Home » Archive Maalinta August 22nd, 2010

Ahlu-Sunna oo Dumarka ku amray Xijaabka iyo Alshabaab oo Masoomayaal karbaashay

Aug 22, 2010
Ahlu-Sunnah oo Gobolada Dhexe ka mamnuucay Daawashada Aflaamta, dumarkana ku amray in ay xijaabka xirtaan iyo Alshabaab oo Bay iyo Bakool ku karbaashay Masoomayaal… Galgaduud: Maamulka culimada Ahlu Sunnah Waljamaaca ee Gobolka Galgaduud ayaa haweenka ku amray in ay xirtaan Xijaabka, isla markaasna waxa ay mamnuuceen daawashada aflaamta. Sidaas waxaa xaqiijiyey Sheikh Cabdiwali Xaaji Diiriye... 

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q. 12aad

Aug 22, 2010
Suurada 30aad Al-Ruum: Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya). Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awood Roonaa isla markaana waxaa ka Dhaxeeyay Hardan Xaga Awooda... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q. 11aad

Aug 22, 2010
Suurada 27aad Al-Namal: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Namal, si ay u Waarto Xusuustii Mucjizooyinkii la siiyay Nabi Suleymaan taasoo ay ka mid aheyd inuu afgaran jiray wax kasta oo uu Alle Koonka ku Abuuray sida Shimbiraha, Quraanyada oo ah Magaca Suurada Xambaarsan tahay. Sheekada Quraanshada waxey Suuradaan ka Sheegtaa mar uu Nabi Suleymaan Safar ahaa oo ay la Socdeen Ciidamo fara Badan oo... 
Halkudheg:

Boosaaso: Nin Dhallinyaro ah oo Saakay lagu diley Suuqa Sarrifka Lacagta…

Aug 22, 2010
Waxaa saakay (Axad August 22, 2010) magaalada Boosaaso lagu diley nin dhallin yaro ah, dilkaas toogasha ah oo ka dhacay Suuqa Sarrifka Lacagta ee magaalada dekedda ah ee Boosaaso. Ilaa hadda (markii warkan la qorayey) ma jirin cid loo qabtay dilkaas. Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa in dhawaanahan si weyn uga cabanayey dilalka ku soo batay magaalada iyo ayada oo aan inta badan la soo qaban... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...