Home » Archive Maalinta June 3rd, 2012

Xisbiga SSUP oo soo dhaweeyay go’aanadii shirarka istanbuul iyo Addis-Ababa

Jun 3, 2012
Hogaamiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP Mudane Yaasiin Maaxi Mo’alim oo ah musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii beesha caalamka ee shirkii Istanbul II isagoo ku amaanay dowladda walaalaha ah ee Turkiga in Dowr-lama ilaabaan ah ka istaagatay arinta la xariirta sidii Soomaaliya looga samata bixin lahaa xiliga KMG Musharax Yaasiin Maaxi oo warbaahinta... 
Halkudheg:

Odayashii Dhaqanka ee ka qayb galay Shirkii Istanbuul oo ku soo laabtay Muqdisho

Jun 3, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa tibaaxay in Muqdisho ay ku soo laabteen Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Istanbuul kaga soo qayb galay shirka. Hoos ka akhri warsaxaafadedka: Halkan ka daawo sawirada soo dhaweynta Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Muqdisho, June, 03, 2012———- Ku simaha... 
Halkudheg:

Damaca Siyaasada Turkiga Lama Aqbali Karo

Jun 3, 2012
Qarnigii 15aad dowladii Turkiga waxey xukunkeeda ku maamuleysey xeebta Zeylac ilaa gobolada Harar iyo Shawo oo ay ku nooleyeen abayaasheeni Soomaaliyeed. Dowlada Turkiga uma sameyn Soomaalida iney iyagu ismaamulaan, waxeyse door biday iney wadankeeda kala timaado dad u dhashay wadankeeda oo Soomaalida maamula. Dowladii Turkiga waxey Soomaalida ku soo gashay degaankooda qaab diimeed salka ku haya beerlaxawsi... 
Halkudheg:

Tacsi: Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi iyo Sh. Xasan Xabeeb

Jun 3, 2012
Tacsi: Sh. Ismaaciil Xaaji Cabdi oo saaka June 3, 2012 ku geeriyooday shil gaari isaga oo maraya magaalada Huddisa, kuna sii jeeday Hargeysa iyo Sh. Xasan Cali Maxamed (Sh. Xasan Xabeeb) oo saaka ku geeriyooday xaafadda Shiirgole ee magaalada Muqdisho, Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah oo ka tacsiyeynaysa geeridii Ismaaciil Xaaji Cabdi إنا لله وإنا إليه راجعون “إن... 
Halkudheg:

Madaxweynaha DFKMG oo Warbixin ka siiyey Shirkii Stanbul Madaxweynaha Tanzania.

Jun 3, 2012
iyo Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Cambaareyna u soo Jeedisey Maamulka Soomaaliland —  Warbixin Tanzaniya: Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee ka qayb galay Shirkii Istanbul ayaa iminka soo gaaray Magaalada Daara salaam ee Dalka Tanzaniya. Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa markii ay halkaa gaareen waxaa halkaa... 
Halkudheg:

Fadeexad ka soo shaac baxday qaabkii loo xulay xubnihii reer Minnesota uga qaybgalay Shirkii Istanbul

Jun 3, 2012
Waxaa soo shaac baxay in qaab musuqmaasuq iyo isdaba maryayn ah loo maamulay qaabkii lagu soo xulay xubnihii qurbajoogga reer Minnesota uga qayb galay shirkii dhawaant alagu soo gabagabeeyey Istanbuul… Ka daawo Video  Read More →
Halkudheg:

Aqoonyahanka Hussein Khalif X. Jaamac oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa

Jun 3, 2012
Aqoonyahanka Hussein Khalif X. Jaamac ayaa xalay oo tariikhdu ahayd 31/05/212 kaga dhawaaqay musharraxanimadiisa xilka madaxweynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga. Halkan ka eeg sawirada …. Xafladda aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay hotel ku yaal bartamaha magaaldaas oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyada soomaliyeed ee wadankaas ku dhaqan kuwaasoo... 

Tartanka Dugsiyada Kubbadda Gacanta oo furmay

Jun 3, 2012
Markii ugu horeysay muddo dhowr sanadood ah ayaa ardayda soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdsiho waxaa ay ku tartamayaan cayaarta kubada gacanta oo ka dheceysa garoonka arradan ee 1-da Luulyo Ex 21-ka October ee ku yaala degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho. Tartanka ayaa si rasmi ah u furmay shalay galab wuxuuna socon doonaa muddo 2 todobaad ah sida masuuliyiintu ay sheegeen. Dhalinyaro... 
Halkudheg:

Natiijooyinka Ciyaarihii ugu Dambeeyay Tartanka Soomaalida Jeddah

Jun 3, 2012
Ciyaaro ka tirsanaa Tartanka Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha kala ah: Jubba Airways VS Midnimo sidoo kale waxaa wada kulmey kooxaha Sharbatle Ajax iyo Xiddigaha Kakane . Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey kooxaha Jubba Airways iyo Kooxda Midnimo . Ciyaartaasoo ciyaar adag oo ilgaar ah... 
Halkudheg:

Baaqii Gabogabada Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America ee Sanadka 2012ka

Jun 3, 2012
الرحمن الرحيما الله بسم Minneapolis, Minnesota Ilaahay ayaan ku mahadinaynaa nagu guuleeyey guul inuu ku soo dhamaaday shirkii 11aad ee golaha imaamyada waqooyiga America oo sanadkan lagu qabtay Masjidk Abubakar As-saddique ee magaalada Minneapolis Minnesota. Goluhu wuxuu u dardaarmayaa jaaliyaadka muslimka ee Soomaaliyeed ee dibadda iney diintooda qabsadaan masaajidda iyo imaamyada... 
Halkudheg: ,

Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land | Cali Baadiye

Jun 3, 2012
Qoraalkaan la magacbaxay Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land qaybtiisii kowaad haddaan intaas uga gudubno, maanta waxaa nala habboon inaan si kooban u eegno Aayaha Punt Land halkuu u jiheysan yahay, annagoo ka ambaqaadayna maamulka xilka inoo hayaa siduu wax ku wado, siduu moodayo inuu reer Punt Land ka yeelikaro, siduu ugu talogalay inuu aragtidiisa oo keliya ku meelmariyo, sida damacu u tusay... 
Halkudheg:

War-saxaafadeed ay soo saareen Beelaha Digil Mirifle.

Jun 3, 2012
Maanta oo bisha Juun tahay 2da 2012 ayaa waxaa shir isugu yimid magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga Malaaqyada, Salaadhiinta, Waxgaradka iyo bulshada rayidka ee beelaha Digil Mirifle (DM). Ka soo qeyb galayaasha shirka oo kor u dhaafay 70 ayaa waxay ka wada hadleen natiijooyinkii ka soo baxay shirka Istanbuul ee dowlada Turkiga u qabatay Soomaaliya iyo dhibaatooyinka hor yaal beelaha DM. Shirkaas... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...