Home » Faallo
Gudiga qaban-qaabada Bad-baadinta Badda Soomaaliya ee Dalka Canada:
KU: Madsaxweynaha DKG Somaliyeed: Sh. Shariif Sh. Ahmed
Ku: Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka: Shariif Hassan Sh. Adan
Ku: Wasiirka Kowaad: Cabdiweli Maxamad Cali
Ku : Mad.DG Puntland: Cabdiraxmaan Sh. Maxamad
Ku: Mad. DG Galmudug: Maxamad Axmad Caalin
Ku: Ahlu Sunnah Wa jamaaca
CC: Dhammaan Ummadda Somaliyeed
Kulan balaaran ay isugu yimaadeen Gudiga Bad-baadinta Ummadda Soomaaliyeed ee dalka Canada...
OGAYSIIS : MUDAAHARAAD NABADEED OO OSLO KA DHICI DOONA AXADA
WAXAA KA DHICI DOONA OSLO AXADA SOO SOCOTA , BISHANA AY TAHAY 16. OKTOBER, MUDAAHARAAD AAN SIYAASAD IYO KOOXAYSI KU SAABSANAYN, LAGUNA TAAGEERAYO NADABA , LOOGANA SOO HORJEEDO DAGAALADA IYO DILALKA AAN DHAMAADKA LAHAYN EE KA SOCDA SOOMAALIYA .
GOOBTA : XARUNTA TAREEMADA OSLO , BARXADA SHABEELKA SANAMKA AH UU KA TAAGANYAHAY.
SAACADA : 14:OO DUHURNIMO, FADLAN WAQTIGA DHOWR, HAL SAACAD OO KELIYA AYAAN...
Faraxaygu Ma SomaliTalk baa mise waa Baarlamaankii aan ka tirsanaa?!
Akhristoow labo Hay’adood baan muddo ka tirsanaa waa hay’adda ama Bahda SomaliTalk oon hal caqdi ama 10 sano wax ku qoraayey iyo Hay’adda ama Baarlamaanka Soomaaliyeed oon hal sano ka tirsanaa .
Haddana maanta waxaan isweydiinayaa keebaan labadooda ku faraxsanahay ma Qoraaladdii Difaaca Badda Soomaaliyeed ee Hay’adda ama Webside-ka Somalitalk ku Baraarujiyey Ummadda Soomaaliyeed...
Xeebaha Dalka Soomaaliya & Go’aankii Xaqa ahaa ee Baarlamaanka
Marxaladaha siyaasadeed ee uu dalku soo maray 21kii sanadood ee aynu ku jirnay dagaaladan sokeeye iyo burbukan ayaa waxay abuureen in gebi ahaanba noloshii, dhaqaalihii waxsooraarka, sida badihii, beerihii, xoolihii inay iyaguna baaba’aan ama ay ku adeegtaan dad aan aqoon wanaagsan u lahayn oo u adeegsanaya wejiyo ay macaash kaga heli karaan taasi waxay keentay in xeebihii dalka soomaaliya ay...
Prof. Yaxye: “Hambalyo ayaan leeyahay codeyntii Baarlamaanka ee sharciga Badda..
Prof. Yaxye: “Hambalyo ayaan leeyahay codeyntii Baarlamaanka ee sharciga Badda Soomaaliya oo noqotay tallaabo taariikhi ah”
Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuwooda hormuudka ah dhinaca kalena ah shaqsigii ugu horeeyay ee ka hadlay Road Mapka ayaa taageeray codeyntii Golaha Baarlamaanka uu u qaaday sharciga Badaha Soomaaliya ee uu ku laaday dhammaanba heshiisyadii...
Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii
Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya, 335 xildhibaan ayaa u codeeyey, cidna kama aamusin, cidna ma diidin — Waxaa maalmahan Xarunta Golaha Shacabka ka socdey Dood ku saabsan Badda Soomaaliya ka dib marki ay soo baxeen in Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo u ololeynaya in Badda Soomaaliya la xadeeyo waxana Doodaan ka Hadley Xubno...
Shareecadda iyo AL-Shabaab (4) !!!! | Sh. Saahid
War deg deg ah ( breaking news):(1)
Wixii maanta oo talaado ah ka dhacay magaallada xamar wax yaable bay aheyd Dilitaanka 70 qof iyo wax ka badan iyo dhaawac gaaraaya 140 qof.
Waa dhacdadii shaamoow oo kale Ardey iyo waalid iyo macallimiin, maxaa caawa xalay uga eg,Muslim baa la leynayaa janaana lagu galayaa, waa koox kale oo dhallinyaro la habaabshay oo mar kale is halaagtay dad iyo maal iyo moodna...
Ogeysiis: Wargalin Somalida DAGAN Ottawa South doorasho
Waxaa lawargalinayaa Somalida Dagan Caasimada dalka Kanada Gaar ahaa Ottawa South In Walaalkood Wali Farah uu yahay musharax u sharaxan jagada MPP ee Ottawa South, Fadlan Codkaada ka dhiiba oo sii walaalkaada somaliyeed codkaada.
Walaalaha Somaliyeed ee dagan Ottawa South waxaa Guul u ah in uu musharaxa Somaliyeed uu yahay shaqsi xirfad weyn ku leh iyo magac intaba dalka Kanada gaar ahaan Caasimada...
Prof. Ibbi oo u Ololaynaya Xadayn Cusub oo Dhulbadeedka Soomaaliya Lagu soo koobayo 12 mayl-badeed.
Prof. Ibbi oo Markale arrintii badda ee Barlamaanku ku diiday soo rogaal celiyey – Idaacadda VOA waraysi ay Prof. Ibbi layeelatay ayaa lagu soo qaaday arrimaha badda ee hadda taagan iyo heshiiskii Prof. Ibbi odayga ka ahaa. Arrinta kusaabsan MOU ama Is-afgarad loogu yeero, heshiiskaas oo dowladii Cumar C/rashiid lagashay
Sii AKhri
Read More →
Sharciga Badda Soomaaliyeed oo Af-Soomaali loo rogey 40-sano kabacdi: SomaliTalk.com
Qodobka koowaad: Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu gaarayaa 200 mayl badeed (nautical miles), waxana uu soo hoos gelayaa Xornimada (Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya Sii AKhri…
Read More →
Somalia: A Road Map into a New Quagmire | By Dr. Oduesp Eman
Since September 6th when a two and a half a day long conference known as the High Level Consultative Meeting was concluded in Mogadishu, the name that has been dominating the Somali political discourse was the Road Map- the byproduct of said meeting. Or, the document endorsed by the participants as the prerequisite for Somalia to emerge out of its transitional status.
Unfortunately, like all documents...
Baarlamaanka FKMG oo ka doodaya Arrimaha “Xadaynta” Badda Soomaaliya
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la Horkeeney Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda si wax looga Weydiiyo Arrimaha Badda ku saabsan
Baarlamaanaka DFKMG oo ka doodaya Arrimaha Xadaynta Badda Soomaaliya…. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta kulan ka yeeshey Arrimo la xiriira Badda Soomaaliya ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in 19 Desember la doonayo in la xadeeyo Badda...
Xildhibaan Cawed Axmed Cashara Oo Ku Eedeeyey Xukuumada C/weli Gaas Inay Sii Luminayso Xaduuda Badda Soomaaliya
Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee Somalia xildhibaan Cawed Axmed Cashara oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Toronto ee dalkasi Canada ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo uu ku dhaliilayo sida ay xukuumada KMG ah ee Somalia ee uu madaxda ka yahay Dr-c/weli maxamed cali gaas ay uga hadashay arinta bada soomaaliya ee lagu soo xad gudbay islamarkaana ugu baaqay umada soomaaliyeed...
Dr Jaamac Xirsi Muumin”Nin aan Badda in Qaraar tahay iyo in Macaan tahay aan garaneyn baa ku leh waxaa Sharci u sameynayaa Badda “
Iyadoo weli ay socoto Qayla dhaanta looga soo horjeedo Qorshaha Guracan in Badda Soomaaliya la xadeynayo 19 Desember ayna ku Howlan tahay arrimahaas Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid wadamada Shisheeye ayaa waxaan Arrimahaan wax ka weydiney Dr Jaamac Xersi Muumin oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed isla markaana la socda arrimaha la xiriira Badda Soomaaliya waxaa uu yiri”Badda Soomaaliya waxay ku taalaa...
Boobka Badda (Indian Ocean) iyo Soomaali oo noqotay Agoon loo Itaal sheegtey
Waxaa layiri nin Soomaali ah ayaa isku subax wuxuu aasey oo ciidda ku wada rogey aabihiis iyo wiilkiisii curadka ahaa. Subaxaasu wuxuu noqdey kii ninkaas ugu naxdin iyo murugo badnaa intii uu noolaa. Ninkii oo murugeysan ayaa wuxuu yiri oraahdan: Sii Akhri
Read More →
VIDEO: Somali-Chennel TV oo arrimaha xadaynta badda Soomaaliya ka waraystay Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Dan ayaa noogu jirtay baddeenu in ay xad leedahay oo inoo caddahay EEZ waxa la yiraahdo ….
Daawo
Read More →
Xeradu Waa Eber | Qore: C/raxmaan Salaad
Maxay tahay dhibta aan shacabku arag oo ay arkaan madaxda dawlada oo kaliya ee ku jirta hadii aan cadeysano xuquuqdeena badeed oo ah 200nm? Xagee iska galaan taako dhukeena ah la bixin maayo iyo waxaan ka tanaasulayaa 96% baddeena? Maxaa dhacaya hadey dawladu si fudud u sheegto in badda Soomaaliya ay horey u cabirneyd, xeerna ka yaalo, Qaramada Midoobayna ay cintiraafsan tahay doodna aysan ka taagneyn?...
Yaa ka dambeeya xadeynta lasheegay in Loosameynayo Badda Soomaaliya 19 Dec 2011
Waa maxay farqiga udhaxeeya (Somali Territorial Sea) oo macnaha ah Dhul badeedka wadanka Soomaalida, iyo EEZ” (Exculisive Economic Zone) oo macnihiisu yahay Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah?
Sii Akhri
Read More →
Boobka badda Soomaaliya sideen uga badbaadnaa?!!
Waxaan shaki leheyn in dhibaatada Soomaaliya ey ka danbeyso quwado shisheeye oo wadankan dabin u dhigaayay lagasoo bilaabo madaxbanaanidiisii 1960 ilaa xiligaan, balsa markastaba loo gelinaayay shaar siyaasadeed oo munaasab u ah xiligaas siyaasadda jirta.
Waxaan tusaalayaal usoo qaadan karnaa arimahaan soo socda oo kulligood tusaala u ah neceybka reer galbeed iyo Adnaabtoodu u haayaan wadankaan.
—...
Qaybtii 2 aad: Baddeenii Waxay Baylah ku tahay Aqoon darrida Madaxdeenna?
Ra’isul Wasaareheenna Dr. Gaas waxa uu shirkii ugu dembeeyey ku dooday in ay Soomaaliya xaq u leedahay 12 NM oo keliya oo biyaha Badweynta Hindiya ka mid ah. Markii kulamo is dabo joog ah oo todobaad ka hor ka dhacay Toronto, Canada dhawr jeer lagu weydiiyey isaga iyo Dr. Mahige waxay labaduba jawaabtaas oo Sii akhri
Read More →
Waa Yaabee SomaliTalk Miyaa leh Badda Soomaaliya
Anigoo saaran Gaari Bas ayaa nin Odey ah oo ila saarnaa gaari wuxuu ii soo taagay salaan waana ka qaaday, wuxuuna igu yiri “Sow kama mid tihid Qoraayaasha website-ka Somalitalk”, waxaan u sheegay in aan ka mid ahay, wuxuu hadalkiisa ku daray “ Ninyahow waan yaabahanaye”, markuu hadalkaasi ka soo baxay ayaan weydiiyey waxaa ka yaabiyey, wuxuuna iigu jawaabay “Waa sheeko dheer oo u baahan Fadhi”,SII...
SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed Casharkii XII-aadii
Sida aanu soo xusney guutooyinkii u adeegayay xooggii gumeystaha, waxaa lagu soo ururshey degmada Eyl. Dabadeed waxay guda-galeen howl-galladii weerarka ahaa oo ay kaga hor-tegayeen dagaalyahaniintii axraarta ahayd. Ciidamadii Talyaanigu watay iyaga oo laba af ah ayaa waxay u hayaameen dhanka waqooyi. Ciidan waxay qaadeen dhulka xeebta ku dhereran ee degmada Eyl kaga began waqooyiga, degaankana dhanka...
Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya oo Lagu Yahay Duullaan
Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare) oo Waraysi si qoto dheer uga hadlay Badda Soomaaliya waxa uu siiyey Telefihanka Somali Channel.
Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo...




