SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

  • SomaliTalk.com | Oct 6, 2011

20 kii Sanno ee Soomaaliya ku jirtey Dagaaladda Sokeeye waxaa Soomaaliya Faregelin ku soo sameeyey Dowladdo fara badan haddii aan soo qaadano Dowladaha ka tirsan IGAD Faregilintooda waxay isugu jirtey mid Meleteri iyo mid Siyaasadeed.

Hadaba Urur Goboleedka IGAD(D) waxaa la aas-aasey Sannadkii 1986 waxaana lagu aas-aasey Dalka Jabuuti waxaana Figradeeda lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre waxaana ururka uu ahaa mid loo aas-aasey la dagaalanka Abaaraha iyo Ayaxa madaama wadamadaas ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayey Abaaraha iyo Ayaxa , hase yeeshee markii ay buruburtey Dowladii Milateriga ahayd ururkii wuxuu u xuubsiibtey Mid Siyaasadeed ka dib markii meel la iska dhigey arimihii loo aas-aasay.


  • IGAD waxaa laga soo gaabiyey "Intergovernmental Authority on Development", waxaana magacaas loo bixiyey 1996, markaas oo laga bedeley magacii hore oo ahaa IGADD oo laga soo gaabin jirey "Intergovernmental Authority on Drought and Development" - IGADD waxaa la asaasay 1986. Waxaana lagu asaasay in xarun ay u ahaato Jabuuti, waxaana markii hore xubno ka aha 6 dal oo kala ah Somalia, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Sudan iyo Uganda. Waxaana Eritrea kusoo biirtay 1993, waxayse ururka iskaga baxday 2007. Waxaa July 2011 ururkaas ku soo biiray South Sudan.


Dowladaha ku jira urur Goboleedka IGAD Faregelintii ay ku soo sameeyaan Somaaliya qaar si toos ah ayey faraha ula soo galeen qaar kalena hab siyaasadeed ayey Soomaaliya ku soo faregeliyeen, haddaan soo qaadano Dowlada Itoobiya iyadu markasaa ayey faragelin dhinaca Melitareiga ku sameeneysey Soomaaliya oo Ciidamadooda si toos uguma dhamaan dhulka Soomaaliya ilaa ay soo gaarto Caasimadiii Soomaaliya ee Muqdisho taasoo ay si aad ah uga caroodeen Shacabka Soomaliyeed sababteyna in Ciidmadeedii ay kala baxdo soomaaliya ka dib markii ay la kulantey Dagaalo Qaraar

Dowladda Ereteriya oo Xubinadii Ururka IGAD ku weysey Faregelinta Soomaaliya sidaa darteed Dalka Ereteriya oo aan Soomaaliya Xuduud la lahayn ayaa haddana iyana aysan ka marneyn Faregelinta lagu hayo Dalka Soomaaliya, Waxayna dalkeeda ku marti gelisey shirweynihii Ururka Xoreynta Soomaaliya ee ARS si ay Dagaalo ugu qaadaan Ciidmadii Itoobiya ee Soo galey Soomaaliya, sidoo kale Dowladda Ererteriya waxay Hub siisey Dhinacayada isku haya Soomaaliya inkastoo ay beenisey in ay hub siisey dhinacyadaas.

Dowladda Uganda oo ah Dal aan xuduud la lahayn Soomaaliya ayaa Sanadihii ugu dambeeyey waxay door ka Ciyaareysey Arimaha Siyaasada iyo Meleteriga waxana Soomaaliya ka jooga ilaa 8 kun oo askari sidoo kale kama marna dhinaca Siyaasada oo waxay dhowr jeer heshiisey Madaxda Soomaalida oo ugu dambeeyey kii lagu heshiisiinayey labada Shariif , waxayna hadda ay dooneysaa in iyada lagala tashado arrimaha Soomaaliya waxayna wararka qaar ay sheegayaan in Dowladda Uganda ay ka soo horjeedo Faregelinta Dowladda Kenya ay ku sameeysey Soomaaliya waxayn is ku aragti yihiin Mdaxweynaha Dowladda Federaalka oo isagu diidey in Ciidmada Kenya ay soo galaan Soomaaiya

Dowladda Jabuuti oo ah Dowlad aan walaalo nahay weligeed way iska dhowreysey in ay si toos ah ugu lug yeelato arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Meleteriga laakiin waxay qabanqaabisey dhowr Shirar Dib u heshiineed taasoo lagu soo dhisey Dowladii Cabdiqaasim iyo Mida hadda Majaraha Siyaasada haysa ee Shiikh Shariif , laakiin hadda waxa soo ifbaxaya in Dowladda Jabuuti ay damacsan tahay in ay ka mid noqoto Ciidamada AMISOM hase yeeshee Dadka Siyaasada u dhuun Daloolo ayaa Dowlada Jabuuti uga Digaya in ay hab Malateri ugu lug yeelato arrimaha Soomaaliya iyagoo sheegey in ay taasi ay saameeyn ku yeelan doonto Dalkeeda.

Dowladda Kenya oo ka mid ah Dowladaha IGAD iyadu Doorkeedu uu haa mid Siyaasadeed waxayna Dalkeeda ku martigelisey Shirar fara badan oo qaarkood aysan wax natiijo ah ka soo bixin hase yeeshee Dowladda Kenya waxay labatankii sano iska Ilaalineysey hab Mileteri ku gashoo soomaaliya hase yeeshee 16-kii Oktoobar ayey Ciidamadeeda ka soo gudbeen Xuduuda Soomaaliya waxayna qabsadeen ilaa dhowr Degmo oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose hasee yeeshee dadka ka faalooda arrimaha Siiyaasada waxay leeyihiin Dowladda Kenya waligeed waxay ku taameysey in ay faragelin Meleteri ku sameyso Soomaaliya iyadoo mida maanta ay sameysey ay tahay mid Dano weyn ay Dowladda Kenya ay ka leedahay Soomaaliya gaar ahaan Badda Soomaaliya maadaama ay hore ugu guuleysan weydey heshiisyo ay Dowladda Federaalka la gashey .

Dowladaha kale ee ka tirsan IGAD ee la dhihi karo Soomaaliya faregelin Milateri kuma sameeyn waa Dowladda Suudaan inkastoo mar ay isku daydey in ay heshiisiido Dowladii Cabdulaahi Yuusuf iyo Maxaamkiimta Islaamiga hadana heshiiskaas wuxuu noqdey mid fashilmey hase yeeeshee Dowlada Suudaan waxay ahayd mid is qarineysey oo aan dooneyn inay si toos ugu lug yeelato arrimaha Soomaaliya hadana Dhowr jeer ayey dalkeeda ku tababartey Ciidamo Soomaaliyeed sidookale waxaa dalkeeda lagu soo daabacay Lacago Shilin Soomaaliya oo ay lahayd Dowladda Federaalka sidaa darteed Dowladda Suudaan waxay iyana ka mid tahay Dowlada Faragelinta ku sameeyey Soomaaliya inkastoo ay diideyin ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya

Dowladda keliya ee ka tirsan IGAD ee aan weli faregelinta tooska ah ku sameeyn Soomaaliya waa Dowladda Koonfurta Suudaan inkastoo Dowlado shisheeye ay ku riixayaan in Soomaaliya Ciidamo u diraan hadana waxay ku Mushquulsan tahay Dib u dhiska Dalkeeda oo 9 Luulyo 2011 ayey Xoriyadii qaadatey.

  • (Waxaa jira qorshe ka dhexeeya Kenya iyo South Sudan oo la doonayo in tuubooyin shidaalka qaada laga soo xiriiriyo Koonfurta Sudan oo geeyo Lamu oo laga dhiso deked weyn mashruucaas oo la sheegay in ay ku baxayso $23-billion oo doolar. Lamu waxa ay Raas Kambooni u jirtaa 40 km (25 miles), waxaana jira warar tibaaxaya sababta ay Kenya dagaalka ugu soo qaaday Soomaaliya in ay qayb ka tahay sidii aag ood-celis ah loo samayn lahaa si uu u hirgalo mashruuca Lamu.)

Isku soo duubo Dowladaha IGAD(D) waxaa la dhihi karaa dhamaantood faregelin bay ku sameeyaan Soomaaliya ha noqoto mid Siyaasadeed iyo mid Meleteri sidaa darteed inta ay jirto Faregelinta Wadamada IGADA oo la dhihi karo waxaa ka dambeeya Dowlado Shisheeye Soomaaliya kama baxayso dhibaatada iyo Nabad la’aanta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: