SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

"Yaa Madaxweyne u ah DFKMG mar haddii uu meel mari waayey hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidanka Kenya ee ku soo duulay Soomaaliya...."

SomaliTalk.com | Oct 27, 2011


October 25 ayey ahayd markii Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif  uu shir jaraa'id  oo ku qabtay magaalada Muqdisho si qeexan u sheegay in aan xukuumaddiisu raali ka ahayn ciidanka Kenya ee iska soo galay dalka Soomaaliya, waxana uu yiri "Ciidamo in ay dalka iska soo galaan Dawladuna ma ogola, Shacabka Soomaaliyeedna ma ogola". Telefishanada Kenya ayaa ku soo celceliyey hadalkaas Sheikh Shariif , ayagoo sheegay in hadalkaasi wiiqayo ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya. (Hoos ka daawo NTV iyo CitizenTV).

Laakiin hadalkaas waxaa mid aad uga duwan sheegay ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/weli Gaas, isagoo markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in ciidamo Kenya ay soo galeen Soomaaliya, isagoo sheegay in uu raali ka yahay, hadalkaas oo ka hor imanaya kii Sheikh Shariif ee uu ku diidanaa ciidamada. Waxana C/weli gaas uu sidaas qiray Oct 26, 2011, oo ah kow iyo toban maalmood kaddib markii ciidanka Kenya ku duuleen gudaha Soomaaliya - (Hoos ka dhegeyso waraysi uu siiyey Idaacadda Codka Maraykanka.)

Dhanka kale waxaa shir jaraa'id Muqdisho si wada jir ah ugu qabtay Madaxweynaha DFKMG iyo ra'iisul Wasaaraha DFKMG, waxaana shirkaas jaraa'id laga akhriyey qoraal loogu magac daray "Caddeynta Mowqifka Dowladda", hoos ka dhegeyso, kana akhri qoraalkii laga akhriyey shirka jaraa'id.

Caddaynta DFKMG ayaa soo baxday kaddib markii ay sidaas dalbatay Kenya, waxaana shirka Jaraa'di Muqdisho lagu qabtay saacado kaddib markii wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya, George Saitoti, oo saxaafadda Kenya u sheegay in DFKMG looga baahan yahay in ay caddeeyaan warkii Sheikh Shariif, ayna ka qaataan mowqif midaysan.

:::QAYBINTA SOOMAALIYA:::


kenyaDAILY NATION, Kenya, oo soo bandhigay qoraal in Soomaaliya loo qaybin doona Itoobiya iyo Kenya... Akhri...
Oct 3, 2008

 

Dhanka kale safiirka Kenya u fadhiya Qarammada Midoobey ayaa Golaha Ammaanka ee UN u gudbiyey qoraal (S/2011/646) uu ku sheegayo in Kenya ay ogolaansho ka haysato DFKMG, si ay uga gudubto xadka, waxana uu qoraalkiisa ku lifaaqay warsaxaafadeedkii ay Muqdisho ka soo wada saareen DFKMG iyo waftigii Keny aee tegey Oct 18, 2011. Wax war ah oo arrintaas ku saabsan dhankiisa lagama hayo safiirka DFKMG u fadhiya Qarammada Midoobey.

Dhanka kale waxaa qoraal ay ku diidan yihiin weerarka Kenya soo saaray aqoonyahanno Soomaaliyeed oo qurbaha ku dhaqan oo tiradoodu gaareyso 80, qoraalkaas oo cinwaankiisu ahaa  THE KENYAN ARMY’S ILLEGAL INVASION OF SOMALIA, qoraalkaas oo loo diray xoghayaha guud ee UN. Dhanka kale waxaa jira mudaharaad looga soo horjeedo weerarka Kenya oo laga qaban qaabinayo magaalada London Jimcada 28 October 2011. In badan oo Soomaali ah ayaa rumaysan in Kenya ka baxday is-fahmkii Caruusha maadaama ay ciidamadeeda ka gudbisey xadka NFD.

Waxa kale oo warsaxaafadeed labaad maanta (Oct 27) ka soo baxay DFKMG ay cinwaan uga dhigtay Mowqifka Dowladda Soomaaliyeed (hoos ka akhri).

Oct 26, 2011: Halkan ka dhegeyso C/weli Gaas oo Qiraya in Ciidamada Kenya ku jiraan Soomaaliya. (VOA)

Oct 26, 2011: Dhegeyso Shirkii Jaraa'id wada-jir ah ee Sheikh Shariif iyo C/weli Gaas ku qabteen Muqdisho

Oct 26, 2011: Halkan ka dhegeyso Cabdi Ismaacil Samatar oo si kulul uga hadlay Duulaanka Kenya (Alfurqaan)

Oct 25, 2011: Halkan ka Dhegeyso Sheikh Shariif oo sheegay in uusan raali ka ahayn ciidanka Kenya

Oct 25, 2011: Dhegeyso Faarax Macallin oo ad u cambaareeyey Sheikh Shariif sidoo kale, markale dhegeyso Faarax Macallin.

Oct 22, 2011:  Halkan ka dhegeyso C/weli Gaas oo sheegay in uusan ogeyn ciidan Kenya oo  ku jira Soomaaliya

NTV oo sheegay in Sheikh Shariif ka cabsi qabo in dhulka Kenya qabsatay laga dhiso Azaniya (Jubba Land)

Video: C/weli Gaas oo Oct 24, 2011 Waraysi siiyey Jariidada Star ee ka soo baxda Canada

Video: Kenya oo Beenisey in diyaarado kaga soo dhaceen Soomaaliya

Somalia invasion is ill-advised (standard)

Kenya seeks Somalia’s clarification on al shabaab operation


Warsaxaafadeed labaad oo ka soo baxay DFKMG

Oct 27, 2011

War Saxaafadeed

 Mowqifka Dowladda Soomaaliyeed 

Bismilahi Rahman Raxiim;

Waxaan halkan Maanta idiin ku soo gudbinayaa dhowr qodob oo ka tarjumeysa Mowqifka Dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan xaaladda dhabta ah ee ka jirta qaar ka mid ah Gobolada Konfureed ee dalka.

 a)  Waxaa nasiib darro ah warar ka soo baxay saxaafadda qaarkeed in ay si khaldan u tarjumeen; cabir xuna ka bixiyeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gobolada Konfureed ee Soomaaliya.

b)  Wararka sheegaya in Dowladdu qabto Mowqif ka soo horjeeda dadaalka Kenya; waa been abuur ka fog xaqiiqda dhabta ah.

c)  Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay wadajir u soo saareen war murtiyeed (communiqué) bishan October 18, kaas oo lagu saxiixay Magaaladan Muqdisho.

d)   Dowladda Soomaliya waxay mar kale ku celisay, shalay oo taariikhdu ahayd October 26keedii, in ay ku taagan tahay, kana leexanayn is afgaradkii usbuuc ka hor ay la gashay waddanka walaalaha ah ee Kenya.

e)   Ujeedada qoraalkii shalay waxay ahayd in meesha laga saaro wixii mad madow ah ee soo dhex galay is afgaradkii October 18keedii. Waxaan soo saarnay bayaan taageeraya, xoojinayana is afgaradkii hore. Nasiib darro; waxaa dhacday in saxaafadda qaarkeed si khaldan uga warbixiyeen una tarjumeen.

f)     Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin Mowqif mideysan ee ku aadan la dagaalanka kooxda argagixisada Alshabab.

g)Waxaan hoosta ka xariiqnay in labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga colaadaha ay wadaan kooxaha argagixisada ah. 

h)   Dowladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa Dagaalka ku wajahan Alshabab; taageero loo fidyey shacabka Soomaaliyeed, waxna ka taraysa xoojinta amniga Soomaaliya, Amniga Kenya iyo Aminga Geeska Afrikaba. 

i)     Dowladda Soomaaliyeed waxay amaan u jeedinaysaa Ciidamada Soomaaliyeed ee horseedka ka ah dagaalka lagula jiro nabadiidka kooxda Alshabab; si ay uga xoreyaan Gobolada ay xoogga ku haystaan,  gacantana ugu soo celiyaan shacabka Soomaaliyeed. 

j)     Dowladda Soomaaliyeed waxay soo dhoweyneysaa Taageerada Beesha Caalamka IGAD iyo Ciidamada AMISOM. 

-- 

Warsaxaafadeedka halkan ka tixraac

Isha: Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKMG


Oct 26, 2011

SHIRKII SAXAAFADEED EE WADA-JIRKA AHAA:

CADDEYNTA MOWQIFKA DOWLADDA

Marka ugu horreysa waxaan dooneynaa inaan hoosta xarriiqno qodobadan:

·      Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin taariikh dheer oo saaxiibtinnimo iyo iskaashi ah, taasoo socota illaa maanta

·      Kenya waxay illaa muddo fog taageersaneyd nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

·      Axdiga KMG ee ay ka dhalatay Xukuumadda KMG ah waxaa lagu soo ansixiyay dalka Kenya, iyadoo Kenya ay illaa muddo fog u doodeysay in beesha caalamka ay gacan ka geysato xasilinta iyo dib-u-dhiska dalkeena

Midda labaad, waxaan Kenya uga mahadcelineynaa sida ay Xukuumadda KMG ah ugala shaqeyso xasilinta Soomaaliya iyo tababarka tiro badan oo ciidamo Soomaali ah, iyagoo martgeliyay tiro aad u badan oo qaxooti Soomaali ah.

Dhab ahaantii, shacabka Soomaaliyeed iyo weliba saaxiibada aan ku leenahay gobolka sida Uganda, Burundi, Kenya iyo Itoobiya waxay dhibaatooyin ka soo gaareen Al-Shabaab. Waxaan wadaagnaa baahida loo qabo in la jebiyo kooxda Al-Shabaab, mana jirto cid Soomaaliya kaga baahi badan in Al-Shabaab ay burburto.

Waxaan kaloo la wadaagnaa mowqifka ah in Al-Shabaab ay tahay cadow ay wadaagaan labada dal, hase yeeshee dhinaca kale loo baahan yahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo dhulka labada dal.

Haddaba si loo dajiyo istiraatiijiyad dhinaca ammaanka oo loo dhan yahay, waxay labada dale ee walaalaha ah isku raaceen:

·      In layska kaashado howlgallada militeri ee ay qaadayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ay soo tababartay Kenya.

·      In layska kaashado in la wadaago macluumaadka ku saabsan dagaalka ka dhanka ah howlgallada iyo dambiyada ka dhaca meelo ka baxsan xuduudaha dalalka.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa loo xilsaaray inuu arrintan la socdo, wuxuuna magacaabi doonaa guddi wadajir ah oo dhinaca ammaanka ah oo uu hoggaamin doono Ra’iisul-wasaaraha, guddigaas oo la shaqeyn doono guddi kale oo dhinaca Kenya ah.

Waxaan sidoo kale dooneynaa inaan faahfaahinno in Qorshaha Ammaanka iyo Xasilinta Qaranka (NSSP) ee la ansixiyay wuxuu qaban doonaa:

1.     In dalka oo dhan laga xoreeyo arxan-darrada Al-Shabaab, iyadoo la kaashanayo AMISOM, IGAD iyo dalalka saaxiibka ah.

2.     In la xasiliyo meelaha laga xoreeyay Al-SHabaab.

3.     In loo dhiso maamullo meelaha la xoreeyay iyadoo la raacayo Axdiga Federaalka KMG ah.

Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay sii laba-laabaan dadaallada ay ku caawinayaan dadka baahan eek u nool deegaannada laga xoreeyay arxan-darrada Al-Shabaab.

Waxaan mar kale soo dhoweyneynaa taageerada beesha caalamka ee lagu jabinayo Al-Shabaab, waxaan caddeyneynaa in arrintaasi baahi loo qabo, hase yeeshee waa in la ixtiraamaa madaxbannaanida iyo dhulka Soomaaliya.

Isha: DFKMG (Qoraalka rasmiga ah ka eeg halkan)

Qoraalka oo Ingriisi ah (Clarification Statement)


Ciidamada Kenya oo ku sugan Gudaha Soomaaliya


Faarax Macallin saxaafadda weli uma soo bandhigin heshiiskaas dhexmaray DFKMG iyo Kenya ee ogolaanaya in ciidamada Kenya galaan Soomaaliya.

DFKMG oo ka aamusnayd weerarka Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya ayaa Isniintii Madaxweynaha DFKMG waxa uu ka soo horjeestey faragelinta Kenya asagoo yiri "Ciidamo in ay dalka iska soo galaan Dawladuna ma ogola, Shacabka Soomaaliyeedna ma ogola" (oct 25)

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo la weydiiyey (Oct 22) in uu ka war qabo Kenya oo soo gashay Soomaaliya waxa uu ku jawaabey "Anigu ogaantayda ma ogi ilaa hadda ciidamo gudaha Soomaaliya ku jira. Xadka haa weyjoogaan, laakiin ciidamo gudaha soo galay oo hadda saacaddaan ciidamo gudaha ku jira anigu lama socdo mana ogi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG.. ( DHEGEYSO).

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Faafin: SomaliTalk.com | October 27, 2011
 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area(Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan 
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959:Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

Oct 28, 1967 waxaa Is-Afgaradkii Caruusha ee 1967 (Arusha Memorandum of Understanding) uu dhexmaray xukuumaddii Soomaaliya iyo Kenya, kuna saabsanaa NFD.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977:Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. 

November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay"scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History