SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Duulaanka Kenya waa mid salka ku haya in ay Shidaal ka Baarato Xeebaha Soomaaliya...

  • Maxamed Cabdi Gaani oo ka hadlay Kenya iyo Maamulka Azaniya ee laga samaynayo Jubbooyinka - "Maxamed Cabdi Gandhi, waxa uu ahaan jirey lataliye shirkadda Shidaalka ee Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska" BBC
  • David Shinn “Kenya way ku khasaari doontaa Gelitaanka Soomaaliya, waxaana Taageero heli doona Alshabaab”;

SomaliTalk.com | Oct 29, 2011


Maxamed Cabdi Gaandi oo ka hadlay Kenya iyo Maamulka Azaniya ee laga samaynayo Jubbooyinka

Shabakada BBC English ayaa qortay warbixin ay kaga hadashay Azaniya, waxayna xustay in aaggaasi yahay dhul qani ku ah Shidaal (oil). Waxaana warbixintu raacisay in Maxamed Cabdi Gandhi, wasiirkii hore ee difaaca DFKMG, waxa uu lataliye ahaan hore ugu soo shaqeeyey shirkadda Shidaalka baarta ee Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska. Arimahaas ayaa waxay dadka qaarkii sheegeen in dalalka Faransiiska iyo Norway ay lacag ku bixiyeen mashruuca Azania, ayey tiri warbixintu.

Markii Gandhi la weydiiyey arrintaasna waxa uu yiri "Taasi waa war la isla dhex marayo oo aan run ahayn", waxana uu intas raaciyey "Inta aan ogahay ma jiraan koox ama shirkad noo timid. Marka ay nabadi dhacdo waxaan albaabada u fureynaa shirkada caalamiga ah ee shidaalka baara. ma jiraan wax miiska hoostiisa ah.

Bishii September ayey ahayd markii Shirkadda Fransiiska ee Total ay heshiiska la gashay Kenya si shidaal looga sahamiyo aagga loo yaqaan BLOCK L5 oo 150km gudaha u gashan dhul badeedka Soomaaliya, arrintaas oo aan ilaa hadda Sheikh Shariif wax jawaab ah ka bixin.

Waxa kale oo uu intaas raaciyey in madaxwenaha DFKMG Sheikh Shariif uusan isbedel doonayn, balse waxa uu rabaa ay tahay Alshabaab.

Waraysi kale oo uu siiyey Idaacadaa British Broadcasting Corporation (BBC), qaybta Afka Soomaaliga halkan ka dheegyso

Dhanka kale jariidadda The Star qoraal ay cinwaan uga dhigtay (Why Somali President Wants Kenya Army Out) ayaa lagu xusay waraaqo ay is weydaarsadeen Sheikh Shariif iyo madaxda Kenya, kuna saabsan ciidamada Kenya tabaraysey iyo ujeedadooda.

Sidoo kale qoraaga caanka ka ah Kenya ayaa qoraal uu cinwaan uga dhigay (The Quixotic Invasion of Somalia Will Devastate Kenya) waxa uu kaga faallooday sida uu u saadaalinayo in weerarka ay Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya uu sababi karo in Soomaaliya ay la soo laabatoo gobolka NFD oo gumaysigii gacanta u geliyey Kenya.

Qoraallo badan ayaa muujinaya in ujeedada Kenya ay u gashay Soomaaliya ay la xiriirto batrool ama shidaal laga baarayo aagga Lamu oo la doonayo in qayb Soomaaliya ah halkaas lagu darsado. (Somalia: Oil And Interests – Shadowy Areas Lurking Behind Kenya Offensive) - Norway oil interests push Kenya into Somalia proxy war.

Waxaana Kenya sheegtay in duulaanka ay ku qaaday Soomaaliya in uusan lahayn waqti go'an oo aya ka soo baxayso. (Kenya's Operation Linda Nchi not time bound).

Dhanka kale waxaa dib loo dhigay warbixin uu soo bandhigi lahaa Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasada, B. Lynn Pascoe, warbixintaas oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo bandhigo 27-kii October ayaa la sheegay in dib loo dhigay ilaa 31-da October, 2011. Waxaana warbixintaas ka mid ah in Madaxda Soomaaliyeed loogu baaqi lahaa in ay ku dhawaaqaan aagga dhaqaalaha ee Badda Soomaaliyeed cabbirkeeda.... "The report also calls on Somali authorities to declare an exclusive economic zone off the Somali coast and take other steps to enhance maritime security, such as acceding to relevant international conventions." Akhri (Somalia Briefing and Consultations Postponed.)

Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka

Shiikh Shariif iyo Cabdiweli kee baa Siyaasadda looga Adkaan doonaa Maadaama Shiikh Shariif uu Daaqadda kala baxay ilaa Afar Masuul intii uu Xilka hayey.

Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa la sheegay in ay guddoonka Baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Dowladda Kenya oo ciidamadeedu soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.

Xildhibaan diiday in magaciisa la xuso ayaa noo xaqiijiyey in Guddoonka Baarlamaanka loo gubiyey mooshinkaasi isagoo sheegay in Ra’isul Wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas uu raali ka noqday in si sharci daro ah ciidamada Kenya ku soo galaan dhulka Soomaaliya, isla markaana uu ka hor yimid go’aankii Madaxweyaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif oo ahaa in shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka aysan marnaba ogolaan doonin in ciidamada Kenya iska soo galaan dhulka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaankaasi in Dowladda Kenya ciidamadeedu ay si sharci daro ah ku soo galeen dalka Soomaaliya iyagoo aan ogolaansho ka haysan Baarlamaanka Soomaaliya isagoo sheegay in AMISOM soomaaliya ku joogaan fasaxa Baarlamaanka sidaasi darteedna aysan xildhibaanada Baarlamaanka marnaba ogolaan doonin in dalka Soomaaliya layska soo galo.

Ugu dambeyntii xildhibaankaan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka uu ku kacay wax uu ku tilmaamay Khayaano Qaran, kadib markii uu sheegay in Kenya ciidamadeeda ku joogaan dhulka Soomaaliya rabitaanka Dowladda Federaalka.

Dowladiihii Soo marey Dalka gaar ahaan waqtiyadii dagaalada ayaa waxaa la dhihi karaa midba mid kale ayuu Siyaasada uga adkaadey - aan soo qaadano Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxaa uu Daaqadda kala baxay Raiisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi hase yeeshee Bilo ka dib waxaa isna Daaqada laga saarey Cabdulaahi Yuusuf ka dib markii uu siyaasada uga adkaadey Raiisul Wasaarihii hore Nuur Cadde ,waxaana Siyaasada Soomaaliya Majaraha u qabtey Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo intii uu hayey Waxaa xilalkoodii waayey Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe , waxaa Xigey Raiisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid , waxaana si lama filaan ah Daaqada uga baxay Raiisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hadaba waxaa soo ifbaxaya Khilaaf ka dhex jira Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli waxayna dadka u kuurgala Siyaasadda ay sheegayaan in La gaarey Waqtiigii Shiikh Shariif uu isna iska bixi lahaa waayo ilaa Afar Masuul ayuu siyaasada kaga adkaadey sidaa darteed waa la arki doonee halka ay ku Dambeyso Tartanka Isreeb reebka Madaxda Dowladda Federaalka .

 

David Shinn “Kenya way ku khasaari doontaa Gelitaanka Soomaaliya, waxaana Taageero heli doona Alshabaab”;


Mr. David Shinn oo horey u ahaa danjiraha Mareykanka u adhiya ee dalka Itoobiya ayaa wax laga weydiiyey soo gelitaanka ciidamada Kenya ee dhulka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in haddii ay Kenya dooneyso ama hamigeedo yahay in ay qabsato koonfurta Soomaaliya ay ku khasaari doonto, isla markaana ay ka qoomameyn doonto.

Danjire David Shinn wuxuu xusay in Kenya ay ku deg deg tahay gelitaanka dhulka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Haddii ay dooneyso in ay Soomaaliya mudo dheer ku jirto ayna Gobalada Koonfureed qabsato, ama ay wadato qorshayaal siyaasadeed iyo Dhul balaarsi waxay ka mudan doontaa khasaare dhinac walba leh, waxaana kula talin lahaa in Kenya ay ka joogto in ay horey u sii gasho gudaha Dalka Soomaaliya”.

Mar wax laga weydiiyey David Shinn qorshaha Kenya ay ku sheegtay in ay dagaal la galeyso Xarakada Alshabaab wuxuu yiri David Shinn “Haddii ay Kenya mudo kooban ay ku fulineyso hawlgalkaasi way dhici kartaa in ay natiijo ka gaarto, laakiin haddii ay ku fekerto hami qabsasho, taasi waxaa ka imaan kara cawaaqib xumo”, wuxuu intaas sii raaciyey in gelitaanka Kenya ee dhulka Soomaaliya ay xarakada Alshabaab ka heli doonto Taageero aad u xoogan oo ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

Mr. David Shinn ayaa lagu xasuustaa xiligii ay ciidamada Itoobiya galeen Soomaaliya 2006 kadib markii uu xiligaasi sheegay in gelitaanka Itoobiya ee Soomaaliya ay Itoobiya u keeni doonto khasaare taas oo markii dambe soo baxday soona dedejisay in Itoobiya ciidamadeeda si halhaleel ah uga baxaan dhulka Soomaaliya.

Waxaa isa soo taraya ka soo horjeesiga Kenya ee Gudaha Dhulka Soomaaliya taasoo inta badan shacabka soomaaliyeed ay si aad uga horyimaadeen ka dib markii Gelitaanka Ciidamada uu noqdey mid huwan siyaasado Dhul Balaarsi ah waayo Dowladda Kenya Soomaaliya waxay ka leedahay Dano aad u fara badan oo ugu Horeyso dhinaca Badda . 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

  • Kibaki:  "Hawlgalka aan ka fulinayno gudaha Soomaaliya waa mid sharci ah oo aan ku difaacayno xornimada iyo wadajirka dhulka Kenya"
  • Kibaki: Qaxootiga Soomaaliyeed waa in lagu celiyaa dalkoodii ama la geeyaa dal kale..
  • Wasiirka Amniga gudaha Kenya: "Kenya uma dan laha in ay qayb ka goosato Soomaaliya"

SomaliTalk.com | Oct 29, 2011


Jariidada reer Kenya ee Standard ayaa qortay in "Ciidamada Militariga Kenya ay ku guulaysteen in ay qabsadaan magaalada Buurgaabo ee gudaha Soomaaliya," Waxaana jariidadu soo xignaysey afhayeenka ciidanka Kenya Major Chirchir. ("Kenya’s Defence Forces successfully captured the town of Bargavoin in Somalia." ).

Warkaas in Kenya qabsatay Buurgaabo waxaa ku celceliyey telefishanada Kenya oo qoray cinwaano ay arrintaas ku muujinayaan - Hoos ka daawo Video... "Kenya Defence Forces capture key town" NTV

Waxaana warku intaas raaciyey in dawladda Kenya ay sheegtay in aysan Soomaaliya ka soo laabanayn ilaa "la xaqiijiyo Ammaanka iyo dhaqaalaha Kenya".

Dhanka kale madaxweynaha Kenya oo ka qayb gelaya shirka Barwaaqa Sooranka oo ka dhacaya Australia ayaa sheegay "Hawlgalka aan ka fulinayno gudaha Soomaaliya waa mid sharci ah oo aan ku difaacayno xornimada iyo wadajirka dhulka Kenya," ayuu yiri Kibaki ("Our mission in Somalia is therefore, based on a legitimate right to protect Kenya’s sovereignty and its territorial integrity".)

Kibaki waxa uu intaas raaciyey "Ma xamili karno culayska in aad marti gelino qaxooti aad u tiri badan, sidaas daraadeed waxaan barwaaqa-sooranka ugu baaqayaa in ay naga taageeraan sidii loo fududayn lahaa in (qaxootiga) lagu celiyo Soomaaliya ama la geeyo dal kale."

Xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif ayaan ilaa hadda war cad ka soo saarin sheegashada Kenya sheegatay in ay qabsadeen dhul Soomaaliyeed, waxaana warki iugu dambeeyey ee lag amaqlay madaxweynaha DFKMG uu ahaa in uusan raali ka ahayn in ciidamo Kenya soo galaan Soomaaliya, laakiin aysan muuqan in arrintaas ay Kenya dheg u jalaqsiisay.

Saitoti: Kenya uma dan laha in ay qayb ka goosato Soomaaliya

Wasiirka Amniga gudaha Kenya George Saitoti ayaa Jimacdii sheegay in Kenya qorshaha ay ku gashay Soomaaliya uusan ahayn in ay qabsadaan Soomaaliya. Isagoo intaas raaciyey waxa ay u socdaan in uu yahay in ay sugaan ammaanka xuduudaha ee aysan doonayn in ay Kenya kusoo daraan qayb ay ka goosteen Soomaaliya - (Saitoti: Kenya doesn't intend to annex Somalia).

Waxaana hadalka Saitoti ka mid ahaa  "Waligeed ujeedadayadu m anoqon mid la xiriirta dhul aan ka soo goosano Soomaaliya ama dhulkooda qaadano. Kenya waxa keliya oo ay doonaysaa in ay difaacdo dalkeeda iyo dadkeeda."

Waxana uu intaas raaciyey in ciidamada Militariga Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ay hadda la dagaalamayaan Alshabaab oo ay ka soo laaban doonaan marka ay tirtiraan.

Ciidamada Kenya ayaa Oct 16, 2011 wqaxay ku duuleen gudaha Soomaaliya, hawlgal militari oo ay ugu magac dareen “Operation Linda Nchi”.

VIDEO: Kenya oo Sheegtay in ay Qabsataya Buur Gaabo

VIDEO: Militari lagu weeraray Gaarisa Agteeda

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Oct 28, 2011 Kibaki said: "Our mission in Somalia is therefore, based on a legitimate right to protect Kenya’s sovereignty and its territorial integrity". "Kenya can no longer bear the burden of hosting the massive number of refugees and calls upon the Commonwealth to support efforts to facilitate their return to Somalia or relocation to another country," Eeg halkan)

Akhri: Are Kenyans seeking a buffer zone in Somalia? (bbc English)
BBC: There are reports that Azania - or at least the sea off its coast - is rich in oil.
Mr Gandhi, a former Somali defence minister, has worked as a consultant for the French oil giant Total. This and this has led some to conclude that countries including France and Norway have thrown money at the Azania project.
"These are all rumours. Not true," he says.
"To my knowledge, there are no groups or companies that have come to us. When it's peaceful, then we will open the door and all the international oil companies can come to explore. Nothing is under the table."

Saitoti: Kenya doesn't intend to annex Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: