SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Ciidamo Itoobiyan ah Oo aad u Fara Badan Oo Maanta Soo Gaaray Degmada Balan Balle ee Gobolka Gal Gaduud

Nov 19, 2011: Wararka naga soo gaaraya Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta Ciidamo Itoobiyaan ah aad u hubaysan watana Gaadiidka Uuraalka, Taangiyo Diyaaraduhuna ay galbinayaan in ay soo gaareen Magaalada Balan Balle ee Gobolka Gal gaduud.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamadan oo aad u fara badan watana Gaadiid kala duwan in ay maanta halkaa soo gaareen. ,Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa dhinaca Xadka kaga soo tallaabay gudaha Dalka Soomaaliya iyadoo aan la ogeyn meel ay ku jihaysan yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in ciidamadaasu Fariisimo ay ka samaystaan gudaha Magaaladaasi halka wararka qaar kalena ay tibaaxayaan in ay suurta gal tahay in ay u soo gudbaan dhinaca Koofurta.

Degmada Balan balle oo ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaan isagu ka hadlin soo gelitaanka Ciidamadan faraha badan ee maanta lagu arkay gudaha magalada balan balle. Si kastaba wixii warar ah ee dheeraad ah ee ciidamadaas ku saabsan waxaad kaga bogan doontaan wararkayaga danbe.


File photo

Dhinaca Kale Iyadoo in dhawaalaba Degaanka kala Beeyr ee Degamada Beledweyne ay ku sugnaayeen Askar ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa haddana maanta halkaa soo gaaray Ciidamo kale oo dheeraad ah.

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa waxa ay wateen Gaadiidka Dagaalka noocyadiisa kala duwan kuwaasoo socod dheer ku maray inta u dhaxaysa degaanka Ceel Gaal iyo kala Beeyrka.

Dadka degaanka ayaa si weyn uga argagaxay ciidamadan faraha badan ee gudaha u soo galay Gobolka Hiiraan iyadoona meelaha qaar ay dadku bilaabeen in ay halka isaga bara kacaan iyagoona ka baqa qaba in halkaas uu iska hor imaad ku dhex maro Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Itoobiyaanka.

Ciidamada Xarakada shabaab oo iyagu gacanta ku haya Magaalada Beled weeyne ayaa waxaa qudhooda ka muuqanaya diyaar garow xoog leh iyadoona la arkayay Dhufeysyo hor leh oo ay ka sameysanayaan gudaha magaalada Beled Weyne iyo Daafaheeda .

Xiisado Colaadeed ayaa laga soo sheegayaa inta u dhaxaysa Magaalada Beled weyne oo ah Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan iyo degaanada waqooyiga ka xiga iyadoo aanay wanaagsanayn xaaladda halkaa ka jirta.

Si kastaba soo gelitaankan Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhiilo hor leh abuurtay iyadoo dhawaana Ururka Midowga Afrika uu ansixiyay in ciidamada Itoobiyaanku ay gudaha u galaan Dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan hawl galka amisom.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2011

Nov 18, 2011: Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya.

Nav 18, 2011: Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Sheegey in Dhalinyaro u Dhalatey Mareykan oo Tiradoodu u dhaxeyso 700- 1000 ay ka Barbar Dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab

Nov 17, 2011: Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) Oo Soo Dhaweeyay Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Nov 17, 2011: Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed (SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah Qaranimada dalka

Nov 16, 2011: Sheikh Shariif oo gaarey Nairobi iyo Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh Shariif taageersan yahay hawlgalkooda Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya

Nov 14, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay Gaartey Boqolkiiba 50% Ujeedadoodii ugu weynayd ee Hawlgalka Militari, taas oo ah in ay Samayso Aagga loo yaqaan buffer zone

Nov 14, 2011: Prof Xuseen Warasame “Dowlada Kenya waa ku Fashilantey Duulaankii Soomaaliya , Taakulo yar oo ay ka Heshana Israa’iil waxay ku Diri doontaa Muslimiinta”

Nov 13, 2011: Kenya oo Sheikh Shariif  degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya

Nov 11, 2011: Axmed Madoobe oo 10 Kiilo oo Aargoosato ah ku casumay Weriye reer Kenya oo waraysi ka qaaday

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: