SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

  • Diyaaradaha Militariga Kenya oo duqeeyey magaalooyinka Buurgaabo iyo Caanoole
  • Xornima Doonka Gobolka Xeebta Mombasa Republican Council oo sii xoogaysanaya...
  • Qaramada Midoobey “Waxaa na soo Gaaray Warbixinno iyo Qoraalo iska soo Horjeeda oo ku Saaban Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya”.
  • Dibadbax Looga soo Hor Jeedo Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya Oo Khamiistii Ka Dhacay Degaanada Loo Bara Kacay ee Duleedada Muqdisho

SomaliTalk.com | Oct 28, 2011


Tan iyo markii madaxweynaha DFKMG uu sida cad u sheegay in uu ka soo horjeedo in Ciidamo Kenya soo galaan Soomaaliya, ayaa waxaa qoraallo ka soo baxayeen xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, isla markaasna uu C/weli Gaas warbaahinta aad ula hadlayey, khamiistiina Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id oo uu ugu magac daray caddayn "mowqifka dawladda Soomaaliyeed", asagoo aad ugu celceliyey "Haddii ciidamado Kenya soo galaan Dalka" anagay na taageerayaan, hadalkaas oo ka hor imanaya sida qayaxnaa ee Sheikh Shariif u diidey ciidamo Kenya oo iska soo gala Soomaaliya. (Hoos ka dhegeyso shirka jaraa'id ee Dr. C/weli Gaas).

Warsaxaafadeedyadaas iyo hadallada soo kala hor jeeda ee DFKMG waxay shacabka Soomaaliyeed ku abuureen jaah wareen aan la garanayn cidda hadalka kama dambaysta ah leh marka laga hadlayo DFKMG, maadaama madaxweynahii KMG laga hayo raali kama nihin Kenya iska gashay Soomaaliya, halka ra'iisul wasaarahiisii uu ku cecelinayo raali ayaan ka nahay.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in dagaal Khamiistii ay Ciidamada Kenya ku galeen gudaha Soomaaliya in ay kaga dhaawacmeen askar, oo sida telefishanada Kenya sheegeena loo malaynayo in ugu yaraan hal askari oo Kenyaati ah ku dhintay dagaalkaas. (Daawo Video hoose). Waxa kale oo jariidadda Standard ay qortay in ciidamada Kenya in afhayeenka militariga Maj. Chirchir uu xaqiijiyey in diyaaradaha Kenya ay markale duqeeyeen magaalada Buurgaabo, sidoo kalena ay duqeeyeen magaada Caanoole.

Sidoo kale jariidadda Daily Nation ayaa qortay in ciidamadoodu ay Khamiistii isu diyaarinayeen in ay ku duulaan magaalada Buurgaabo, waxaana wargeysku adeegsadey ay ciidamadoodu 7 km u jiraan Buurgaabo oo ay doonayaan in ay "QABSADAAN" si ay ugu noqoto meel ay uga duulaan Kismaayo... (Conquering this town (Burgaabo) is a key objective of the Kenyan forces as it would serve as a launching pad for an onslaught on the port city of Kismayu). Akhri: Push to take Kismayu ‘is on course’.


Gaari Militari oo Kenya oo ku wajahan gudaha Soomaaliya (Oct 27, 2011, Sawirka Daily Nation)
Halkan ka daawo Hadalkii Prof. Ibbi ee 2007 uu u jeediyey Reer Minnesota xilli uu ka soo horeedey gelitaankii Itoobiya

Xornima Doonka Gobolka Xeebta Mombasa Republican Council oo sii xoogaysanaya...

Dhanka kale waxaa sii xoogeysanaya xornimad doonka xeebta Mombasa oo lagu magacaabo Mombasa Republican Council (MRC), kuwaas oo doonaya in ay ka madax bannanaadaan Kenya. MRC waxaa la asaasay sannadkii 1999 waxayna doonayaan in ay Kenya ka xoroobaan marka uu dhammaado heshiis 1895 dhexmaray Boqortooyadii Ingriiska iyo Boqorkii Zanzibar, kaas oo dhigayey in Xeebaha Mombasa uu sii maamulo Ingriisku, marka heshiiskaasi dhammaadona ay ahaadaan kuwo gaarkooda xor u ah. (Daawo video hoose)

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Dr. Gaas oo Shir Jaraa'id qabtay Oct 27, 2011

Waraysi uu Dr. Gaas oo Waraysi siiyey BBC-da

Warqadda uu C/weli Gaas ku celceliyey ee IGAD (July 4, 2011) ka akhri halkan

Dhanka kale waxaa Khamiistii Garoonka Muqdisho lagu qabtay kulan uu ka qayb galay Mahiga iyo C/weli Gaas, shirkaas oo loogu magac daray guddiga wadatashiga  ee nabad gelyada, kulankaas oo soconaya laba maalmood..


Mahiga iyo C/weli Gaas, Kulankii Garoonka Muqdisho, Oct 27, 2011

Qaramada Midoobey “Waxaa na soo Gaaray Warbixinno iyo Qoraalo iska soo Horjeeda oo ku Saaban Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya”.

Iyadoo dhawaan ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo si cad u sheegay in Dowladda Federaalka aysan raali ka aheyn in Kenya gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

Haddaba Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay qoraalo kala duwan oo ka soo gaaraya arrinta soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya maadaama xeerka Qaramada Midoobey gaar ahaan qodobada 50 iyo 51 si cad u qeexayaan in talaabo Milatari oo Dal uu ka qaadayo Dal kale ay marka hore og tahay Qaramada Midoobey.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ninka lagu magacaabo Martin Nesirky ayaa sheegay in Qaramada Midoobey heshay Warbixinno iyo Qoraalo iska soo horjeeda oo ku saabsan Soomaaliya iyo Kenya oo ka hadlaya gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya, afhayeenku wuxuu xusay in warqad uga timid Kenya ay sheegeysay in Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen taas oo ah warsaxaafadeed ku lifaaqan warqadda Kenya.

Video hoose ka daawo Innercitypress oo su'aalo weydiiyey Afhayeenka Xoghayaha Guud ee UN, su'aalahaas oo ku saabsan waxa uu Mahig aka yiri hadalki Sheikh Shariif ku diidey ciidamada Kenya, inkasta oo afhayeenku uusan sheegin wuxuu Mahiga arrinta ka yiri.


Martin Nesirky (Afhayeenka Xoghayaha Guud ee UN) iyo Matthew Lee (innercitypress.com)

Video ka dhegeyso (Daqiiqadda 9:50)

 
Oct 25, 2011: Afhayeenka Xoghaya guud ee UN

18-kii bishan October ayaa wafdi ka socday Kenya kullan kula qaateen Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Magaalada Muqdisho waxaana kulankaasi looga wada hadlay iskaashi ay dowladda Soomaaliya iyo Kenya ka wada yeeshaan la dagaalanka Xarakada Alshabaab, isla markaana ciidamada Kenya waxay Oct 16 soo galeen gudaha dalka Soomaaliya, balse Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif ayaa sheegay in aysan Kenya kula heshiin in ciidamadooda soo galaan Soomaaliya, waxay mas’uuliyiinta Dowladda Federalka Oct 26 shir jaraaid ku qabteen Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in Kenya kula heshiiyeen in ay xagga  taakulaynta ka caawiso ciidamada Soomaaliya balse uusan heshiisku aheyn in ay soo farageliso arrimaha Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo Khamiistii shir jaraa'di ku qabtay Muqdisho, dhanka kalena la waraysi siiye BBC-da qaybta afka Soomaaliga ayaa sheegay hadal ka duwan kii shalay shirka jaraa’id uu ku sheegay in xusay in Dowladda Federaalka raali ahaanshaheeda ku joogaan ciidamada Kenay gudaha dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Dr. Gaas oo Shir Jaraa'id qabtay Oct 27, 2011

Waraysi uu Dr. Gaas oo Waraysi siiyey BBC-da

Lama garanayo go’aanka ay Qaramada Midoobey ka qaadaneyo arrintaan, waxay wararku sheegayaan in guddi ay Qaramada Midoobey u soo magacaabi doonto xal ka gaarista shakiga soo kala dhex galay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dolwadda Kenya .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Oct 24, 2011: Afhayeenka Xoghaya guud ee UN

October 22, 2011 ayey ahayd markii Ra'iisul Wasaaraha DFKMG la weydiiyey in uu ka war qabo Kenya oo soo gashay Soomaaliya waxa uu ku jawaabey "Anigu ogaantayda ma ogi ilaa hadda ciidamo gudaha Soomaaliya ku jira. Xadka haa weyjoogaan, laakiin ciidamo gudaha soo galay oo hadda saacaddaan ciidamo gudaha ku jira anigu lama socdo mana ogi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG.. ( DHEGEYSO).

 

Dagaal la sheegay in ay ku dhawaacmeen askar Kenyaati ah oo ka dhacay gudaha Soomaaliya

Mombasa: XOrnima u dirirka Gobolka Xeebta ee "Kenya"

Video: Xornimo u dirirka gobolada Xeebta


Oct 26, 2011: Halkan ka dhegeyso C/weli Gaas oo Qiraya in Ciidamada Kenya ku jiraan Soomaaliya. (VOA)

Oct 26, 2011: Dhegeyso Shirkii Jaraa'id wada-jir ah ee Sheikh Shariif iyo C/weli Gaas ku qabteen Muqdisho

Oct 26, 2011: Halkan ka dhegeyso Cabdi Ismaacil Samatar oo si kulul uga hadlay Duulaanka Kenya (Alfurqaan)

Oct 25, 2011: Halkan ka Dhegeyso Sheikh Shariif oo sheegay in uusan raali ka ahayn ciidanka Kenya

Oct 25, 2011: Dhegeyso Faarax Macallin oo ad u cambaareeyey Sheikh Shariif sidoo kale, markale dhegeyso Faarax Macallin.

Oct 22, 2011:  Halkan ka dhegeyso C/weli Gaas oo sheegay in uusan ogeyn ciidan Kenya oo  ku jira Soomaaliya


Dibadbax Looga soo Hor Jeedo Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya Oo Khamiistii Ka Dhacay Degaanada Loo Bara Kacay ee Duleedada Muqdisho

Oct 27, 2011: Boqolaal Dibad baxayaal ah oo ku qaylinaya Dooni meyno Kenya. Dooni mayno Ciidamadeeda ayaa subaxnimadii Khamiista socod dheer ku maray Wadada isku xirta Degaanka Ceelasha ilaa Calamada ee duleedada Magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Xarak adda Alshabaab

Dadkan Dibad baxayasha ayaa ugu dambayntii isugu soo ururey Barxadda weyn ee ku taala degaanka Calamada ee Gobolka shabeelaha Hoose.Dadkaan dibad baxayay ayaa waxaa halkaa kula hadlay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Shabaab.

Shiikh Xasan Daahir ayaa sheegey in Ciidamada kiinyanku weligoodba ay is qarin jireen isla markaana ayan ka marneyn cadowtooyada ay u hayan Dadka Muslimka ah ee Soomaliyeed, isagoo sheegey in Dadka Soomaaliyeed ee ay wataan ay yihiin kuwa lagu dan gaarayo.

Shiikh Xasan Daahir ayaa sheegey in ay ka hor tagayan oo ayan marnaba isku duleyneyn Ciidamada kiinyaanka isagoona ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaliyeed in ay ka qayb qaatan dagaalada ay la galayan Ciidamada soo galay dalka Soomaliya Wuxuu inta ku daray in ay u diyaarsan yihiin in ay la dagaalaman cid kasta oo isku deyda in ay is hor tagto Diinta Muqaddiska ah ee Shacabka Soomaliyeed ay rumaysan yihiin.

Waa in Jihaadka uu qof walba ka qaato kaalintiisa ayuu ku cel celiyay isagoona dhaar ku maray Xasan Daahir in ay guuleysanayaan sidii ay Dagaaladii Amisom la galeen ay ugu guuleysteen oo kalena,wuxuuna sheegey in Kenya ay dooneyso ay ka qaybqaadato qorsha lala maagan yahay Dadka Soomaaliyeed oo ah in la qaybsado.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo isna ka Hadley Banaanbaxaasi ayaa yiri”Waxaa la gaarey waqtigii Mujaahidiinta ay talaabo ka qaadi lahaayeen Kenya waxaan u soo jeedinayaa Muslimiinta ku dhaqan Kenya in ay in Wax Xanuujiya Kenya ay sameeyaan waayo Bom la tuurey waxba soo kordhinmaayo ee waxaa loo baahan yahayin Dharbaaxo lagu dhufto Kenya, waxaan u soo jeedinayaa Muslimiinta Kenya in ay sameeyaan Jabhad dagaalka ka qaada Gudaha Kenya” isagoo sheegey in Kenya ay ka shaleyn doonto Duulaanka ay ku soo qaadey Dhulka Soomaaliya.

Si kastab Banaanbixii maanta ka dhacay Degaanka Ceelasha Biyaha ayaa ahaa kii u horeeyay oo ay Xarakada Shabaab soo abaabulaan oo ka dhaca degaanada ay ka artrimiyaan Xarakada Shabaab, waxaana Banaanbayo la mid ah kan ka dhacay Ceelasha Biyaha iyana ay ka dhaceen Gobolkada ay ka taliyaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas


25 October 2011: Spokesperson's Noon Briefing: Martin Nesirky, Spokesperson for the Secretary-General

Question: Yeah, sure. Martin, I wanted to ask you again about Somalia. Yesterday, you’d said that there are some correspondence from Kenya and Somalia. So I somehow took this to mean that Somalia is in favour of Kenya’s action. The President now, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, has been quoted saying it’s inappropriate for Kenyan troops to cross into Somalia. So again I… I guess I am wondering, where… at what point does the Secretary-General, as the guardian of the Charter, Article 51, like it seems like one country has gone into another, and the President of that country has said it’s wrong, and the country incurding has said that they have outside assistance by France, and maybe the US. What does the… what does Ban Ki-moon say?

Spokesperson: Well, as I said to you yesterday, there are conflicting voices, and in some cases contradictory reports out there about the nature or otherwise of support for what is happening there. What I was referring to is a letter that was written by the Permanent Representative of Kenya to the President of the Security Council — that is a document that is available online, S/2011/646. I looked at it just before I came here; it’s online and it is a letter from the Kenyan authorities to the Council, outlining what is taking place and stating that it is in coordination with the authorities in Somalia. In addition, attached to that is a joint communiqué which both countries put out after they met on 18 October. I’d refer you to that. And obviously, any further comment on support or otherwise, is, of course, for those countries to state. But I am just telling you that there has been a conduit to the Council from the Member State concerned.

Question: Sure. Given the… I mean, given this quote by the President of Somalia in the New York Times, has Mahi… Mr. Mahiga sought to speak with the President of Somalia about his views of…?

Spokesperson: I don’t know the answer, but I can check. As I say, there is a document that is online, in fact two documents — a letter and a communiqué.

24 October 2011: Spokesperson's Noon Briefing: Martin Nesirky, Spokesperson for the Secretary-General.

**Questions and Answers

Question: Sure, Martin, I wanted to ask two things about Somalia. One is that there are quotes from the Kenyan military that there are… they have made an incursion into Somalia and they’re now receiving assistance by France, bombing from ships and possibly from the US by air. So I wanted to know, is the UN aware of… what does Mr. [Augustine] Mahiga think, and is there some need to notify the Security Council or the UN if you go into another country?

Spokesperson: We are aware of the reports, and also of correspondence that has been sent to the United Nations from the Kenyan authorities and the authorities in Somalia. I don’t have any further details, for example, on anything from Mr. Mahiga. But we are certainly aware of the varying reports that there are — some of which I think are actually conflicting, the reports that I have seen.

Question: I just want to ask just one… I just… maybe it’s to… to know what the UN’s position is. There is a… there is a New York Times story quoting a military… Kenyan military spokesman saying the French navy has also shelled rebel group positions from the sea. So I wanted to know, is that something that triggers a filing with the Security Council in the same way or is it only a land incursion that would give rise to a filing?

Spokesperson: Well, as I say, I’ve seen conflicting reports on that particular aspect that you’ve just mentioned, and I don’t have anything for you on that at the moment. Yes, Barbara?

Source: http://www.un.org/News/briefings/docs/2011/db111024.doc.htm

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area(Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan 
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959:Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

Oct 28, 1967 waxaa Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding) uu dhexmaray xukuumaddii Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanaa NFD.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977:Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. 

November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay"scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History