Home » Archive Qoraaga

Safiirkii Soomaaliya u ufadhiyey Zambia oo Geeriyoodey

Aug 26, 2010
Omar Mohammad Umar oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Zambia ayaa Axadii waxaa meydkiisa laga helay guriga uu deganaa , gaar ahaan waxaa meydkiisa laga helay xamaamka, sidaas waxaa qortay jariidadda Postzambia cadadkeedii Khamiista August 26, 2010. Jariidaddu waxay sheegtay in marxuumka geeridiisa uu xaqiijiyey Graphael Musamba oo ah madaxa boliska Zambia oo waraysi bixiyey Arbacadii (Aug... 
Halkudheg:

Masjidka Risaalah Islington London oo la furey

Aug 26, 2010
Masaajidka Risaalah oo noqdey Masjidkii 6,aad ey  Soomaalidu ku yeelato London ayaa  laga hirgashey magaalada London, Masjidkan oo ahaa mid ey Soomaalidu ka-wada qeyb-qaadatey sidii ey  u ay gacanta ugu dhigi lahaayeen ayaa waxaa farxad ah in si-toos ah loo furey jimce ah 10kii bisha soon, waafaqsan 20/8/2010, Jimcadii u horreyseyna lagu tukadey taasoo boqolaal Muslimiin ah oo Soomaali iyo Qeyrkoodba... 
Halkudheg:

Sidee La isu Waafajin Karaa Baaqa Madaxwayne Siilaano Iyo Nabad raadinta Garaad Abshir

Aug 26, 2010
DHAMAAN WAAN SALAAMAYAA Bahwaynta webka Somalitak iyo dhamaan umada muslimiinta ah meelkastooy joogaanba Ramadaan kariim. waxaana u mahadcelinayaa shaqaalaha somalitalk ee noo suuragaliyey in Aan si wanaagsan uga haqabla Aanno wararka Xaqiiqda Ah ee soomaaliya iyo Meelabadan oo kaleba mahadsanidin. intaas kabacdi sida laga wada dharagsan yahay waxaa baaq soojeediyey madaxwaynahay soomaaliland mudane... 
Halkudheg:

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kaloo Galbaday | Maxamed Daahir Afrax

Aug 26, 2010
Mar kale ayay maalmahaan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ahee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo... 

Miyuusan idinku jirin mid fiicani?! ‘Suuratu Huud 78’

Aug 26, 2010
Dhiilada colaadeed iyo dhiiga qubanaya ee aan kala go’a lahayni waxa uu astaan u yahay garawshiyo la’aanta haysata in badan oo ka mid ah bulshada soomaliyeed. Su’aalaha soo noqnoqda ee aan jawaabta u baahnayn hadana ay adagtahay in la fahmo waxa ka mid ah maxa la isku haystaa? Maxaa waxan oo dhiig ah loo daadinaya?! Fahamka mushkilad ku haysataa waxa ay qayb ka tahay raadinta xalkeeda. Laakiin... 
Halkudheg:

Ileyn dibir kama dheregto!! | Amiin Yuusuf

Aug 26, 2010
Maqaalka oo sawiro wata ka akhri halkan GUJI Tan iyo markii Madaxweynimo loo soo magacaabay 31-kii Janaayo 2009 Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay dadka oo dhan niyadda ay ku hayeen in xaalka Soomaaliya uu ka soo reynayo isla markaana wixii markaa ka dambeeyey lagu noolaan doono nabad iyo baraare hase yeeshee xaalku waxa uu isku bedelay in markii  kooxihii ka soo horjeeday magacaabista Sheekh Shariif... 
Halkudheg:

UWSLF “Dillaal waxaad cunaysaan intaan Dunida Joogaa” | Qore: Yaasiin Garaad

Aug 25, 2010
Run baa Fiican, Beenbaa Rafacan, Raran Cadaab baa leh. Gabyaa Soomaaliyeed oo aanan aqoon magiciisa iyo inuu noolyahay midna ayaa Gabaygiisa waxaa kamid ahaa qaybtan! “Midka yiri Midnimadaan kadudin kalina waan muuqan ee yiri wadkaygay matalin magaca Somali, Mengistana walaal baan kadhigan magan galyaan raadsan, Macaan iyo inuu khayr kahelin maalin lagu waaro, sedex magac Alloo xaajadaa layma marinsiiyo.... 
Halkudheg: ,

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?. Q: 16aad:

Aug 25, 2010
Suurada 50aad Qaaf: Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayada 38aad, Aayadaheeduna waa 45 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mursalaat ka Dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 26aad. Macnaha Guud ee Suurada Qaaf: Suuradan Qaaf waxa ay ka Hadashaa Asalada Caqiidada sida Rumeynta Toowxiidka, Rumeynta Risaalada Nabi Muxamad, iyo Rumeynta isi soo Bixinta Maalinta Qiyaame,... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka | Q:15aad:

Aug 25, 2010
Suurada 49aad Al-Xujuraat: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Xujuraat, Madaama uu Allaah (Cw) kusoo Hadal Qaaday Guryihii Nabiga Suubanaa (Scw) Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 18 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Mujaadalah ka dib. Juz ahaana Musxafka wxa ay kaga Beegan tahay Bartaamaha Juzka 26aad. Suuradan waxaa Xasuusin Mudan Magaca Muminiinta Naado ku socota ayaa Hal... 
Halkudheg:

Sh. Maxamed Umal iyo Culimo kale oo Bayaan ka soo saaray Heshiiskii Jabhadda UWSLF iyo Xukuumadda Itoobiya

Aug 25, 2010
Shan culimo ah ayaa soo saaray bayaan ay ku cadaynayaan mowqifkooda ku aadan heshiiskii ay jabhadda UWSLF la gashay xukuumadda Itoobiya bishii July 2010. Bayaanka waxa uu u qoraa sidan: Bayaanka oo ku qoran PDF halkan ka eeg Bayaan ku aadan heshiiska Jabhadda UWSLF iyo Ethiopia Qodobada qoraalka: 1. Maxaa nagu bixiyay maqaalkan? 2. Hordhac lagama maarmaan ah 3. Maxaan ka qabnaa heshiiska? 4. Maxaan... 
Halkudheg:

Safarkeygii Dalka Malaysia | Ibraahim Daa’uud

Aug 25, 2010
Kadib safar aan ku soo maray Mogadishu, Berbera, Hargeysa iyo Djibouti ayaan July 19, 2010 habeyn Isniin ah 11pm ka soo duulay gagida/garoonka Diyaaradaha ee caasimada dalka Djibouti ee Djibouti anigoo soo raacay diyaaradd ay leedahay sharikadda Yemenia Airways, waxaan ku soo hakaday intii aan safarka ku soo jiray Caasimada dalka Yemen ee Sanca, Magaaladda Dubai iyo Caasimada dalka Indonesia ee Jarkarta. July... 
Halkudheg:

AL-shabaab jannada ay galaayaan ma tii Ahlu kitaabka oo kalaa ??!! | Sh. Saahid

Aug 25, 2010
Quraanka Aayadihiisa Qaarba mar ayaa la fahmaa Sida Allaah Quraankiisa ku yiri : ( Quraanka warkiisa mar Danbe ayaad ogaan doontaan ) !!!!. Haddaba Allaah mar uu ka hadlaayey Ahlu Kitaabka Yuhuud iyo Nasaaro ayey waxay yiraahdeen: ( Jannada galimaayo ilaa Yuhuud iyo Nasaaro mooyee -Taas waa Rajooyinkooda -Waxaad ku dhahdaa Nabi Mohamedoow NNKH Bal Cadeymihiina keena Haddii aad Run sheegeysaan ????... 
Halkudheg:

Xaaladda Dalka Soomaaliya Xalkeedu Muxuu Yahay?

Aug 25, 2010
Dhulka Soomaalida ayaa waxaa lagu yiqiinay nabbad reer guura roob doon ah iyo dad is jecel oo ay ka dhaxayso xiriir xididnimo iyo degaan oo ay huwan tahay muxubbo iyo raxmad Caasimadda Dalka Soomaaliyana ay ka mid ahaan jirtay Caasimadaha ku soo Nabad toosay ee Dunida gobolllada iyo degmooyinkuna ay ahaayeen kuwa la mid ah Haddaba waxaa is weydiin mudan Xaalladani Dagaal, Qarax, Dhiig qubanaya , Carab... 
Halkudheg:

Sideed ugu xamaalankarta Qatar. Q.4aad | Al-Hasani

Aug 24, 2010
Ramadan Kariim wa kullu Caam Wa Antum Bikhayr. Wali waxaan kujirna warbixintii  Qatar (dhib iyo dheef waxaad kala kulmilahayd) Fadlan dib u eeg qoraaladii hore si’ aad noola jaan qaadid! Afeef: Warbixintan ma’ahan casuumaad aan dadka ugu baaqayo inaay  ku soo shubmaan Qatar! Imaamnimo Haddii lagu soo lugooyo oo aad is aragtid adigoo dhextaagan Qatar, dhaqaale waxaad gacanta kuhaysayna... 
Halkudheg:

Somalia: Are Somali Americans snared victims of Al Sabab or Terrorist?

Aug 24, 2010
By Dr.Yusuf  O.  Al-Azhari Frm. Ambassador There has been recently, highly promulgated row on finding few Somali Americans who were prosecuted as being sympathetic to Al Shabab terrorist group. The US Justice Department and the FBI, announced that four separate indictments were unsealed in the District of Minnesota, the Southern District of Alabama and the Southern District of California charging... 
Halkudheg:

Maxamed Tahliil maxaan ku bartay? | Qore: Axmed C/samad

Aug 24, 2010
Alle ha u naxariisto Maxamed Tahliil oo dhawaan lagu diley deegaanka Ceelasha biyaha isagoo sooman, salaad casarna ka soo baxay. Waxaan ku bartay Xamar 13 sano ka hor. Wuxuu ku dhashay magaalada Matabaan ee gobolka Galguduud sannadkii 1973kii. Isla deegaankaas ayuu ku barbaaray, kuna soo qaatay waxbarashada aasaasiga ah, ka dibna Muqdisho ayuu ka sii ambaqaaday waxbarshadiisii ilaa uu ka qalinjabiyey... 

Baarlamaanka DFKMG oo Shaaca ka qaaday Magaacyada Xildhibaanadii lagu diley Qaraxii Hotel Muna

Aug 24, 2010
Warsaxafaadeed ka soo baxay baarlamaanka DFKMG ayaa shaaca ka qaaday magacyada afar xildhibaan oo ku geeriyoodey qaraxii lala beegsaday Hotel Muna ee magaalada Muqdisho, iyo shan xildhibaan oo dhaawac ah. Warsaxaafadeedku waxa uu u qornaa sidan: Jamhuuriyadda Soomaaliya Xukuumadda Federaaliga KMG Wasaaradda Warfaafinta Ref: WW/XW/Warsaxaafadeed/15 Date: 25 August 2010 Warsaxaafadeed Baarlamanka Soomaaliya... 
Halkudheg: ,

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 14aad.

Aug 23, 2010
Suurada 43aad Az-Zukhruf: Suuradaan waxaa Loogu Magac daray Az-Zukhruf oo Macnaheedu yahay (Dhaldhalaal) maadama ay Suurada Aduunyada iyo Raaxada Dhax taala ku Shabahday Dhaldhalaal Been ah oo lagu Dagmo. Suurada Makiyah marka laga Reebo Aayada 54aad, Ayadaheeduna waa 88 Ayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka Dib, Juz ahaana waxa ay ku Beegan tahay Bartamaha Juzka 25aad. Macnaha Guud ee... 
Halkudheg:

Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Q:13aad

Aug 23, 2010
Suurada 37aad As-Saaffaat: Suuradan waxaa loogu Magac daray As-Saaffaat, si Dadka loo xasuusiyo Adoomada Alle Abuurtay ee loo yaqaan Malaaigta iyo Shaqooyinka wanaagsan ee loo Xilsaaray, waxey u tasbiixsadaan rabigood habeen iyo Maalin kamana daalaan. Suurada As-Saaffaat waa makiyah, Aayadaheeduna waa 182 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Ancaam ka dib, Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Bartanka... 
Halkudheg:

Doorashada guud ee Iswiidhan iyo kaalinta musharaxiinta soomaaliyeed

Aug 23, 2010
Waxaa 19-ka bisha sebtember 2010, guud ahaan wadanka Iswiidhan ka dhici doona doorashadii qaranka.Doorashadaas waxaa la qabtaa afartii sanoba mar. Wadanka Iswiidhan waxaa taladiisa inta badan qaban jirey xisbiga shaqaalaha ( Social demokraterna). Balse afartii sano ee ugu dameeyey waxaa talada dalka hayey afar xisbi oo ah xisbiyada garabka midig. Xisbiyadaas talada dalka haya ayaa si wadajir ah... 
Halkudheg:

Way ka soo Raysay xaaladda bani’adaminimo liidata ee Soomaaliya, inkastoo laba malyan Soomaali ahi wali u baahan yihiin kaalmo.

Aug 23, 2010
WAR SAXAAFADEED 23kii bisha 8aad, Nayrobi , tirada dadka Soomaalida ah ee u baahan gargaarka bani’aadaminimo ayaa lagu qiyaasay 2 malyan qof, oo 25 boqolkiiba hoos ugu soo dhacday lixdii bilood ee u dambeeyay, taas oo ka dhigtay xaalad ka soo rayn ah mid ka mid ah xaaladaha bani’aadaminimo ugu xun dunida; taas oo laga soo xigtay daraasad UN oo la daabacay manta. Laakiin warbixintu ay soo saarta... 
Halkudheg:

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ku dhawaaqay ciribtirka

Aug 23, 2010
ee kuwa soo duulay ( nihaayatu Muctadiin ) iyo dagaalkii oo deegaano badan oo Muqdisho ka mid ah uga bilowday isla markiiba . Hadalkii Afhayeenka Alshabaab DHEGEYSO “Isniintiia oo ah 12 ka bisha ramadaan ee sanadka hijriyada 1431 xarakatu shabaab Mujaahidiin waxay u iclaaminaysaa dhamaan dadka Muslimiinta ah ee nool wilaayaadka islaamiga ah iyo dhamaan cidamada Mujaahidiinta ah noocyadooda kala duwan... 
Halkudheg:

Markab u ranaa Ganacsato Soomaaliyeed oo ku degey meel u dhow Xeebaha dalka Yamen

Aug 23, 2010
iyo Dadkii ugu Tirada badnaa ee Soomaaliyeed oo laga soo Talxiley Dalka Sacuudiga….. Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalkeeda ka soo masaafurisey ku dhawad 400 oo qofood kuwaas laga so dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxayna dadkaa u badnaayeeen Dhalinyaro la sheegey inay ka shaqeysanayeen Dalka sucuudiga waxaana dadkaan ka muuqataey Daruuf aad u daran qaarkood waxaa la... 

Ahlu-Sunna oo Dumarka ku amray Xijaabka iyo Alshabaab oo Masoomayaal karbaashay

Aug 22, 2010
Ahlu-Sunnah oo Gobolada Dhexe ka mamnuucay Daawashada Aflaamta, dumarkana ku amray in ay xijaabka xirtaan iyo Alshabaab oo Bay iyo Bakool ku karbaashay Masoomayaal… Galgaduud: Maamulka culimada Ahlu Sunnah Waljamaaca ee Gobolka Galgaduud ayaa haweenka ku amray in ay xirtaan Xijaabka, isla markaasna waxa ay mamnuuceen daawashada aflaamta. Sidaas waxaa xaqiijiyey Sheikh Cabdiwali Xaaji Diiriye... 

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q. 12aad

Aug 22, 2010
Suurada 30aad Al-Ruum: Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya). Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awood Roonaa isla markaana waxaa ka Dhaxeeyay Hardan Xaga Awooda... 
Halkudheg: