SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Maxaa ka jira In Diyaarad Sida Hub oo ay leedhay Ereteriya ay ka Degtey Magaalada Baydhaba.... iyo Ereteriya oo warkaas ku Tilmaantey kuwa la Doonayo in lagu Qariyo Fashilka ku yimid Ciidmada Shisheeye ee ku Duuley Soomaaliya

  • SomaliTalk.com | Nov 4, 2011

"Militariga Kenya ayaa Twitter-ka ku sheegay in halista ugu dambeysey ee dagaalka Soomaaliya ay tahay Dameeraha."

Militariga Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa muujiyey in roobab xooggan oo ka da'ay Soomaaliya awgeed aan loo baahnayn in biyaha lagu soo dhaansado dameeraha, sidaas daraadeedna in Kenya haddii ay aragto koox dameero ah oo meel ku wada sugan ay u tixgelineyso kuwo halis ku ah hawlgalkooda.

Maj Chirchir oo arrinta dameeraha ka hadlaya ayaa Twitter-ka ku qoray sidan:

"Roobab xooggan oo ka da'ay Soomaaliya ayaa waxay jidadka ka dhigeen kuwo aan la mari karin. Warka na soo gaaranayana waxa uu sheegayaa in Al Shabaab ay dameeraha ku raranayaan hubka. Dadka degaanku dameeraha biyaha ayey ku soo dhaansadaan, laakiin maadaama roob xoogani da'ay in biyo la doonto ma muuqato. Sidaas daraadeed koox dameero ah oo hal meel ku wada sugan waxaa loo tixgelinayaa dhaqdhaqaa Al Shabaab. Waxaa intaas dheer in ilo wargal ah noo sheegeen in qiimaha halkii dameer uu gaareen $150 ilaa $200 doolar. Keenyaatiga ku sugan "xadka" Soomaaliya iyo Kenya ee ka ganacsanaya dameeraha waxaa lagula talinayaa in aysan ka iibin Al Shabaab. In Dameeraha laga iibiyo Alshabaab waxay wiiqeysaa hawlgalka aan ka wadno gudaha Soomaaliya," ayuu yiri Maj Chirchir.

MSNBC oo arrintaas dameeraha ka faallooneysay ayaa qortay warbixin ay cinwaan uga dhigtay "Militariga Kenya ayaa Twitter-ka ku sheegay in halista ugu dambeysey ee dagaalka Soomaaliya ay tahay Dameeraha."

Ciidamada Kenya ayaa maalintii 20aad ku jira gudaha Soomaaliya, kana gudbey xadka NFD.

Dhanka kale madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa soo noqoshadiisii Muqdisho (Nov 3) waxa laga war helay in uu Muqdisho ku soo laabtay markii warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda KMG laga maqlay in uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomey safiirka Turkiga u fadhiyi doona Muqdisho. Sheikh Shariif ayaa ka soo laabtay safar uu ku tegey Kampala.

Madaxweynaha DFKMG ayaan laga hayn war sugan oo ku saabsan hab-fikirkiisa ku aadan soo gelitaankii ciidanka Kenya ku galeen gudaha Soomaaliya, asagoo hal mar laga maqlay in uu ka soo horjeedo, laakiin Kenya aysan hadalkiisa iyo dareenkiisa dheg u jalaqsiin, balse ay bilowday in ay duqayso magaalooyin Soomaaliyeed, haddana ku dartay handadaad in ay duqaynayso xayawaanka Soomaalidu u adeegsato daabadda.

Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho, halkaasna xilligaas laga saaray maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Waxayna Soomaaliya ciidankaasi Itoobiya xoog looga saaray (Jan 15, 2009) waa kaddib  (749) maalmood oo uu socdey dagaal.


Sawir hore (AP) Dad ka qaxayey Muqdisho, oo alaabtoodii ku rartay dameero..


Maxaa ka jira In Diyaarad Sida Hub oo ay leedhay Ereteriya ay ka Degtey Magaalada Baydhaba

Ereteriya oo warkaas ku Tilmaantey kuwa la Doonayo in lagu Qariyo Fashilka ku yimid Ciidmada Shisheeye ee ku Duuley Soomaaliya

Waxaa maalmahaan Saxaafadda ay si aad u u hadal haysey in Diyaarad laga leeyahay Dalka Ereteriya oo sidey Hub Nooco kala Duwan ah ay ka degtey Magaalada Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan Xarakadda Alshabaab, waxaana Hubkaan ka Had ley Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo sheegey in Dowladda Ereteriya ay Hubkaas ugu Talagashey in lagula Dagaalamo Ciidamada Kenya ee soo galey dalka Soomaaliya sidoo kale Dowladda Kenya ayaa iyadu sheegtey in ay Burburin doonaa Hubkaas

Dhanka kale dad ku sugan Magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in aysan jirin Diyaarad ay leedhay Ereteriya oo sidey Hub ay ka soo degtey Magaalada Baydhabo kuwaas oo ku tilmaamey warar been abuur ah oo la doonayo in lagu baneysto in Ciidmada Kenya ay hore u soo galaan Dhulka Soomaaliya.

“Maxaa ka dhaxeeya Xarakada Alshabaab iyo Dowladda Ereteriya waa laba dhinac oo si aad ah isaga soo horjeeda marka waa war la been abuurey oo la rabo in dadka degen Magaalada Baydhabo la duqeeya hadafka Dowladda Kenya uu noqda mid ay ku xalaaleysato dhulka Somaaliya “ayey yiraadeen Xubnahaas ku sugan Baydhabo.

Dowladda Ereteriya ayaa si kulul u beenisey in Diyaarad ay leedahay oo sidey Hub ay ka degtey Magaaladda Bayhabo waxayna wararkaas ku tilmaantey kuwa aan sal iyo raad lahayn oo la doonayo in lagu qariyo fashilka ku yimid Ciidmada shisheeye sida gardarada ah ugu duuley Dhulka Soomaaliya waxay sii raacisey”Marnaba lagama yaabo in aan hub geyno soomaaliya wararkaasina ma aha kuwa nagu cusub ee Sannooyinkii soomaaliya ay Dowladeedii burburtey ayaa la orornayey Ereteriya ayaa hub geysey Soomaaliya wararka maanta soo baxayna waa kuwo kuwaas la mid ah”. Waxaana Eritria soo saartay warsaxaafadeed (Halkan ka eeg).

Dhinaca Xildhiban Maxamud Cabdi Weheliye Waaqaa oo ka tirsan Xildhibaanada Barlamanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Taageero uu sheegey in Xukuumadda Eritireeya ay la bar bar taagan tahay Xarakada Shabaab Taageero hiil iyo hooba leh. Xildhibaan Waaqaa ayaa sheegey in ay si aad ah ula socdaan in dhawaan Laba Diyaaradood oo sida Shixnad Hub ah in ay ka degeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo diyaaradahaas oo uu sheegey in ay ka yimaadeen dhinaca Dalka Eritireeya waa siduu hadalka u dhigaye. Xildhibaanka oo la weeydiiyay sida ay arrintaa ku xaqiiqsadeen ayaa sheegey in dadka degaanka ay arrintaa u sheegeen hubkaas oo gar neeylo u badana lagu wareejiyay Xarakada shabaab.

Xildhibaan Waaqaa ayaa intaa raaciyay in Hubkan cusub oo xukuumadda Eritireeya ay soo gelisey gudaha Soomaaliya ay ugu tala gashay in ay kula dagaalamaan Xarakada Shabaab Ciidamada Kiinyaanka ee dalka soo galay,Xildhibaan Waaqaa ayaa Xukuumadda Eritireeya ku Eedeeyay in weligeedba ay taageeri jirtay Xarakada shabaab isla markaana ay u fidin jirta taageero dhinaca Tababarka ah iyo waliba Taageero dhinaca Hubka ah.,Maxamuud Cabdi Weheliye ayaa uga digay Xukuumadda Eritireeya in ay joojiso Hubka ay ku fidineyso Gobolka isagoona hoosta ka xarriiqay in hubkii ay soo gelisey Eritireeya Dalka Soomaaliya in uu u sii gudbay wadamada kale ee Deriska waa siduu hadalka u dhigaye. Hasae yeeshee Xarakadda Alshabaab wax war ah kama soo bixin oo ku saabsan Hubka la sheegey in Ereteriya ka dejisey Magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Kenya's military tweets of latest threat in Somalia war: Donkeys (NBC)

Militariga Kenya oo u hanjabey dameeraha


C/weli Gaas iyo Shariif Xasan oo u dhoofay Xajka, Nov 2, 2011

Akhri: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG.


C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

***

Magaalooyinka ay Kenya sheegtay inay Diyaaradaha ku duqayn doonto

Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya ayaa Talaadadii Nov 1, 2011 sheegay in weerar aan kala go'lahayn ay ku qaadi doonaan magaalooyinka: Baydhabo, Baardhere, Diinsor, Afgooye, Bu'aale, Baraawe, Jilib, Kismaayo iyo Afmadow.

Maj Chirchir isagoo adeegsanaya Twitter-ka waxa uu hadalka u dhigay sidan: BAIDOA, BAADHEERE, BAYDHABO, DINSUR, AFGOOYE, BWALE, BARAWE, JILIB, KISMAYO and AFMADHOW will be under attack continously - waxaa sidaas qoraalka u qoray Maj Chirchir, laba jeer ayuu qoray Baydhabo, waxa uu sheegay in weerarka uu ku qaadayo magaalooyinkaas uu xusay ay uu ahaanayo mid aan kala go' lahayn (will be under attack continously)..

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: