dec 24, 2008) waxa uu sheegay in go'aankii ay Itoobiya ku gaartey in ay ciidankeeda kala baxayaan Soomaaliya uu yahay lagama noqdaan, waxana go'aankaasi ogolaansho ka helay Aqalka Golaha Wakiiladda Itoobiya, sida ay qortay wakaaladda wararka u faafisa xukuumadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA.Waxana uu Afhayeenku intaas ku daray "Ciidanka Itoobiya oo ku guuleysey hawlgalkoodii waa ka baxcayaan Soomaaliya." Laakiin, waxaa warkaasi intaas raaciyey: "Itoobiya keliya garabka uma dhigan karto masuuliyad ay ahayd in ay la qaybsadaan Beesha Caalamku." Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay suulisey halis kusoo fool lahayd. Waxa kale oo uu xusay in halista hadda ee caalamka kaga soo fool leh Soomaaliya ay tahay Burcad Badeedka ee Badda Cas iyo Khaliijka Cadmeed, taas oo uu sheegay in dawadeedu ay tahay xalinta dhibaatooyinka dhulka (berriga)..  (Laakiin Akhri Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya..)

CASMARA: Isbahaysiga Dib u Xoraynta oo ku sugan Casmara oo ka jawaabayey hadalka bixitaanka Itoobiya ayaa  warsaxaafadeed ku qoray sidan:

  • "Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya wuxuu u arkaa sheegashada taliska dhiigyacabka Adis Ababa in uu maleeshiyaadkiisa kala bixi doono dalkeena dhamaadka bishan hadal laqwi ah, oo aan runta laga sheegin, isla markaana culeys lagu saarayo reer galbeedka si ay taageero dhaqaale iyo mid milatariba u siiyaan mashruucii qabsashada Soomaaliya ee aan wali laga tanasulin, Itoobiya xiligan waxay ku tala jirtaa inay hesho maaleshiyaad ka fududeeya weerarada isdaba jooga ah ee kaga imaanaya maalin iyo habeen mujaahidiinta geesiyaasha ah ee naftooda qaaliga ah u huray diintooda, dalkooda iyo dadkooda, waxaana mahad leh Allihii suuragaliyay in maanta 95% laga xoreeyo cadowga madow dhamaan goobihii uu heystay,..." Akhri Qormada oo dhan...

Qodobbo ka mida Dastuurka DFKMG:

Axdiga DFKMG ee 2002/2003 lagu qoray Kenya waxa uu ka qabo Awooda Madaxweynaha DFKMG iyo Is casilaadda madaxweynaha iyo soo magcaabidda madaxweyne cusub hoos ka akhri:


AWOODDA MADAXWEYNAHA DFKMG:

QODOBKA 39

  • 1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waa :
  • a) Madaxa Dowladda
  • b) Taliyaha Guud ee Cidamada Qalabka Sida
  • c) Astaanta Midnimada qaranka

QODOBKA 44

  • 2. Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa Wasiirka Koowaad ama kala diraa xukuumadda haddii ay waydo codka kalsoonidda Golaha Shacabka.

QODOBKA 46

  • 5. Wasiirka Koowaad ayaa u jeedin doonaa Madaxweynaha magacyada dadka ku habboon in loo magacaabo Wasiirro iyo Wasiirro ku xigeenno iyadoo aan lagu xirin inuu xubin ka yahay Golaha Shacabka.

QODOBKA 51

  • 1. Haddii in ka badan boqolkiiba konton(50%) Golaha Shacabku ka soo jeediyo go'aan kalsooni daro ah Wasiirka Koowaad, Madaxweynuhu waxaa uu xilka ka qaadayaa Wasiirka Kowaad iyo Golihiisa Wasiirada.
  • 2. Madaxmeyhaha xilka kama qaadi karo Wasiirka Kowaad ama ku Xigeenada Wasiirka Koowaad inta uu jiro Golaha Shacabka, si kasta ha ahaatee, aan ka ahayn siyaabaha ku cad Qodobka 51 (1).

BANNAYNTA XAFIISKA MADAXWEYNAHA

QODOBKA 45:

  • 1. Haddii xafiiska madaxeynuhu banaanaado sababo la xiriira; is-casilid, geeri ama xil
    gudasho la'aan joogto ah darteed, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si dhaqso ah
    ula wareegayaa waajibaadka Madaxweynaha, Golaha Shacabkuna wuxuu ku
    kulmayaa soddon (30) maalmood gudahood si ay u soo doortaan Madaxweyne
    cusub. Sida uu qabo Axdiga DFKMG ee lagu qoray Kenya..

EEG DASTUURKA DFKMG: http://www.somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf (draft)


AKHRI MAQAALKII Abdi M.Saleiman ee
Cabdullahi Yusuf  Waa tegay- ee maxaa xiga ?

buuqKulankii Baarlamaanka DFKMG ee lagu ansixinayey Xukuumadda Nuur Cadde oo buuqa ku dhamaaday...  Halkan ka Daawo

VIDEO: Condoleezza Rice oo ka hadleysa Arrimaha DFKMG



Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008 | Updated: Dec 25 + Xigasho: Wakaalaadaha wararka...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS