SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiibta Dagaalka Faransiiska oo duqeeyey magaalada Muday....

"Weerarkii lagu qaaday magaalada Buur-gaabo waxaa ku dhintay 44 qof, waxaana ku dhaawacmay 63 qof..." NTV

  • SomaliTalk.com | Oct 23, 2011

"Waxaa la xaqiijiyey in Kismaayo hawada laga duqeeyey, laakiin ciidankaanaga ma ahaynee waxaa duqqeeyey jaalyagaya", sidaas waxaa xaqiijiyey afhayeenka Militariga Kenya, Maj. Chirchir , sida uu qoray Wargeyska Kenya ee Daily Nation oo qortay warbixin ay cinwaan uga dhigtay in Diyaarado duqeeyey Kismaayo (Jets pound Kismayu as forces gear up for clash) iyo qoraal kale oo ah in Diyaaradaha Maraykanku ay ku biireen dagaalka ay ku jirto Kenya (US planes join Kenyan battle).

Dhanka kale Telefishanka NTV ayaa sheegay in Maj. Chirchir uu xaqiijiyey in Diyaaradaha Militariga Kenya ay duqeeyeeen magaalo 10 km u jirta Oddo (Daawo Video hoose).

Maraakiibta Faransiiska oo jooga badda Soomaaliya ayaa ayaguna dugeeyey magaalada Kuday oo Koonfur kaga aadan Kismaayo, sidaas waxaa qortay Daily Nation. (A French naval gunship patrolling Somali waters also bombarded the town of Kuday, south of Kismayu. Daily Nation).

Sarkaalka hoggaaminaya ciidanka Kenya ee ku duuley gudaha Soomaaliya, Lt-Col Jeff Nyaga, ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaaan dagaal adag oo ay Alshabaab kula galaan magaalooyinka Buula Xaaji iyo Afmadow.

Telefishanka Kenya ee NTV waxa kale oo uu sheegay in ciidanka Kenya ay kusiijeedaan magaalada Buur Gaabo, kaddib markii Kismaayo ay duqeeyeen diyaarahada Maraykanku, ayuu yiri NTV. Waxaana TV-gu intaas raaciyey weerarkii lagu qaaday Buurgaabo waxaa ku dhintay 44 qof, waxaana ku dhaawacmay 63 qof.

Madaxda kenya waxay caddeeyeen in qorshahoodu uu ka mid yahay Jubbooyinka laga sameeyo maamul loo bixiyey AZANIYA, ilaa hadda arrintaas xukuumadda DFKMG kama jawaabin, mana qirin xitaa in ciidamo Kenya ay duulaan ku qaadeen gudaha Kenya, ayadoo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG uu Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya.

Video: Kenya oo Xaqiijisay in ay Duqaysan magaalooyin Jubadda Hoose

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo Hoggaaminayey Waftigii DFKMG ee ka qayb galay Shirkii IGAD ee Addib Ababa oo Looga hadlay Ciidanka Kenya oo Galay Gudaha Soomaaliya


Duqaynta Kismaayo


Ciidamo Kenya, NTV

Gudaha Soomaaliya


Warbixin dheeraad ah: Ciidanka Kenya oo Joog ameel u dhow Afmadow

Dowlada kenya ayaa shacaka qaaday inay ku wajahan tahay gobolada jubooyinka iyo degmooyinka hoos imaada oo ay ka arimiyaan alshabaab, wasirka arimaha debada ee kenya Moses watangula, oo u waramayey wakaladda ee (AP) sida usheegay.

Dhinaca kalena sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Kenya cidamada kenya ku sugan yihiin meel dhowr kilometir oo qura u jirta degmada Afmadow oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir waxa uu shaaca kaqaday in Afmadow ay hadda haystaan Al- shabaab, balse uu qorshaha ugu jiro inay qabsadaan.

“Waxaan rumeysannahay in howlgalkan aan ku qabanayno dhul ballaaran,” ayuu yiri Maj. Chirchir. Wuxuuna sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya iyo Mareykanka ay bartil maameed sadeen goobo ay ku sugan yihiin Xarakada Al- shabaab. Xarakada Al-shabaab ayaa ciidamo badan geystay degmada Afmadow si ay isugu daydo inay ka difaacato ciidamada Keny degmada Afmadow iyo degmooyinka kale ee gobolka Jubbada hoose.

Dhanka kale Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah madaxda al-shabaab ayaa dhawan sheegay inay iska difaaci doonan ciidamada kenya.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)
codka26@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 23, 2011

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: