Home » Archive Bisha June, 2012

Dastuur Dastuur Dhalay Waa Muufo Muufo Dhashey

Jun 25, 2012
Iyadoo weli uu khilaaf ka taagan yahay Dastuurka Qabyada ah ee la filayo in bisha soo socota ay ansixiyaan Odoyaasha Dhaqanka ee ku shirsan Magaalada Muqdisho kuwaas oo tiradoodu gaareyso 135, waxayna iyana soo xuli doonaan 825 ergo kuwaasoo i yana si rasmi ah u ansixin doona Dastuurka 12 Luulyo ee foodda nagu soo haysa, hase yeeshee waxaa moodaa in uu sii laba kacleeyey khilaafkii ka taagnaa dastuurka... 
Halkudheg:

Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Ee Dalka Jabuuti Calidaahir Xasan Cali Oo Fariin Culus U Direy Bulshadda Caalamka Iyo Ummadda Soomaaliyeed

Jun 24, 2012
“Wixii Aan Laga Daalin Libintooda Maalin Baa La Helaa… Ummadda Soomaaliyeed Dhammaan Waxaan Ka Codsanayaa In Ay Dhigaan Qoriga Gacanta Iyo Kan Maskaxdaba” Xaflado lagu xusayo Sannad Guuraddii 61-d ee ka soo wareegtey markii dhidibada loo taagey Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu qabtey Xerooyinka Qoxootiga Cali Cadde, Hol Hol iyo Hoteelka Sharitoon ee Caasimadda dalka Jabuuti 20/06/2012-ka. Munaasabadan... 
Halkudheg:

Dhakhaatiirta oo ka walwalsan caafimaadka Soomaalida qurbaha: Maxaa kala haysta Faqriga fitamiin D & Soomaalida qurbaha?

Jun 24, 2012
Soomaalida ku nool reer galbeedka ayaa waxaa la arkay in markay qurbaha imaanayanaan ay caafimaad qabaan, sanado kadibna ay la soo daristo caafimaad xumo. Dhakhaatiirta ayaa arinkaas ku fasiray qorax la’aanta wadamada ay u soo hayaameen kadib markii ay arkeen sida uu u liito heerka fitamiin D Soomaalidii laga cabiray. Taas waxaa loo aaneeyaa maqaarkooda oo madow, hab-dhaqanka labiska, dhalmada isu... 
Halkudheg: ,

Musharax Prof Saciid Ciise oo booqday Afgooye

Jun 24, 2012
Gudoomiyaha xisbiga Dadka ahna musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Prof Saciid Ciise Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay dagmada Afgooye oo ka tirasan Gobolka Sh/hooose waxaana booqasahdiisu salka ay ku heysay sidii uu xisbigu xafiis uga furan lahaa dagmada Afgooye . Halkan ka daawo Sawirada Waana markii ugu horeysay xafiis siyaasadeed... 
Halkudheg:

Madaxweynaha Shiikh Shariif oo sheegey in uu soo Dhaweynayo Ciidamada Itoobiya ee Dagaalka kula jira Xarakada Alshabaab

Jun 24, 2012
Xiligii Maxaakiimta: Taangi Itoobiya Marnaba Dalkaan laguma qabsan Doono . Madaxweynaha DFKMG Shariif oo ka mid ahaa saxiixayaashii roadmapka oo shir kaga qayb galay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Sabtidii waxa uu ka hadlay xiriirka Somaliya iyo Itoobiya. Sh. Shariif ayaa Xukuumadda Itoobiya Xiriirka kala dhaxeeya dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ku sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan isla... 
Halkudheg: ,

Guddiga South Central Aids Commission (SCAC) oo ka Warbixisey wax Qabadkeedii Sannadkii 2011 iyo Caqabadihii ka Hor yimid

Jun 24, 2012
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI… Warbixinta: Guddiga South Central Aids Commission (SCAC) Waxaa Bishaan 20-keeda ilaa 21-da lagu qabtey Hotel Ambasadoor ee Magaalada Muqdiosho Kulan lagu soo bandhigayey... 
Halkudheg: ,

In ka Badan 14 Muwaadiniin Soomaali ah oo Siyaabo kala Gooni Gooni ah Loogu Dilay Dalka Koofur Afrika Todobaadkii Hore

Jun 23, 2012
Saraakiisha ciidamada ammaanka ee Dalka Koofur Afrika ayaa warbixin Todobaadlaha ay ka qoreen dhinaca shilalka Dilka ayay ku sjheegeen in Todobaadkii aynu soo dhaafnay Dalkaas lagu dilay Illaa afar iyo Toban Muwaadiniin u dhashay Dalka Soomaaliya. Dilalkan oo ka kala dhacay Magaalooyinka ku yaal Wadanka Koonfur Afrika ayaa Soomaalida la dilay waxaa sidoo kale loo gaystey Boob Hantidoodii lagu dhacay... 
Halkudheg:

Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Cod Dheer Mareykanka ugu Sheegey Halka uu ku Sugan yahay Xiligan

Jun 23, 2012
  Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Shabaab isla markaana ka mid ahaa Xubnihii Todobada ahaa ee dhawaanta Maraykanku Madaxooda Lacagta Dul Dhigay ayaa markii u horeeyay arrintaa ka hadlay. Rooboow oo maalinimadii shalay Salaadda Jimcaha kaddib Masaajid ku yaala Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay kula hadlay taageerayaashiisa ayaa sheegey in Maraykanku... 
Halkudheg:

Nairobi: Baaq ka soo baxay Saxiixayaashii Roadmap-ka

Jun 22, 2012
Warsaxaafadeed: Baaqa Wadajir ah ee Wadatashigii Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG Nairobi, 22 June 2012 Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheenNairobi, Kenya laga bilaabo 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wadaxaajood dheeraad ah uga sameeyaan higelinta khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya. So gaar ah waxay diiradda u saareen... 
Halkudheg:

Dagaal u Dhaxeeyay Ciidamada Dawladda KMG iyo Xarakada Shabaab oo ka Dhacay Ceelasha Biyaha laguna Diley Sarkaal sare oo Dowlada ka tirsan

Jun 22, 2012
Dagaalkan oo ahaa Dagaalka loo Yaqaano Jid Galka ayaa subaxnimadii hore ee saaka (oo Jimce ah) waxaa soo qaaday Ciidamada Xarakada Shabaab kuwaasoo Weerar ku ekeeyay Sal dhig ay Ciidamada dawladda FKMG ku lahaayiin Degaanka Ceelasha Biyaha. Dagaalka oo Muddo soconayay ayaa wararka halkaa ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in uu jiro Khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dirirtu u dhaxaysey iyo waliba dadka... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Mamnuucay in Hub lala soo Dhex Galo Xeebta Liido

Jun 22, 2012
Muqdisho: Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Gen. Xasan Maxamed Xuseen Mungab ayaa manta Boqolaal Dhallinyara ah kula hadlay Xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho.Guddoomiye Mungab ayaa sheegey in Xeebta Liido ay tahay meel ay u soo dabbaal iyo dalxiisba tagaan Mas’uuliyiinta dawladda, qaybaha kala ee Bulshada isla markaana loo baahan yahay in goobtu ay u muuqato Goob ammaan ah.Guddoomiayaha... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo ka Warbixiyay Dad Gaajo Ugu Dhintay Degmada Hodan

Jun 21, 2012
iyo Xuseen Carab Ciise oo ah Ku simaha Raiisul Wasaaraha oo maanta soo Bandhigey Lamaanayaal u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo Af Duub ahaan Loogu Haystay Soomaaliya. Warbixin Degmada Hodan, Muqdisho: Guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ka war ixyay Xaaladda Nololeed ee barakacayaasha ku sugan Degmadaasi. Dhabaneey ayaa sheegey in Degmadaasi ay ku sugan... 
Halkudheg:

Warbixin ku saabsan Shirkii u Socdey Dawladda KMG Somaliya iyo maamulka Soomaaliland

Jun 21, 2012
Iyadoo maalinimadii shalay si rasmi ah uu u bilowdey wada hadaladii u dhaxeeyay dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya iyo maamulka SoomaaliLand ayaa wararka naga soo gaaraya shirkaasi waxa ay sheegayaan in si habsami leh ay u soconayaan. Shirka oo ay goob joogayaal ka yihiin qaar ka mid ah Beesha caalamka ayaa dhinacyadu waxa ay halkaa isku weydaarsadeen Aaraadooda iyadoo dhinaca Soomaaliland ay aad... 
Halkudheg:

A Constitution-Making Process With Sharp Teeth: Crossing The Mogadishu Line

Jun 21, 2012
The peace and reconciliation process in Somalia has entered a critical juncture. A new Constitution, drafted with the help of the United Nations Development Programme, is scheduled to be adopted in the next few weeks. Will the new Constitution help deliver peace to a country ravaged by more than two decades of civil war? The optimism of the international community is not shared by Somalis themselves,... 

Nairobi: Khudbadii C/weli Gaas ka jeediyey Shirka Nairobi ee Saxiixayaashii Roadmap-kai

Jun 21, 2012
Waxaa magaalada Nairobi ka furmay shir ay ka qayb qaadanayaan saxiixayaashii Roadmap-ka, shirkaas oo uu soo qaban qaabiyey ama sahley xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya UNPOS. Waxaa shirkaas ka qayb qaadana DFKMG, Puntland, Galmudug, Ahlusuna iyo UNPOS ee Mahiga. Warsaxaafadeedka hoose oo ku saabsan khudbadda waxaa soo saaray xukuumadda FKMG Warsaxaafadeed Qudbadii uu ka jeediyaya... 
Halkudheg:

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo gaaray dalka Turkiga iyo soo dhoweyn diiran oo loo sameeyey

Jun 21, 2012
iyo Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Wefdi ka socda dowladda Faransiiska… Warbixin Turkiga: Ankara, June 20,2012——Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa galabta soo gaaray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga isaga oo saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho. Safiirka ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubno uu hor kacayay... 
Halkudheg:

Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka oo ka furmaya Nairobi oo lagu tilmaamey Dalxiisayaal- Garoowe laba jeer, Gaalkacyo, London, Adis-Ababa, Stanbul 2 jeer

Jun 20, 2012
iyo Wasiirka Amniga Qaranka oo si kulul u beeniyey inuu Jiro Khilaaf u Dhaxeeya Xukuumadda iyo Odoyaasha Dhaqanka. iyo Xildhibaano Daahir Ciiro ”Kulankii Raiisul Wasaaraha iyo Odayaasha Dhaqanka wuxuu ahaa Mid Xukuumada Dano Gaar ah ka lahayd” Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka oo ka furmaya Nairobi Waxaa Maalinimada berri ee ku beegan Arbaco ah lagu wadaa in magaalada Nairobi ee Dalka kenya... 
Halkudheg:

Xukuumadda FKMG oo sheegtay “In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa”

Jun 19, 2012
Shir ay yeesheen golaha Wasiirada DFKMG ayaa lagu go’aamiyey “In ay danbi tahay in qof haysto hanti gaar loo leeyahay.”  Waxaana go’aanka wasiiradu intaas raaciyey  “In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa.” Hoos ka akhri warsaxaafadeedka War Saxaafadeed Golaha Wasiirada oo Galabta Isugu Yimid Shir Looga Hadlayo... 
Halkudheg: ,

Howraarsankii Hanti-wadaagga iyo Hammigii Hanti-goosadka Halkee bay ku dambeeyeen?

Jun 18, 2012
ALLAH ayaa Xummaan oo dhan ka nasahan,waxaana ku Sallinayaa RASUULKA (CSW).Intaa kadib akhriste Maqaalkaan waxan ku eegaya haddu Rabbi idmo Taariikhdii Dal iyo Dad ay soo martay Ummadan  aynu  ku abtirsanno ee Soomaaliyeed, gaar ahaan heerarkii Ganacsi ee ay soo mareen,waqtigii Dowlad li’ida nahaysay ilaa markaan yeelanayba,  anigoo ku sheegi doona  waa sidaan aaminsanahaye sababta dhabta ah... 

Midnimo ayaan magac ku leenahay

Jun 18, 2012
  Midnimada waa haybad aan la hormari karin, waa quwad aan la loodin karin, waa magac aan muran la galin karin oo aan marna la qaybin karin, waa jiritaan aan laga jeedin karin jihada uu rabo, waa sharaf aan shaki lakalin karin. Midnimadu waxay tahay macanaheeda “xoog, xoolo iyo xikmad” waxaan haysano inay mid yihiin si aan umaarayno dhamaan waxii dhib ah oo inasoo wajaha gudaha iyo... 

84 Sano oo Sabar & Dadaal ah Maxay Dhaliyeen ????

Jun 18, 2012
AL-Akhwaanul Muslimiin             Horudhac: waxaa laga joogga 84 sano markii Shiikh xasan Al-bannaa uu  ku aasaasay xarakada AL-Akhwaanul Muslimiin 1928, magaallada AL-ismaaciiliyah . waxay jamaacadu soo martay marxalado fara badan oo intooda badan loo adeegsaday Dilitaan, xiritaan,jir dil ,musaafirin iwm. waxaa ugu horeeyey oo feb,11,1949 la dilay shiikh xasan Al-bana,waxaa ku xigay oo... 
Halkudheg:

Soomaaliya Uma hogaansameyso Siyaasada Ethiopia ee Ku Dhisan Xooga Milatari

Jun 18, 2012
Soomaliya waa dal aan lahyn dowlad Rasmiya taasna waxey keentay in wadamada deriska ay xoog ciidan ku soo farageliyaan arrimaha gudaha Soomaaliya. Ujeedada faragelintoodu waa mid ku dhisan iney hogaanka siyaasada Soomaaliya taladeedu ka timaado Addis Sababa ama Nairobi. Waxaa muuqata in isku daygaas ay u rukuuceen madax goboleedyo iyo kuwa ka tirsan dowlada dhexe. Shacab weynaha Soomaaliyeed marna... 

C/weli Gaas “khilaafaadka la isku heysto oo ah Odayaasha sax ma ahan…”

Jun 18, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ”Haddii aad Tihiin Odoyaasha Dhaqanka Masiirkii Ummada ayaa Gacantiina ku jira, Waqtiga waa Ciriiri ee Dedejiya Ansaxinta Dasuurka” Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz oo ah Ra’iisul Wasaaraha dawladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa manta la kulmay odoyaash Dhaqanka ee uu shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynba war bixino ka dhagaystay... 
Halkudheg:

Xildhibaan Suleymaan oo sheegay in Shiikh Shariif uusan laali Karin Qodobo ka mid ah Axdiga

Jun 18, 2012
Iyadoo maalinimadii shalay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dawladda ku meel Gaarka SoomaaliyaM Shiikhj Shariif Shiikh Axmed uu ku Laalay qaar ka mid ah Qodobada Axdiga ku meel gaarka ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka ku meel Gaarka Soomaaliya. Xildhibaan Suleymaan Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegey in Madaxweyne... 
Halkudheg:

Hoggaamiyaha Xarakada Shabaab Fariin uu soo direy ku Sheegay Inaysan Dagaalka Joojineyn inta AMISOM ay ku Sugan Yihiin Gudaha Soomaaliya.

Jun 18, 2012
Shiikh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr Hoggaamiyaha Guud ee Xarakada Shabaab oo Cod Maqal ah soo dhigay Barta Internetka ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconaya Soomaaliya. Abuu Zubeer ayaa sheegey in Dalka Muslimka ah ee Soomaaliyeed ay ku soo Duuleen Cadowga islaamka oo ay Hoggaaminayaan Xukuumadaha Maraykanka iyo Itoobiya.Soomaaliya ayuu sheegey Amiirku in ay tahay Dal lagu soo duuley ha yeeshee... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...