Home » Archive Sannadka 2009
Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis, Minnesota
Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Magaalada Minneapolis ee Gobolka
Habeenimadii Isniinta (Oct 26, 2009) ayaa wiil Soomaaliyeed waxaa lagu diley magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Wiilka waxaa magaciisa la oran jirey Ali Yasin Ismail, oo da’diisu ahayd 23-jir, sida uu sheegay Telefishanka WCCO Channel 4 ee Minnesota.
Wiilka waxaa lagu dhex toogtey gaari markaas taagnaa...
kabtan Shaash: hambalyo tartanka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore iyo wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada
kabtan Shaash: hambalyo baanu leenahay tartanka Nabadda iyo soo noolaynta kooxihii hore iyo wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada
London 27/10/2009. Kabtankii xulka Qaranka dalka Soomaaliya mudane Ibraahim Mohamed Ali oo ku magac dheer ‘’ Kabtan Shaash islamarkaana ka mid ahaa ciyaaryahanadii dalka Soomaaliya magaca weyn ku lahaa kubadda cagta kana tirsanaa kooxda Horseed laguna tilmaami karo daafacyadii...
Johannesburg: Kulan lagu Cambaareyey dad lagu xirxirey Puntland
Kulan lagu cambaareyey dad Puntland lagu xirxirey oo lagu qabtay Johannesburg
Halkan ka dhegeyso Sawiro dheeraad ah
Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen dad farabadan oo kasoo jeeda beesha Absame ayaa ka dhacay magaalada Johannesburg kullankaasi oo si weyn loogu cambaareeyey rag beeshani kasoo jeeda oo sida la sheegay dooni laga degey Puntland kadibna xabashida loo gacan galiyey.
Suldaan Dugsiye oo...
Go’doominta lala rabo reer S/galbeed sidee looga gaashaantaa? | Xasan
Go’doominta lala rabo reer S/galbeed sidee looga gaashaantaa?
Xasan Maxamed Ibraahim
xasanyare@msn.com
Gumeysiga Itoobiya oo dhib iyo tacadiyo badan oo isugu jira dil, jirdil, dhac, barakicin iyo xabsiba ku hayey dadweynaha reer soomaali galbeed wuxuu baryahaan danbe billaabay tab cusub oo ah inuu heshiis hoosaadyo la galay maamullada ka jira Soomaaliya qaarkood; si ay ugu soo gacangaliyaan dadka...
11 Sano Jirkii Puntland iyo Fursadaha Wali Taagan | Mohamed Wali
11 Sano Jirkii Puntland iyo Fursadaha Wali Taagan.
Hordhac:-
Waxaa cad oo si waadix ah umuuqda habayaraatee 11kii Sano ee ay Puntland Jirtey in aan laga gaarin guulihii Udub dhexaadka u ahaa Dawlad Goboleedka Puntland oo Shacbiga puntland uu isha ku hayey Maamuladii kala duwanaa ee Puntland soo marey, sanadkii 1998 Xiligii Beelaha Walaalaha ah ee Puntland isugu yimaadeen in maamul loo dhanyahay ladhisto,...
Muqdisho: Siminaar ku saabsan wacyigalinta Bulshada ee Khatarta Cudurka Aids-ka
Mudane Cabdi Nuur “Hay’adda Ospad waxay Siminaaradaan u qabaneysaa in ay Bulshada ku wacyigeliso khatarta Cudurka Aids-ka”
Sawiro Dheeraad ah halkan ka akhri
Waxaa Xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey siminaar ku saabsan ka hortaga cudurka Aids-ka waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda Ospad oo ah Hay’ad markasta u taagan in ay bulshada ka wacyigeliso...
KHATARTA DABKA | Cabduqaadir
KHATARTA DABKA
Dabku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha asaasiga ah ee nolosha aadanahu ku tiirsan tahay oo aan sina looga maarmi Karin miyi iyo magaalaba, wuxuuna soo jiray oo lagu intifaaci jirey ilaa abuuritaankii aadanaha, waana lagu intifaaci doonaa inta aadanuhu dunidaan korkeeda ku nool-yahay.
Dabku wuxuu soo maray heerar kala duwan oo waagii hore waxaa laga dhalin jiray Geedaha, Dhagxaanta iwm.,...
Cumar C/rashiid oo Booaqsho ku tegey London, UK
Cumar C/rashiid oo Booaqsho ku tegey London, UK
Ahmed Elyas
UK LONDON
Waxaa October 26, 2009 magaalada London ee cariga ingiriiska safar shaqo ku soo gaaray goor danbe oo maanta (26/10/2009) ah wafdi sare oo uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DFKM Somalia Dr. Omar A. A. Sharmarke oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.
inta uu joogo raisulwasaaraha Somalia magaalada London ee cariga...
Luqadda Soomaaligu kama soo bilaaban Afar Reer Guuraa ah: Siciid Saalax oo Jooga Helsinki
LUQADDA SOOMAALIGA MA AHA MID AFAR REER GUURAA AH KASOO BILAABATAY SIDAAS WAXAA YIRI MACALIN SICIID SAALAX OO JOOGA HELSINKI.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Xalay (Oct 25, 2009) Fiidnimaddii markii ay ahayd saacadu 20:30 ayaa waxaa garoonka weyn ee magaaladda Helsinki kasoo degay Macalin Siciid Saalax oo ka yimid dhinacaas iyo wadanka Sweden oo uu ugasoo qayb galay shirsanadeedkii macalimiinta...
Dameero Dacwo Ah | Qore: Amiin Yuusuf
Dameero Dacwo Ah.
“Waxaan ku soo baxay buuq iyo sawaxan, markaan u kuurgalayna waxaan ogaaday in ay meesha isku haystaan Haweenay iyo Ninkeeda, Haweeneyda ayaa waxay ku doodeysaa “Ninkaan Dameerka ayuu silcinayaa, waxaana ogaaday in marka uu galo aagga ay ka taliyaan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin in uu Liijaanka ka furo ,Dameerka marka uu ka soo baxna dib ayuu ugu celiyaa wuxuuna dhigtaa Liijaan...
Jaaliyadda Sweden oo qabatay kulan lagu tageerayo hoggaanka cususb ee SSC
Jaaliyadda Sweden oo qabatay kulan lagu tageerayo hoggaanka cususb ee SSC!
Halkan ka daawo Sawiro Dheeraad ah (Sweden)
Jaaliyadda SSC ee Sweden ayaa ku qabatay magaala madaxda Stockholm kulan si heersare ah loo soo agaasimay, oo lagu ayidayo go´aamaddii ka soo baxay shirweynihii beeshu ku yeelatay magaalada Nairobi. Waxaa kulanka lagu furay aayado quraan ah, ka dibna waxaa warbixin qoto dheer ka...
Xaqiiqda Puntland iyo kursi kala cayrsiga | Dr. Yuusuf
Waxaan salaamayaa dhamaan akhyaarta maqaalkan akhrisandoonta weliba waxaan jeclahay in tixgelin gaara lasiiyo waayo runta ma badna ee beenta ayaa tiro badan.
1.Puntland wax ay qabsatay maleh aan ka ahayn beelo nabad kuwada degenaa kuwaas oo isir wadaag ah, aan caadifi ahayn, nabadgeliyana Deriska ka agdhow ama Qabiil ha wadaageen ama Somalinimo haba ka dhexeysee, anigoo meesha ka saareyn Somali oo...
Awooda Talada Puntland Dad gaar ah ayey Gacanta ugu jirtaa Haddii aan wax laga bedelina… | Bile Qaboowsade
Awooda Talada Puntland Dad gaar ah ayey Gacanta ugu jirtaa Haddii aan wax laga bedelina waxaa hubaal ah in Kooxaha Xag-jirka la wareegi doonaan Puntland.
Waxaa jira jahawareer iyo habacsanaan ka dhex muuqata Maamulka Puntland ee hadda Talada haya, taasoo loo aaneynayo Awooda Xukunka oo ku soo ururtay Dad gaar ah ama shakhsiyaad aan Dalka horay u joogin lana socon dhibaatooyinka soo jireenka ah ee...
Arday Somaliyeed oo wacdaro ka dhigay Bandhig Dhaqameedka Jamacada Karachi
Arday Somaliyeed oo wacdaro ka dhigay Bandhig Dhaqameedka Jamacada Karachi,
Markay bishu ahayd 16/10/2009, ayaa waxa ka dhacay Jamacada Karachi ee dalka Pakistan Xaflad lagu soo Bandhigayo Bandhig Dhaqameedyada Ardayda Ajaanibta ee wax ka barta Jamacada Karachi, Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 8 Wadan oo ay ka mid ahayeen Somalia, Suudan , Nepal, Kenya ,Falstin , Jordan,Cuman,,iyo Yemen...
Jaaliyadda Soomaalida K/Africa Oo Boliiska Kala Hadlay Dib usoo Celinta Lacag $50-kun Dollar ah Oo Laga Qaatay Xawaaladda Qaran Express.
Jaaliyadda Soomaalida K/Africa Oo Boliiska Kala Hadlay Dib usoo Celinta Lacag $50-kun Dollar ah Oo Laga Qaatay Laanta Xawaaladda Qaran Express.
Cape Town – Jaaliyadda Soomaalida K/Africa ee Somali Community Board of the Western Cape, ayaa daboolka ka qaaday inay ku daba jiraan lacago Kumanaan Dollar ah oo October 14, 2009 Ciidamo la sheegay in ay yihiin Boliis ah iyo Waaxda Canshuuraha oo wada jira...
Ustaad AL-Shiikh Abuu Saciid AL-Nuurasi (1) | Shiikh sahid
Ustaad AL-Shiikh Abuu Saciid AL-Nuurasi (1).
Horudhac:
Shiikhaan oon markaan xulaayey Culumaddii Sideeda ahaa ee aan Qarnigaan ku soo moodnay, ayaan tirada iskaga buuxsaday,maadaama uu ka soojeedo Barriga yurub uuna la diriray Dawladdii Cilmaaniga ahayd ee Mustafa Atatork. Laakiin markaan Taariikhdiisa dib ugu noqday asaga ayaaba safka hore ugu jira Culumada aan ka sheekeynaayo, xagga xifdiska iyo...
Cadaado: Nabadoon Cali Geeddi Afeey oo Geeriyooday
Allaha u naxariistee Caaqil Cali Geeddi Afeey oo ah Nabaddoon si wanaagsan looga yaqaan gobollada dhexe ayaa maalinadii Jimcadii 23-ka Oktoobar 2009, ku geeriyooday magaalo madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado.
Caaqil Cali Geeddi ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa oday nabaddoon ah, oo waqtigiisa intiisa badan ku qaatay nabadaynta beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobollada dhexe.
Bishii aanu...
Dowlad Diyaarad Saaran Dadkeediina Daafaha Muqdisho Duumo Kulaysay
Waa nasiib daro lasoo daristay umada somaliyeed, waxayna nasiib u heleen mudo 20 sano ah dagaalo soo noqnoqda, abaaro, cuduro, aan qaarkood la-aqoon qaarna laga dabar gooyey caalamka, hogaan aan arxan lahayn kanashaqeeya dantiisa iyo mida ehelkiisa iyo caalamka oo kusii ciqaaba dhibka ay kujiraan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan dadlkaan soo maray mudadii 10 ka sano ahayd ee udanabysay 3 Dowladood waxay...
Burburkii Qoys ilaa Qaran|Q-5aad|Mingiste
(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).
Sababihii keenay burburka:-
Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli...
Sacdiyooy Allaha kuu naxariisto!Kaneec
Waxay ahayd maalin kamid ah maalmaha illaahay, waa arooryo ay Qoraxda soo baxayso si ay u iftiimiso dhanka aan dunida kaga noolnahay, waa kuwan falaaraheedii si’ay noo ogaysiiso in waagii baryey oo aan Irsaaqada illaahay u raadsano, waa kuwan dadkii deganaa magaalada Muqdisha oo u kalahaaya kasab iyo tacliin. Sacdiyana waxay kamid ahayd dadkii waxbarashada u kalahaayey, subaxaas reerkii sacdiya...
Somali Prime Minister and UN top official open new High Level Committee
PRESS RELEASE 029/2009
Somali Prime Minister and UN top official open new High Level Committee
Nairobi, 23 October 2009 – Somalia’s Prime Minister, Omar Abdirashid Ali Sharmarke, the UN Under-Secretary-General for Political Affairs, Lynn Pascoe, and the UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, have called for an urgent increase in international support for Somalia.
Opening...
Ra’isul-wasaaraha Cumar Cabdirashiid “Kooxaha naga soo horjeeda ayaa Shacabka Madaafiicka ku garaaca, waxayna doonayaan in Dowladda iyo ciimada AMISOM la iska horkeeno”
Ra’isul-wasaaraha Cumar Cabdirashiid “Kooxaha naga soo horjeeda ayaa Shacabka Madaafiicka ku garaaca, waxayna doonayaan in Dowladda iyo ciimada AMISOM la iska horkeeno”
Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul-wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta kulamo gooni gooni ah kula yeeshay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya masuuliyiin ka kala socotay Qaramada Midoobay, hay’addo iyo...
Xaaladii ugu danbeysay iyo sida ay Xalay ahayd Muqdisho
Xaaladii ugu danbeysay iyo sida ay caawa tahay Muqdisho
Waxaa isa soo tarayo qasaraha ka dhashay duqeymihii Ciidamada AMISOM u geysteen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho wuxuuna dhibka ugu weyni gaaray dad rayid ahaa oo ku sugnaa jidka wadnaha agagaarka tarbuunka ilaa geed jacayl inta u dhaxayso siiba masaajidka macalin biyo mamlow ,qeybo ka tirsan xaafda howlwadaag ,suuqa xoolaha oo ay ku dhinteen...
Gen. Cade Muuse oo si wayn loogu soo dhowayey Garoonka Diyaaradaha Bosaso
Madaxwaynihii Hore ee Dowlada Puntland Mudane Cade Muuse ayaa si wayn loogu soo dhowayey Maanta (Oct 22) Garoonka Diyaaradaha Bosaso ee Benderqasim Airport.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Madaxwaynihii hore ee Maamulka dowlada Pl Mr Cade Muuse oo wayahanba ku suganaa Magaalada Nayroobi ee Xarunta dalka kenya ayaa ka soo degey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaso,Waxaana Maanta Garoonka diyaaradaha...




