Home » Archive Bisha November, 2014

Go’aan Uu Guddoonka Baarlamaanka Ku Shaaciyey Xiliga Ay Bilaabanayaan Kulamadii kalsooni kala laabashada Ra’iisul wasaaraha

Nov 30, 2014
Qoraal ka soo baxay guddoomiyaa baarlamaanka DFS ayaa tibaaxay in 2da December 2014 la qaban doono kulanka gudagalka ajandaha Mooshinka kalsooni kala noqoqshada ra’iisul wasaaraha, waxaana ka doodista iyo go’aan ka gaaristana la soo gababayn doonaa Sabtida 6da December 2014. Halkan ka akhri go’aanka guddoomiyaha baarlamaanka GUJI Go’aan Uu Guddoonka Baarlamaanka Ku Shaaciyey Xiliga... 

Aragtida Caqliga: Asalkeeda, Astaamaheeda iyo Aafooyinkeeda.

Nov 29, 2014
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig) xiddig@gmail.com Waa nimco iyo naxariis Alle uu siiyo aadamaha. Waa hadiyad uu u hibeeyey dadka oo dhan. Waa deeq iyo darajo uu siiyey muslim iyo gaalba. Waa fadli iyo faa’iido ay dheeryihiin inta kale uu Alle abuurey. Waxaa lugu bartaa cilmiga. Ka dibna jahligaa looga baxaa. Waxaa lugu gartaa wanaaga. ka dibna wadadiisaa lugu raacaa. Waxaa lugu ogaadaa xumaanta.... 
Halkudheg:

Xisbi Siyaasadeed oo uu Hormuud u yahay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho oo looga Dhawaaqey Muqdisho.

Nov 27, 2014
Tarsan “Xisbgaan Koox Gaar ah ma laha , Qabiil gaar ahna ma laha, waxaa Xisbi ay u Dhan yihiin Ummada Soomaaliyeed” Iyadoo Sannadka 2016 la filayo in Soomaaliya laga qabto Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, oo ay ka qayb geli doonaan Xisbiyada Siyaasada Dalka ayaa waxaa Maanta oo ay Bishu tahay 27 -11-2014 Magaalada Muqdisho looga dhawaaqey Xisbi SIyaasadeed oo loogu Magacdarey Xisbiga... 

Afkaaga Hooyo Waa Hodan ee Hor Mari!!

Nov 26, 2014
Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqaddaha Geeska Afrika kuwa ay ku Hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaano aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya waana luuqad mudan in la hor mariyo . xigasho cuttubkan Qoraa Axmad haybe.. Luuqaddu waxay ka mid tahay Nimbcooyinka Alle ugu deeqay Bini‘... 

Qaar ka mid ah Wasiirada ku dhow Madaxweynaha oo la filayo in ay iska Casilaan Xilalkooda.

Nov 26, 2014
Iyadoo weli uu taagan yahay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed, waxaana Khilaafkaan uu sii Xoogeystey ka dib markii Xildhiaanada Baarlamaanka ee Taageersan Raiisul Wasaaraha ay markii Saddexaad ay Fowdo ka sameeyaan Kalfadhigii Baarlamaanka taasoo ay si aad ah uga Caroodeen Gudoonka Sare ee Baarlamaanka... 

Kulankii Baarlamaanka oo Markale Lagu Kala dareeray

Nov 24, 2014
Iyo Go’aan Kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – iyo warmurtiyeed uu soo saaray ra’iisul wasaaraha DFS sheegayna (“Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”) – Waxaa markale socon waayey kulankii baarlamaanka ee la doonayey in cod loo qaado kalsooni kala noqoshada ra’iisal wasaaraha DFS. Waxaa arrintaas... 

RW. Cabdiweli: “Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016”

Nov 24, 2014
War-murtiyeed Muqdisho, 24, November, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, oo caawa war- murtiyeedeed uu ka soo saaray xaaladda dalka uga waramay marxalada siyaasasadeed ee hadda taagan, caqabadaha uu mooshinku ku keenay hiigsiga 2016, iyo kala qaybsanaanta uu ka dhex abuuray golaha shacabka. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey saxaafadda... 

Mooshinka Xaqdaradda Ah Waa Mid Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud Iyo Xulufadiisu: Uga Soo Horjeedaan ‘Xisaabtanka Iyo Geedi Soconka Nabada’

Nov 23, 2014
Dulucda arimaha la isku haysto Soomaaliya, waxaa abuuray ama sii horinaayo – waa hugriga wayn ee uga jira shisheeyaha deegaanka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa oo leh dhul istaraajiyadeed oo Bad, Beri iyo Cir ka hodana ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa QurboJoogta Waqooyiga America isla dhexmarayaan, in Wasiiro ka tirsan Xukuumada Prime Minister Abdiweli Sheik Ahmed, oo ay ugu horeeyaan: Wasiirka... 

Madaxweyne Xassan ma noqon doonaa Mursi-gii Soomaaliya?

Nov 23, 2014
Markaad eegto cinwaanta qormadan waxaa laga yaabaa inaad istiraahdo:  maxaa Mursiga Masar iyo Madaxweyne Hassan iska galay? mase yihiin laba masuul oo la isku masaali karo? Jawaabtoo kooban waa haa, maxaa yeelay labada masuul sifooyin ay wadaagaan oo badan ayaa jira sida inay labaduba labo dal oo Africaan/Muslim ah madax ka noqdeen, inay labaduba salka ku hayaan ama ka duulayaan ahdaafta Xarakada... 

Xildhibaanada Baarlamaanka laba arrin mid ha doorteen

Nov 23, 2014
Yaabka Yaabkiisa horta Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha maxaa ka dhaxeeya, waxaase ka daran oo la yaab leh maxaa ka dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka waa tan ay kala raacen ama ay laka safteen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waa arrin layaab leh waxaan la dhihi karaa meesha wax dan guud ah ma talo. Xildhibaanada Baarlamaanka laba arrin mid ha doorteen : Tan kowaad in ay Xidhibaanda... 

Xildhibaanno: Ma aqoonsan doono Natiijada ka soobaxda Baarlamaanka

Nov 23, 2014
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeeda Mooshinka oo sheegey in aysan aqoonsan doonin Natiijo kasta oo ka soo baxda Kulan baarlamaanka. Waxaa la filayaa in Maalinta Isniinta oo ku beegana 24 November 2014 lagu Balansan yahay Kulankii Baarlamaanka kaasoo la sheegey in looga hadli doona ama lagu qaybin doono Mooshinkii looga soo horjeedo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka... 

Ma Ilaashan Karnaa Hanaankeena Dawladnimo ee Curdanka ah?

Nov 23, 2014
Bishii Julay 1960 ayeey ahayd markii Soomaaliya ay hanatay nidaam dawladeed oo madaxbanaan, kaasoo ay ku lug lahaayeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen golihii wisaayada ee qaramada midoobay, maamulkii wisaayada ee Talyaaniga, golihii la talinta oo ka koobna diblomaasiyiin ka kala socday Masar, Kolombiya iyo Filibiin, xisbiyadii siyaasadeed, maamulkii daakhiliga ahaa, iyo dhinaca waqooyiga... 

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo Xubnaha Baarlamaanka ee kasoo horjeeda mooshinka ayaa ku dhamaadey is afgaranwaa

Nov 22, 2014
Iyo Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka oo ku hanjabey in Maalinta Isniinta ay halkii ka sii wadi doonaan Heestii Somaaliyeey Toosa. Iyadoo Weli uu taagan yahay Khilaafka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed kaasoo soo jiitamayey muddo ku dhow Laba bilood, waxaana Khilaafkaas uu sababay in Gabi ahaanba ay istaagaan dhamaan Howlahii... 

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS

Nov 22, 2014
“Horumarku wuu sii soconayaa, iyadoo mudnaantu tahay Hiigsiga 2016, tanoo ah danta Soomaaliya” Mogadishu, November 22: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa shalay ku soo laabtay Muqdisho ka dib markii ay ka qeybgaleen shirkii Heerka Sare oo lagu qabtay caasimada Copenhagen ee dalka Denmark. Waa inaan dib u jaleecnaa shirkii... 

MAXAA KA RUN AH INUU FASHILMAY INDHA SARCAADKII TURKIGU KA WADAY MUQDISHO

Nov 22, 2014
Shirkadaha Turkiga ee u soo shaqo tegay magaalada Muqdisho ayaa ku fashilantay howlihii ay ku dayactirtay rubuc ka mid ah waddooyinka Muqdisho, kaddib roobab xoogan oo muddo ku dhow hal saac ka da’ayay magaalada ay burburiyeen inta badan meelihii ay dib u hagaajiyeen. Waddooyin fara badan oo ku yaala xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa gooyay roobab xoogan, kaddib markii daadadkii ka dhashay roobabkaasi... 

Shan Qof oo Soomaali ah oo Koonfur Africa lagu dilay Todobaadkani iyo cabsi kale oo jirta Warbixin – Daawo Video

Nov 22, 2014
Shan Qof ayaa lagu dilay Koonfur Africa Todobaadkani taasi oo walwal hor leh ku abuurtay ganacsatada Soomaalida, laba ka mid ah ayaa lagu dilay hal dukaan oo ku yaala tuulada Nashville ee magaalada Port Elezabeth ee Gobolka Eastern Cape halka laba kale iyagane lagu dilay Tuulooyinka Mashashaani iyo Blad Riva ee magaalada Pologwane ee Gobolka Limpopo halka midka kale isagane lagu dilay tuulo hoos timaada... 

Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed oo Xustey Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21 November.

Nov 22, 2014
Xaflad lagu Maamuusayey Maalinta macalinka Soomaaliyeed 21 November uuna soo qaban qaabiyey Shabakada Macalimiinta Soomaaliyeed STN (Somali Teachers Net-work ) ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho, waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Macalinmiin, Daladaha Waxbarashad, Hayadaha Samafalka, Bulshada Rayidka , Ardey,Ganacsato iyo qaar ka mid ah Macalimiintii hore . Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley... 

(Dugsi kamida Dugsiyada Quraanka ee Hooyo oo laga furay Magaalada  Gaalkacyo)

Nov 22, 2014
(Jamciyada Hooyo oo Dugsi Cusub ka furtay Gaalkacyo) 21.11.2014 Gaalkacyo Jimciyada hooyo oo kashaqaysa Arimaha Khayriga ah ayaa xarun cusub oo lagu baranayo quraanka kariimka ah kafurtay  xaafada garsoor ee magaalada galkacyo gaar ahaan agagaarka masjidka ramadaan. Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen hugaanka jimciyada hooyo , maamulka mu asasada al, minhaaj , dhalin yaro haween... 

Xulashada Jimcaha: Dhalanteed – maaso dhaxalgal ah

Nov 21, 2014
Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa mid hoodo gaar ah u heshay suugaan hodan ah iyo hal-abuurro ay haybaddooda wax curintu aad u heersarreyso. Hal-abuurradaasi xilli kasta oo ay joogeenba waxay ahaayeen kuwo ummaddooda la garabtaagan; duco,dardaaran iyo digniinba. Hayeeshee, nasaniibdarro, waxaa dhanka kale Soomaalida lagu tilmaamaa dad aysan ku duxin duruusta lagu dul akhrinayo. Dul iyo hoosba... 
Halkudheg:

Xildhibaano ka noqday Motion-kii – madaxwayne Xasana baaq u jeediyey

Nov 20, 2014
Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, xubnaha golaha Shacabka ee kasoo horjeeda Mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda F. Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu faraha kala baxo shaqada Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka Qaran ee laga sugayo. Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay tiro Xildhibaano ah oo horey... 

WARMURTIYEED – Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare – COPENHAGEN 19-20 November 2014

Nov 20, 2014
1. Shir sannadeedkii ugu horeeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ayaa lagu qabtay magaalada Copenhagen inta u dhexeysay 19 iyo 20 November, waxaana wada-shirguddoomiyay Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay, waxaana martigelisay Dowladda Denmark. 2. Waxaa madasha shirka ku kulmay 56 wefdi (oo isugu jira dowlado iyo ururraba)... 

Al-Minhaaj- Maxaadaro kusaabsan Danbiyada Waawayn oo lagu qabtay Gaalkacyo

Nov 20, 2014
Muxaadaradaani oo lagu qabtay Masjidka Ramadaaan ee Xaafada Garsoor ayaa loo qabtay Bulshada qaybaheeeda kala duwan waxaana ay Masaajidka kabilabatay Salaadii Makhrib kadib. Muxaadarada ayaa waxaa soojeediyay shiikh cabdicaziiz axmad aadan (garwayne) wuxuuna aad ugu dheeraday shiikhu kahadalka danbiyada waawayn sida shirkiga, beenta, ribada, dilka, dhaca, boobka iyo sinada. Shiikh cabdicaziiz wuxuu... 
Halkudheg:

Dalladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo ka digtay Cabudhinta Saxaafadeed ee Itoobiya ku hayso Ogaadeenya

Nov 19, 2014
Warbaahinta Qorahay Media oo mudo dheer hawada ku soo jirtay la aasasay sanadkii 1999, waxaa loo aasasay kadib markii ay muuqatay baahida saxaafadeed & sida Ogaadeenya aysan uga jirin wax saxaaafad ah xukuumadda Itoobiyana ay ka mamnuucday guud ahaan saxaafad oo qofkii loo maleyaa in uu aqoon leeyahay lagu tuuro xabsi kuwo badana ka soo carareen. Warbaahinta Qorahay Media waxay leedahay Yool &... 

Mar haddii uu Ra’isulwasaaruhu lumiyey kalsoonida sow ma haboona in uu iscasilo ?

Nov 19, 2014
Mar haddii uu Ra’isulwasaaruhu lumiyey kalsoonida Madaxweynihii soo magacaabay iyo Baarlamaankii ansixiyey sow ma haboona in uu iscasilo? Waxaa meel xun marayo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra’isulwasaarihiisa, ka dib markii uu midba midka kale ku eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka, islmarkaana uu faraha la galay shaqo aanu lahayn.Khilaafkan ayaa noqday kii... 

Radio Muqdisho iyo Khilaafka Madaxda Dowladda.

Nov 19, 2014
Raadiyo Muqdisho waxaa la Aasaasay 1950-kii, tan iyo waagaas waxaa uu soo maray marxalado kala gedisan oo waxaa maamulayey dowlado iyo Xukuumado kala duwan, waxaa kaloo maamulay qaar ka mid ah Hogamiyaashii Magaalada Muqdisho sida Cali Mahdi iyo Janaraal Caydiid. Siyaasadda lagu hago Radiyo Muqdisho waxaad moodaa iney ahayd mid la isu meerin jirey, waxaan ka wadaa waxa uu had iyo jeer daacad u ahaan... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...