Home » Warar

Tripoli: Shirkii Ururada arimaha bulshada dalalka Greate Sahra oo arimaha somalia lagu falan qeeyay

Feb 27, 2010
Waxaa  lagu soo xiray magaalada Tripoli ee dalka Libya, shirwayihii 5 ee dallada Ururada arimaha bulshada ee wadamada Greate Sahara . shirkaas waxaa kasoo qayb galay 400 oo isugu jira NGO iyo odayaal dhaqameed iyo culuma udiin iyo aqoon yahan. Halkan ka daawo sawirada   Shirkkaan balaaran oo socday 3 malmood ayaa waxaa looga hadlay arima badan oo khuseeya wadamada Sahara wayn, oo ay dhamaan wadamada... 
Halkudheg:

Odoyaasha Degmadda Guriceel oo Cabasho kulul u direy Hayadda WFP

Feb 27, 2010
(Raashinka WFP waxaa lagu iibiyaa Suuqyada Guriceel ) Waxaa gudaha Magaalada Guri-ceel shir ku qabtay 40 oday dhaqameed oo si weyn looga yaqaan Magaalada kuwaas oo ka dacwoonaya sida loo maamulo raashinka gargaarkaa ee barnaamijka cunada aduunka ee WFP uu Magaalada Guri-ceel u keeno in loo qeybiyo dadka danyarta iyo barakacayaashaa ee badankoodu dagan yihiin kaamamka ama xeryaha barakaacayaasha ee... 
Halkudheg: ,

Dr Faroole oo Xilkii ka xayuubiyey Guddoomiyihii Gobolka Bari iyo Duqa magaalada Boosaaso

Feb 26, 2010
Waxaana la kala diray Golahii Degaanka Magaalada Boosaaso… Laba wareegto oo uu soo saaray Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxmud ( Farole), ayaa lagu  kala dirid golaha degaanka Magaalada Bosaso, isla markaasna waxaa uu magacaabay Guddoomiye cusub ee Gobolka Bari iyo Duqa Magaalada Boosaaso. Wareegta koowaad waxay u qornayd sidan Xeer Madaxweyne Lr. 17 25/02/2010... 
Halkudheg: ,

“Afhayeenka” Budhcad Badeedka Somaliyed Oo Sheegay In Lamanaha Britishka Ay Ku Bedelan Doonaan Kuwa Laga Haysto

Feb 26, 2010
“Afhayeenka” budhcad badeedka soomaaliyeed oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inaysan sii deyn doonin lamaanaha ingiriiska ah ee ay haystaan islamrkaana ku andacooday in laga haysto boqolaal ka tirsan budhcadooda . Khaliif Idiris Cismaan oo sheegay inuu yahay afhayeenka Budhcad badeedka oo la hadlayey saxaafada ayaa shaaca ka qaaday inaysan ahayn Budhcad... 
Halkudheg:

Dowlada Spain oo hormuud ka noqoneysa howlgalada ciidamda DFKMG tababar logu siinayo dalka Ugaandha

Feb 26, 2010
saraakiil sar sare oo ka socdo Wasaarada Gashandhiga Spain ayaa sheegay in ay hormuud ka noqonayaan howlgalka ciidamada DKMG Somalia loogu tababa rayo wadanka Uganda. Wasaarada Gashandhiga Spain ayaa sheegtay in ay hormuud ka noqoneyso howlgalka ciidamada DKMG Somalia loogu tababa rayo wadanka Uganda. Wasiirka gaashaandhiga ee wadanka Spain Carme Chacon oo warfidiyeenada kula hadashay magaalada... 
Halkudheg:

Video: Maalinta Afka Soomaaliga oo laga xusay Minneapolis

Feb 24, 2010
Munaasabad ku beegnayd Maalinta AfSoomaaliga oo ku beegnayd 21 Febraayo ayaa laga qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Abwaano iyo aqoon yahanno ayaa halkaas ku soo bandhigay maanso Afka Soomaaliga. Munaasabadaas sidii ay u dhacday iyo maansadii lagu soo bandhigay ka daawo Video-yada hoose oo uu diyaariyey Siyaad Siciid Saalax: …………. Video:... 
Halkudheg: ,

Naadiga Somali-Pen Laanta Koonfurta Somalia oo Muqdisho ku xusay Maalinta Afka Hooyo.

Feb 23, 2010
Xaflad ay soo qabanqaabisay Naadiga Hal-Abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed ee Somali-Pen laantiisa Koonfurta Somalia oo lagu xusayay maalinta Afka Hooyo ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia. Halkan ka daawo sawirada Munaasabdda oo lagu qabtay Hotel Naasa-hablood 2 ayaa waxaa ka qaybgalay Dr. Xuseen Sheekh Axmed (Kadare), Abwaan Siciid Harawo, Prof. Mustafa Dheer, qaar... 
Halkudheg:

Ururka Xisbul Islaami Oo Ganafka Ku Dhuftay Inay Ka Dmabeeyeen Qaraxii Ka dhacay Baar Ubax

Feb 23, 2010
Ururka xisbul islaam ayaa gaashaanka u daruuray inaysan ka dambayn qaraxyadii shalay (Feb 22) ka dhacay isgoyska baar ubax ee wadada wadnaha ee magaalada muqdisho taasoo la sheegay inay ku waxyeeloobeen dad shacab ah . Afhayeenka ururka xisbul islaam sh,maxamed macalin oo maanta (Feb 23) shir jaraa,id ku qabtay gudaha magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inaysan shaqo ku lahayn qaraxii dadku... 
Halkudheg:

Shirkadda Hormuud oo aqoon kororsi u qabatey suxufiyiinta wax Qorta ee Magalaada Muqdisho

Feb 23, 2010
oo ay ku bareyso adeega Casriga ah ee ZAAD Service. Ayadoo dhawaan ay soo bandhigtay Shirkadda Isgaarsiinta caalamiga ah ee HORMUUD telecom adeeg casri ah oo loo bixiyay ZAAD Service oo ah adeeg dabooli kari guud ahaan baahida dhigashada ama keydsiga Bunuukda ayaa waxa ay shirkadu wali ku jirtaa sidii ay dadkeeda uga dhaadhicin laheyd faa’ida uu xanbaarsan yahay adeegaasi shirkada ayaa waxay... 
Halkudheg:

Shir Sanadeedkii EuroSom oo kusoo gabagaboobay Helsinki

Feb 22, 2010
 Shalay oo ay taariikhdu ahayd 21 Febraayo, 2010 ayaa waxaa ka furmay xarunta ururka Kanava ee magaalada Helsinki ka dhacay shirsanadeedkii uu ururka EuroSom iskugu iman jiray sanad walba mar iyadoo shirkaana lagu sameeyey qorituurkii cayaaraha xagaaga oo sanadkan 2010 ka dhici doona isla magaaladan Helsinki. Halkan ka daawo sawirada Shirkan oo ku furmay jawi aad u degan ayaa waxaa xiriirinayey Mudane... 
Halkudheg:

Hogaanka cusub ee Jaaliyada beesha shiikhaal ee Dalka kenya oo la Doortay

Feb 22, 2010
Xaflad si weyn loo soo agaasimey lugana dooranayay guddoomiyaha cusub ee jaaliyada beesha shiikhaal ee dalka kenya ayaa lagu qabtay xarunta kalsan ee magaalada Nairobi. Xaflada oo ay kasoo qeyb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ugu horeeynti waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka waxaan ku furey Cabdinaasir Maxamuud dheere. Aayadaha Quraanka kadib Waxaa la guda galey doorashadii la dooraniyay... 
Halkudheg: ,

Cabsidii laga qabay in uu dagaal ka dhaco Magaalada Muqdisho oo yaraaneysa

Feb 22, 2010
Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa walwal iyo walbahaar ku hayey in uu dagaal ka dhex qarxo Dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradka ku aha, kadib mrkii goobaha ay isku hor fadhiyaan ay soo buuxiyeen ciidamo aad u fara badan iyo Tikniko, taasina waxay keentay in dad fara badan ay ka qaxaan deegaanadii ay deganaayeen.   Labada dhinac ayaa hanjabaadyo isku mariyey... 
Halkudheg:

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo qabatey Xafladdo lagu furayey ZAAD Service

Feb 22, 2010
Xaflado lagu furayey Hormuud ZAAD Service ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaana xafladahaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana dadweynihii ka qaybgalay xafladdahaasi loo faahfaahiyey qaabka Barnaamijka Hormuud ZAAD Service. Halkan ka daawo sawirada Xaflad ka mid ah xafladahaasi ayaa ka dhacday xarunta ay Hormuud ku leedahay Trepiano waxaana lagu martiqaaday Macaamiisha Shirkadda... 
Halkudheg:

Lataliyihii Madaxweynaha DFKMG oo Is-casilay

Feb 21, 2010
Prof Axmed Muumin Warfaa oo ahaa lataliyaha sare ee madaxweynaha Dawladda Federaalka kumeel gaarka ah, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in uu is-casilay. Prof. Warfaa oo waraysi siiyey idaacadda codka maraykanka ayaa tibaaxay in aysan waxba ka hir gelin talooyinkii uu soo jeediyey, waxana uu cadeeyey in uu jagadaas iska casilay. Waraysigii idaacadda VOA  ee Prof Warfaa Halkan ka... 
Halkudheg: ,

Dastuur Cilmaani ah (Secular) oo Loo Samaynayo DFKMG….

Feb 20, 2010
Sida uu Shaaca ka qaaday Xildhibaan Jinni Boqor “Dastuur Qaran oo waqti badan jira oo SECULAR ah ayaa la doonayaa in la sameeyo” sidaas waxaa uu Xildhibaan Jinni Boqor sheegay isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd dastuurka DFKMG loo samaynayo. (Xildhibaan Jinni boqor muxuu ka yiri is-waafajinta 4.5, federaal iyo shareecada islaamka HALKAN KA DHEGEYSO)… (Kelmedda “Secular”... 
Halkudheg: ,

Khubadii Amiir Maxamuud Yuusuf ka jeediyey Minneapolis (Video, Audio iyo Sawiro)

Feb 19, 2010
Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise ayaa xalay (Feb 19, 2009) magaalada Minneapolis xaflad ballaaran oo loogu sameeyey waxa uu ka jeediyey khudbad uu kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed… HALKAN KA DHEGEYSO Sidoo kale VIDEO Xafladdii halkan ka daawo Sawiradii Xafladda Minneapolis Halkan ka daawo (Qaybta.1aad) | Qaybta 2aad Sawirada Xafladii Minneapolis Halkan ka daawo (Qaybta.1aad) | Qaybta 2aad Sawiradii... 
Halkudheg: ,

Xaflad Loogu Magac Daray Somaali Achievement Award oo lagu qabtay magaalada London

Feb 17, 2010
 ADT: African Develpmnet Trust ayaa Loo Aqoonsaday Hay’ada ugu shaqada wanagaasaneed sanadkii 2009 ee lasoo dhaafay. Waxaa loo qiray African Development Trust (ADT) inay tahay Hay’ada kaliya ee muujisay wax qabad heer sare ah, xaga humanitarin caawinaad ah, gar gaaarka deg dega ah, caafimaadka iyo waxtar kale aan lasoo koobi Karin. Madaxda Hay’ada ADT la gudoonsiineya AWARD Sawirada Xafladda... 
Halkudheg:

Maamulka Ximan Xeeb oo caalamka ka codsaday in ay kala qeyb qaataan bad-baadinta Lamaanaga Ingiriiska.

Feb 17, 2010
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah Maamullada ka jira koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa ka hadleen Xaalada Lamaanayaasha u dhashay Dalka Ingiriiska ee ku jira Gacanta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya, isagoo xariga lammaanahaas ku timlmaamay mid xaqdarro ah, kaas oo ka soo horjeeda shareecada Islaamka, dhaqanka soo jireenka ah ee  Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqada Aaadanaha.  Afhayeenka... 
Halkudheg:

ONLF oo warsaxaafadeed ka soo saartay Bishaaro Wacdi Shaqlane oo loo dhiibey Itoobiya

Feb 16, 2010
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa si adag u cambaareynaysa sida sharcidarada ah ee loo qabtay looguna dhiibay nidaamka Itobiya ka taliya Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ka ah xubin sare Ururka Haweenka Ogadenya ee loo yaqaano – Ogaden Womens Democratic Alliance (OWDA). Gabadhan ayaa ahayd ganacsato laga qadariyo Hargaysa oy daganayd, sidaas waxaa ku bilowday warsaxaafadeed ka soo baxay ONLF... 
Halkudheg:

Hay’ad kuwa Caruurta ah oo Cambaareysey Duqeymaha loo geysto Goobaha ay degen yihiin Dadka Rayidka ah

Feb 16, 2010
Hay,ada SOCHRO, oo ah Hayad u dooda Caruurta ayaa Cambaareysey Duqemaha markasta lala beegsado Goobaha ay degen Yihiin dadka Rayidka ah  Guddoomiyaha Hay,adda SOCHRO- Mr. Mataan Ali Hassan oo ka hadlayey Duqeymihii ugu dambeeyey, ee ay Geysteen Ciidamadda AMISOM, Oo Dad Badan Oo Rayid ah ay ku Xasuuqeen, waxaana dadka ay Inta badan uu sheegey in ay ahaayeen dad rayidka oo gaaraya 60 ruux kuwaas oo... 
Halkudheg:

Yuusuf Indhacadde oo ka Badbaadey qaraxyo Miino oo lala Beegsadey

Feb 15, 2010
Goor barqadii ah ayaa waxaa agagaarka Hotel Ambasadoor ee wadada Maka Al- Mukarama ee magaalada Muqdsho  ka dhacaya Qaraxyo is xig xigey waxaa qaraxyadaas ay geysteen Khasaaro isugu jirta dhimasho iyo Dhaawac . Halkan ka daawo sawiradii Qaraxa Halka qaraxo ka dhacay oo u dhaxeysey isbitaalka Daaru Shifaa iyo Hotel Ambasadoor ayaa waqtigaas ay ahayd mid saxmad badan waxaa goobta marayey  gaadiidka... 
Halkudheg: ,

Machadka Caafimaadka Al-Abaadir oo ay ka qalinjabiyeen arday dhameysatay Koorsooyin Caafimaad iyo Computer

Feb 14, 2010
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Al-Towba Fast Food ee Magaalada Muqdisho, waxaana xafladdaasi soo agaasimay Machadka Al-Abaadir, waxaana ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan, Waalidiin iyo Ardaydii ka qalin jabineysay machadkaasi. Halkan ka daawo sawirada machadka   Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin dheer ka soo jeediyey Maamulaha  Machadka Al-Abaadir gaar ahaan qaybta... 
Halkudheg: ,

Warbixin: Xaggee marayaa machadka Iqra Institute for Higher Education.. Kana qayb qaadoo dhameystirkiisa

Feb 14, 2010
Gobolka Sanaag waxaa uu ka mid yahay gobolada ugu hooseeya marka loo eego dhinaca waxbarashada Sare iyadoo uusan gobolku lahayn goob lagu barto waxbarashada ka sareysa dugsiga sare taas oo ay dhalisey in dhalin yarada ka qalin jebisa iskuulada ay aadan magaalooyinka kale eek u yaala Puntland sida Bosaaso iyo Somaliland sida Hargeysa oo ay waxbarasho ka dalbadaan. Sanaag waa gobolka 2aad ee ugu wayn... 
Halkudheg:

Amiir Mohamud Yusuf Ciise oo Booqasho ku tegey Seattle, kuna wajahan Minnesota iyo Ohio

Feb 14, 2010
Seattle: Waxaa  ka dhacay magaalada seattle ee gobol ka washington soo dhaweyn heer  sare ah oo loo sameeyay Amiir Mohamud Yusuf Ciise iyo wafdi uu hagaaminayo oo soo gaaray magaladan seattle,xafladdan oo qayb ka ah socdaal uu amiirku ku kalabixinayo wadankan mareykanka iyo wadamo ka mid ah europe ayaa waxaa xafladdi ka dhacday magaalada seattle kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo noocwalba... 
Halkudheg: ,

Muqdisho: Saalax Badbaado Oo Shir Jaraa’id Ku Sheegay Inuu iskaga Tegey Xildhibaanadii Dowlada FKMG

Feb 14, 2010
“dawladnimo waan jeclaa, laakiin waxaan nacay markii Ugaandhiis dawlad u noqday, dadkaygana lagu laayey…. “imaatinkayga (in aan ka baxo DFKMG) waxaa dedejiyay: labo ama saddex jeer ayaan waxaan maqlay Khaa’inka been hawaaska ah ee fataalka ah ee dhiigga ummadda Soomaaliyeed qaba ee ummadda Soomaaliyeed laayey ee madaafiicda la dhacay, dhawr jeer ayaan waxaan maqlay isagoo qoslaya... 
Halkudheg: ,