SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

  • Maxaa ka jira in Hadalka ka soo Yeerey Shiikh Shariif uu yahay Mid Salka ku haye Khilaaf kala Dhexeeya Dr Gaas
  • Yuusuf Xaaji “Waxaan leeyahay  Shiikh Shariif laba mid: in uu la safto Argagixisada ama la Safto Kenya”
  • Faarax Macalin “Waa Wax lala yaabo in nin  Ciidamo Shisheeye  ku ilaalinayaan Villa Soomaaliya uu yiraahdo waxaan ka soo Horjeeda Faragelinta Kenya”
  • Mowliid Macaani “Kenya Abaalkeeda waan u Gudney laakiin haddii ay  nagu soo Gardaroota Shanta ayaan Saareynaa”
  • Xildhibaan Nageeye “ Shiikh Shariif  hadalkiisa Waa la soo daahay ee mar hore ayaa laga rabey”
  • “Dowladda Kenya waxaan leeyahay ka Feejignaada Siyaasiyiinta Soomaalida in ay  ay ka shaqeeyaan in Cadaawad dhexmarto Soomaalida iyo Kenya “

SomaliTalk.com | Oct 25, 2011


Dowladdaha Soomaliya iyo Kenya ayaa hadalo kul-kulul isku weydaarsadey Qaybaha Warbaahinta ka dib markii Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka dhawaaajiyey In Dowladda Federaalka iyo  iyo Shacabka Soomaaliyeed  marnaba aysan ogolaan doonin in Dowladda Kenya ay Ciidamadeeda  Faragelin ku sameeyaan Gudaha Dalka Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Kenya Yuusuf Xaaji oo Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Nairobi  ku  sheegey in Dowladda Kenya ay aad ula yaabtey  warkii ka soo yeerey Madaxweyne Shiikh Shariif ee ku aadanaa  Faragelinta  Ciidamada Kenya  ku sameeyaan Soomaaliya isagoo intaa raaciyey “Madaxweyne Shiikh Shariif waa in uu Cod dheer ku yiraahdo Waxaan Taageersanahay  Kooxaha Aragagixisada waayo Waxaan ugu tagney Muqdisho wuxuuna arinta u Xilsaarey Raiisul Wsaaraha waxaana Raiisul Wasaaraha wada saxiixaney heshiisku aadan in laba Dowladood ay si wadajir ah ula Dagaalamaan Kooxda Al Shabaab”

“Alshabaab dhowr jeer ayey falal ku aadan  nabadegeliyada ka sameysey Gudaha Wadanka Kenya, bal fiiri waxay ka sameysey  Mandheera , waxay weerartey Saldhigyo Ciidan oo ku yaal Gudaha wadanka Kenya , waxay Afduubatey dad Dalxiisayaal, marka miyaan Xaq u lahayn in aan is difaacno, marka Madaxweyne Shiikh Shariif waxaan ka dooneynyaa in uu anaga nala safto ama iyaga la safto”ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo sheegey in Ciidamada Kenya aysan marnaba ka soo laaban doonin  Gudaha dalka Kenya ilaa ay xaqiijiso Amaankeeda .

Faarax Macalin oo ah Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Wadanka Kenya oo isna Shir Jaraaid ku qabtey Dalka Kenya ayaa Hadalka ka soo yeerey Madaxweyne Shiikh Shariif ay si aad ah ula yaabeen isla markaana ku tilmaamey hadalkaas mid aysan u dhameyn dhamaan Xubnaha ugu sareeya Dowladda Fedeaalka waayo Raiisul Wasaaraha ayuu Madaxweynaha u xil saarey arrinta Faragelinta isaga yey Dowladda Kenya  heshiis la gaartey.

Xildhibaan Mowliid Macaani oo ka mid ah  Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa soo dhaweeyey hadalka Madaxweyne Shiikh Shariif ee  ku aadan Faragelinta Dowladda Kenya ku sameysey Gudaha Wadanka Soomaaliya , isagoo sheegey in hadalka Madaxweynaha  uu yahay mid kama dambeys ah sidaa darteed loo baahan yahay in Dowladda Kenya ay Tixgeliso.

“Shacabka Soomaaliyeed wey taqaanaa Cida abaal u gashey iyo Cida ku soo Gardaroota marka waxaan Kenya u sheegayaa in Cidii Soomaaliya ku soo gardaroota ay Shanta Saari Doonto hase yeeshee Kenya waxa noo gashey Abaal weyn , sidaa darteed abaalkaas waan u gudney Shacabka Kenya waayo wixii soomaali Caalamka ugu talagaleen ayaa  lagu isticmaalaa dalka Kenya , waxaa ka furan Nairobi Xafiisyo waa weyn oo ay Dowladda  Kenya ka soo gala dhaqaale fara badan , waxaa naga dhexeeya Ganacsi fara badan oo Dowladda Kenya faaiido badan ay ka helaan marka waxan leeyahay Dowladda Kenya abaalkaas aan idiin gudney meel Cidla ah  ha ka dhigina."


Unwilling ally? - Waa cinwaanka NTV Kenya...

Telefishanka Kenya ee CitizenTV ayaa sheegay in magaaladii u horeysey ee Kenya qabsaatay oo ah Dhoobley in laga dhigan mudaharadaad lagaga soo horjeedo hadalkii Sheikh Shariif, laguna gubey sawirkiisa (Daawo Video hoose)


Kenya At War Status Update - waa cinwaanka CitizenTV

Xildhibaan Maxamed Jaamac Nageeye oo isna ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka  KMG ayaa sheegey in hadalka ka soo yeerey Madaxweyne Shiikh Shariif uu yahay mid lala soo daahay oo loo baahnaa in uu mar hore  ka dhawaajiyo waayo Dowladda Kenya waxay si gardarro ah ku soo gashey Dhulka Soomaaliya sidaa darteed waa in ay shacabka soomaaliyeed ka hortagaan Faregelintaas.

“Dowladda Kenya waxay danno gaar ah ka leedhay Badda Somaaliyeed waayo markii uu Baarlamaanka uu fashiliyey Heshiisyaddi Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayey Dowladda  Kenya  waxay kulan la qaadatey Siyaasiyiin ka soo jeeda qaar a mid Gobolada Jubbooyinka , waxaana  markii Dambe la Go’aamiyey in la uruuriyo Ciidamo beeleed muddo lagu soo tababarayey Wadanka Kenya  , markii Ciidamadaas laga adkaadey ayey Dowladda Kenya ay Bilowdey in soo gasho Gudaha Soomaaliya si ay beel Gacanta ugu geliso Gobolada Jubbooyina, bal  fiiri maanta waxaa lagu dagaalamayaa waa Magacyada Raaskambooni , Azaaniaya iyo Ciidamada Dowladda, waxay ahayd inmagaca Dowladda lagu Dagalamo hase yeeshee  markii la ogaadey in ay Xasaasiyad keeneyso Magacayadaas ayaa waxa la joojiyey Magacii Azaaniya hase yeeshee magacaas Azaaniya waxaa lala soo bixi doonaa markii Ciiidamada Kenya ay qabtaan Goboladaas ka dibna halkaas ka sameyso maamul ay Danaheeda u fuliya gaar ahaan Badda Soomaaliya marka waxaan leeyahay Dowladda Kenya in ay dhexdhexaad  ka noqoto arrimaha Soomaaliya .... sidoo kale Siyaasiyiinta  Soomaalida Kenya waxaan leeyahay  Dowladda Kenya ha u horseedina Cadaawad dhex marta Soomaaliya  iyo Kenya waayo Hore ayaa Cadaawad u dhexdhigteen Soomaali Galbeed ”ayuu yiri Xildhibaan Diidey in Magaciisa la sheego.

Warar aan ka helney Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegeya in Hadalka ka soo yeerey Madaweyne Shiikh Shariif  uu salka ku haya Khilaaf Waayadaan ka dhex jirey isaga iyo Raiisul Wasaraha kaasoo ku aadanaa markii la soo sheegay in Raiisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas uu ka baxay Khudbadii Madaxweynaha Iiraan Axmed Najaad  Shirkii Qaramada Midoobey taasoo uu si aad ah uga Caroodey Madaxweyne Shiikh Shariif  waxaana  Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxtooyada ay noo sheegeen in ka bixitaankii Khudbadii Hogaamiyaha Iraan ay Dowlada Federaalka ku weysey 25 Milyan oo Doolar  waxayna arrinka ay sheegeen in ay u eg tahay  hadalka Madaxweynaha ee uu kaga soo horjeestey Faragelinta Kenya ay tahay mid  uu kaga aarsanyo Fashilaadii Xiriirkii Dowlada Soomaaliya iyo Iiraan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk  


Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal iyo Heshiis u Ogolaanaya in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

  • "Heshiiskaas waa la gaarey, madaxweynaha ayaa amar siiyey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo ra''sul baarlamaanka in Ra'iisul Wasaaruhu uu qoraalkaas u sameeyo, qoraalkaasna ay Kenya hadda gacanta ku hayso." Faarax Macallin

    SomaliTalk.com | Oct 25, 2011

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya haysato warqad ay DFKMG ku ogolaatay in Ciidamada Kenya galaan Soomaaliya

Guddoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaare oo la weydiiyey in uu heshiis dhex maray Dawladda FKMG iyo Kenya kaas oo ciidamada Kenya u ogolaanayey in galaan Soomaaliya ayaa ku jawaabey "Heshiiskaas waa la gaarey, madaxweynaha ayaa amar siiyey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo ra''sul baarlamaanka in Ra'iisul Wasaaruhu uu qoraalkaas u sameeyo, qoraalkaasna ay Kenya hadda gacanta ku hayso."

Waxa uu intaas raaciyey in ay "Kenya ku gashay Soomaaliya ayadoo la iska war hayo, ayada oo la isla ogyahay, ayada oo lagu faraxsan yahay. Galabtana war kaas ka duwan ayaa laga soo sheegay madaxweynaha. Wixii la hayona waa la hayaa.." Waxana uu sii raaciyey "Dawladda KMG waanu ku wareernay, ma sidaan uun ayey iska doonayaan in ay ahaato oo AMISOM ku ilaaliso madaxtooyada, doorasho iyo waxba aan la gaarin oo ummadda Soomaaliyeed sidaas  u baaba'sanaato."

Faarax Macallin saxaafadda weli uma soo bandhigin heshiiskaas dhexmaray DFKMG iyo Kenya ee ogolaanaya in ciidamada Kenya galaan Soomaaliya.

DFKMG oo ka aamusnayd weerarka Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya ayaa Isniintii Madaxweynaha DFKMG waxa uu ka soo horjeestey faragelinta Kenya asagoo yiri "Ciidamo in ay dalka iska soo galaan Dawladuna ma ogola, Shacabka Soomaaliyeedna ma ogola"

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo la weydiiyey (Oct 22) in uu ka war qabo Kenya oo soo gashay Soomaaliya waxa uu ku jawaabey "Anigu ogaantayda ma ogi ilaa hadda ciidamo gudaha Soomaaliya ku jira. Xadka haa weyjoogaan, laakiin ciidamo gudaha soo galay oo hadda saacaddaan ciidamo gudaha ku jira anigu lama socdo mana ogi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG.. ( DHEGEYSO).

Ciidamada Kenya ayaa Galay gudaha Soomaaliya October 16, 2011, kuwaas duqeyn u geystey magaalooyin ka mid ah Soomaaliya, warbaahinta Kenyana ay sheegtay in ay qabsadeen magaalooyin Soomaaliya ah.

In badan oo Soomaali ah ayaa rumaysan in Kenya jebisey heshiiska Caruusha ee 1967 dhexmaaray Soomaaliya iyo Kenya.


Militariga Keny aoo alaab ka daabulaya Gaarisa, Oct 18, 2011 (Sawirka http://blogs.cfr.org)

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Faafin: SomaliTalk.com | October 25, 2011

"NO to any threat infringing on the sovereignty of Somalia, especially concerning the 200nm territorial waters, given since 1972, and the 200nm EEZ (Exclusive Economic Zone / UNCLOS) already in place since 1989 as well as the 350nm continental shelf zone." ECOTERRA Intl Oct 26, 2011.
 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area(Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan 
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959:Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

Oct 28, 1967 waxaa Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding) uu dhexmaray xukuumaddii Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanaa NFD.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977:Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. 

November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay"scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History