Home » Archive Bisha July, 2014
Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu !!
Arrimaha muujinayaa in horarradii shalay ay hagardaameynta halkoodii ka wadaan wey badanyihiin, aanse ka soo qaadanno qoraal hordhac ah oo laga soo saaray qodobbada looga hadli doono shirka Istanbul. Qoraalkaasi wuxuu sheegayaa: “Marka la eego xeebta dheer, Soomaaliya ma lahan aag ganacsiga ee gaarka ah EEZ (Exclusive Economic Zone) oo lagu sameeyay hab waafaqsan Xeerka Qarammada Midoobay ee...
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa “ Go’aankii hore ee Baarlamaankii ku meel gaarka ahaa ee Badda Soomaaliya sidiisii ayuu u Taagan yahay”
Iyadoo maalmahan ay dib u soo noolaatay Sheekadii Xadeynta Badda Soomaaliya isla markaana Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaaliya Xasan Shiikh Maxamuud dhawaan uu waraaq u qoray qaramada Midobay ayaa arrintaa waxaa si weyn uga soo hor jeestay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka federaalka Soomaaliya.Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya in xiligan aysan habooneyn in wax wada hadal ah laga galo...
Halkan ka daawo go’aankii Baarlamaankii hore ku diidey heshiiskii is-afgaradka Badda
IN LA DIIDO IS-AFGARADKII: In Is-afgaradkii Xukuumaddu la soo gashay Dawladda Kenya in la diido oo arrintaas laga dhigo waxba kama jiraan, oo la yiraahdo xukuumada is afgaradkii aad keenteen baarlamaanku waa diidey.. oo Heshiiskii xukuumaddu keenta in gebigiisba la diido.. (waxaa u codeeyey: 334 xildhibaan oo diidey heshiiskii is afgarad).
Read More →
Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego
Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:
Read More →
Muumin Giriig “Waa yaabe Maxaa isku soo beegey Magacaabista Cumar Cabdirashiid iyo Qoraalka Xasan Shikh uu u Gudbiyey Qaramada Midoobey ee Badda Soomaaliya.
Xasan Shiikh oo ku sii jeeda Bisha soo socota Dalka Mareykanka iyo Banaanbaxyo la doonayo in looga hortago ka dib markii uu Qaramada Midoobey u Gudbiyey Qoraal Muran lagu gelinayo Badda Soomaaliya .
Madaxweynaha Mareykana Barack Obama oo Warqadihii Aqoonsiga Danjiranimo ka Gudoomey Cumar Cabdirashiid
Iyadoo Dhawaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud 30-kii June ee Sannadkaan 2014 uu Qaramada Midoobey...
“Xasan Shiikh , Jawaari iyo Cabdiweli midna ma Awoodi karo in uu Bixiyo Badda Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Cali Seko oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore
Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seko) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore, haatan ah Siyaasi inta badan ka hadla Xaalada Siyaasadeed ee ku soo korodha Soomaaliya oo ka hadlayey War Dhawaan Soo Baxay oo ku saabsan in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Qaraal u direy Qaramada Midoobey kaasoo uu ku dalbanayo in laga Wada hadlo Badda Soomaaliya gaar ahaan Dowlada Soomaaliya iyo Kenya waxaana uu sheegey Cali...
Baarlamaanka Soomaaliya ma is-hor-taagi doonaan Madaxweyne Xasan xagal daacintiisa xeerka Badda Soomaaliya
Soomaaliya waxay leedahay mid kamid ah xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, kuna dhereran Badweynta Hindiya iyo Badda Cas (ama gacanka cadmeed), baddaas baaxadda weyn waxaa dhex jiifa khayraad aad u farabadan. Laga soo bilaabo 1991 markii ay burburtay Dawladdii Soomaaliya waxaa khayraadkaas guranayey shirkado iyo dalal shisheeye oo aysan jirin cid weli kula xisaabtantay.
Waxaa in badan oo warbaahinta...
Yaa Muqdisho uga Xog –Ogaalsan Nicholes Kay ?
Muungaab “Muqdisho Waa Nabad”
27–dii February ee Sannadkaan waxaa loo Magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) Magacaabistaas ayaa waxaa Masuulka u dheereyd Owood Dheer oo la siiyey ka dib markii la hoos geeyey Ciidamada Nabad Nabadsugida, iyo Kuwa Booliiska ee Gobolka Banaadir, Awooddaas hore uma haysan Duqii ka horeeyey ee...
Quraanka iyo xidhiiidhka la rabo in uu dhex maro qofka Muslimka ah
Asalaamu Alaikum Walaal
Allah wayn waxa aan ka baryayaa in uu inaga aqbalo wanaaga aynu bisha samaynayno.
Intaa ka dib walaal waxa aan halkan ku soo lifaaqay barmaamijkii koowaad ee barmaamijyo taxana ah oo aan kaga hadlayo Quraanka iyo xidhiiidhka la rabo in uu dhex maro qofka Muslimka ah. Waa barmaamija aan marwalba ku eegayno aaayad Quraan ah iyo waxa laga faaidyasanayo. Hadaad soo bandhigtaan Allah...
Somaliya Federal Dawlad la’an ah!! Qaybta 1aad
Marka laga hadlayo Hab-dhiska guud ee dawlada, dawladaha waxaa loo qaybshaa labao nooc: Dawlad Federal ah (Federal State) iyo Dawlad Midaysan (Unitary State)
Ugu horeyn Nidaamka federalka, waa qaab ay talada maamul iyo Hanaanka siyaasadeed ee dalka ku wadaagaan Xukuumadda dhexe iyo Maamullo ama Dawlada-Deeganno u madaxbanan arrimaha siyaasada , maamulka iyo sharci Dajinta Deeganadaas. Sadexda Haya’dood...
Kulan ku saabsanaa Daahfurka Filimka Dhibaatooyinka Burcad Badeeda ay ku leedahay Bulshada oo ka Dhacay Gaalkacyo.
Kulan si heer sare ah loo soo agaasimey islamarkaana lagu soo bandhigey Muuqaal ka Turjumayay Dhibaatooyiinka laga dhaxlay Falalkii Burcad Badeeda ee Sanadihii la soo dhaafey sida Xowliga uga socdey Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtey Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug
Kulan waxaa soo qabanqaabiyey Xarunta Macluumaad iyo ka Hortaga Burcad Badeeda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SAPIC ayaa...
Midowga Afrika oo Soomaaliya u soo Magacaabey Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya
iyo Safiirkii DF Soomaaliya u fadhiyey Ingiriiska oo loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda DF Soomaaliya….
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk July 11, 2014
· Midowga Afrika ayaa u Magacaabey Siyaasi u dhashey Wadanaka Nayjeeriya in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Maman Sedikou ka dib markii uu Xilkaas iaka Casiley Bishoo hore...
Mar unbaa mid lagu meelmariyo maahir noo kacaye! (qaybta 1aad)
Kacaankii ay u magacdareen kacaankii-warshadaha marka uu ka bilawday dhulalka reer yurub ee uu ingiriisku ugu horeeyay bartimihii qarnigii 18aad, ayay xoogagii reer yurub u tafaxayteen inay raadsadeen dhulal ay ka helaan agab cayriin oo ay ku qalabeeyaan warshadahooda. Waa tii ay qaybsadeen dhulalkii iyo dadyawgii africa, ayaga oo inaba ha yaraatee u aabe yeelin dadka deegaanadaas dagan.
Dalkayagan...
Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.3aad) – W.Q. Aden Colujoog
Qebtii 2aad ee qormadaan waxaan ku xusay in aan soo gudbin doono qaar ka mid ah luuqadaha Qaaradda Afrika looga hadlo ee qarka u saaran in ay dabar go’aan ama dhintaan.
Haddaba, maadaama ay jiraan luuqado badan oo dhamaan Qaaradaha adduunka looga hadlo oo kusii socda in ay dabar go’aan, ayaa waxaan halkaan kusoo gudbinayaa inta ay la’eg tahay tirada guud ee luuqadaha Qaaradaha Afrika iyo Yurub...
Muqdisho oo lagu Diley Garyaqaan si weyn looga yaqaan Dalka.
Dowladda Federaalka ayaa faahfaahin ka bixisey Weerara lagu ekeeyey Xaraunta Madaxtooyada ….
Madaxeynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xilkii ka qaadey Agaasimihii Madaxtooyada
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 9-7-2014
· Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley mid ka mid ah Qareenada Soomaaliyeed kaasoo...
Minneapolis: Gudoomiyaha Degmada 6’aad Abdi Warsame Oo Meel Mariyey Sharciga Takaasiilayda (Taxi/Cab)
Minneapolis : Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis, Mudane Abdi Warsame ayaa maanta gudiga horumarinta bulshada ee golaha degaanka horgeeyey xeerar cusub, cinwaankiisu yahay 13 cutubka 341. Xeerarkaan ayaa isugu jira kuwa cusub iyo kuwa hore oo dib u habayn lagu sameeyey, loogana gol leeyahay in culayska laga qaado darawalada iyo mulkiilayaasha gawaarida takaasiilayda (Taxis).
Sharciyadaan...
Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa Muqdisho ku diley mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahayd
Kabtankii ugu Horeeyey ee Kubada Cagta Maxamed Aadan Khalaf Shongole oo lagu Aasey Duleedka Magaalada Muqdisho.
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 8-7-2014
· Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahaa kaasoo lagu Magacaabi jirey Cumar Yuusuf Caliyow ( Cumar Bagadi...
Golaha Wasiirrada oo kulan la qaatay laamaha ammaanka dalka iyo Gudiga Difaaca ee Baarlamaanka
Muqdisho, ….Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyayaasha laamaha Ammaanka, Maamulka gobolka Banaadir, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Furitaanka kulanka waxaa ka hadlay...
Maqaayad (Restaurant ) aad ka Heleysid 176 Nooc oo Cunto ah.
Restaurant Khana Khazana International oo markii ugu Horeysey laga Furey Soomaliya
Sayid Hotel oo aad ka heleysid Jiif iyo Cunto Macaan
Magaalayadda Caalamiga ah ee Khana khazana ayaa markii ugu horeysey laga furey Magaalada Muqdisho waxay laamo ku leedahay 24 Wadan oo Aduunka ka mid ah, waxay kuu samaynaysaa 176 nooc oo Cuno ah oo ay ku jiraan Cunada dadka Sonkorta iyo Dhiig Karka qaba.
Sidoo...
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u gudbiyey Qoraal ka hor imanaya Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law no. 37
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.
Qoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref)...
Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn ku Diley Qoys ka Kooban 10 Qof
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 7-7-2014
· Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose waxay sheegayaan In Diyaaradaha Dagaala Kenya ay Duqeymo ka geysteen Tuulyinka Kudhaa, Buurgaabo, Stanbuul iyo Madhawo oo dhamaantood ku teedsan dhulka Xeebta ah , waxaana la Xaqiijiyey in Dad fara badan ay ku dhiteen Duqeyntaas oo 10 ka mid ah ay ka soo jeedaa Hal Qoys...
R.W Cabdiwali oo furay shirka wadatashiga Xeerka Saxaafadda
Muqdisho, July, 07, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mustafa Sheekh Cali “Dhuxuloow”, ayaa galabta furay shirka wadatashiga xeerka Saxaafadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta. Shirka ayaa soconaya muddo 2 cisho ah, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka socday Hey’addaha warbaahinta, Ururada...
Qarax ka dhacay Buuulo Xaawo oo ay ku dhinteen 5 askari ee dawladda Federaalka, iyo qarax kale oo ka dhacay meel u dhaw dekeda Xamar iyo goobo ka mid ah Kenya oo lagu laayey dad
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk July 6, 2014 –
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Dagaal ay Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab ku qaadeen Gudaha Dalka Kenya, Weerarkaas ayaa waxaa uu ka dhacay Laba tuulo oo ku dhow Degmada laamuu, Weerarka hore ayaa waxa uu ka dhacay Tuulo lagu Magacaabo Mwanda Njoka waxaana halkaa lagu diley 10 Qof Guryo iyo Hanti...
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay Masuul ka tahay Dilal iyo Qaraxada ku soo batey Muqdisho
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk July 5, 2014
· Qarax Ismiidamin ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Afaafka hore Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho ,waxaa Qaraxaasi la sheegey In ay Wayeelo ka soo gaartey Aaskar ka tirsan Cidamada Ilalinayey Xarunta Golaha Shacabka iyo Dad Barakacayaal ah oo ku dhawaa Xaruntaasi , waxaana Qaraxaani ka Hadley Laamaha...
TARTANKII QUR,AANKA EE KOOFUR AFRIKA OO MAANTA FURMAY
Waxaa maanta oo ah 07da ramadaan kuna aadan 05/07/14 masaajidka imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg ka furmay tartankii qur,aanka kariimka oo ay ku tartamaayeen dugisyada dalkan koofur afrika gaar ahaan jaaliyada soomaalida ee dalkan.
Tartankan oo sanadkan ay ka soo qaybgaleen 10 dugsi oo ku kala yaalo gobolada dalkan koofur afriko ayaa waxaa ku tartami doono inta uu socdo 36 arday, waxayna...