SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

115 million oo doolar (oo u dhiganta Ksh 11 Billion) ayaa sannad kasta Kenya ka soo gasha Qaadka nooca loo yaqaan Miraaga ama Miiroowga.

  • SomaliTalk.com | Oct 4, 2011

Halkan ka dhegeyso Dood iyo Warbixin Radio Salaama

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa wada olole aad u ballaaran oo la doonayo in shacabka Soomaaliyeed loo soo jeedinayo inay gebi ahaanba joojiyaan cunista qaadka, meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Ololahan cusub oo ayaa ka imanaya shacabka (kacdoon Qaad Qubis), oo lagu joojinayo cunista qaadka, maadaama Qaadka/Jaadku uu curyaamiyey dhaqaalaha Soomaaliyeed, sababay burbur qoys iyo aafooyin caafimaad darro sida faafinta AIDS-ka iwm.

Gaar ahaan dhaqaalaha qaadka nooca Miirowga waxa uu si toos ah ugu xeroodaa dalka Kenya. Waxaana Wasaarada Beeraha ee Kenya ay qaadka u aqoonsan tahay in uu ka mid yahay dalagyada la beerto oo u dhigma khudaarta ama furudka.

Dhaqaalaha ay Kenya ka hesho Qaadka (Miraa)

Warbixin barnaamij loo yaqaan Untold Stories oo bartamihii sannadkan (2011) laga diyaariyey qaadka loo yaqaan Miraa ee Kenya ayaa sheegtay in maalin kasta Soomaaliya loo dhoofiyo 20 ton oo qaadka nooca Miraa ama Miirowga loo yaqaan (16 tan oo laga dhoofiyo garoonka Wilson iyo 4 tan oo laga dhoofiyo Jomo Kenyata). Waxaa kale oo maalin kasta Yurub loo dhoofiyaa 10 tan oo Miraa ah - Qaadka Yurub loo dhoofiyo waxaa ugu badan UK oo ay deggan yihiin Soomaali badan. Waxaana gudaha Kenya lagu cunaa 8 tan oo Miirow ah.

Waxaana warbixintaasi ku qiyaastay in lacagta qaadka nooca Miraaga oo keliya ka soo gasha Kenya ay tahay 30 million oo Kenya Shilling ah maalin kasta (Taas oo u dhiganta 315,000 US Dollar maalin kasta) - Lacagtaas oo toddobaad kasta noqoneysa Ksh 200 million, ama bil kastana Ksh 900 million ama Ksh 11 Billion / Sannad kasta. Lacagtaas oo kor u dhaafeysa 115 million oo doolar sannad kata ayaa Kenya waxay ka soo gashaa Qaadka nooca Miraaga.



Isha: http://www.youtube.com/watch?v=OZEyQCmst88

Kenya waxay qaadka u aqoonsan tahay in uu ka mid yahay dalagyada khaaska ah oo u dhigma sida qudaarta ama furudka. Sida ku cad buugga ay soo saarto wasaaradda beeraha Kenya - The Agriculture (Declaration of Special Crops).


Buugga Beeraha oo muujinaya in Qaadka Miraa: http://www.youtube.com/watch?v=OZEyQCmst88

Raadiyaha Salaama oo saldhigeedu yahay magaalada Mombasa ayaa barnaamij dood ah oo ku saabsan Qaadka Quba waxa uu dadweynaha ku weydiiyey aragtidooda.


James Ole Serian

Waxa kale oo raadiyuhu soo daayey hadal uu dhawaan jeediyey Gudoomiyaha gobolka "waqooyi bari" kenya dhulka ay Soomaalidu degto James Ole Serian, waxana uu sheegay maalmo yar ka hor in maalin kasta ay gobolkaasi sadexda degmo ee uu ka gooban yahay ee kala ah Garissa, magaalo madaxda gobolka , Wajir , Mandera ay soo galaan ugu yaraan 12 gaari oo qaad wada isagoo sheegay in lagu qiimeeyay gaadiidkasi in ay sidaan qaad qiimihuusu dhan yahay 12 Million KSH , una dhiganta 126 kun oo dollar .

James Ole Serian waxaa uu sheegay oo kale in sanadkii ay 3.4 Billion shilling KSH ay ka baxdo gobolkaasi .

Halkaan ka dhagayso barnaamij ay ka diyaarisay idaacada Radio Salaam

Dadweynaha soo wacay raadiyaha waxay si weyn isugu raaceen in loo baahan yahay in la dabar gooyo qaadka, maadaama uu curyaamiyey dhaqaalaha Soomaalida guud ahaan meel kasta oo ay joogaan.

  • "Haddii aynu qubno qaadka lacagta xaddigaas le’eg waxaynu ku qabsan karnaa wax weyn .. tusaale waxaa lagu dhisi karaa Hospitals ama lagu qodi karaa ceelal, ama waddooyin ayaa lagu bixin karaa ama beero ayaa lagu falan karaa. billah calaykum qaadka quba.." sidaas waxaa yiri Maxamed Jaamac oo ra'yigiisa ka dhiibtay halkan.

May 2006 warbixin ay qortay Washington Post ayaa ku qiyaaystay in dalka Kenya ay dhooofiso Qaad lagu qiyaasay lacag dhan $250 million sannadkiiba, kaas oo ka badan ama ka kor maray lacagta ay Kenya ka hesho caleenta Shaaha oo ah dalag lacag badani ka soo gasho dalka Kenya, sidaas waxaa laga soo xigtey dawladda Kenya.

Warbxintu waxay intaas raacisay Maalin kasta waxaa labada garoon ee ugu weyn Nairobi (Jomo Kenyata iyo Wilson) ka duula dersin diyaarado ah oo sida jawaano uu ka buuxo Qaad oo usii jeeda Soomaaliya, taas oo lacagta ay (Kenya ka hesho) lagu qiyaasay $300,000 maalintiiba..

Warbixin ay October 2003 qortay jariidada Kenya ee Daily Nation ayaa waxay ku qiyaastay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000 doolar oo Kenya ka soo gasha garooonka Deyniile oo keliya. Eeg halkan...

"Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray," sidaas waxaa qoray ABC Australia... March 2004.

Warbixin uu 2002 qoray Prof. Yuusuf Xirsi Axmed oo ahaan jirey macallin iyo Hormuud hore ee Kulliyaddii Caafimaadka ee Jaamacaddii Ummadda ayaa waxaa ka mid ahaa: "Keenidda qaadka waxaa ku baxda lacag adag oo waxyaalo kale oo faa’iido leh lagu keeni kari lahaa. Waagii Dawladda Soomaaliyeed qaadka mamnuucday (1983kii) waxaa la qiyaasay inay keeniddiisa ku bixi jirtey lacag gaaraysa US$ 47 malyan. Joornaal carabi ah oo dhowaan soo baxay wuxuu sheegay inay Xamar maalin walba ku soo degaan 12 dayuuradood oo qaad sidaa. Isugeyntooda kharajka maalmeed oo ku baxa waxaa joornaalku ku qiyaasay US$ 87,771. Marka kharajka sano ee qaadka ku baxa, Xamar oo keli ah, wuxuu noqonayaa (US$ 87,771x365=US$ 32,036,415). Haddaba, haddii laysu geeyo kharajka qaadka ku baxa dalka gudihiisa oo dhammi intee buu noqonayaa? Waa lacag fooqal caqli ah. Lacagtaas tirada badani waxay gashaa labo dal oo aan xinif leennahay, taasoo xoojinaysa awooddooda dhinac kasta ah. Sow arrintaasi muujin mayso fiiro gaabni dhaqaale iyo ficilo yari qarannimo ?!

Cilmibaarisyo la sameeyey 2006 waxa ay ku qiyaaseen in boqolkiiba 75% ay raga qaangaarka ah (ee Soomaaliyeed) ay isticmaalaan daroogadaas (Qaadka). Magaalo kasta waxa ay leedahay qol loogu talo galay Qaadka, halkaas oo raggu gabran yihiin saacado badan iyagoo dhegeysanaya Muusik aad u cod dheer oo calashanaya caleenta cagaaran oo ay ka kasoo dheecaameyso calyadu (candhuufta), kuna lingaxmaya ama ku dhegaya ilkahooda dhexdooda.

Marka laga soo tago xagga dhaqaalaha oo uu qaadku ka curyaamiyey mujtamaca Soomaaliyeed, waxaa sii dheer hab dhaqan iyo caafimaad iyo qoys oo uu burburiyey.

Daawo Video-a hoose oo muujinaya Diyaarad sidey in k abadan 50 Jawaan oo qaad ah oo Soomaalidu ku qamaamaayaan

Waxyeellada qaadka

Cathinone: (C9H11NO), waa nooc aalkolo ah (alkaloid) oo laga soo dhex saari karo qaadka, taas oo meelaha qaarkood looga yaqaan Catha edulis Forsk. (http://www.somaliatalk.com/cilmi/qaad.html)

Dhibka ugu weyn oo qaadku u geysto qofka cuna waa cafimaad darri ka dhalata hurdo la’aan (insomnia), raaxo la’aan (restlessness), hadal tiro iyo Himmo-kicin (talkativeness & excitement), daal badan (physical exhaustion), dabeecadda oo is beddesha (mood swings), il-waaynaad (mydriasis), cunto-xumo (decreased appetite),  dhidid joogto ah (sweating), hamimga iyo dareenka qofka oo dhaca, shuban (constipation), feker badan iyo buuq nafsiyan ah (suicidal depression). Waqti dheer qofka isticmalaayey qaadku wuxuu u keeni karaa waxaas oo dhan wax ka sii khatarsan sida: dhib xagga maskaxda ah (mental problem), cudurka wadnaha (coronary artery disease), kansarka afka (oral cancer), cudurka kelyaha (kidney disease) iyo cudurka beerka (liver disease).  Waxaa la ogyahay oo cad in qaadku dhibka ugu weyn u geeysto habdhiska dareenka dhexe oo loo yaqaan Central nervous system (CNS) .Waxaana lagu ogaadey taas marka la darsey xaaladda dadka cuna jaadka kuwaas oo ku nool walwal iyo cabsi (anxiety and paranoia) iyo dubaab (paracusia).  Dakhtar lagu magacaabo Dr. Michael H. Chapman oo ah dhakhaatiirta aad looga yaqaan dalkan Ingriiska kana tirsan jaamacadda college London Medical school, ayaa sheegay malintii cafimaadka (health day) in lix bukaan (patients) oo ahaa dad horey jaad u soo cuni jirey una dhashey East Africa ay dhammaan qabeen cudurada beerka kuwaas oo uu dhamaan sabab uga dhigay jaadka baaritaan uu ku sameeyey dabadeed. Qormadii Muna Abshir (http://somalitalk.com/2010/10/03/muna/)

Daroogada Qaadka oo burburneysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK

Telefeshanka SkyNews ee dalka Ingriiska ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka dhaqan-bulsho ee Qaadku ku hayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingriiska, halkaas oo boqolaal jawaab oo qaad ah la geeyo maalin kasta. SkyNews oo warkiisa ku bilaabaya “Tani waa warbixin ku saabsan daroogo burburinaysa Jaaliyad”, ayaa Video si qarsoodi ah uga duubtay Daroogada Qaadka ee la keeno Ingriiska.

Warbixinta TV-gu waxay sheegtay in 10 sano ka hor qaadka la soo gelin jirey dalka UK uu ahaa 10 tannes sannadkiiba. Laakiin hadda caddadka Qaadka ah ee la soo geliyo UK uu aad kor ugu kacay oo uu gaaray 10,000 tonnes sannad kasta (TOBAN KUN OO TAN).

“80% furriinku waxa uu la xiriiraa Qaadka. Raggii maalintii oo dhan waa hurdaan. Habeenkiina waa baxaan ayagoo guriga bannaanka kaga maqan, ayagoo qaa-cunid ku maqan. Dumarkiina ma awoodaan in ay isku wadaan korinta carruurta iyo in ay shaqeeyaan… Dhammaan raggii sidaas ayaan ku weyney” ayey yiraahdeen hooyooyinka uu waraystay TV-gu. Halkaas waxaa ka cad in Qaadku yahay waxa ugu weyn ee burburiya qoysaska Soomaaliyeed, ayna sababta leeyihiin ragga Soomaaliyeed ee qaadka cunaya.

Nin Soomaaliyeed oo ku dhaqan London oo magaciisu yahay Abuukar Cawaale oo sheegay in uu markii hore qaadka aad u cuni jirey ayaa SkyNews waxa uu sheegay in “Darooqada Qaadku uu fara ba’an oo burburin ah ku hayo bulshada Soomaalida ku dhaqan UK, ayna tahay in qaadka laga mamnuuco UK.” Waxana uu intaas ku daray in sannadkii hore ay magaalada London ku dhinteen 16 dhallinyaro ah arrimo la xiriira qaadka, ayuu yiri. Video halkan ka daawo.

Sannadkii 1980 ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka (ee loo soo gaabiyo WHO) waxa uu Qaadka u aqoonsaday daroogo aan qofku ka fuqi-karin ama iska deyn karayn, xilligaas ayaa hoggaamiyayaashii Geeska Afrika waxay u ololeeyeen ka soo horjeedsiga (Qaadka), iyagoo dhehaya isticmaalka badan ee Qaadku waxa uu dhaliyey Furriin badan, dumarka oo la garaacyo, iyo shaqo lumid. Dalka Soomaaliya dadka kasoo horjeeda dabeecadan qaranka ee faraha ka baxday waxa ay yiraahdeen in ragga isticmaala daroogada Jaadka waxa ay dayacaan qoysaskooda iyagoo lacag aad u farabadan iyo waqti ku bixinaya (Qaadka). (Akhri...).

Dalal badan oo adduunka ah qaadka waa ka mamnuuc waxayna u tixgeliyaan daroogo maan dooriye ah waana xarig qofkii lagu qabto.


Pity the donkeys of northern Kenya: the country's military has announced that those sold to the wrong people will be bombed.Read more: (http://www.smh.com.au)

2005: Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda

Qormadii Axmed Shiil (http://somalitalk.com/2011/05/17/qaad/)
Dhaawacyada uu Maandooriyaha Qaadku keeno:
• Gaas ama nabarada caloosha ku dhaca.
• Calool istaag ama caloosha oo qofka adkaata.
• Dhaawac xagga ilkaha iyo cirridka ah (ilkaha iyo cirridka ayuu burburiyaa).
• Beerka oo jirrada ama dhaawcyo ayaa soo gaadha.
• Qofka oo caatoobo.
• Qofka oo u nuglaado cudurrada kudhaco sanbabada iyo dhuunta.
• Ragganimada ama shahwada oo hoos udhacda.
• Xubinta taranka ee ninka oo hawlgab noqoto.

Isticmaalka maandooriyaha Qaadku wuxuu kaloo sababi karaa:
• Wadno garaac siyaado ah
• Naxdin, barax, qarracan iyo welwel degdega oo isla socdo oo halmar qofka kuhabsada
• Waalli ama qofkoo isku dhax yaaco, garashadana ay katagto
• Kala daadasho xagga maskaxda ah ama iskudhaxyaac
Isticmaalka maandooriyaha Metkatinom iyo Qaadkaba wuxuu sababaa:
• Waxay burburisaa xuubabka sanka gudihiisa kuyaallo.
• Waxay dhaawacdaa ama googoysaa hilibka gudaha afka, dhuunta, xiidmaha iyo mindhicirka.
• Waxay sababtaa caatonimo xaddhaafa.
• Waxay kuyaraysaa jirka biyaha oo way angejisaa.
• Waxay sababtaa xanuunno kudhaco maqaarka.
• Waxay keentaa cudurrada dhimirka kudhaco sida; qofkoo ay u muuqdaan wax khayaali ah oon jirin.
• Waxay keentaa murugo badan oo qofka ka tan badiso.
• Waxay kalooy sababtaa cudur u eg cudurka lalleemada (gariir uu qofku iska giriiro)

Isku soo duub oo haddii mujtamaca Soomaaliyeed ay hal mar si caam ah u go'aan san lahaayeen in ay joojiyaan cunista qaadka, waxaa hubaal ain Soomaalidu dib ugu soo kobci lahayd hab dhaqan-dhaqaale, iyo caafimaadba. Waxaa u soo bixi lahaa ama u badbaadi lahaa 115 million oo doolar sannad kata, lacagtaas oo horumar aad u weyn lagu fulin lahaa, lagaga kaaftoomi lahaa in badan oo gacan shisheeye.

In baan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa qirsan haddii la joojiyo qaadka gebi ahaantiisba in mujtamaca Soomaaliyeed ka dhismaayo xag kasta, dhaqan-dhaqaale, qoys, dhaqaale koboc iyo horumar dhinac kasta ah, maadaama qaadku yahay daroogo ragga Soomaaliyeed 75% ka dhigtay in aysanba fekerin oo ogeyn in dalku 20 sano dagaal ku jirey, burbur dhacay. Haddii la joojiyona ay soo baraarugi doonaan.

Hal ku dhegga sannadka 2012 waa in uu noqdaa "QAADKA QUBA"

Waa ololaha la dagaalanka Qaadka oo ka imanaya shacabka.

Qaadka Quba, Qalinka Qaata...

RA'YI: ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ku qor halkan ra'yigaaga

Video: Taariikhda Qaadka -- Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil

"Militariga Kenya ayaa Twitter-ka ku sheegay in halista ugu dambeysey ee dagaalka Soomaaliya ay tahay Dameeraha."

Militariga Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa muujiyey in roobab xooggan oo ka da'ay Soomaaliya awgeed aan loo baahnayn in biyaha lagu soo dhaansado dameeraha, sidaas daraadeedna in Kenya haddii ay aragto koox dameero ah oo meel ku wada sugan ay u tixgelineyso kuwo halis ku ah hawlgalkooda.


Sawir hore (AP) Dad ka qaxayey Muqdisho, oo alaabtoodii ku rartay dameero.

Maj Chirchir oo arrinta dameeraha ka hadlaya ayaa Twitter-ka ku qoray sidan:

"Roobab xooggan oo ka da'ay Soomaaliya ayaa waxay jidadka ka dhigeen kuwo aan la mari karin. Warka na soo gaaranayana waxa uu sheegayaa in Al Shabaab ay dameeraha ku raranayaan hubka. Dadka degaanku dameeraha biyaha ayey ku soo dhaansadaan, laakiin maadaama roob xoogani da'ay in biyo la doonto ma muuqato. Sidaas daraadeed koox dameero ah oo hal meel ku wada sugan waxaa loo tixgelinayaa dhaqdhaqaa Al Shabaab. Waxaa intaas dheer in ilo wargal ah noo sheegeen in qiimaha halkii dameer uu gaareen $150 ilaa $200 doolar. Keenyaatiga ku sugan "xadka" Soomaaliya iyo Kenya ee ka ganacsanaya dameeraha waxaa lagula talinayaa in aysan ka iibin Al Shabaab. In Dameeraha laga iibiyo Alshabaab waxay wiiqeysaa hawlgalka aan ka wadno gudaha Soomaaliya," ayuu yiri Maj Chirchir.

MSNBC oo arrintaas dameeraha ka faallooneysay ayaa qortay warbixin ay cinwaan uga dhigtay "Militariga Kenya ayaa Twitter-ka ku sheegay in halista ugu dambeysey ee dagaalka Soomaaliya ay tahay Dameeraha."


Magaalooyinka ay Kenya sheegtay inay Diyaaradaha ku duqayn doonto

Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya ayaa Talaadadii Nov 1, 2011 sheegay in weerar aan kala go'lahayn ay ku qaadi doonaan magaalooyinka: Baydhabo, Baardhere, Diinsor, Afgooye, Bu'aale, Baraawe, Jilib, Kismaayo iyo Afmadow.

Maj Chirchir isagoo adeegsanaya Twitter-ka waxa uu hadalka u dhigay sidan: BAIDOA, BAADHEERE, BAYDHABO, DINSUR, AFGOOYE, BWALE, BARAWE, JILIB, KISMAYO and AFMADHOW will be under attack continously - waxaa sidaas qoraalka u qoray Maj Chirchir, laba jeer ayuu qoray Baydhabo, waxa uu sheegay in weerarka uu ku qaadayo magaalooyinkaas uu xusay ay uu ahaanayo mid aan kala go' lahayn (will be under attack continously)..

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: