SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

  • SomaliTalk.com | Oct 19, 2011

Markii Ciidamada Milatariga wadanka Kenya ay Soo galeen Qaybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose Bishaan October 16keeda sheegteyna Dowladda Kenya in ay Dagaal la galayaan Xarakadda AlShabaab waxaana arrinkaan si weyn uga soo horjeestey Xisbiyada Mucaaradka ee Wadanka Kenya iyagoo uga Digey Dowladda Kenya in ay Faregelin ku sameyso arrimah Gudaha wadanka Soomaaliyeed iyagoo sheegey in Faregelintaas ay dhibaato u keeni Doonto Dalka Kenya ha noqoto Mid Dhaqaale iyo Mid Nabadgelyo.

“Labaatan Sanno ayaa Dowladda Kenya iska ilaalineysey in ay Feregelin ku sameyso Soomaaliya marka maanta ma garan karo Baahida keentey in Kenya ay Faregelin ku sameyso arrimaha Gudaha ee Soomaaliya marka waxaan Dowladda Kenya uga digayaa Fergelintaas waayo Dowlado ka waaweyn kana dhaqaale Badan ayaa Faregelin ku sameeyey Soomaaliya wax ay ka dheefeen Ma jirto aan Qasaaro ka ahayn”ayuu yiri Kubuko oo ka mid Xisbiyada Siyaasadeed ee Wadanka Kenya wuxuu intaas sii raaciyey

“Dib u fiiri Mareykanka iyo Xulafadiisa waxay Faregelin ku sameeyeen Wadamada Ciraaq iyo Afganistaan maanta waxay ka taagan yihiin yaa mar naga saara marka Dowladda Kenya waa ku fududaatey in Xilgaan ay Fergelin ku sameyso arrimaha Gudaha ee Wadanka Kenya sidoo kale waxaa Xaqiiqo ah in Kenya ay ka indha la’ dahay Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waayo waxay Hubeysey Hal qabiil , qabiilkaas ayey Xerooyin lagu tababaro uga sameysey Gudaha Wadanka Kenya sida Azaaniya , Raaskambooni marka qabiilkaas keliya ma laha dhulka ay maanta Kenya faragelinta ku sameysey marka waxaan mar kale leeyahay Dowladda Kenya in ay fiiriso qaabka Beelaha Soomaaliyed u kala Degaan”

Sidoo kale Mucaaradka Kenya waxay sheegeen in Ciidamada Melateriga ee Kenya aysan Muddo qaadan Mushaaraadkoodii marka waxay Dowladda Kenya kula Taliyeen in ay joojiso Feregelinta ay Ciidamadeeda ku sameeyeen soomaaliya islamrkaan ay dib u raacaan Feregelinadii soomaaliya ay ku sameeyeen Mareykanka iiyo Itoobiya kuwaas oo ay sheegeen in ay soomaaliya ka dhexleen Khasaarooyin Dhinacyo Badan .

Jaraaidka ka soo baxa Dalka Kenya ayaa si aad ah uga hadley Feragelinta Milateri ay Ciidamada Kenya ay ku sameeyaan Soomaaliya iyagoo soo qaatey Fikrado badan oo ay ka soo qaadeen Shacabka ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan in Ciidamada Kenya ay faregelin ku sameeyaan Dalka Soomaaliya waxayna ay ka codsadeen Dowladda Kenya in ay Ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya islamarkaana ay Xooga saarto arrimaha Amaanka ee Gudaha .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Cali Ameerika, Safiirka DFKMG u fadhiya Nairobi oo taageeray Kenya.. DAAWO


Cali Ameeriko

Golaha Wasiirada Kenya oo ogolaaday in ciidankoodu galo Soomaaliya


Telefishanka Kenya ee NTV ayaa Isniintii soo saaray video muujinaya in ciidamada Kenya ay dhanka gudaha Soomaaliya u dhaafeen dhaagaxa yaal "xad beenaadka" NFD, kaas oo weriyuhu si qayaxan u sheegayo in ciidanka Kenya ay ku jiraan dhanka gudaha Soomaaliya. Waxana uu farta ku fiiqayaa dhagax yaal xadka oo dhanka gudaha Soomaaliya ay u dhaafeen ciidanka Kenya.


Weriyaha oo farta ku fiiqaya dhagax yaal "xad beenaadka", dhinaca kalena uu ka muuqdo gaari milatari.
Weriyaha: "The truck is actually the other side on the border, that is Somalia"


File photo:  Sawirka: http://www.worldbulletin.net/?aType=haber&ArticleID=80349
Sawir kale: http://www.worldbulletin.net/?aType=fotohaber&FotoID=3276

Faafin: SomaliTalk.com | October 19, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: