SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

  • SomaliTalk.com | Oct 7, 2011

    "Faarax Macallin wuxuu abuurayaa oo uu wadaa waa ONLF iyo Al Shabaab ama Argagaxisada qayb ka mid ah weeye, isaga naftarkiisa ayaa shaar xildhibaan ku gabanaya oo dawladda Kenya ku dhex jira... Wax Azaaniya la yiraahdo ka dhismi meyso, qaybna kam aha gobolladan, mana waafaqsanaha dastuurka maamul goboleedka ee Axdiga qaranka" Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG.

    Halkan ka dhegeyso Waraysiga (Radio Alfurqaan)

Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdi Kaliil oo u waramayay Idaacadda Al-Furqaan ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko soo gelitaanka ciidamada Kenya deegaano ka mid ah Gobalka J/hoose, wuxuuna ku jawaabay "Addeer Kenya arrimo dhinaca ammaanka ah ayay u soo gashay dalka Soomaaliya, mana ahan dowlad dooneysa in ay qabsato Soomaaliya, waxayna ka mid ah tahay dowladaha deriska la ah Soomaaliya, waxayna ujeedadoodu tahay sidii dalka looga saari lahaa kooxaha argagixisada ah, waana barnaamij Caalami ah oo lagula dagaalamayo kooxahaasi, marka waa hawlgal ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Kenya, waxaana la filayaa in marka uu hawlgalkaasi dhamaado in deegaanada ay gacanta ku dhigto ay ku wareejin doonto Ciidamada AMISOM".

Mr. Kaliil ayaa la weydiiyey su’aal ahayd "Kenya waxay sheegtay in ujeedada ay u soo gashay soomaaliya ay tahay in ay gacanta ku soo dhigto kooxo soo afduubtay dad dalxiisayaal ah, sow ma aheyn in ay xuduudkeeda difaacato?". Wuxuuna ku jawaabay "Sharcigu sidaas ayuu ahaa sidaasi darteed Dowladda Kenya waxay dalka Soomaaliya ku soo gashay heshiis dhex maray iyo Iyada iyo Dowladda Federaalka". Sidoo kale mar wax laga weydiiyey duqeyntii diyaaradaha Kenya ka gaysteen xero ay deganaayeen dad Barakacayaal ah oo ku taala deegaanka Jilib ee gobalka J/dhexe ayaa wuxuu ku jawaabay "sidaan la socono ma aheyn xero qaxooti ee waxay ahayd meel saldhig u ahayd xarakada Alshabaab, mana jirto cid duqeyneysa xero qaxooti", sidoo kale waxaa la weydiiyey sida uu arko in Ra’isul Wasaaruhu raaligelin ka bixiyey duqeyntaasi oo qiray in shacab la duqeeyey, balse Mr Kaliil wuxuu ku adkeysay in la duqeeyey Xero Milatari.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo waxaa la weydiiyey su’aal ahayd markii ciidamada Dowladda ay ka saari waayeen deegaanadaasi xarakada Alshabaab ayay ciidamada Kenya sidaasi ku soo galeen Soomaaliya, wuxuuna guddoomiyuhu sheegey in ay ka saareen Alshabaab deegaano dhowr ah, isla markaana aysan jirin wax guulo ah oo Shabaab ka gaareen dagaaladii ay la galeen ciidamada Dowladda, isla markaana dib ayaa laguu celiyey deegaanadii ay ka soo duuleen.

Sidoo kale Mar wax laga weydiiyey Guddoomiyaha in duulaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku soo galeen uu yahay mid garab lagu siinayo ciidamada AMISOM laakiin aan iyaga loo qabaneyn deeganadaasi, wuxuu ku jawaabay "AMISOM dhul looma qabanayo, AMISOM waa ciidamo nabad ilaalin ah, Kenya kuwaas ayay qayb ka noqoneysaa, dalkaan waxaa loo qabanayaa Dowladda Federaalka , hawlgalkana waxaa hogaaminaya Saraakiil Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil waxaa la weydiiyey su’aal ahayd in ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya ujeedkooda ay tahay sidii Gobalada Jubbooyinka looga dhisi lahaa Maamul Gobaleed la magacbaxay ASAANIYA sida uu horey u uga dhawaajiyey Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, ayuu Mr Kaliil wuxuu ku jawaabay "Aniga arrimahaasi wax kama ogi laakiin Faarax Macalin waa nin ka mid ah Baarlamaanka Kenya kamana hadli karo arrimaha dalka Soomaaliya, wax ASAANIYA la yiraahdo oo Soomaaliya ama Kenya ka jirana ma jiraan, arrimahaasna inaad warbaahinta ka abuurtaan ma fiicna oo aad buunbuunisaan, Faarax Macalin wuxuu abuurayo waan og nahay, waa nin huwan shaar OLNF ama argagixisada qayb ka ah, wuxuuna ku gambanayaa Magaca Xildhibaan sidaasi darteed wax ASAANIYA la yiraahdo ma jirto, qaybna kama ahan Gobaladaan Koonfurta, dastuurka Maamul Gobaleedkana ma ahan mid waafaqsan".

Halkan ka dhegeyso Waraysiga (Radio Alfurqaan)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

RA'YI: ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ku qor halkan ra'yigaaga


Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: