Home » Warar
Maalinta Caashuuraa oo ku beegan Sabtida Muxaram 10| November 24,2012
Bisha Muxaram waa bil fadli badan, tobnaadka oo Caashuuraa ah waxay ku beegan tahay November, 24, 2012 waa Sabtida,
Taariikhada maalinta tobnaad ee Caashuraa, Fadligeeda muxaram iyo arimo la xiriira ayaan ku eegi doonaa qoraalkaan.
W.Q. Xasan Dhooye [abu xafso]
dhooye@hotmail.com
Caashuuraa Waa Maalin Fadli Badan
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu
Bislaahi Raxmaani Raxiim ::: 1434
Walaalayaal...
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Cabasho ku Aadan arrinta Kismaayo u Gudbiya Madaxweynaha Kenya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya ayaa markii u horeysey booqday Magaalada Nairobi tan iyo markii uu Jagadaas qabtay. Haile Maraim ayaa markii uu tegay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya waxaa uu kulamo uu la qaatay Madaxweynaha Dawladda Kiinya Kipaki.
Waxayna ka wada hadlay Xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo arrimaha Urur Goboleedka IGAD iyadoo Gabagabadii kulankooda kaddib ayaa waxa ay si...
Xarakada Al-Shabaab oo iska Fogeysey in ay ku lug lahayd Qaraxyadii iyo Dagaaladii ka dhacay Gaarisa iyo Islii .
Afhayeenka Xarakadda Al-Shabaab ee Dhinaca Howlgaladda ayaa iska fogeeyay in Xarakada Shabaab wax Lug ah ay ku lahaayeen Qaraxii ka dhacay Xaafadda Islii iyo Dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaarisa ee lala Bar-tilmaameedsaday Dad Shacab ah haddana waxa uu daba dhigay inuusan ka xumeen falkaas lagu waxyeeleeyay dadkaas maadaama buu yiri Kenya ay nagala dhaxayso cadaawad.
Shiikh Cabdilcasiis oo hadalkiisa...
Magaalada Beled Weyne oo Haatan ka soo Kabanaysa Dhibaatooyinkii kala Duwanaa ee uu gaystay Fatahaadii Wabiga Shabeelle.
Xaaladda Nololeed ee Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa iminka si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaysa ka gadaal Muddo Shan iyo Afartan Cisho kaddib uu Magaaladaas ay qaadeen Biyo ka soo Fatahay Webiga Shabelle .
Dadkii Magaalada isaga Barakacay ayaa bilaabay haatan in ay dib ugu soo laabtaan Guryahooda isla markaana ay dib u habeyn ku sameeystaan iyagoo ka saaraya Haraadigii Biyaha...
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Cambaareeyay Qaraxii Dhawaan ka Dhacay Xaafadda Soomaalidu Degto ee Islii.
Maxamed Yuusuf Xaaji “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay is Difaacaan ”
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo qalabka Warbaahinta ka hadlayay ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay Xaaladaha qasan ee ka jira Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kemya.Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan Kooxo Fidna wadayaal ah oo doonaya in Magaca iyo Sumcadda ay kaga ciyaaraan...
Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsana Xaaladda Deegaanka Islii ee Magaalada Nairobi ka dib marki ay ka dhaceen Dagaalo
Iyadoo shalay gelinkii dambe iyo Xalayba ay kacsaneyd Xaaladda ee Xaafadda ay Soomaalidu Degto ee Islii ayaa wararka Maanta halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in laga dareemi karo Degganaan.Xasaradan ayaa timi ka gadaal markii Bus yar oo Shalay marayay Degaanka Islii Qarax lala beegsaday halkaasoo ay ku dhinteen Todoba ka mid ah Rakaabkii Baska halka Shan iyo labaatan kalena ay ku Dhaawacmeen.
Arrintan...
Dowladda Uganda oo ka Noqotay Go’aankeedii ahaa in ay Ciidamadeeda kala Baxayso Dalal ay Soomaaliya ka Mid tahay.
Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay Dawladda Muzaveni ay u Ololeyneysey in Ciidamadeeda ay kala baxayso Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah ay ka joogaan ayaa waxaa iminka soo baxaya in Dawladda Uganda ay ka laabatay Go’aankaas.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Uganda oo la hadlay Baarlamanka Dalkaas ayaa sheegay in Dawladda Uganda ay iminka ka noqotay go’aankii ay hore...
Midowga Afrika oo Sheegey in ay Dagaal ku Qaadi Doonaan Goobaha Xarakada Shabaab kaga Sugan Tahay Gobolada Dalka
Ergeyga Midowga Afrika u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya isagoo ugu horeynba Hanbalyo u diray Wasiirada Cusub ee dhawaan la dhaariyay. Abubakar Diyara ayaa ugu horeynba sheegey in Midowga Afrika Diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Dawladda Soomaaliya isla markaana Taageeradiisa la barbar joogo.
Mr Diyara oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Amisom haatan...
Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheerre ) iyo Safiirkii Sudan Somaaliya u fadhiyey oo Geeriyooday
Waxaa Xarun Caafimaad oo ku taal Magaalada Muqdisho Goor Dhaweyd ku geeriyoodey Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) ka dib markii uu Mudooyinkaan Xanuusanaa waxaana la filayey in maanta loo qaado Magaalada Nairobi si halkaasi loogu soo Daweeyo.
Maxamed Dheere waxaa uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii sida aadka ah loo bartey Mudadii Labaatantankii sanno ee la soo dhaafey waxaa uu 1996 uu ku soo...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo Sheegy in Maamul Kor looga keeno Kismaayo aysan Dowlada Aqbali Doonin iyo Markaykanka oo ka hadlay Abuu Mansuur Al-Amriiki
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhinacyo badan hadalkiisaasi ku soo qaatay Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu horeynba ka hadlay Siyaasadda Xukuumaddiisa Shan iyo Lixdankii Casho oo ay jirtay isagoona hoosta ka xarriiqay in wax badan ay u qabsoomeen.
Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday arrinta waayadan dambe Muranka badan uu ka taagnaa...
Ganacsatadii Hore ee Bacadlaha Xamar Weyne oo Baaq u Diray Madaxda ugu Sarreysa Xukuumadda islamarkaana sheegey in wixii Dhibaato ah ee ka yimaada Boobkaas …
Ganacsatadii hore ee Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne oo Kulan ku yeeashay Magaadalada Muqdisho ayaa waxaa ay uga hadleen Dhac ay sheegeen in Dawladda Hoose ee Xamar ay ku haysato Hantidooda gaar ahaana Bacadlihii Xamar weeyne.
Ganacsatadan ayaa intaa ku dartay in Dukaamo ay halkaa ku lahaayeen laga iibiyay dad kale oo Lacago fara badan looga aruursaday. waa sida ay hadalka u dhigeene. taasoo ay sheegeen...
Shirdoon oo ka Warbixiyay Hanaanka Xukuumaddiisu u Shaqayn Doonto Muddada ay jirto
Iyadoo maalinimadii Shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Golihii Xukuumadda ee dhawaanta uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa arrintaa markii u horeeyay waxaa ka hadlay Cabdi Faarax Shirddoon Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa farta ku fiiqay in tallaabada ugu horreysa ee ay Xukuumaddiisu qaadayso in ay tahay la Dagaalanka Musuqmaasuqa...
Xukuummada Raysulwasaare Shirdoon oo la ansixiyey
Muqdisho: Maanta ayaa Baarlamaakna Soomaaliyeed la horkeenay Xukuummada uu dhawaan soo dhisay Raysul wasaare Cabdi Farah Shirdoon si codka kalsoonida loo siiyo, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlibiyad ah kalsoonida kusiiyey Xukuummada Shirdoon, waxaa golaha Baarlamaanka maanta kasoo qaybgalay 225 ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka. Codka kalsooni siinta oo ahaa gacantaag waxaa u codeeyey in xukuummada...
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo ka qayb galaysa shirka O.I.C
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Ahna Wasiirka Arriamaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Oo Ka Qayb-galeysa Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ee Ururka (O.I.C)
57-da Dal ee Wasiiradda arrimaha dibadda dowladaha Islaamka ayaa lagu wadaa shir soconaya laba maalmood in uu uga furmo 15/11/2012 Hoteel Kampiniski ee caasimadda dalka Jabuuti.
Shirkan oo ay marti gelisey dowladda Jabuuti...
Xukuumada Raiisul Wasaare Shirdoon oo Maanta mar kale ku Dhici waysey in ay Hortimaado Golaha Baarlamaanka
Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Kulankan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Iikar ayaa intii uusan bilaaban waxaa si weyn loo hadal hayay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Saacid la hor keenayo isla markaana lagu ansixinayo kulanka maanta ay yeelanayeen...
Marwada Madaxweynaha Jabuuti oo maanta Deeq Lacageed soo Gaarsiisay Haweenay Soomaaliyeed oo Dhawaan Afar Mataana ah ku Dhashey Muqdisha.
Deeqdan Lacageed oo gaaraysey illaa shan Kun oo Doolarka Maraykanka ah ayaa waxaa soo dhiibtay Marwada Madaxweynaha Dalka Jabuuti Marwo Khadra iyadoona loo soo Wakiishey Danjiraha dawladda Jabuuti u Fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble si uu u gaarsiiyo haweeney Dhawaan Magaalada Muqdisho ku Dhashey Afar Caruur ah oo Mataano.
Deeqdan oo oo Haweenayda uu qabo Madaxweynaha Jamuuriyadda Jabuuti...
Culimmada Dhimashadeeda waa Dhimashada Ummada
Waxaa ku geeriyaaday magaalada Kampala ee Dalka Yugandha Sh. Abdiwali Abdullahi Amiin oo ka mid ah Culimmada waa wayn ee Soomaaliyeed. Sh. Abdiwali waa mu’asaskii Markaska Towxiid ee Magaalada Kampala, waana Sheikh dacwada kawaday dalka Yugandha mudo dheer.
Waxaa arintaan tacsi ka diraya Culimmada Soomaaliyeed ee waqooyiga Marakanka, waxaa qoraal nasoo gaarsiiyey Sh. Abdirahman Sh. Omar isagoo...
Prof Dhalxa “Masuuliyiinta Dowlada waa in ay kala Cadeeyaan in Kismaayo tahay Magaalo Soomaaliyeed iyo Magaalo Kenya Leedahay”
Xildhibaana Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo Sheegey in Dowlada Kenya ay Qorsheryneyso in Kismaayo ku Darsato Dalkeeda.
Wasiirka Dalxiiska Kenya “Dawladda Soomaaliya haddii ay Kismaayo Wefti u soo direyso waxa loo baahnaa inay nagu soo wargeliso ka hor intaanay tegin meesha.”
Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si weyn uga Hadley Arimaha ka taagan Magaalada...
Kulankii Baarlamaanka ee Kalsoonida loogu qaadi lahaa Golaha Wasiirada oo Baaqdey ka dib markii ay Xukuumada Shirdoon ka Cabsatey in ay Kalsooni ku weyso.
Iyadoo maanta oo Sabti ah la filayay in Golaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya la horkeeno Golihii Wasiirada ee dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaa waxaa ku yimid dib u dhac. Fadhigii Barlamaanka oo ay Maanta soo xaadireen Xildhibaanada Barlamaanka oo uu hor kacayay Guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawaari ayaa mar keliya Guddoonka Barlamaanka waxaa uu shaaca ka qaaday in dib loo dhigay Ansixintii...
Mid ka mid ahaa Odoyaashii Dhaqanka ee Wax ka Ansaxiyey Datuurka oo lagu Diley Muqdisho
Malaaq Isaaq Ibraahim Xasan oo ka mid ahaa Nabadoonada Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa xalay kooxo hubaysan waxa ay ku Toogteen Gudaha Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.Marxuumka oo ka mid ahaa odoyaashii dhawaanta soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa Ergedii waxa ka ansaxisey Dastuurka ayaa lix Nin oo Bastoolado ku Hubaysan ay weerar ku soo qaadeen...
General Maxamuud Qaafoow “Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Waxaa Ka Ammar Qaata, Ciidanka XDS, Isagaana Xukuma oo Loo Magacaabey, Ciidanka AMISOM Amma Ururka Midowga Afrika, Taliye Loo Magacaabey Bay Leeyihiin…” wareysi
Madaxa hogaan xiriirka dibadda ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo ahaa taliyihii hogaaminayey saraakiisha siminaarka ugu soogebageboobey Hoteel Kempinski oo aan wax ka weydiiyey dhismaha ciidamada qaranka soomaaliyeed, ciidamada Ajnabiga ah ee dalka soomaaliya jooga, cida ay ka ammar qaataan, maadaama qaarkood ay ku yimaadeen “heshiis dowladeed”...
G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo Aadan Barin Cadowgiisa Iyo Saaxiibkiisa…”
G/sare cabdibashiir Aadan oo ka mid ahaa saraakiishii hore, islamarkaana xiligii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Col/ Cabdullaahi Yuusuf, abbaanduulihii guutada Koowaad ee ka hawl-galeysay Idaale ilaa iyo gobolada Jubooyinka oo wareysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya la yeeshay, islamarkaana ahaa saraakiishii siminaarka ugu soogeba geboobey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka jabuuti 31/10/2012...
Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Shiikh Axmed Madoobey oo Amar ku Bixiyey in Wafdi ka socda Midowga Afrika, Amisom iyo Dowlada Federaalka aysan soo geli Karin Kismaayo inta laga Dhoofinayo Dhuxusha
. Dowlada Federaalka oo ka fiirsaneysa Talaabada ay ka qaadi doonto Shiikh Axmed Madoobe
. Ururka Saxafiyiinta Qaranka oo ka codsadey Dowladda in Wariyayaal ku Xayiran Garoonka Kismaayo Dib loo soo celiyo
. Qaramada Midoobey oo Afar Bilood ugu Dareysa Joogitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya
. Golaha Amaanka oo isku Khilaafey in Soomaaliya laga qaado Cunaqabteynta Hubka
. Qaramada Midoobey oo ka...
Dowlada Kenya oo Ciidamadeeda ku sugan Kismaayo Dhaqaale uga Raadinaysa Dhoofinta Dhuxusha Jubbada Hoose
Magaalada Kismaayo oo ay ka Bilaabantay Daabulidda Dhuxushii Mudada Halkaa ku Xayirneyd –
Waxaa Magaala Xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ka bilowdey Raridda Afar Milyan oo Loor oo Dhuxul ah oo halkaas ku Xayirneed muddo. Waxaana Dekadda Magaalada Kismaayo soo gaaray Illaa Seddax Doonyood oo halkaas Dhuxusha ka raraya kuwaasoo sida la sheegay ku sii wajahan Dalalka Khaliijka.
Dhuxushan...
Warbixin iyo Waraysiyo SomaliTalk Jabuuti
Sii hayaha Xildhiga Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga Muuse Cabdulle “…Wariyayaashu Waxay Ka Mid Yihiin Dadka U Shaqeeya Shacabka Oo Gaarsiiya Fariimaha Dalka Ka Jira Wanaag Iyo Xumaan Waxa Ay Yihiinba, Waana Ka Xunahay In La Dilo, Laakiin…”
G/sare Cabdibashiir “Maah maah Militeri ah, Ayaa Waxay Dhigeysaa Askariga Ha Qorin Addigoon Macallin U Haynin, Qorigana Ha U Dhiibin Addigoo...




