SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Kenya oo sheegtay in ay diyaarado ku duqayn doonto magaalooyinka: Baydhabo, Baardhere, Diinsor, Afgooye, Bu'aale, Baraawe, Jilib, Kismaayo iyo Afmadow.

iyo Madaxweynaha DFKMG oo si degdeg ah ugu dhoofay Kampala...

  • SomaliTalk.com | Nov 2, 2011

    4. (k) - The government should also not be subjected to motions unless that motion has been justified and substantiated with strong evidence of a breach of the TFC (Transitional Federal Charter) - Kampala Accord, June 9, 2011.


Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Axmed ayaa Talaadadii u ambabaxay magaalada Kampala, kulan degdeg ah oo uu ku aaday dalkaas Uganda.

Sheikh Shariif ayaa hore u sheegay in uu ka soo horjeedo ciidanka Kenya ee galay gudaha Soomaaliya, laakiin aan war dambe ka soo yeerin kaddib markii ra'iisul wasaaraha DFKMG uu tegey Nairobi kuna soo saxiixay heshiis aan waqti xadidan u qaban inta ciidamada Kenya ku jirayaan gudaha Soomaaliya.

Magaalada Kampla waxaa 9-kii June 2011 lagu kala saxiixday heshiis DFKMG dhexdeeda ah oo loo bixiyey Cahdigii Kampala (Kampala Accord). Waxaana qodobadii heshiiskaas ka mid ahaa qodob ogolaanayaa in Dawladda laga keeni karo mooshin ka dhan ah haddii si rasmi ah loo hayo caddayn muujinaysa ku xad gudub Dastuurka Federaalka Kumeelgaar ka ah. Qodobkaas oo ah kan 4aad, faqradiisa (k) waxa uu u qoran yahay sidan:

  • The government should also not be subjected to motions unless that motion has been justified and substantiated with strong evidence of a breach of the TFC (Transitional Federal Charter)

Waxaa muuqata in si toos ah loogu xad gudbey xornimada Soomaaliya, Qodobada hoosena waxay ka mid yihiin kuwo ku qoran dastuurka FKMG oo lagu xad gudbey:

Qodobka 2aad ee Axdiga DFKMG oo ku saabsan Dhulka waxa uu dhigayaa:

  • 1. Wadajirka dhuleed iyo siyaaddada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xadgudbaan, lamana qaybin karo.

  • 2. Siyaaddada dhulka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay ka kooban tahay dhulka, jasiiradaha, dhul-badeedka, gunta dhulka, hawada sare iyo goobta ay qaaradda kaga taal.

Qodobka 71aad ee Dastuurka FKMG oo ku saabsan muddada kumeel gaarka waxa uu dhigayaa

  • (8) - Marka la dhammeeyo Shirka Nabadeynta Qaran ee Kenya, dhammaan ururada maleeshiyada, kooxaha hubeysan iyo kooxaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ka jira ma sii jirayaan waxayna hubkooda ku wareejinayaa Dowladda.

Kampala Accord waxaa wada saxiixay labada Shariif, Museveni iyo Mahiga.

Sheikh Shariif waxa uu November 1, 2011 si deg deg ah ugu dhoofay Kampala, welina kama soo bixin war rasmi ah oo ku saabsan safarka Uganda, xilli ay ciidamada Kenya ku jiraan gudaha Somaliya oo ay duqayn u geysteen magaalooyin Soomaaliyeed, dad shacab ahna ku dhinteen duqaynta Kenya.

Magaalooyinka ay Kenya sheegtay inay Diyaaradaha ku duqayn doonto

Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya ayaa Talaadadii Nov 1, 2011 sheegay in weerar aan kala go'lahayn ay ku qaadi doonaan magaalooyinka: Baydhabo, Baardhere, Diinsor, Afgooye, Bu'aale, Baraawe, Jilib, Kismaayo iyo Afmadow. Maj Chirchir isagoo adeegsanaya Twitter-ka waxa uu hadalka u dhigay sidan: BAIDOA, BAADHEERE, BAYDHABO, DINSUR, AFGOOYE, BWALE, BARAWE, JILIB, KISMAYO and AFMADHOW will be under attack continously - waxaa sidaas qoraalka u qoray Maj Chirchir, laba jeer ayuu qoray Baydhabo, waxa uu sheegay in weerarka uu ku qaadayo magaalooyinkaas uu xusay ay uu ahaanayo mid aan kala go' lahayn (will be under attack continously)..

RA'YI: ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ku qor halkan ra'yigaaga

Kenyan Military Says It Plans to Attack 10 Towns in Somalia ‘Continuously’


Kenya issues attack warning over Twitter


C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya



Kampala Accord

Norway oil interests push Kenya into Somalia proxy war

Somalia: Oil And Interests – Shadowy Areas Lurking Behind Kenya Offensive

History Repeats Itself with Somalia Invasion: Kenya government spokesman Alfred Mutua admitted on October 26 that plans for the invasion had been in the works for months. The New York Times reported that the invasion was about long-term economic development plans that include an ambitious proposal to build a massive port in Lamu which would be connected to landlocked and oil-rich South Sudan and Ethiopia with roads, railroads, and an oil pipeline. The problem is that this infrastructure upgrade is in a province that is close to Kenya’s border with Somalia – a region plagued with frequent incursions by militants from that anarchic country. “This is about our long-term development plan," a senior Kenyan official told The New York Times. "Kenya cannot achieve economically what it wants with the situation the way it is in Somalia, especially Kismayu.,” More


Gaari Militariga Kenya, (Sawirka: Daily Nation)

Somali rebels claim attack on Kenyan forces

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisii oo dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ref: XRW/OM/PR 0088/11/11 Date: November 01, 2011

Warsaxaafadeed

Halkan ka daawo Sawiro

November 1, 2011------Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal labo cisho qaatay oo ay ku tageen magaaladal Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay kula soo kulmeen heshiisna kula saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah ee Aadancadde International waxaana soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil, iyo bulshada rayidka ah iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu saxaafada uga warbixiyay natiijada kulankii Nairobi. “Natiijo wanaagsan ayaa ka soo baxday kulankii Nairobi aan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya waxaana kala saxiixay heshiis iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay ku xoojinayaan xiriirkooda dhanka ammaanka iyo siyaasada, wuxuuna ku soo idlaaday kulankeenu is afgarad” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo iska fogeeyey inuu jiro wax kala aragti duwanaanshiyo ah oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha dowladda Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in kulamo kale oo gooni gooni ah uu la qaatay madaxda Kenya iyo kuwa beesha caalamka kaasoo lagu xoojinayo taageerada heshiiska labada dowladood, “Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiskan waa in si isku mid ah hal meel looga soo wada jeestaa caddowga labada dowladood, gacan bir ahna lagu qabto” ayuu mar kale yiri.

-DHAMAAD -

Office of the Prime Minister
+252615615536608 +252699998854 media@opm.gov.so ayarisow@opm.gov.so Mogadishu, Somalia


Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo ka hadlayey kulankii heshiiskii Nairobi, Oct 31,2011

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: