Home » Archive Bisha August, 2010

Soomaalida Minnesota iyo Loollanka Doorashada Gobanatoraha Gobolka

Aug 11, 2010
Minneapolis, MN – Waxaa shalay oo bishu ahayd 8/10/2010 dhamaan gobolka Minnesota si xoogleh uga dhacay doorashooyinkii is reeb reebka ahaa ee lagu kala dooranayay musharixiinta xisbi walba ooga qayb gali doona doorashooyinka dhacaya bisha Nofember, 2010. Haddaba doorashadda dhacday oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa si aad ah loogu loollamayay codka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka... 
Halkudheg:

Khilaaf soo kala dhexgaley Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ka dib markii Dowladda…

Aug 11, 2010
Jabuuti oo mamnuucday Diyaaradaha Itoobiya sababna uga dhigtay in ay yihiin diyaarado duugoobay.. Waxaa maalmahan si aad loo hadalhayaa Khilaaf dhinaca Duulimaayada uu soo kala dhex galey Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya kaasoo la xiriirra markii Dowladda Jabuti ay joojisey Diyaaradihii Itoobiya ee imaan jirey wadanka Jabuuti ka dib markii Dowladda Jabuuti ay sheetey in Diyaaradaha Itoobiya ay yihiin... 
Halkudheg:

Arbacada Waa Ramadaan, waxaa iclaamiyey Golaha Masaajidda W/Ameerika

Aug 10, 2010
Arbacada oo ku beegan August 11, 2010 waa bilowga bisha Raamadaan ( 1-da Ramadaan 1431), sidaas waxaa Woqooyiga Ameerika ka iclaamiyey Golaha Isutagga Masaajidda. “Arbacada waa maalin Ramadaan oo la soomayo, caawana waxaa masaajidda lagu tukanayaa Taraawiixda,” sidaas waxaa yiri Sheekh C/llaahi (Abul-fadli) oo kamid ah madaxda Golaha Isutagga Masaajidda W/Ameerika oo warka u xaqiijiyey... 
Halkudheg:

Calaamadaha Uurka Bilowga ah | MUNA YASSIN

Aug 10, 2010
Waxaa jira dhowr calaamadood oo lagu garto inay haweeneydu uur qaadday, ha yeeshee calaamadahaasi middoodna keligeed kuma filna inay tusaale cad u noqoto jiritaanka uurka, balse waa in la helaa iyaga oo isku duuban si loo hubiyo in uur jiro. 1- Caadada oo istaagta:- Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Ha yeeshee, haddii ay dhacday... 
Halkudheg: ,

Laba Haween ah oo Mareykanka ku eedeeyey in Taageero Siyaan Xarakada AL-Shabab oo arrintaa iska fogeeyey

Aug 10, 2010
Gole ay ku Mideysan yihiin Hogaamiyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho laga Abaabulayo …. DFKMG ayaa la sheegey in ay Hub u direen  Pundland …. Laba Haween ah oo Mareykanka ku eedeeyey in Taageero Siyaan Xarakada AL-Shabab oo arrintaa iska fogeeyey Doorashadii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koofur Afrika oo si Heer Sare u dhacdey …….. Gole ay ku Mideysan yihiin Hogaamiyaasha... 

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in joogitaanka hay’adaha caalamiga gudaha Soomaaliya la kordhin doono

Aug 10, 2010
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) WARSAXAAFADEED 016/2010 Nayroobi, 10 Agoosto 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay inuu ku hanweynyahay in joogitaanka wakiillo ka socda xafiiskiisa ay isa soo tari doonto gudaha Soomaaliya ayna horumarin doonto geeddi socodka nabadda ee ka socda... 
Halkudheg: ,

Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? Q.3aad | Al-Hasani

Aug 8, 2010
Baasboorkee  lagu soo gali karaa  Qatar? Waa su’aal ubaahan in layswaydiyo mar haddii- heshiis ama heshiis la’aan- dowladnimadii ladiidey! Dowlad la’aantii xanuun badan ayay nagu dhaaftay laakinse sida ay aniga ila tahay baasaboor la’aan wax kawayn majiraan marka laga hadlayo xariirka dibida. Baasaboorkaada oo ladiida ihaano kawayn ma jirta; waxayna lamid tahay jiritaankaada... 
Halkudheg:

Maareeyaha Guud ee Shirkada Kalluumaysiga Xaafuun: Badda Soomaaliya waxaa loo soo kiraystay khuburadii waagii dowladii Maxamed Siyaad ilaa dowladii Cabdirashiid

Aug 8, 2010
Maxamed Abshir Taange: Meelaha ay yaaliin HAAMAHA iyo FOOSTOOTINKA aan la aqoon waxaa ka mid ah Degaannada Xaafuun, Bayla iyo Raas Casayr….. “waxaan kuu sheegayaa dalka aynu ku nool nahay, in la inooka aqoon badan yahay GPS lagu wato oo Mobail-ka la eg, lagana faa’iideysanayo inta aynu isku jeedno” wareysi xiiso badan Waraysiga Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3) Maareeyaha Guud ee... 
Halkudheg: ,

740 arday oo u fadhiisatay intixaankii Jaamacada Somaliya Magaalada Muqdisho oo ay rabshaduhu ka socdaan.

Aug 7, 2010
Kuliyada caafimaadka ee jaamcada Muqdisho ayaa Jimcadii lagu qabtay xaflada lagu xirayey semester-ka 1aad isla markaana lagu soo dhaweynayey aradayda cusub ee sanadka 2010 iyo 2011 ka Halkan ka daawo sawirada 740 arday oo ka mid ah 23 ka fasal ee ay ka kooban tahay jaamcada Somaliya ayaa u fadhisatay maanta imtixaankii kama danbeysta ahaa ee samistar 1aad oo lagu baranayey howlaha caafimaadka iyo daawooyinka... 
Halkudheg:

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (3) | W/Q. Muxamad Idris Axmad

Aug 6, 2010
((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa... 
Halkudheg:

Cali Cabdi Awaare: Wax sun ah Laguma Aasin Soomaaliya, Cadayn cidii haysaa ha keento

Aug 5, 2010
Waraysi ay SomaliTalk.com magaalada Jabuuti kula yeelatay Cali Cabdi Awaare oo ah lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa si qayaxan u beeniyey in Sunta Halista ah lagu duugey Soomaaliya, isagoo sheegay in ciddii arrintaas daliil  u haysaa ay keenaan. Waxa kale oo Cali Cabdi Awaare uu sheegay in ay wadaan baaritaan iyo daba gal ay ku wadaan maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysata... 
Halkudheg:

Barack Obama oo kulan la qaatey Dhalinyaro ka socotey Qaarada Afrika oo ay ku jirtey Gabar Soomaaliyeed

Aug 5, 2010
Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Aqalka Cad ku qaabiley Dhalinyaro ka socotey Qaarada Afrika waxayna ka koobnaayeen Ilaa shan Boqol  oo kala matalayey Wadamada Qaarada afrika waxaa Soomaaliya uga qaybgaley Kulankaa Gabar lagu magacaabo Najmo Axmed Cabdi oo ka socotey Urur lagu Magacaabo Golaha Dhalnyarada Soomaaliyeed  Iyadoo intii uu socdey Kulankaas Su’aalo lagu weydiinayey Madaxweyne Barack... 

Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay? – Berbera, Hargeysa, Jabuuti – Safarkii Dheeraa ee Gentleman

Aug 5, 2010
Bil ka hor July 3, 2010  ayaan ka safray Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya anigoo ku wajahanaa dalkeena Soomaaliya waxaana raacay  Diyaaradda ay leedahay Shirkadda Juba airways ee sanadkii 1998 la aas aasay, saacad iyo Bar Duulimaad ah waxaan  muddo 45 Daqiiqo ah ku hakanay ama transit ku aheyn Garoonka Aden-Adde International Airport oo shaqo sidaas u sii badan aysan ka socon xilligaas. Waxaan... 
Halkudheg:

Dahabshiil oo Hirgelisay dhismii u Horreeyey ee Xarunta Carruurta Derbijiifka ah

Aug 5, 2010
(Hargeisa/Wakaaladaha): Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabashiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ku wareejiyey ururka ODHA derbi bedkiisu dhan yahay 8352 Mitir oo laba Jibbaaran (96m X87m) oo lagu soo wareejiyey xarun loogu talo galay daryeelka carruurta derbi-jiifka ah oo shirkaddu ka hirgelisey duleedka Xaafadda Maxamed Mooge, Hargeisa. Munaasibadda hanti-wareejinta ah waxa ka qayb galay Wasiirka... 

Habka Ugu Sahlan ee Is-Hormarinta Qofeed.. Q.3aad | Cabdikamaal

Aug 5, 2010
Hordhac Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Qoraalkaan oo taxane noo ahaa kuna saabsanaa “Habka ugu sahlan ee is-hormarinta qofeed”. Ayaan aqristayaasha usoo gudbinayaa qeybiisii 3aad oo ku saabsan waax muhiim u ah is-hormarinta qofeed taas oo ah Isbedel sameny. Isbedel sameyn Si ay noogu suura gasho in aan is hormarino... 
Halkudheg:

Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow – Qaybta: 3aad

Aug 4, 2010
Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhda Soomaaliya xilligii bilowgii Islaamku soo gaarey Soomaaliya iyo safaradii ay Soomaaaliya ku yimaadeen bad-mareenadii Carbeed iyo bad-mareenadii Muslimiinta ahaa. Waxa kale oo Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayaa jidkii ganacsiga ee loo aqoonjirey Wadadii Xariirta ahayd taas oo isku xiriirin jirey ganacsiga Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha, wadadaas oo mari... 
Halkudheg:

Gabay: Faroolow Waxaan Kaaga Digi – Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Aug 4, 2010
Halkan ka dhegeyso gabayga oo maqal ah. Aniga oo ah Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) waxan idiin soo gudbinayaa gabay aan u dirayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole. Gabaygan waxan tiriyey ka dib dagaallada ka aloosmay Puntland, kuwaasoo la qaboojiyey oo odayaasha degaanku u guntadeen, laga soo yaabo inay dib u qarxaan. Waxa xusid mudan in Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya hub iyo saanad... 
Halkudheg: ,

Cabsi weyn oo laga qabo in Dagaalada Muqdisho ay sii xoogeystaan Bisha Ramadaan

Aug 4, 2010
iyo Sheekh Shariif oo dadaal ugu jira sidii ay Xukuumadda Cumar C/rashiid u heli lahayd codka Kalsoonida …. Muqdisho iyo cabsida dagaaladda bisha Ramadaan Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa welwel iyo walbahaar ka qaba in uu  sii xoogeysto dagaalada ka jira magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan  oo iyagu galaaftey dad fara badan oo soomaaliyeed qaarkood waxay ku... 
Halkudheg:

Madaxii hore ee Ciidanka Ammaanka Koonfur-Africa oo lagu xukumey 15 sano…

Aug 4, 2010
Madaxii hore ee haystey ciidamada amaanka k/africa oo xilkii laga eryey sanadkii hore kadib markii lagusoo eedeyey musuqmaasuq iyo gacan-siinta nin ay saaxiibo ahaayeen oo u xiran dil iyo ka ganacsiga daroogada ayaa saakey (3 august 2010) waxay maxkamada darajada sare ku xukuntay 15 sano oo xarig ah. Mr Jakie Selebi oo aad looga yaqaan dunida waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan xisbiga talada... 
Halkudheg:

Hordhac Kooban oo ku Saabsan Hab Ciqaabeedka Islaamka

Aug 3, 2010
Qaybtii 1aad HORDHAC Ilaahaybaa mahad iyo wanaag oo dhan iska leh, xumaan iyo nusqaana isagaa sarreeyee ka nasahan, naxariis iyo nabadgalyada ilaahay waxay guudkiisa ahaatay suubanaheenii nabi muxamed. intaa ka gadaal. Allaah sareeye nimcada ugu weyn ee uu umada islaamka ah siiyay waa islaam-nimada oo ah diin iyo nidaam nololeed dhamays tiran, ku haboon in ay ka dhaqan gasho goob-walba iyo goor-walba,... 
Halkudheg:

Hooyooyinku Carruurta Laba Sano Ha Nuujiyeen

Aug 2, 2010
Kitaabkeena Quraanka ah ma aha kitaab saynis ah oo ay ku qoran yihiin aragtiyo saynis ah sida (Newton theory ama Einstein Relativity) Balse waxa weeye kitaab uu Allaah u soo dejiyey in lagu hannuusho Bani’aadamka oo looga saaro mugdiyada Jaahiliinta loona saaro Iftiinka Islaamka sida uu Allaah quraankiisa ku yiri: (waa kitaab aan u soo dejinay si aad dadka kaga saarto mugdiyada oo aad u saarto... 
Halkudheg:

Laascaanood: Xarunta Daraasaadka Mustaqbalka iyo La talinta ee Beder

Aug 2, 2010
oo Aqoon is weydaarsi ku saabsan qaababka baananka islaamiga ahi u shaqeeyaan Waxa lagu soo gaba gabeeyay hallka shirarka ee Jaamacadda Nugaal tababar ku saabsan qaababka ay u shaqeeyaan baananka islaamiga ahi. Ugu horrayn xafladiii xidhitaanka ayaa lagu furay aayadaha quraanka iyo wacdi kooban. Barnaamijka waxa xidhiidhiinayay C/laahi Cali Macalin Waxa hadalka lagu soo dhaweeyay Sheekh Mubaarik oo... 

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (2) | W/Q. Muxamad Idris Axmad

Aug 2, 2010
((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan... 
Halkudheg:

Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota oo kulan balaadhan isagu timid.

Aug 1, 2010
Kulan si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa galabnimadii Sabtida ee July 31, 2010 isagu yimid Jaaliyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesota. Kulankan oo ka dhacey madasha shirarka ee Minneapolis Convention Center Halkan ka daawo sawirada…. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada Ogadeniya ee Minnesota iyo dadweyne fara badan oo ka socda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa looga hadley... 
Halkudheg: ,